SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

WARARKII APRIL 19, 2006

  • Dadweynaha Muqdisho oo si aad ah uga welwelsan dagaal..
  • Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo shalay Dulheehaabayey hawada Magaalada Muqdisho..
  • Beelaha Madaxweyne Direed oo soo dhaweeyey iscasilaadii Wasiir ku xigeenka...
  • Hay’adda CRD oo maanta Seminaar uga fureysa Koonfurta Gaalkacyo..
  • Barre Hiiraale oo Magaalada Nairob kulan kula yeeshey..
  • C/llaahi Yuusuf oo  gaaray Wadanka Ingiriiska ...
  • Shiikh Shariif oo sheegay in garoonka Jasiira maanta ay ka soo degayaan...
  • Xubno ka tirsan Xiriirka K/cagta oo gaaray Mgaalada Baydhabo...
  • Shaqo joojin lagu sameeyay gaadiidka uganda qaar ka mid ah:
  • DEEQ KA KOOBAN LACAG IYO RAASHIN OO LAGU WAREEJIYEY G.G.A.S
  • Qaraxyo Jigjiga ka dhacay iyo dagaallo cadowga lagu naafeeyay.

 Dadweynaha Muqdisho oo si aad ah uga welwelsan dagaal..

Waxaa Maalmahan si aad ah loo hadlayaa dagaal kale oo dhex mara isbahsyiga la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana hadal hayntaan sii xoojiyay markii goobo cusub ay ka degeen Magaalada Muqdisho xubnaha la dagaalanka argagixisa, sidoo kale iyana meelo cusub ay ka degeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. Cabdi Nuure Siyaad oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka argagixisa ayaa isagu soo degay Xaafadda Buula-Xuubey halkaas oo uu ka sameystay bar, sidoo kale ciidamo aad u xoogan ayaa iyana la soo dejiyay Beerta Daraawiishta gaar ahaan halkii ay ku taalay Taaladdii hore ee Sayid Max’ed Cabdule Xasan. Sidoo kale Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyana baro ka sameystay agagaarka Digfeer iyo Fagaaraha Tarabuunka waxaana lagu soo xoojiyay tikniko aad u fara badan, sidoo kale Garoonka Diyaaradaha ee Jasiira ayaa iyana la geeyay ciidamo ka socda Isbahaysiga si ay u ilaaliyaan saraakiil sirdoon ah oo la filayo in maanta ay ka soo degaan garoonkaasi, hase yeeshee Midowga Maxaakiimta ayaa uga digay saraakiishaasi in aysan ka soo degin garoonkaasi, waxaa sidoo kale deegaanka Deyniile ka socda kulamo ay leeyihiin xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada kuwaas oo ka arrinsanaya sidii ay dagaal ugu waji lahaayeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana dhaqdhaqaaqa haatan socda ee dhinaca Isbahaysiga wada Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” oo dhawaan ku soo biiray Isbahaysigaasi, wuxuuna sheegay mar la wareystay in ay ka hortagi doonaan waxa uu ugu yeeray kooxaha argagixisada. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyay ku soo biritaanka Cabdi Qaybdiid ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada waxa uuna Shiikh Shariif sheegay in Cabdi Qaybdiid uu markii horeba ku jiray Isbahaysiga haatanna uu isa soo shaac bixiyay, isku soo wada duuboo dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa dhaguhu u taagan yihiin iyagoo ka cabsi-qaba dagaal kale oo ka dhaca Magaalada Muqdisho waxaana kor u kacay qiimihii hubka lagu kala iibsanayay.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo shalay Dulheehaabayey hawada Magaalada Muqdisho..

Maalintii shalay ahayd ayaa guuxa Diyaaradda AC-130 si aad ah looga maqlayay Magaalada Muqdisho iyadoo ku duuleysay joog aad u fog, mararka qaarkoodna ay soo dhawaaneysay.

Kormeerka ay sameyney-so ayaa waxa uu ku soo beegmay xili uu dhaqdhaqaaq culus oo dhinaca dagaalka ah uu ka jiro Magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kooxaha isku magacaabay la dagaalanka argagixisada.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa u arka diyaaraddaasi mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya madaxbanaani qaatay 1960-dii sidoo kale waxay sheegtay in Dowladda Mareykanka looga baahan yahay in arrimaha noocaan oo kale ah ay kala xiriirto Dowladda Federaalka, sidoo kale waxay u soo jeediyeen Dowladda Mareykanka in ay dhex dhexaad ka noqoto arrimaha ka taagan wadanka Soomaaliya.  

Beelaha Madaxweyne Direed oo soo dhaweeyey iscasilaadii Wasiir ku xigeenka...

Kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Odoyaasha, Aqoonyahanada, Dhallinyarada iyo Saraakiisha Beelaha Madaxweyne Direed ayaa waxay si weyn ugu soo dhaweeyeen is casilaaddii Wasiir ku xigeenka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyooyinka Xasan Isxaaq Yacquub (Gees-Cadde).

“Go’aanka uu qaatay Wasiir ku xigeenka waa mid tusaale u ah dhamaan madaxda Dowladda, maadaama aysan ilaa iyo haatan shacabka u qaban wax la taaban karo” ayay yiraahdeen xubnahaasi oo ugu baaqay xubnaha kale ee dowladda in ay ku daydaan Xasan Isxaaq Yacquub (Gees-Cadde) maadaama ay ku fashilmeen wixii loo soo dhaariyay.

Xubnaha taageerada iyo soo dhaweynta muujiyay waxay kala yihiin Col. Max’ed Najaad Xasan, Col. Max’ed Ibraahim (Sanka Xaaji), C/salaan Axmed Yuusuf, Bashiir Isaaq Cabdule. Eng. Max’ed Xaaji Xaamud, Eng. C/risaaq Xasan Geeddi, Eng. Axmed Diiriye Ismaaciil, Axmed Macallin Xuseen, Ugaas Xuseen Geeddi Rooble iyo Ugaas Cabdi Saalax Nuur.  

Hay’adda CRD oo maanta Seminaar uga fureysa Koonfurta Gaalkacyo..

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo waxay sheegyaan in maanta Hay’adda CRD ay Magaaladaasi ka fureyso siminaar loo qabanayo maleeshi-yooyin ku dagaalamay Gobalada Dhexe.

Siminaarkaan oo socon doona dhowr maalmood  ayaa ujeedada loo qabanayo ay tahay sidii la isku fahamsiin lahaa kooxaha maleeshiyooyinka isla markaana uga wada shaqeyn lahaayeen nabadda iyo dib u heshiisiinta la gaaray.

Siminaarkaan oo ay ka qaybali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo kala jeeda beelihii ku dagaalamay Gobalada Dhexe ayaa waxa uu qayb ka yahay simaarno is daba joog ah oo loo qaban doono maleshiyooyinkaasi.

Dhawaan ayaa labadii beelood ee ku dagaalantay Gobalada Dhexe waxay heshiis ku gaareen deegaano ka tirsan Gobaladaasi waxaana heshiis-kaasi ka soo shaqeeyay xubno ka tirsan labadaasi beelood, Odoyaal iyo Waxgarad, wxuuuna heshiiskaasi ku dhamaaday jawi is faham.

Barre Hiiraale oo Magaalada Nairob kulan kula yeeshey..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in Guddoomiyaha isbahaysiga dooxadda Jubba ahan Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta ee Dowladda Fedeaalka Barre Hiiraale uu Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxda Hay’adaha samafalka, waxaana la sheegay in ay isla soo qaadeen sidii gacan loo siin lahaa dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha iyo biyo laa’anta ka jirta gobalada Jubbooyinka isagoo u sheegay madaxdaasi in wixii ammaanka ku saabsan uu kafaalo qaadayo maamulka Isbahaysiga dooxadda Jubba.

Dhinaca kale Madaxwey-ne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa intii uusan ka ambabixin Magaalada Nairobi waxa uu kulan layeeshay Guddoomiyaha Guddoomiyaha Isbahaysiga dooxadda Jubba Barre Aadan Shirre (Barre Hiiraale), waxayna isla qaadeen sidii Barre uga qayb-qaadan lahaa howlaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

C/llaahi Yuusuf oo  gaaray Wadanka Ingiriiska ...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo shalay iyo dorad ku sugnaa dalka Kenya, isagoo halkaasi kulamo kula yeeshay madaxda Hay’adaha samafalka iyo diblumaasiyiin shisheeye oo daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxay isla soo qaadeen sidii gacan loo siin lahaa Dowladda Federaalka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa xalay gaaray dalka Ingiriiska waxa uuna halkaasi u tagay arrimo caafimaad oo la xiriira dhinaca Beerka, iyadoo dhowrkii bilood markii uu joogaba uu baaris caafimaad u tago dalka Ingiriiska gaar ahaan halkii loogu sameeyay qaliinka.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii uu tagay Madaxweynuhu dalka Ingiriiska waxaana ku banaanbaxay dadweyne Soomaaliyeed oo madaxweynaha ku eedeeyay in uu ka dambeeyay dilal ka dhacay Maamul Gobaleedka Puntland iyo dalka Itoobiya, waxaana banaanbaxaasi si aad ah uga dhex muuqday Haweeynaydii uu ka geeryooday Suldaan Hurre oo ahaa Suldaan si aad ah looga yaqaanay dalka, waxayna Haweeyneydaasi ka codsatay Dowladda Ingiriiska in ay maxkamad soo taagaan C/llaahi Yuusuf, hase yeeshee sarkaal u hadlay Dowladda Ingiriiska ayaa waxa uu sheega inta uu xiran yahay darajada madaxweynaha aan loo dhawaan Karin.

Haweeyneydaasi ayaa ku dhaaratay in aysan ka hari doonin C/llaahi Yuusuf ilaa iyo maxkamad hor keento. 

Shiikh Shariif oo sheegay in garoonka Jasiira maanta ay ka soo degayaan...

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in maanta Garoonka Diyaaradaha ee AL-Jasiira ay ka soo degi doonaan saraakiil ka socda Sirdoonka Mareykanka kuwaas oo uu sheegay inay lacago u wadaan isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

“Lacagtaasi waa mid la rabo in lagu burburiyo inta ka hartay shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Dowladda Mareykanka aysan rabin in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad iyo nidaam. Shiikh Shariif waxa uu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoo-naadaan qayaanooyinka iyo dibindaabyooyinka ay wataan kooxaha u adeegaya Gaalada. 

Shiikh Shariif waxa uu sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay aad uga xumaadeen falkii dilka ahaa ee ka dhacay Isgooska Howlwadaag kaddib markii askari ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah uu toogasho ku dilay, isagoo sheegay in arrintaasi baaritaan lagu sameyn doono. 

Xubno ka tirsan Xiriirka K/cagta oo gaaray Mgaalada Baydhabo...

Xubno ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay oo haatan xarun u aha Dowladda Federaalka, xubnahaasi waxaa ka mid ah Muxiyadiin Xasan Darba-Weyne, Siciid Mugaanbe, C/qani Siciid Carab iyo xubno kale.

Xubnahaan ayaa waxay Baydhabo u tageen sidii ay u googol xaari lahaayeen doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo la filayo inay dhacdo 15-ka Bisha May, waxaana lagu wadaa in inta ay joogaan Magaalada Baydhabo ay kulamo la yeeshaan xubno ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi si ay ula socod siiyaan Doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Dhinaca kale waxaa isna Magaalada Baydhabo gaaray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow), waxaana la sheegay in halkaasi uu u gaaray sidii taageero uga heli lahaa maamulkiisa Dowladda Federaalka, maadaama ay dhawaan xilkaasi u magacaabeen Xubnaha golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha oo ay la socdeen xubno ka tirsan golaha deegaanka Banaadir ayaa waxay kalloo kulamo la yeelan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan si ay ula socodsiiyaan xaaladda Nabadgelyo iyo midda maamul ee Gobalka Banaadir, iyadoo xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho ay ahayd maalmahan mid aad u kacsan, waxaana weli taagan dagaalkii u dhexeeyay Isbahaysiga iyo Maxaakiimta Islaamiga ah.   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Shaqo joojin lagu sameeyay gaadiidka Uganda qaar ka mid ah:

Dowladda Uganda ayaa manta joojisay isu socodkii baabuurta pl ka iyo kuwa kale ee xamuulka qaada oo ayagu iskaga shaqeeya wadanka Uganda gudihiisa.Amarkan lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa gaariyaasha ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii ay ka dhaga adaygeen darawallada gaadiidku amar kasoo baxay dowladda Uganda kaas oo ay kaga dalbanaysay mulkiilayaasha iyo darawalladaba in ay dhimaan isbiidh ka amaba xawaaraha ay ku maraan wadooyinka.

Dalka Uganda oo ah dal wadooyinkiisu aad ay ciriiri u yihiin isla markaasna meel kasta oo wadanka kamid ah uu dad ku nool yahay ayaa waxaa dhibaato farabadan ku haya xawaaraha baabuurta kuwaas oo marar badan sababa in ay dad ku jiiraan jidadka ciriiriga ah ama magaalooyinka dhexdooda.Amarkan manta lagu joojinayo baabuurta ayaa waxaa laga doonayaa baabuurkasta in lagu xiro mishiin ilaaliya socodkiisa kaas oo awal horay looga isticmaalay wadamada east afirca gaar ahaan wadanka Kenya mashiinkan oo ah qalab koontoroolaya socodka gaariga ayaa waxaa ladoonayaa in gaari kasta xawaarihiisu uu san dhaafin 80.Mashiinkan ayaan maanta waxa aan u dhaba galay in aan soo ogaado lacagta uu joogo waxaana soo ogaaday in halkii mashiin ah oo caynkaas ah lagu gadayo lacag u dhiganta 500 Dollar ka maraykan ka ah..

Dowladda ayaa waxaa haysta culays kaga imaanaya dhanka shacabka oo ayagu raba in la yareeyo shilalka iyo dhibaatooyinka ay sababaan baabuurtu.

Maxamed dhagaafe cilmi Kampala Uganda
Email: m_dhagaafe@hotmail.com


Tel: 658568, 253638, 920202: Mobile: 577471, 524621, 286606 Email: kaalmeeye@hotmail.com
Ref: G.G.A.S/35/06 Date: 17/04/2006 19/03/1427.H. Muq.Somalia.

DEEQ KA KOOBAN LACAG IYO RAASHIN OO LAGU WAREEJIYEY G.G.A.S

G.G.A.S, ayaa waxa uu kala wareegay Beeralleyda degmada afgooye ee gobolka Sh/Hoose deeq isugu jirta Raashin iyo Lacag oo kala ah 175 loor oo galley ah iyo 10,170,000 , taasoo ururka beeraleyda deg.Afgooye AB, oo ay hor kacayeen guddoomiyaha beeraleydaas X.Mire Indhayare iyo guddoomiyaha nabadgelyada deg. Xuseen Cirfo iyo mas’uuliin kale ay ugu deeqeen walaalahooda abaaruhu wax yeleeyeen Waana deeqdii ugu horeysay ee beeraleyda Gobolka Sh/Hoose ay gaarsiiyeen G.G.A.S .

Waxaa mahadda 1-aad leh Allaha noo fududeeyey hawlaha , intaas ka dib waxaan u mahad celinaynnaa cid kasta oo uhurtay hawsha loogu gurmanayo walaalaha abaaruhu wax yeeleen gacanna ka geysatay , xoolo ,waqti, talo , iwm. waxaanuna idin leennahay hawsha fari kama qodna fadhiga ha laga kaco dedaalkana halkuu taagan yahay ha laga hormariyo . dhinaca kale waxaa sidoo DEEQ LACAG, DHAR, IYO COMPUTER, OO SOO GAARTAY G.G.A.S Waxaa soo gaaray G.G.A.S, Deeq ka kala timid Safiika soomaaliya ee Kuwait,iyo jaaliyadda Holand. 1. Safiirka soomaaliya ee kuwait waxa uu soo gaarsiirseeyey G.G.A.S deeq lacageed oo dhan 5318$. 2.

Sidoo kale waxay ku deeqeen Jaaliyadda Holand 8- Computer iyo 101 Bandadood oo dhar ah. Haddaba haddaanu nahay Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliya ,waxaan idinkaga mahad celinaynaa deeqdaa wax ku oolka ah ee aad u soo dirteen dadka Ku dhibaateysan gobollada ay abaaruhu waxyeeleeyeen Waxaanuna ballan qaadeynaa inaan si deg deg ah u gaarsiin doono inshaa’allaah, meelaha loogu talo galay deeqdaas. Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya Sh/Axmed Maxamad Suleymaan Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya Sh/Axmed Maxamad Suleymaan Muuse maxamuud Jiisow somali39@hotmail.com Muqdisho somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
18 April  2006
 
Qaraxyo Jigjiga ka dhacay iyo dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
 
 Kenya oo ciidammo ku daabushay xadka ay Itoobiya la wadaagto.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka Soomaaliya.
 
Sanadguuradii 1aad ee Mandad(Maqal).
 

G/X 1aad ee jwxo oo shir ku qabtay Sandiego U.S.A

 
======================   
 
   Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in magaalada Jigjiga ay ka dhaceen qaraxyo dhawr ah oo lala beegsaday xarumaha ay saraakiisha Itoobiya ku caweeyaan habaynimadii axadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 16/04/06, waxaana inta la ogyahay ku dhintay 26-29 qof. Ma aha markii ugu horraysay ee magaalada Jigjiga laga fuliyo qaraxyo noocanoo kale ah oo lala beegsanayo goobaha ee ciidammada gumaysigu ku tamashleeyaan.
 
Wariyaha RX uga soo warrama Ogaadeenya wuxuu kaloo noo soo sheegay dagaallo dhawr oo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga Itoobiya, waxayna u dheceen sidatan;
 
Xidh-Galool, oo u dhexeeya Bullaale iyo Dhagaxbuur waxaa dhawaan ka dhacay dagaal culus, oon faahfaahintiisa dib ka soo sheegi doono.
 
15/04/06 Dhagaxle, oo u dhexeeya Jigjiga iyo Baabili, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada dac-darraysan ee gumaysiga lagaga dilay 3 askari.
 
13/04/06 Seddex dagaal oo ka dhacay Kudunbuur waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 12 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
11/04/06 Danbar-wayne waxaa lagu qaqabtay koox Dabaqoodhi ah. Waxaa laga qaaday 7 Qori, ka dibna waa la iska sii daayay.
 
11/04/06 Babaas, oo degmada Baabili ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
10/04/06 dagaal ka dhacay magaalada Gurdumi waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
02/04/06 dagaal mir oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen kuwa cadowga ee ku sugan magaalada Garbo waxay u gaysteen khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
25/03/06 magaalada Jigjiga waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya dhexdooda ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Waxaa ku kala dhex-dhintay 38 – 40 askari. Waxaa sidoo kale dagaalkaas ku dhaawacmay 26 askari, iyo 3 qof oo shacab ah.
 
Dad uu gumaysigu xidhxidhay.
 
29/03/06 ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Wardheer ayaa ka guuray mid ka mid ah xeryihii ay fadhiyeen. Xeradaas waxay ciidammada gumaysigu kaga tageen qalab badan oo waxyaabaha qarxa ah. Carruur yaryar ayaa xeradaas gashay oo qarxiyay qaar ka mid ah waxyaabihii uu cadowgu halkaas kaga guuray, arrintaasi waxay keentay in ciidammo gumaysigu leeyahay ay xeradii dib ugu soo laabtaan.
Ka dibna waxay ciidammada gumaysigu xidhxidheen carruur ay tiradoodu 30 gaadhayso, waxaana ka mid ah;
1-    Aamina Cabdi Faarax
2-    Fatxi Cabdi Faarax
3-    Maqsuud Cabdi Faarax
4-    Ruqiya C/llaahi iyo
5-    Hibo Macalin Axmed
 
26/03/06 Koox Dabaqoodhi ah ayaa raashiin la siiyay ka boobay dadwayne ku dhaqan Buundada Qabridaharre iyo nawaaxigeeda, waxaana ka mid ah dadka raashiinka laga dhacay;
1-    Saxane Sahal
2-    Cali Muuse iyo
3-    C/nuur Sheekh Xasan
 
07/04/06 ciidammada gumaysiga ayaa magaalada La-helow ka afduubay gabadh ganacsato ah oo lagu magacaabo Aamina Muuse Barre, taasoo laga dhacay guud ahaanba wixii ay hanti lahayd, ka dibna lagu xidhay magaalada wardheer.
 
04/04/06 Iimay-Bari waxaa lagu xidhxidhay dad shacab oo aad u badan. Waxay magacyadoodu na soo gaadheen dadka kala ah;
1-    Macaan Axmed Cali
2-    Bishaara Cabdi Dhuub
3-    Sawda Jire.
Ciidammada gumaysigu waxay dadkan u gaysteen jidhdil aad u xun.
 
Bishan horraanteedii waxay ciidammada gumasyigu magaalada Gunagado ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Faadumo Shariif Maxbuub
2-    Muna Siigaale Maxamuud iyo
3-    Madxi  Dakharre iyo wiil 3 bilood jira ooy dhashay.
 
Kenya oo ciidammo ku daabushay xadka ay Itoobiya la wadaagto.
 
Dawlada Kenya ayaa ciidammo boolis ah oo aad u badan gaysay xadka ay la wadaagto Itoobiya, si ay u sugaan ammaanka oo uga hortagaan weerarrada ay ciidammada Itoobiya ku qaadaan dadwaynaha Kiinyaanka ah eek u dhaqan nawaaxiga xadka.
 
Boolis fara badan ayaan xadka gaynay, kuwaasoo loogu talagalay inay sugaan ammaanka dhulka  xadka ku dhaw, sidaas waxaa wakaaladaha wararka u sheegay taliye ku xigeenka ciidammada booliska ee gobolka bariga Kenya.
Taliye ku xigeenkan warbaahinta u warramayay ayaa sheegay in ciidammada Itoobiya ay horraantii toddobaadkii hore xoolo ka dhaceen dad xoola-dhaqato ah oo Kiinyaan ah, kuwaasoo dib ugu soo noqday meelihii ay degganaayeen, oo ay markii hore biya la’aan darteed uga guureen.
 
Xadka ay Kenya la wadaagto Itoobiya wuxuu in badan ahaa meel ayna nabadgelyo ka jirin, iyadoo ciidammada Itoobiya iyo malleeshiyo ay Itoobiya hubaysay ay inta badan soo weeraraan dadwaynaha ku dhaqan dhinaca xadka Kenya, kuwaasoo ay qaar badan ka laayeen, xoolo badana ka dhaceen.
 
Labo toddobaad ka hor waxay ciidammada Itoobiya soo daayeen seddex nin oo Kiinyaan ah oo ay haysteen in ka badan seddex toddobaad, kuwaasoo ay u haysteen inay taageeraan ururka Oromada ee OLF.  
 
OLF oo sheegay in kacdoonkii Oromoadu uu wali socdo.
 
Ururka Oromada ee OLF ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kacdoonkii ay samaynayeen ardayda iyo dadwaynaha caadiga ah ee Oromadu uu wali socdo.
 
Ururka OLF wuxuu bayaankan ku sheegay in 14-kii Abriil gobolka Hara Maya lagu dilay wiil 18 jir ah oo fasalka sagaalaad dhiganayay, kaasoo lagu eedeeyay inuu gubay calanka ururka xukuumadda Zenawi bahwadaagta la ah ee OPDO.
 
Ururku wuxuu kaloo bayaankan ku sheegay in 10-kii Abriil uu dagaal qallafsani dhexmaray ardayda Oromada ah iyo kuwa Tigreega ah ee dhigta Jaamacadda Hara Maya, ka dibna ay ciidammada Wayaanuhu u hiiliyeen ardaydii Tigreega ahayd, ayna halkaas dhaawacyo xunxun u gaysteen arday badan oo Oromo ah.
 
Markii uu dagaalkaasi dhacay waxaa la xidhxidhay arday badan oo Oromo ah. Waxaa sidoo kale in la daweeyo loo diiday ardaydii ay ciidammada Wayaanuhu dhawaceen.
 
Kacdoon midkan la mid ahi wuxuu wali ka socdaa meesha lagu magacaabo Amboo oo ka tirsan Galbeedka Shawa, iyadoo halkaas ay ciidammada boolisku garnayl ku tureen dugsi dhexe, ayna ku dhaawaceen labo carruur ah.Waxay sidoo kale ciidammada booliska Wayaanuhu xabsiga u taxaabeen arday badan oo lagu eedeeyay inay kacdoonak ka qayb qaateen.
 
Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in arday badan oo Oromo ah lagu xidhxidhay magaalada Asoosa oo gbolka Wallaga ee galbeedka Oromiya ka tirsan. Ardyada Oromada ah ayaa billaabay inay cuntada ka soomaan laga billaabo 15-kii Abriil, waxayna sheegeen inay cunta ka soonkan ku xusayaan saaxiibadoodii ku geeriyooday kacdoonka lagaga soo horjeedo xukuumadda gumaysatada Itoobiya.
  
Ciidammo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka Soomaaliya.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa soo buuxiyay deegaanno ka tirsan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Bakool.
 
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Soomaaliya waxay ciidammada gumaysatada Itoobiya iska soo buuxiyeen xadka u dhexeeya Ogaadeenya iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyagoo gudaha u soo galay dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in ciidammada gumaysiga ee goobahaas yimid ay si aad ah u hubaysan yihiin, ayna ka muuqato inay yihiin ciidammo ku soo talagalay dagaal adag. Wararku waxay sheegayaan in ciidammadaasi ay wataan baabuur badan oo isugu jira kuwa ciidammada qaada ee Uuraalka loo yaqaano iyo kuwa jiida qoryaha waawayn ee Arti 5.
 
Dadwaynaha ku dhaqan deegaannada ay ciidammada Itoobiyaanka ahi yimaadeen ayaa si wayn uga argagaxsan ciidammada duullaanka ah een la garanaynin meesha ay ku duulayaan.
 
Ciidammadan duullaanka ah ayaa durba la sheegayaa inay afduubeen odayaal 10 gaadhaya oo ka soo jeeda magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud. Odayaasha ayaa la sheegay in lagu xidhay magaalada Gallaadi, lamina garanayo sababta loo xidhxidhay, hase yeeshee waxaa loo tirinayaa in xidhaygoodu uu la xidhiidho siyaasadda Itoobiya ee ah in la ciqaabo marba degmada ama beesha ku gacan saydha inay u adeegto.
 
Waxaa lagu yaqaanaa ciidammada Itoobiya inay u gaystaan dil, xidhay iyo hantidooda oo la boobo dadka ku caasiya siyaasaddeeda ah iska horkeenka beelaha iyo degmooyinka soomaaliyeed.
 
Waxaa kaloo arrintan lala xidhiidhinayaa iyadoo 15-kii bisha lagu waday in magaalada Cadaado laga furo Maxkamad Islaami ah oo ka shaqaysa sidii ay amniga gobolka u sugi lahayd, isla markaana ula dagaallami lahayd kooxaha budhcadnimada iyo nabadgelya darrada ka sameeya degmada Cadaado iyo nawaaxigeeda.
 
Ciidammadan Itoobiyaanka ah ee la soo dhoobay gobolka Galguduud ayaa xidhay xadka u dhexeeya Ogaadeenya iyo Galguduud, taasoo dhibaatooyin badan soo gaadhsiisay dadwaynihii halkaas ku dhaqnaa ee u kala gudbayay xadka labadiisa dhinac.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya waxay sidoo kale yimaadeen meelo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Bakool. Ciidammadana ayaa la sheegay inay iyaguna wataan baabuurta gaashaaman iyo hub culculus.
 
Dadwaynaha ku dhaqan deegaannada ay ciidammadani soo gaadheen ayaa sheegay in ciidammadani ayna si fiican u dagin, isla markaana u muuqdaan inay u socdaan gobollo kale oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
 
Soo galitaanka ciidammada Itoobiya ay soo galeen dalka Soomaaliya wuxuu ku soo hagaagay xilli ay ammaan darro xun ka jirto magaalada Baydhabo oo hadda xarun u ah dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya. Waxaa magaalada Baydhabo dhawaan ka dhacay iska horimaad ay dad ku dhinteen, qaar kalana ku dhaawacmeen, waxaa sidoo kale la sheegayaa inay magaalada dib ugu soo noqdeen malleeshiyooyinkii markii hore dibada looga saaray markii ay dawladu soo dagaysay.
 
Ammaan darradan ayaa la sheegayaa inay xukuumadda gumaysatada Itoobiya lug wayn ku leedahay, iyadoo ka hortagaysa is-fahanka dhexmaray badi hoggaamiyayaasha soomaaliyeed oo markii ugu horraysay in sannad ka badan ku heshiiyay inay ka shaqeeyaan sidii ay dawlada ku meelgaadhka ahi u hana-qaadi lahayd, isla markaana uga shaqayn lahayd soo celinta qarankii Soomaaliya, arrintaasoo ay xukuumadda Itoobiya wax walba u hurtay inay ka hortagto.
 
18 April 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 

"Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland"
Sidaas waxaa yiri shirkada Range Resources oo inkirtay in meesha macdanta laga baarayey ay ku dhinteen wax dad ah, waxana ay intaas ku dartay in 20 qof oo keliya ay kasoo horjeedaan heshiiska ay la gashay Puntland...
Guji...


»Maxaa kalahasyta Godka Majayahan iyo Maafiyada Caalamiga ah!!.
PUNTLAND vs TERRY::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 |