SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII APRIL 20, 2006

  • Saraakiil Mareykan ah oo wax kama jiraan ka soo qaaday hadalkii Geeddi....

  • Geeddi “Waa nasiibdaro in 15 sano kaddib lagu gorgortamo dhiiga shacabka”…

  • Barre Hiiraale iyo  Max’ed Dheere oo xiriir dhinaca isgaarsiinta ah uu dhex maray

  • Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Kismaayo oo cirka isku shareertay

  • Prof. Guure oo si kulul u beeniyay in ururkoodu uu qiimeyn ku sameeyay

  • 4-qof oo lagu dilay Magaalada Muqdisho kaddib markii

  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay falal dhawaan ka dhacay…

  • Axmed Qare “Isbahaysigu waxa uu damacsan yahay in uu madaafiic la beegsado suuqyada…

  • Jaamacadda Badweynta Hindiya oo uu codsi uga yimid arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibaddiisa..


Saraakiil Mareykan ah oo wax kama jiraan ka soo qaaday hadalkii Geeddi....

Sarakiil Maraykan ah ayaa beeniyey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedde ee uu Talaadadii sheegay in Soomaaliya ay heshiis la gashay dawlada Maraykanka heshiiskaas oo uu yiri in ciidamada Maraykanku ay burcadda ka ilaalinayaan xeebaha Soomaaliya. Warkaas oo saraakiisha maraykanku ka soo qaadeen mid aan jirin.

Cali Maxamed Geeddi waxa uu warfidiyeenada u sheegay in maraakiib Maraykan ah oo joogey Baxreyn ay usoo dhaqaaqeen badaha Soomaaliya si ay uga waardiyeeyaan burcadda. Laakiin saraakisha Maraykanku waxa ay yiraahdeen "ma jiraan wax heshiis ah oo ku saabsan ilaalinta badaha Soomaaliya oo  lala galay Soomaaliya.", sidoo kale sarkaal u hadlay ciidanka Maraykanka ee aagga Baxreyn ayaa arrintaas beeniyey..

Cali Maxamed Geeddii beenintaas ka dib weli war kala arrinta kama soo saarin. {Isha: News Search}

Geeddi “Waa nasiibdaro in 15 sano kaddib lagu gorgortamo dhiiga shacabka”…

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay aad uga xun tahy abaabulka dagaal ee maalmahan ka socda qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in abaabulka dagaaladaasi ay yihiin kuwo dhibaato ku ah bulshada Soomaaliyeed oo mudo 15 sano ah ku jiray dagaalo sokeeye. “waa nasiibdaro in maanta dhiiga shacabka lagu gorgortamo iyadoo ay muuqato raadkii dagaaladii sokeeye” ayuu yiri Cali Maxed Geeddi oo intaa raaciyay in ay soo baxeen kooxo u adeegaya dano shisheeye goostayna in ay dilaan walaalahooda, carruurtooda iyo waalidiintooda. Cali Max’ed Geeddi waxa uu sheegay in raggaasi goor ay ahaataba ay taariikhdu xusi doonto mar unna lala xisaabtami doono, “Dagaalka ay abaabulayaan waa mid doqonnimo ah oo ay wadaan kooxo garaadkoodu uu hooseeyo oo aan ka fikireyn danta ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi oo ka codsaday caalamka ay gacan ku siiyaan sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi. Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen danaha shisheeye, waxa kalloo u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay caasimadda soomaaliya. Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa iyagu ka mid ah ragga sida aadka ah abaabulka dagaal uga wada Magaalada Muqdisho taasoo lagu tilmaami karo mid wiiqi karta dowladda uu madaxda ka yahay Cali Max’ed Geeddi. 

Axmed Qare “Isbahaysigu waxa uu damacsan yahay in uu madaafiic la beegsado suuqyada…

Axmed Max’ed Cabdule (Axmed Qare) oo ah guddoomiyaha kacdoonka difaacad Diinta iyo dalka ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uuna ugu horeyntii sheegay in isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada uu damacsan yahay in uu madaafiic la dhaco suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, sidoo kale waxa uu Axmed Qare sheegay in isbahaysigu uu qorsheenayo in weeraro iyo Huubiyaba ka gaysto dugsiyada Gobalka Banaadir.

Axmed Qare waxa uu sheegay in arrintaasi abaabulkeeda ay wadaan isbahaysigaasi oo uu sheegay in ay gacan ka helayaan Dowladda Mareykanka oo aan dooneyn in Soomaaliya nabad ka dhacdo heshana dowladda, isagoo u soo jeediyay shacabka inay ka feejignaadaan shirqoolada iyo weerarada ay damacsan yihiin kooxaha isku sheegay la dagaalanka argagixisada, waxaa kalloo uu sheegay Axmed in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada isbahaysigaasi, isagoo uga digay dhallinyarada la marin habaabinayo in xubnahaasi ay wataan dano gaar ahaaneed oo aysan marnaba ka shaqeyn doonin danta ummadda Soomaaliyeed.

Isbahaysiga kacdoonka ayaa waxa uu dhawaan soo qabanqaabiyay Banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday kooxaha isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada, waxaana banaanbaxaasi ka soo qaybgalay dadweyne aad u fara badan kaasoo ka dhacay Fagaaraha Tarabuunka, iyadoo dadkii ka qaybgalay halkaasi ay ku muujinayeen shucuurtooda ah siday u taageersan yihiin Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo sida ay uga soo hor-jeedaan isbahaysigaasi.

Barre Hiiraale iyo  Max’ed Dheere oo xiriir dhinaca isgaarsiinta ah uu dhex maray

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in dadaal loogu jiro sidii Barre Aadan Shire (Hiiraale) uga mid noqon lahaa Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, waxaana Magaalada Nairobi haatan ka socda kulamo la doonayo sidii Barre ugu soo biiri lahaa Isbahaysigaasi.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Barre Hiiraale dhawaan safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay diblumaasiyiin ka socota safaaraddaasi, waxaana la isla soo qaaday arrimo ku saabsan xaaladda wadanka Soomaaliya iyo kooxaha isku haya Magaalada Muqdisho.

Warara kale ayaa waxay sheegayaan in Barre Hiiraale iyo Max’ed Dheere ay ku wada xiriireen qadka Taleefanka ayna ka wada hadleen sidii Barre Hiiraale ugu biiri lahaa isbahaysiga uuna u xiran lahaa nambarka 12-aad.

Xiriirka dhex maray Barre Hiiraale iyo Max’ed Dheere ayaa lasheegay in uu ku dhamaaday waji is faham, waxana wararka qaar ay sheegayaan in Barre Hiiraale uu maalmaha soo socda kasoo degi doono Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar.

Dhawaan ayaa waxaa isbahaysiga ku biiray Cabdi Xasan Cawaalwe Qaybdiid oo isna loo xiray nambarka 11-aad.

Barre Hiraale waa haddii uu ku biiro Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada waxa uu cadaadis kaga imaan doonaa Dadweynaha ku nool Magaalada Kismaayo., sidoo kale way ku adkaaneysaa sidii uu jari lahaa xiriirka Isbahaysiga dooxadda Jubba maadaama ay xubno ka yihiin raggii gacanta ka gaystay qabsashadii Magaalada Kismaayo.  

Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Kismaayo oo cirka isku shareertay

Waxaa maalinba maalinka ka dambeeya cirka isku sii shareeraya xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Kismaayo kaddib markii habeenadii la soo dhaafay lagu dilay dhowr qof, isla markaan lagu dhacay tiro intaa la eg.

Isbahaysiga Dooxadda Jubba ilaa iyo haatan waxba kama qaban nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada Ksimaayo, iyadoo dhawaan la soo gebgabeeyay khilaafyadii gacan ka hadal ee dhacay, ayaa haddana isbahaysiga uusan wax tixgelin ah siin dhinaca nabadgelyada ee Magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Isbahay-iga dooxadda Jubba Barre Aadan Shire ayaa isagu haatan ka maqan Magaalada Kismaayo waxa uuna arrimo siyaasadeed u jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya lama garanayo goorta uu dib ugu soo noqon doono Magaalada Kismaayo.

Prof. Guure oo si kulul u beeniyay in ururkoodu uu qiimeyn ku sameeyay

Maxamuud Cali Daahir (Porf. Guure) oo ah guddomiyaha ururka khareenada Soomaaliyeed ayaa si kulul u beeniyay war uu horey u qoray wargeysku oo ahaa in Ururka khareenada Soomaaliyeed uu qiimeyn ku sameeyay Nootaayooyinka Magaalada Muqdisho isla markaana Nootaayada Dr. Diirshe loo doortay sanadkii tagay Nootaayadii ugu wanaagsaneyd Nootaayooyinkii ka jiray dalka waxa uuna wararkaasi Prof. Guure ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn uuna warkaasi ka soo bixin ururka Khareenada Soomaaliyeed, isla markaana awood uusan u lahayn ururku in uu qiimeeyo waqtigaan Nootaayooyinka.

Prof. Guure waxa uu sheegay in waxa wax qiimeeya ay tahay Dowlad ee uusan urur ahayn, waxa uuna ugu dambeyntii u soo jeediyay dadka ku been abuuranaya ururka in ay ka waantoobaan.

4-qof oo lagu dilay Magaalada Muqdisho kaddib markii

Maalintii shalay ahayd ayaa afar qof oo saarneyd gaari Karoolo ah oo marayay xaafadda Wardhiigley ayaa waxaa soo weeraray koox dabley, waxayna halkaasi rasaas oodda uga qaadeen gaarigii, waxaana goobtii ku naf baxay labo ka mid ah dadkii saarnaa gaariga, iyadoo goor dambe labadii kalana ay ku naf baxeen Isbitaalka Madiina, ilaa iyo hada lama garanayo sababaha loo dilay raggaasi.

Waxaa maalmahan Magaalada Muqdiso ku soo kordhayay dilalka macnada darada ah, afduubyada iyo jidgooyooyinka, waxayna tani keeneysaa in ay cirka isku shareerto xaaladda nabadgelyo  ee Magaalada Muqdisho oo waayadan dambe aad u sii liidatay.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa iyagu welwel iyo walbahaar ka muujiyay abaabulka dagaal oo ay wadaan labada dhinac ee isku haya Magaalada Muqdisho oo kala ah midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, iyadoo wali ay muuqato diiftii iyo darxumadii dagaalkii dhacay bilihii Feebaraayo iyo Maarso, waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay dadweyne aad u fara badan, markaad booqato Isbitaalada waxaad halkaasi kala kulmeysaa colaal xumo iyo murugo.   

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay falal dhawaan ka dhacay…

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo uruurisa tacadiyadda ka dhaca dalka ayaa cambaareysay falal xadgudub ah oo loo gaystay Cali Max’ed Gaabow (Haamey) oo 6/4/2006 lagu dilay agagaarka gurigiisa oo ku yaala degmada Kaaraan, C/risaaq Max’ed Kulan oo 15/4/2006 lagu dilay jidka Warshadaha ee Degmada Yaqshiid, sidoo kale waxaa iyana afduub loo gaystay wiil lagu magacaabo Maslax Shiikh Cali Dheere oo isna la afduubtay 16/kii Bishii April lagana afduubtay degmada Yaqshiid, waxayna ugu baaqeysaa hay’addu dadka afduubka gaysanaya in ay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan wiilkaas oo aan wax dambi ah aan lahayn, sidoo kale falalka dilka ayay Hay’addu ku tilmaantay kuwo xadgudub ku shareecadda Islaamiga ah, Xeerarka Dhaqanka Soomaali-yeed iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha, sidoo kale Hay’addu waxay cosaneysaa in deg deg loo damiyo colaadaha wajiyada cusub leh ee keeni kara dhimasho dhaawac iyo barkac, waxaana qoraalkaani ku saxiixnaa gudoonka xarunta Maryan Xuseen Owreeye.  

Jaamacadda Badweynta Hindiya oo uu codsi uga yimid arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibaddiisa..

Jaamacadda Badweynta Hindiya oo ka mid ah jaamacadihi ugu horeeyay ee laga aasaaso Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay dagaalada sokeeye, ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxay ku talaabsaneysaa horumar, waxaana dhawaan Jaamacadda Badweynta Hindiya codsi uga yimid arday Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Ingiriiska oo sheegay inay daneynayaan Manhajka waxbarasho ee Jaamacadda Badweynta Hindiya.

Hormuudka Jaamacadda Prof. C/qaadir Maxamuud (Cutuush) ayaa waxa uu sheegay in Jaamacaddu ay si aad ay u soo dhaweyneyso codsigaasi.

Profosoorku waxa uu sheegay in Jaamacaddu ay aad ugu faraxsan tahay sida ay ardaydaasi u daneynayaa in ay qaataan manhajka dhaqankooda ku saleysan.

Jaamacadda Badweynta Hindiya waxay ku baxdaa Luuqadda Ingiriiska, waxayna bixisaa Shahaadooyinka BSC, MBA,  iyo PHD.     

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  April  20, 2006

»WARBIXIN: Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Bustaale

Dadweynaha Muqdisho oo si aad ah uga welwelsan dagaal..
»Diyaaradaha Mareykanka oo Dulheehaabayey hawada..
»Hay’adda CRD oo Seminaar ka fureysa K/Gaalkacyo..
»Barre Hiiraale oo Magaalada Nairob kulan kula yeeshey..
»C/llaahi Yuusuf oo gaaray Wadanka Ingiriiska ...
»Shiikh Shariif oo sheegay in garoonka Jasiira ay ka soo..
»Xubno ka tirsan Xiriirka K/cagta oo gaaray Baydhabo...
»Shaqo joojin lagu sameeyay gaadiidka Uganda....
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Apr 19