SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MUQDISHO

 

Warar: Jimce: April 21, 2006

  • Hotel Waamo oo ay Shir ku yeesheen Beesha Sade ee ku Dhaqan Magaalada Muqdisho
  • Afhayeenka Isbahaysiga la baxay la dagaalanka "Argaggixisada oo sheegay in aysan wax dagaal ah soo wadin

Hotel Waamo oo ay Shir ku yeesheen Beesha Sade ee ku Dhaqan Magaalada Muqdisho

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan salaadiinta ,ugaasyo ,xildhibaano ,aqoonyahano,culimo.udiin , dhalinyaro iyo waxgarad ka tirsan beesha Sade (mareexaan) ee ku dhaqan magaalada muqdisho iyaga oo kaga arinsanayey sidii qeyb wax ku ool ah looga siin lahaa maamulka gobolka Banaadir.

Sida lawada og yahay dalka Somaliya waxaa ka dhacay burbur, burburkaasoo sababay inuu meesha ka baxo adeegii qaranku u qaban lahaa umadda, sida nabad gelyada, caafimaadka, wax barashada, dhowrista deegaanka iyo wixii lamid ah.

  

Ugaas Maxamed weli Sheekh Axmed oo ah ugaaska beesha Sadde ee G/banaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay sida loogu baahan yahay in beeshaasi ay uga qeyb qaadato gacana u siiso maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo uu madax u yahay guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Xasan Cali Cadde (Gaaboow), isagoo ka mahad celiyey gurmadkii ay shacabka ku dhaqan G/banaadir u fidiyeen walaalahood ku dhaqan gobolka Gedo ee abaaruhu ay waxyeeleeyeen marka laga reebo buu yiri hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo uu sheegay in waxtar ay u geystaan iskaa daaye ayba caqabad ku noqdeen gurmadkii loo fidinayey dadkaasi.

Kulan soconayey muddo 7 maalmood ayna isugu yimaadeen odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta, culumaa’udiinka, aqoonyahanka, dhalinyarada beesha Sadde ee ku dhaqan G/banaadir oo tiradoodu ay gaareysay ilaa 80 xubnood ayaa maanta lagu soo geba-gabeeyey Hotelka Waamo (3) ee magaalada Muqdisho. 

          Haddaba beesha sade oo kamid ah beelaha waaweyn ee Somaliyeed qeybteda gobolka Banaadir waxay muddo ku dhex jirtay  dhibaatooyin badan iyo maamul la’aan soo jiitameysay.

Haddaba shir ay yeelatay Beeshu waxay go’aansatay inay dhisato gudi dhaqan oo beesha mas’uul uga noqda Gobolka banaadir. 

Ujeedada laga leeyahay gudiga waa inuu u adeego kana bixiyo beesha dhibaatada maamul la’aaneed ee ay in badan kusoo jirtay gudigaan oo ku meel gaar ah ayaa howshiisa waxay noqon doontaa inuu qaban qaabiyo doorashada beesha Sade ee soo socota iyo inuu xaliyo intii karaankiisaa dhibaatooyinka beesha, isla markaaana uu u sii adeego Beesha inta laga gaarahayo shir weynaha guud. 

Habka Doorashada Iyo Shuruudaha Musharaxiinta 

            Doorashadu waxay noqoneesaa mid xor ah oo codka lagu kala baxaayo shuruudaha laga doonayo musharaxiintu waa:- 

Waa inuu gaaray da’da 40 isla markaasna uu yahay nin fayoow.

Waa inuu leeyahay aqoon diineed iyo mid maadiya cadaaladna lagu yaqaayo.

Waa inuu yahay nin karti leh go’aana qaadankara waqtiga hadda lagu jiro isla markaasna uu lee yahay caqli saliim ah iyo wadaniyad.

N.B. shirkani wuxuu ugu baaqayaa qof kasta oo kamid ah beesha Sade inuu ka qeyb qaato horukaca, wax qabadka iyo hurumarka dhabta ah ee ay rabto inay ku talaabsato beeshu hadii alle idmo. 

Magacyadda G.K. ee Beesha Sade:-
 

  • Sh. Bishaar Aadan Buule    Guddoomiye

  • Nabadoon Faarax C/laahi Jaamac (timir)  Guddoomiye Kuxigeen

  • Sh. Cumar Aamiin                          Guddoomiye Kuxigeen labaad

  • Nabadoon Xasan Cabdi Maxamed

  • C/waaxid Axmed C/laahi

  • C/naasir Sh. C/dule

  • C/laahi Sanay

  • Maxamed Axmed Shuuke

  • Cismaan Yaroow Hiirat

  • Daahir Xanaf

  • Nabadoon Guuleed

Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa waxaa hadalo wax ku ool ha kasoo jeediyey ugaaska beesha sade  ugaas maxamed weli ugaas axmed nuur  oo u mahad celiyey gudiga gurmadka abaaraha soomaaliyeed  iyo dhamaan saxaafada oo doorkeeda kaga aadan ka qaadatay xaalada abaaraha ee gobolka gedo iyo gobolada kale ee konfureed. 


Kulan saxaafadeed ka dhacay deegaanka Dayniile ayaa waxaa qabtay afhayeenka isbahaysiga lamagac baxay soo celinta nabadda iyo ladagaalanka argagixisada Mudane xuseen guutaale rooble

Afhayeenku wuxuu sheegay in isbahaysigan la magac baxay nabad soo celinta iyo ladagaalanka argagaxisada uusan wax dagaal ah soo wadin, maadaama ay jiraan warar badan oo magaalada la isla dhex marayo oo sheegayana in dagaalo ay abaabulayaan isbahaysiga, waxaa kale oo uu sheegay afhayeenku in  shacabka iyo isbahaysigaba ay ka difaacayaan haddii la soo weeraro, cid allaale cidii soo weerartaba. laakiin haba yaraatee wax dagaal ah oo isbahaysigu og yahay in aysan jirin, lagana foojignaado wararka iyo barnaamijyada argagixisada, shacabkuna ha iska qabtaan kuwa wadooyinka xirxiraya oo iyagu haddii aysan dagaal jirin moodaya in ay baaba’ayaan.


 

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay afhayeenku in ay magaalada muqdisho joogaan rag ajaanib ah oo ku dhex dhuumaalaysanaya dhowrka nin oo uu ku sheegay argagixisada, waa siduu hadalka u dhigaye, wuxuuna iska fogeyey in isbahaysigu uu marnaba shacabka dagaal u horseedi doonin, balse haddii la soo weeraro ay difaaci doonaan shacabka iyo isbahaysigaba. 

Afhayeenka Isbaheysiga la baxay soo celinta nabada iyo la dagaalanka argagaxisada Xuseen Guutaale Raage ayaa la weydiiyey in ciidamo cusub la dejiyey agagaarka taaladii sayidka wuxuuna iska fogeeyey isaga oo yiri “ Ma jiraan ciidan cusub oo la geeyey meelo ka mid ah magaalada, xarunta Otto-ottona waxaana jooga ciidankii ururka USC oo horey weligoodba halkaa u fadhiyey howsha ay qabtaana waxay tahay inay sugan amaanka deegaanadaas” ayuu yiri Guutaale.

   
Saxaafada oo ku xoonsan Xuseen Guutaale 

Si kastaba ha ahaatee shir saxaafadeedkan oo ka dhacay deegaanka dayniile ayaa noqday shir saxaafadeedkii ugu saamaynta ballaarnaa beryahan ka dhaca magaalada muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dhammaan saxaafadda madaxa bannaan.

Muuse Maxamuud Jisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2006

DAAWO video: Barnaamijkii NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkas oo TV-ga ka baxay May 7, 2004]