SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cinwaanka maqaalka iyo meerisyadan ka dambeeyaba waxaa iska leh gabyaaga Axmed Ismaaciil  Diiriye "Qaasim". Qaasim gabaygan soo socda wuxuu tiriyey maalmo ka hor cinqilaabkii uu Kacaankii 21 Oktoobar ku qabsaday waddanka. Sidii dowladdii rayidka ahayd u socotay baan hadda fileynaa in hogaamiyayaasha sheegtay la dagaalanka argagixisaduna u socondoonaan haddii Ilaah idmo. Sida Qaasim gabayga soo socda ku caddeyndoonaba waxaad mooddaa in hogaamiyayaashaasi uu haruubkoodii buuxsamay. Qaasim wuxuu yiri: 

·         cirsan-ka-yeerkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e
·
         wuxu yiri halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
·
         carruuraha la dhacay Awliyada laga caraysiiyey
·
         carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
·
         caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
·
         casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
·
         caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
·
         caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
·
         inay curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
·
         ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
·
         marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
·
         caloolyow aan kugu raagahayn ciidda haw qodin'e
·
         cagta ii dhig waakaa nabsigu soo cadceedsadaye

Allaylehe hadda arrintu waxay u taal shacabka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada. Wax badan baa shabaabku dadka ku boorriyeen in cadowga Islaamka iyo kan Soomaaliyeedba lala dagaalo. Wax badan baa la waayey meel loo maro dagaaloogayaasha xalaaleystay dhiigga masaakiinta. Laakiin waa Ilaah mahaddi hadday dhaheen “argagixiso halala dagaalo” . Markii aakhiro la tago waxaa la caddeeyey in dadka dambiilayaasha ah ay gacmahooda, lugahooda iyo maqaarkoodu ku markhaatifuridoonaan. Hadda, sidii oo kale ayaa dagaaloogaashu u dhaheen: argagixiso halala dagaalo. Shabaabkii iyo shacabka badankiisu waxay dhaheen: waan yeelnay; idinkaana argagixisaa waana idinla dagaaleynaa. 

Wallee waxay ceebi joogtaa markii Waqooyiga iyo Waqooyi-Bari Soomaaliya la waayo dhallinyaro iyo shacab usoo hiiliya walaalahooda Xamar jooga si ay iska celiyaan dagaaloogayaasha ay soo kireysteen hay’ado sirdoon iyo Xabashidu. Sidoo kale wax badan baan internetka ku arkaa rag gabay-aqoodnimo sheegtay. Marka bal waa maanta waxay ka dhahaan arrintaas sidii gabyaagu ula lahaa: 

·         murti haddaad lahaydeen wax tara lagu mahluukeeye. 

Waxaan halkan ku xusayaa meerisyo uu Khaliif Shiikh Maxamuud ku wajahay Maxamed Siyaad. Gabyaagu wuxuu sheegayaa in belaayo Xamar degtay isagoo madaxweynaha heysta. Runtii, Khaliif ma arag waxa hadda Xamar heysta oo kale waxayna ku fiicneyd in meerisyadan lagu wajaho dagaaloogayaasha Xamar iyo sirdoonka kireystayba. Qeybtii ugu dambeysay gabaygaas waxay ahayd: 

  • afartaas ma gabangaabiyee gibilka moow u taagay
  • ma gilgilay sidii qaansadoo leebka laga gooyey
  • gobo’ kalana waa halaan shacbiga ula garwaaxeystay
     
  • calankaas u soo howlgasheen haatan gorofoowye
  • gubatiyo runtii kama duwana galangal sheydaane
  • haddaad guudka saarteen dabadeed uma gargaartaane
     
  • good iyo abeesaa u galay gaararkii Xamare
  • sida loo gigaayaa qalbigu ila gariiraaye
  • gol-caddihii Talyaaniga ka daran gucurka heystaaye
     
  • gobanimadu maahan inuu bahal garqaadaaye
  • maaheyn  dhurwaa inuu la galo god iyo booraane
  • war waa loo gudboonyahaye waa guurto kaa maqane
     
  • isticmaarka guunka ah ninkii shalay u guuxaayey
  • geligaanka olalkaa ninkii nagu galaandeyray
  • oo kabo gafuur weyn ilkaha nagu garaacaayey
     
  • SYL ninkii gaabiyee laga geyoon waayey
  • ninkii gacan-ku-dhiigluhu dorraad gacanta dhiigeystay
  • Ee nagu garmaameynayee gabanna noo reebin
     
  • sirtayada ninkii goobijiray goor aan la ogeyne
  • jeneraal garoomo leh ninkii ula guxleynaayey
  • garaad xumo daraadeed ninkii gacalki moodaayey
     
  • Dhagax-tuur gambalihii ninkii naga dul giisaayey
  • ha galgalato meydkii ninkii geystay tabarteeda
  • ninkii buuryo-gedefoow kufriga noo garqabateeyey
     
  • gar loo dayaba goonyaha ninkii naga galfoofaayey
  • war waakaas go’yaasha isku dayey garanse meysaane
  • guntadoo ka kaca waxaad tihiin gun iyo shaashleeye
     
  • gabbashiyo la soo dhaaf xantoo lala gurguurtaaye
  • gujis iyo waxay taagantahay gaaddo-ka-ciyaare
  • cara aanadiinii la galay gabar u naafeeya
     
  • gooriyo ayaam yoon dagaal cara ku gaarraada
  • gabaldhiciyo waabberi qoryaha cara ku geyraada
  • cara goolashiinnii la qalay sumal u qoorgooya
     
  • gashigaaga maqan waa inaad goobataa abide
  • godabtaada waa loo dhintaa yaad gawaab noqone
  • bal car sidii laguu gurubsanjiray mar is garwaaqsiiya
     
  • cara Maxamed gabiguu ku jiro gowga ka istaaga
  • bal car geyrarkiisaa jiree fooda soo geliya
  • cara gabaxyaxdaas  la idin baday gar uun u weydaarta
     
  • cara goor iyo ayaan warmaha gaatan ula jooga
  • naagaha gambada xooriyiyo go’ayda yeeraysa
  • cara siday kuwiina u galeen qaar kale u geysta
     
  • Rabbi uma gargaaroo fuluhu waa gob laga naarye
  • waxaa guusha hela kaan wadnaha gaashi ku lahayne
  • bal car meesha la isagu gurmday keena garabkiinna

Halkaan waxaan ku qorayaa gabay kale oo Khaliif u tiriyey Kulmis laakiin waxay ku fiicneyd inuu shacabka Xamar iyo maxkamadaha u tiriyo. Innagoo meerisyadaas  ku wadna maxkamadaha wuxuu yiri: 

  • idinkaa dantiinii u huray dal aad xoreysaane
  • idinkaan u daaleyn sidii duul Malaa’igahe
  • idinkaa halkaad dooneysaan degeya goor dhow’e
     
  • idinkaa dariiqii Alliyo diinta aaminaye
  • idinkaa siduu Daa’in yiri dowga kheyr maraye
  • idinkaa Rasuulkii dugsaday daahirka ahaaye
     
  • idinkaa diyaarsaday hubkii diiradda lahaaye
  • idinkaa daruuraha cirkiyo daafigaa maraye
  • idinkaa cadowgii idin dayaa dabada taagaaye
     
  • darajada Ilaahay ka badan doogga geedaha’e
  • nimuu doortay iyo baa ka hela deeqsi geesi ahe
  • darsigiina xaqa daalibaa laga duceystaaye
     
  • doorroonayaaloow Jahaad waad u dareerteene
  • xargihii la daahiyo haddaan derykii laga boodin
  • oo aan duqii weli la qaban waan dayeysnahaye
     
  • inkastood dadaal iyo waddaan doorar sharaf weyn leh
  • darar saa’idiyo waan jeclahay ………………….
  • durkiyoo kusii dara ma foga dowladnimadiiye
     
  • ninna looma duurxulo halkuu doog ku leeyahaye
  • dhakharrada ninkii geystayoo ina dubaaqeeyey
  • oo dibadda idiin soo tubaa daakhilkii jira’e
     
  • dumaal seege naagihii hadday da’i ku laabneyde
  • sidii bey agoon daacufaa ula dareeraane
  • sidii bey ilmada dililiqlihi uga da’eysaaye
     
  • sidii Doollo dhaan loo direy ina dayaayaane
  • dabka wax uma saaraan ilmaha waaga daalacaye
  • degdeg nooga soo gaaraya iyo dooddu waa innaga’e
     
  • haddaan diilalyada heysa iyo diifta laga baanan
  • dayacey qabaanniin haddaan laga daweyneynin
  • Wallee labada doolaqoo lushiyo dalowgu waa beene

Teeda kale shacabka Xamar iyo maxkamaduhu ha xasuusteen in diinta difaaceedu uusan ciyaar ahayn oo ay rabto samir dheer iyo adkeysi sida diintu sheegtay. Runtii bishaarooyinkii ay diinta sheegtay ayaa ka madaxtaagan qariibnimada diintu sheegtay ee aan muddo ku jirnay. Insha Allaahu yeysan wiilasheenna iyo shacabkeennu noqon dibi-cadde oo yaan cadow iyo cadow-kalkaal loo loogin. Wallee haddaan dadka Xamar iyo Soomaali oo dhan diintooda difaacan waxaa dhaceysa in sidii Gedo ka dhacday la yiraahdo marka Cabdi-waal, Qarnayre iyo Muuse usoo haraan Xamar  dhahaan: lama dhegeysankaro Boqol-soon, Shariif C/Nuur, Cumar-Faaruuq iyo culumo kale! Sidoo kalana dhahaan lagama hadlikaro jihaad, siiradii nabiga (SCW) iyo saxaabada (RC), masaafada gabdhaha iyo axkaam badan. Shakina ma leh inay xiridoonaan dugsi-Quraan iyo iskuullo badan sida ay haddaba dacaayadda u sameeyaan. Gabyaa baa lahaa: 

  • degdeg weerar baa geestayada loo diyaar yahaye
  • idinkaa docdiinnii hagraday dowdariinyahaye
  • dugaagga iskarow yuu sidii deero kuu cuniye

Marka shacabkii iyo Maxkamadihii Koonfur waa diyaare  waxaan ka shakisanahay waa reer Waqooyi-Bari iyo Waqooyiga Soomaaliya. Wax dhan baa “laandheere” la isagu faanay laakiin Ilaah baan ku dhaartee waxaa shariif iyo nasab ah ninkii cadowga wajaha. 

Ciribta dambe waxaa iska leh kuwa Ilaah ka baqa.