SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

WARARKII APRIL 17, 2006

  • Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo isku khilaafay cidda Gudoomiye u noqoneysa..

  • C/llaahi Yuusuf oo caafiamaad ahaan ugu ambabaxay wadanka ingiriiska..

  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo si weyn uga soo horjeeda ..

  • C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo kulan la yeeshay xubnaha ..

  • Saddex nin oo ganacsato ah oo u dhashay beesha Murile oo lagu afduubtay ...

  • Markab siday Dhuxul oo shalay uu dab ku qabsaday meel ku dhow xeebta..

  • Wiil arday ah oo mudo 5-maalmood ah af-duub loogu haystay Muqdisho..

  • Xidlhibaan barre hiraale oo  neyroobi u kicitimay

  • Warsaxaafadeed ku saabsan Buruc oo uu soo saaray Bootaan Barre...



Sawirkan waa burburka dhismihii Baarlamaanka hore ee Soomaaliya, (Sawir qaade: Muuse Maxamuud Jiisow, 2006)
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya


ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo isku khilaafay cidda Gudoomiye u noqoneysa..

Maalintii shalay ahayd ayaa deegaanka Deyniile waxaa kulan ku yeeshay xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxa uuna kulankaasi uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen loona diiday inay wax ka ogaadaan kooxaha Warbaahinta. Kulankaas oo saacado qaatay ayaa waxaa xubno hoose oo ka tirsan Isbahaysiga ay noo sheegeen in kulankaasi looga hadlayay cidda Guddoomiye looga dhigayo Isbahaysigaasi, iyadoo raggaasi ay noo sheegeen in ay si weyn isugu khilaafeen cidda gudoomiye u noqoneysa Isbahaysiga qaarkood waxay soo jeediyeen in Guddoomiye laga dhigay Max’ed Qanyare Afrax, halka ay kuwo kalana soo jeediyeen in Guddoomiye laga dhigo Max’ed Dheere. Dowladda Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahayd dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho kaddib markii xoogaa lacag ah ay siisay Isbahaysiga la dagaalanaka Argagixisada, Sanatar ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanku ay baari doonto in ay wax lug ah ku lahayd dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay isga hor yimaadeen Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo Maxaakiimta Islaamiga ah. Aqoonyahano Soomaali-yeed ayaa Dowladda Mareykanka u gudbiyay qoraal ay kaga codsanayaan in aysan wax gacan siin Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, iyagoo isbahaysigaasi ku tilmaamay mid 15 sano argagax iyo cabsi gelin ku yahay shacabka Soomaaliyeed. Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ayaa waxa uu raadinayaa maalmahan kalsoonida shacabka, iyadoo dhawaan xubin ka tirsan Isbahaysiga oo lagu magcaabo Cabdi Nuure Siyaad uu gargaar gaarsiiyay xero qaxooti ah oo ku taala Xaafadda Buula-Xuubey. 

C/llaahi Yuusuf oo caafiamaad ahaan ugu ambabaxay wadanka ingiriiska..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay ambabaxay Magaalada Baydhabo oo haatan xarun ku meel gaar ah Dowladda Federaalka, waxa uuna isla shalay gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu caafimaad ahaan ugu sii jeedo wadanka Ingiriiska, maadaama halkaas oo degan yahay takhtarkii horey qalliinka ugu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magaalada Nairobi waxa uu kulamo la yeelan doonaan madaxda Hay’adaha Smafalka, Diblumaasiyiinta shisheeyaha ee ku sugan dalka Kenya, isagoo kala hadli doona sidii gacan loo siin lahaa Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa dadaalkiisa ugu xoogan ee haatan waxa uu yahay sidii dalka loo keeni lahaa ciidamo shisheeye, iyadoo mar uu la hadlayay Golaha Baarlamaanka uu sheegay in wadamo fara badan ay diyaar la yihiin in Soomaaliya ay keenaan ciidamo ka qayb-qaata nabadda iyo hub ka dhigista.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo si weyn uga soo horjeeda ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegyaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay si aad ah uga soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda wadamada Safaka hore gaar ahaan wadamada Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan in Ciidamo shisheeye la keeno dalka balse ay ka soo horjeedaan in ciidamo ka socda wadamada safka hore la keeno, isagoo sheegay in ciidamadaasi ay keeni karaan burbur iyo dagaalo hor leh oo dalka ka dhaca, Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala ayaa iyadu gebi ahaanba ka soo horjeeda in dalka la keeno ciidamo shisheeye, iyadoo sheegtay in ciidamadaasi dalka u horseedi karaan mid ka balaaran dhibaatadii ay gaysteen ciidamadii UNISOM.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka codsaday xubnaha Baarlamaanka in ay aqbalaan in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda wadamada IGAD iyo Midowga Afrika, taas oo uu sheegay in la’aantood aysan shaqeyn Dowladda Federaalka isla markaana aysan huba dhigi Karin kooxaha hubeysan. 

C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geeddi oo kulan la yeeshay xubnaha ..

Saddexda mas’uul ee ugu sar sarreeya dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa shalay warbixin siiyay Golaha Baarlamanka Soomaaliya, warbixintaas oo badneyd mid ka hadleysay safaradii ay dhawaan ku tageen dalka dibaddiisa iyo kulmadii ay la yeesheen madaxda dalalka ay tageen iyo kuwa beesha caalamkaba.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’isul Geeddi iyo Guddoomiye Shariif Xasan ayaa u sharraxay Golaha Baarlamaanka  Soomaaliyeed, dhowr shir madaxeed oo ay kaga qayb galeen Magaalooyinka Khartoum Brussels iyo Nairobi, waxaana halkaas warbixin ka dhiibay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay kulankaas, wuxuuna baarlamaanka u sheegay in shirkii Nairobi ee dalalka IGAD iyo deeq bixiyayaasha ay meel isla dhigeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka.

“Soomaaliya waxaa ka jirta Dowlad, suuragalna ma ahan in Dowladdaasi lagu sheeko in ay tahay mid aan awoodi karin in ay ammaankeeda sugto iyo waxaliba sidii ay ciidan Qaran u dhisi lahayd, una xaqiijin lahayd kala dambeynta iyo xasiloonida dalka oo dhan” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isagoo intaa raaciyay in go’aanka rasmiga ah ee ah in cunaqabateynta laga qaado Soomaaliya uu leeyahay golaha Baarlamaanka.

            Sidoo kale waxaa halkaas isna warbixin ka jeediyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ka warbixiyay heshiis ay la galeen Dowladda Mareykanka oo ku saabsan I la iska kaashado nabadgelyada iyo Siyaasadda, sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka oo isagu furay hadalka ayaa isaguna hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlihii Baarlamaanka, gaar ahaan xiriiradii dibadda iyo waxyaabihii lagama maarmaanka ahaa ee Baarlamaanku ka sugayay wadamada Dibadda. 

Saddex nin oo ganacsato ah oo u dhashay beesha Murile oo lagu afduubtay ...

Shalay subaxnimadii ayaa saddex nin oo ganacsato ah una shaqeeya shirakadda diyaaradda  ee Al-Nasri ee soo daabusha qaadka la keeno magaalada Muqdisho ayaa mar ay marayeen agagaarka isbitaalkii hore ee Digfeer ayaa waxaa lagu hor gooyey gaari kale oo yar, waxaana gaarigaasi ka soo degay niman dabley ah oo saddexdaasi nin kala soo degay gaarigii shirkadda, kuwaasi oo la sheegay iney ka soo jeedaan beesha Murile.

Saddexdan nin oo kala ah maamulihii shirkadda iyo laba ka tirsan hawl wadeenada shirkaddaas ayaa waxey magacyadooda kale yihiin Aadan Cali Cilmi, C/raxmaan Xuseen Shafeec iyo Muxuddiin Xuseen Yuusuf {Timacadde} ilaa iyo haatan lama garanayo sababihii loo afduubtay nimankaasi, balse warar ayaa waxey sheegayaan in raggaasi loo afduubtay rag beeshooda ah oo dhacay lacag ay lahaayeen ragga wax afduubtay, rag ay xigto yihiin.

Odayaasha beesha Murile ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxey ka codsadeen beesha ay ka soo jeedaan kooxda afduubatay raggaasi iney gacan ka geystaan sidii loo soo deyn lahaa, saddexdan nin ee la afduubtay.

Markab siday Dhuxul oo shalay uu dab ku qabsaday meel ku dhow xeebta..

Maalintii shalay ahayd ayaa meel ku aadan Xeebta Dekedda Ceel-Macaan waxaa uu dab ku qabsaday markab siday dhuxul fara badan oo ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna markabkaani dhuxusha ka qaaday dekedda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose.

Markabkaan ayaa waxaa markii dambeu u gurmaday shaqaalaha Shirkadda Banaadir oo ku guuleystay in ay damiyaan dabkii qabsaday markabkaasi, iyadoo maanta in markabkaasi loo soo jiido dhinaca Dekedda Ceel-Macaan si uu u helo farsamo ku aadan waxyaabihii uu ka gubtay.

Maraakiibta dhuxusha ka qaada dalka ayaa waxaa rara ganacsato Soomaaliyeed kuwaasoo xaaluf ba’an ku haya dhirta Soomaaliyeed waxaan dhowr jeer ragga ganacsatada ah looga digay inay ka waantoobaan xaalufkaasi oo dhibaato u keenaya dad iyo duunyabada.    

Wiil arday ah oo mudo 5-maalmood ah af-duub loogu haystay Muqdisho..

C/raxmaan Shiikh Max’ed oo mudo shan maalmood ah afduub loogu haystay Magaalada Muqdisho ahaana arday wax ka baranayay Dugsiga Fatxu-Raxmaan ee Xaafadda Huriwaa, waxayna da’diisu ahayd 13 jir ayaa la sii daayay, iyadoo sii deyntiisa ay gacan weyn ka gaysteen Maxkamadda Islaamiga ah ee Wardhiigley gacanta ku soo dhigtay saddex ka mid ah raggii wiilkaasi afduubtay.

Shalay subax ayaa waxaa Dugsiga Fatxu-Raxmaan ka dhacday xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayo ardaygaasi oo shalay xoriyaddiisii helay, iyadoo waalidiintii ardaygaasi si weyn ugu mahadceliyay shacabka Gobalka Banaadir iyo bahda saxaafadda iyo waliba Maxkamadda Islaamiga ah ee degmada Wardhiiley, waxaana dhacday in ardaydii uu wax la baranayay ay si weyn ugu farxeen markii ay arkeen C/raxmaan oo dib u soo laabtay.   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2006

Xidlhibaan barre hiraale oo maanta neyroobi u kicitimay

Wasiirka wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka ku meel gaarka ah xildhibaan Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa saaka safar aan horay loo sii shaacinnin ugu kallahay wadanka Kenya gaar ahaan magaalada neyroobi halkaasoo la sheegayo in uu kulamo kula yeelan doono madax ka socota safaarada mareykanka .

Safarka wasiirka ayaa waxa aan ka wareysannay afhayeenka isbahaysiga dooxada Jubba Bile Cabdille Cabdi oo ku tilmaamay safar aan horay loo sii shaacinnin ayadoo wasiirka bixintaankiis aysan cidina ku wehelin sidoo kale waxaa war hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in xildhibaan barre uu magaalada neyroobi kula kumi doono madaxweynaha dowlada FKG ah ee somaliyeed mudane cabdulahi yuusuf oo galabta u baqooli doona dhanka kenya gaar ahaan magaalada neyroobi.

Dhanka kale dadweynaha reer Kismaayo ayaa waxa ay arrinta safarka wasiirka ku tilmaameen mdi daba soota socdaal uu horey magaalada neyroobi ugu anbabaxay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga dooxada jubba xidlhibaan seraar kaasoo kulamo halkaas kula yeeshay saraakiil ka socota safaarada mareykanka ee neyroobi.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2006



Bootaan Barre Samatar
Warsaxaafadeed uu soo saaray Bootaan Barre Samatar oo kusaabsan Arrintii ka Dhacday Deegaanka Buruc....

Afhayeenka Beesha Jambeel (Darood)


Buruc waxay u dhexaysaa Boosaaso iyo Qandala...

April 16, 2006

 
Taariikhdu markay ahayd 12.04.2006 ayaa dagaal si lama filaan ahi uu uga dhacay meel u dhow magaalada Buruc oo layiraahdo Qoriga, halkaas oo ay isku dheceen laba belood oo meeshaa diris ka ah oo wada dega degmada Qandala.

Waxaan cadeynaynaa dagaalkaas inaanay wax luga ah ku kalahayn dawladda uu madaxda kayahay Cade Muuse sida ay sheegtay idaacadaha Xamar, waxaanu beeninaynaa hadaanu nahay beesha Jambeel (Darood) ee degta magaalada Buruc warkii ay siidayeen Idaacadaha Xamar ee laga faafiyey taariikhdu markay ahayd 12.04.2006 oo ahaa in Boosaaso ay dooniyi kabaxday kuna baxday aagga doontaas oo sida ay sheegeen ay saarnaayeen ciidamada madaxtooyada, oo ay yiraahdeen nin ayaa ciidamada kaga dhintay nina waa kaga dhaawacmay, waxaanu cadaynaynaa marlabaad warkaas xamar laga soo weriyey inaanu sal iyo raad toona lahay.

Labadii beelood oo dhibtu kadhacdayna waa ay ka heshiiyeen dhibkii soo kala gaarey.

Xaqiiqadu waxay ahayd in arrinta dhacday ay la xiriirto deegaan, halkaasna uu ku dhintay nin deegaanka ah. Halkaasna aaney tegin am aku lug yeelan ciidamada Puntland. Arrintasna hadda nabad lagu soo afjaray.

Bootaan Barre Samanter
Afhayeenka Beesha Jambeel (Darood)

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2006