SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMIIN YUUSUF

Warbixin ku saabsan Saraakiisha Maleeshiyooyinka Beeelaha Sacad iyo suleymaan siminaar uga furmey Gaalkacyo

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Waxaa shaley ka furmay Magaalada Gaalkacyo eegobolka Mudug, wada-tashi nabadeed iyo tababar wacyi-galin ah oo loo furay hogaamiya Miliishiyeed-beeleedka Mudugiyo Gal-gaduud oo ayagu muddo labo sano ah ku dagaalamayay deeganadda Mudug iyo Gal-gaduud. Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo ay si toos ah hogaamiya Kooxeedyadu milishiyaadku ay isaga horyimaadaan iyadda oo aan lagu kale dhex jirin. Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Barista iyo Wada-tashiga ?Somaliyeed (CRD), waxaa uu qayb ka yahay howlaha dib-u heshiisiinta oo ay Hay”adda iyo qaar ka mid ah mas”uuliyiinta dowladda ku meel-gaarka ay ka wadeen degaanadaasmudo ku dhaw sadax bilood ah. Gogosha waxaa dhigay dhalinyarada iyo odoyaasha koonfunta Gaalkacyo. Iyaga oo muujinaayo kalsoonida ay ku qabaan nabadda la gaaray ayaa hogaanka milisheeydka beesha reer Suleeymaan ay yimaadeen Magaalada Gaalkacyo ? iyaga oo aan wadan wax hub ah ama ilaalo ah. Arintaan waxaa ay kor u qaaday dareenka iyo kalsoonida labadda beelood, sidoo kale waxaa ay saartay shakiga ahaa in uu dagaalku dib u bilaaban karo. Dhamaan dadka deegaanka koonfurta Gaalkacyo waa ay ka qayb-qaateen soo dhaweeynta walaalahooda ka yimid Gal-gaduud iyo Mudug. Kulankaan oo socon doono mudo shan casho ah waxaa hogaamin doono Saraakiil ka tirsan Xarunta Cilmi Baarista iyo wada-tashiga (CRD), iyaga oo bixin doono casharo la xiriira nabadeeynta, ka hortaga colaadaha iyo sii xoojinta

nabadda ay labada dhinac ku tilaabsadeen. Inta uu socda, tababarku waxaa ay ka qayb-galaashu ka wada tashan-doonaan sidii nabadda loo sii adkeeyn lahaa iyo isla meel dhigida qorshaha wada-tashiga labadda Miliishiyoo Inta uu socda tababarka, waxaa Xarunta CRD ay sidoo kale ku soo bandhigo doontaa Filimo iyo Domumenteries ku saabsan dhibka colaadaha iyo kaalinta milishiyadu ka qaadan karto dib u dhiska deeganadii ay iyagu burburiyeen. Furitaanka kulankan taariikhiga ah waxaa ka hadlay Madaxa Xarunta Cilmi Baarist yo Wadatashiga (CRD), Jabril Ibraahim Abdulle, waxaa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dad walaalo ah oo dhowr asbuuc ka hor cadow isku ahaa in ay maanta ka wada tashanayaan nabadda iyo sii xoojinteeda. Jabril waxaa kaloo uu tilmaamay in ayan ahayn arin sahlan in labo kooxood oo iyagu qayb ka ahaa amaba horseed ka ahaa dhimashadda dad gaaraya $500 oo qof, in ay meel-ku-wada kulmaan oo ay wada hadlaan. Jabril waxaa uu sheegay in ay nabaddu u baahan tahay GEESIYAAL, ma aha ayuu yiri, dagaalka kaliya in uu u baahan yahay GEESIYAAL, waxaana maanta muuqata ayuu yiri in aad ?tihiin geeseyaal nabadeed? Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankaas Gudoomiyaha koonfurta Mudug Mudane Iimaan iiroow, oo sheegay in kulankan uu markhaati ka yahay sida labada beelood ay uga go”an tahay in ay adkeeyaan nabadda, colaadna laga gudbay.Hogaamiyayaasha milishiyeedka ka qayb-galay kulankii waxa ka muuqatay farxad iyo dareen nabadeeed, mid ka mid ah ka qayb-galay dagaalkii

sokeeye ayaa sheegay in markii ugu horeesey mudo labo sano ku dhaw in uu qoslayo. Waxaa uu yiri ?waxaan wax ka aasay saaxiibadeey, walaaladeey iyo qaar ka mid ah eheladeeda hoose, ma doonayo in aan maalin kale ka qayb-galo dagaal, waxaan rabaa in aan noqdo ganacsade dadkiisa caqliga ugu adeego?

Sidoo kale hogaamiye kale oo isna ka hadlay kulanka ayaa yiri ? 750 Km waxaa uga imid in aan la dagaalo walaalkeey, ma qeexi karoi sababta keentay inaan dagaalku dhaco, laakiin waxaan hadda balan ku qaadayaa in aanan ku noqon? Kulanka Milisheeydka waxaa isna daba socon-doono kulamo koo-kooban oo loo qabandoono odoyaasha beelaha kaa, soo loogu magac-daray ?Geed-Yare? oo ujeedadiisu tahay in ay jufooyinka hoose ay ka wada hadlaan arimaha xasaasiga ah ee dagaalka keenay amaba salka u noqday inta aanan la gaarin kulanka weyn ee Geed-Weyne? oo isagu ka dhici doono magaalooyinka Caddaado iyo Gaalkacyo Bartamah Bisha May iyo horaanta Juun ee sanadankan. Kulankaas waxaa ka soo qayb gali doono in ka badan 200 oo qof oo odoyaal ah kuwaas oo ay ku jiraan ugaasyo, malaakhyo, boqoro, garaadyo, islaamo iyo waxgarad ka kala socda qabiilada Soomaaliyeed dhamaantood. Ujeedaduna waxaa ay tahay in ay markhaati ka noqdaan go?aanka labada beelood. Kulamadaas waxaa iyana bar-bar socda tababaro iyo wacyi galin ay xaruntu ka wadodeeganada gal-gaduud iyo Mudug iyo warbxino la siinayo caalamka deeqaha Bixiyo si ay u caawiyaan deeganada Mudug iyo Gal-gaduud nabaduna u sii adkaato. Xaruntu iyada oo kaalmeeysanayso xarunta la mataanaysan ee WSP International iyo PDRC, waxaa ay bishii April 13 keeda ku qabatay magaaladda nairobi kulan lagu martiqaaday hay?adaha caalamka ee Soomaaliya daneeya si ay ula socdaan geedi socodka nabadda ee degaanada Mudug iyo Gal-gaduud, gaba-gabadii kulankaas waxaa ay hay”aduhu balan qaadeen in ay taageerayaan deegaanadaas inta uu socdohowlaha geedi s ocodka nabadda. Sidoo kale waxaa ay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay kaalmo ka geystaan taaba-galinta qodobada ka soo baxa shirka. Waxaa muuqatada in geedi socodka nabadda ee degaanada Mudug iyo Gal-gaduud ay noqondo-doonto mid lagu guuleysto. Dadka ku dhaqan deeganada Mudug iyo gal-gaduud waxa ay hal-qabsi ka dhigteen ?waa a ynagu raagtay? , Deegaanka Mudug iyo Gal-gaduud, waa deegaankii ugu horeeyay oo ay colaadaha

sokeeye eeSomaliya ka bilaawdeen sanadadii 1978-79, waxana la isku raacsan yahay indhibaatooyin badan ee ka jira guud ahaan Somaliya ay asal u tahay colaadaha ka jira gobololadda Mudg iyo Gal-gaduud. Waxaan shaki ku jirin in fududeeynta amaxal-u helida Mudug iyo Gal-gaduud ay furi doonto waji cusub oo nabadeed \oo Somaliya ku fida guud ahaan-teed, gaar ahaan Gololada Dhexe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2006

DAAWO video: Barnaamijkii NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkas oo TV-ga ka baxay May 7, 2004]