SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

WARARKII APRIL 18, 2006

  • Bandhig farshaxan oo ay sameeyeen Ururka Haweenka Garoobada Soomaaliyeed
  • Ururka dhalinyarada iyo ardayda ee wadanka Finland Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Garaad Abshir
  • CUNUG YAR  MOROKAAN AYAA KU HADLAAYO AFKA GERMANY-GA, WUXUUNA RAJEYNAYAA INUU NOQDO MADAXWEYNAHA GERMANY.


Sawirkan waa burburka dhismihii Baarlamaanka hore ee Soomaaliya, (Sawir qaade: Muuse Maxamuud Jiisow, 2006)
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya


ISha saiwkan: www.swan.ac.uk
 
 Bandhig farshaxan oo ay sameeyeen Ururka Haweenka Garoobada Soomaaliyeed

Maalintii shalay aheyd ayaa xarun ay leeyihiin ururka Garoobada Soomaaliyeed waxaa ka dhacay bandhig farshaxan oo ay haweenka garoobada ku soo bandhigeen qalabka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed wuxuuna bandhigaasi isugu jiray darmo si aad ah loo qurxiyey, dambiilo isugu jiray kuwo caag ah iyo kuwo laga sameeyey caaw, sidoo kale, waxaa halkaasi iyana lagu soo bandhigay sida loo tolo dambiilaha, waxaana falkinayey haween ka tirsan ururka gabooda Soomaaliyeed.

Mar aan wax ka weydiiney guddoomiyaha ururka Garoobada Xaliimo Cali Caynte, bandhigaan farshaxanka iyo ujeeddooyinka ay u sameeyeen, waxeyna sheegtay iney ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa iney ogaadaan in haweenka garoobada ay yihiin kuwo wax qabsan kara, waxna soo saaran kara, haddii ay helaan kaalmo ballaaran.

Xaliimo Cali Caynte waxey sheegtay in qalabkaas farshaxanka ay ugu talagaleen iney ka iibiyaan shacabka Soomaaliyeed si daqliga ka soo xarooda wax loogu qabto haweenka Garoobada, ee dhibaaatadu ku heyso dalka tan iyo intii ay dhaceen dagaaladii sokeeye, iyadoo sheegtay in intii ay dagaalada sokeeye socdeen ay haween badan oo Soomaaliyeed noqdeen garoobo.

Mar aan weydiiney cidda gacanta ku siisay bandhigaan farshaxanka waxey sheegtay Xaliima in arrintaan ay ku keeneen dhaqaale ay iska ururiyeen, haweenka ku jira ururka Garoobada ee ku sugan dalka.

Xaliima oo hadalka sii wadata waxey ugu baaqday hay’adaha samafalka, ganacsatada, shirkadaha iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa iney il naxariis leh ku eegaan haweenka garoobada una sameeyaan mehrado shaqo oo ay ka soo saartaan quutul-daruurigooda.

Markii aan ka baxay farshaxankaasi ayaan u gudbay qeyb kale oo wax lagu barayey haween garoobo ah, waxaana casharada bixinayey haween kale oo garoobo ah oo aqoontooda ugu kaalmeynayey walaalahooda kale ee iyana ka mid ah uruka garoobada Soomaaliyeed.

Caasha Axmed Salaad oo ah macallimad wax ka dhigaysay fasaladii aan booqanay ayaa waxey sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay iney aqoonteeda ugu faa’ideyso haweenka kale ee garoobada ah, si ay u helaan aqoon ku filan, waxey kaloo sheegtay iney macallimad sii ahaan doonto ilaa haweenka garoobada ay ka bixineyso jahliga una gudbineyso iftiinka aqoonta.

Qadro Max’ud Faarax oo ah xoghayaha abaabulka iyo kicinta ee ururka garoobada Soomaaliyeed ayaa waxey si gaar ah baaq ugu dirtay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa, waxeyna ka codsatay iney gargaar la soo gaaraan haweenka garoobada oo ay sheegtay iney qaarkood iney heystaan caruur ayna ka geeriyoodeen raggoodii.

Ururka garoobada oo la aasaasay sannadihii sagaashameeyadii ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo ururku uu ku guuleystay inuu isku ururiyo dhammaan haweenka garoobada ah, sidoo kale waxa ay deeq aan sidaasi u sii buurneyn gaarsiiyeen, haweenka garoobada ah ee ku jira xeryaha dadka soo barakacay.

Xaliima Cali Caynte ayaa waxa ay ka dhawaajisay in urur samafal oo ka dhisan dalka Imaaraadka uu deeq u soo marsiiyey ururka Bisha Cash ee waddanka Imaaraadka, deeqdaasi oo ay Xaliima sheegtay in ururka Bisha ay ugu tala gashay in la gaarsiiyo haweenka garoobada ah ee ku sugan dalka, waxeyna sheegtay in deeqdaasi ilaa iyo hadda aysan soo gaarsiin haweenka Soomaaliyeed, waxeyna sheegtay in qoraallo cabasho ah oo aad u badan ay gaarsiiyeen, uruka safalka ee Imaaraadka Carabta, taasoo ku saabsaneyd raashinkaasiay samafal ahaanta u heleen iney ka cabsi qabaan in qaab wax isdaba marin ah lagu sameeyo, ugu dambeyntiina waxey sheegtay, haddii sida ay ka cabsi qabaanba ay dhacdo in deeqda loo soo diray soo gaari weyso ay ku hor banaanbixi doonaan, xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed, oo ay ku tuhmayaan iney si kale deeqdii loo soo gudbiyey u wajaheen, “Meel kasta waan gaarsiin doonnaa cabashadeena, cid kasta oo wax noo qaban kartana waan la xiriireynaa” ayey tiri Guddoomiyaha uruka Garoobada Marxo Xaliima Cali Caynte.

W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Ururka dhalinyarada iyo ardayda ee wadanka Finland Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Garaad Abshir

(Filand}: Ururka dhalinyarada iyo ardayda soomaaliyeed ee wadanka Finland ayaa Garaad Abshir Saalax Maxamed Guddoonsiiyay Shahaado sharaf garaadku uu ku mutaystay sida weyn ee uu mudnaanta Koowaad u siiyo u adeegida danaha guud ee bulshada...................

Guddoomiyaha dhalinyarada iyo ardayda soomaliyeed ee wadanka Finland C/Qaadir Maxamed Serar ayaa si gaar ah Garaad Abshir Saalax Maxamed ku Amaanay doorkii uu ka qaatay safaradiisi yurub ee uu taageero ugu raadinayay jaamacada nugaal kuna taala magaalada Laascaanood.

Shahaado Sharafta ayaa waxaa ururka dhalinyarada iyo ardayda ee wadanka Finland ka Guddoomay Jaamac Jaawali oo ka mid ah howlwadeenada jaamacada nugaal ee magaalada Helsinki, madaama garaad Abshir uusan fursad u helin in uu imaado goobta.

Mas`uuliyiintii Bixisay Shahaadada
 


Shahaadadii Garaad Abshir

Waxaa soo tebiyey:
C/Risaaq C/Rashiid Maxamed
a_rizak@hotmail.com


CUNUG YAR  MOROKAAN AYAA KU HADLAAYO AFKA GERMANY-GA, WUXUUNA RAJEYNAYAA INUU NOQDO MADAXWEYNAHA GERMANY.
 
Lama helin ilaa iyo hada qof u si cilmiyan ah u fasiro arintaan lagu arkay wiil Marocan ah oo jira 10 sano, wiilkaan oo bilaabay ku hadalka luqada Germany ilaa iyo yaraantisa ayaa waxaa ku soo muslimay dhowr dublumaasi oo ka tirsaneyd dublumaasiyiin ay soo dirtay dowlada Germany si ay u soo eegaan xaalada wiilkaas yar.
 
Wiilkaan iyo reerkiisuba weligood maysan arag ama tagin wadanka Germany xitaa waxaa la oran karaa ma aysan arag qof ku hadlo afka Germany, markii uu Cuthmaan uu soo gaaray sanadkiisii 3-aad ayaa hooyadiis waxay aragtay isagoo ku hadlaayo afka Germany.
 
Hoyadii cunuga dhashay marki ay la yaabtay ayey bilawday inay iyaduna ay barato luqada Germany-ga si ay ugula xiriirto ama jawaabo deg deg ah ooga hesho wiilkeeda ay jeceshahay.
 
Sanado ka dib, Cuthmaan -cusmaan- wuxu sii kordhiyey ku kaftanka iyo ku haawaasida luqadaan si xeel dheer iyadoo markaasi keentay in uu aabihiis u kaxeeyo magaalo madaxda Moroco ee Ribaat si uu ula kulmo safaarada Germany ee wadanka iyo safiirkeeda, safiirkii ayaa bilaabay inuu la sheekeysto mucjisadan ku soo korodhay Luqada Germany oo ka mid ah luqadaha ugu ad adag caalamka, wuxuna weydiiyey meesha uu ku bartay luqadaan, wuxuu ku jawaabay Cuthmaan "GOD" "GOD" -Allaah, Allaah-.
 
Toban bari ka dib ayaa waxay ku soo noqdeen Cuthman iyo Aabihiis safaarda halkaas oo loogu sheegay in dublamaasiyiin badan ay ku soo islmeen wiilkaas daraatiid.
 
Isha warkaan

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2006

Warsaxaafadeed uu soo saaray Bootaan Barre
Warsaxaafadeedka oo ku saabsan arrintii ka dhacday deegaanka Buruc, waxa uu ku caddeeyey in...
Guji..
Waraysi Xabsiga Bangkok Looga Soo Qaaday 3-da Soomaalida ee Thailand Ku Xiran:
Waxaa warbixin arrintaas ku saasan soo tebiyey Xasan Cubeed...
Akhri halka  ama Halkan ...

Isbahaysiga "la dagaalanka Argagixisada" oo isku khilaafay cidda Gudoomiye u noqoneysa..
»C/llaahi Yuusuf oo caafiamaad ahaan ugu ambabaxay UK
»Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo si weyn uga soo....
»C/llaahi, Shariif Xasan iyo Geeddi oo kulan la yeeshay..
»Saddex nin oo ganacsato ah oo u dhashay oo lagu afduubay
»Markab siday Dhuxul oo uu dab ku qabsaday meel ku dhow
»Wiil arday ah oo mudo 5-maalmood ah af-duub loogu..
»Xidlhibaan barre hiraale oo Neyroobi u kicitimay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 17

WIXII AAN KALA KULMAY SEATTLE WASHINGTON..
Safarikii Ibraahim Saalax.. Akhri