SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Ma ururkii nabad soo Celintaa Afduubtay Carruurtii Ardeyda Ahayd  

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Halka shalay qolyo u dabbaaldegeyeen sanad-guuradii 46-daad ee ka soo wareegtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kuwa kale waxay  jidka u galeen oo soo afduubteen arday iskuul u socday! Inkastooy dhicikarto inaan mooryaantaasi shuqul ku lahayn ururkii dhowaan la magacbaxay la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda ayaa haddana waxaa shaki keenay xaafadda laga sheegayo in wiilkii la geeyey, C/Casiis. Waa la yaqaan cidda xaafaddaas ka talisa iyo shacabka taageeraba. 

Waxaan xasuustaa falsafad lagu muujinayo karaamada ardey Qur’aanka khaasatan markuu ka soo laabto dugsiga isagoo quraac doon ah. Waxay dhihi jireen xitaa geedkii maradiisa qabsada waa qalalaa iska daa in qof isku dayo inuu celiyo ama wax u dhimee. Kuwa iskuulkana waa la mid maaddaama uu Islaamku ogolyahay aqoon aakhiro iyo mid adduunba. Ka warran wiilkaas yar ee shalay isagoo Ilaahiis kaalmo weydiisanaya ood mooddo inuu qaadayo heestii caanka ahayd ee ahayd: 

  • Ardey baan ahayoo

  • ardey baan ahayoo

  • ubaxii waddankaan ahaye

  • waxaan u ordayaa ordayaa

  • dugsiyada u aadaa

  • inaan aqoon kororsadoo

  • arligeyga anfacee

  • dadaalkii la imidee

  • Allahayoow ii gargaar

  • aamiin aamiin

  • Ilaahayoow ii gargaar 

Waxaad mooddaa in Ilaahay usoo diray ururkaas iyo mooryaantiisa ood mooddo iney subaxii markey shaqotagayaan ay qaadaan heestaas oo la geddiyey oo dhahaysa: 

  • day-day baan nahayoo

  • day-day baan nahayoo

  • dibjirkii waddankaan nahayee

  • waxaan u duuleynaa duuleynaa

  • dadkayaga u leyneynaa

  • inaan Maraykan dugsannoo

  • dalkayaga qaribnee

  • dalaalkii la nimadee

  • Zenaaniwiyoow noo dadaal

  • Zenaawiyoow na daryeel

Haddii, dadka wiilkaas afduubay ay xiriir la yeeshaan ururka la dagaalanka argagixisada waxaa caddaaneysa iney bilaabeen sheeko aan horay Soomaaliya looga aqoon oo ah marka ragga dagaal la iskaga celinwaayo in dumarka iyo carruurta lagu guryonoqdo. 

Mar hore ayaan dagaaloogayaasha caqligooda waxaan ka iri:

  • waxaan ahay waanada macallinka (Zenawi)
  • waxaan ahay waddada la sii maro (awr-ku-kacsi)
  • waagii beryaba
  • jago lagu wareershoo
  • waxaan ku warwereynaa
  • waddankiinna wax u dhima
  • waddankiinna wax u dhima
  • haku jiro waxyeeladdee
  • guul wacan
  • caddow ku waani
  • iyo belaayo
  • nabad lagu wareemoo
  • hagu waayo waddankiinnu
  • waddankeennu waa
  • waax ka mid ah Itoobiyoo
  • waan ku werwereynaa

Marka, hadda waxay u muuqataa in la dagaalankii argagixisada uu isu rogey afduubka carruurta Soomaaliyeed. Kaaga daran, dadka lagu afduubto Xamar waxay u badanyihiin dadka ka soo jeeda qabiillada aan hubeysneyn. Taasina waa ceeb kale oo lid ku ah dagaalka ragga.

Waxaan shaki lahayn in sidii dagaalkii Badar markii sheydaanku Qureysh ku yiri: iska cesha Muxamed (SCW) anaa idin garabsiine laakiin markii dagaalkii qarxay uu garabkooda ka baxay. Sidoo kale wataas ay hay’ado sirdoon ku dhaheen ururkaas iska cesha maxaakimta annagaa idin caawineynee laakiin Ilaah qaddaray inay ku sigteen in la qabqabto. Waan ognahay in hub iyo qalab caafimaadba ay hay’ado gargaar iska dhigayaa siiyaan ururka la dagaalanka argagixisada laakiin tan Ilaah baa soconeysa.

Waxaa Ilaah lagu mahadiyaa in shacabkii Maraykanka, Yurub iyo adduunkii oo dhan u caddaatay sida dowladaha reer Galbeedku ay ula dhaqmaan muslimiinta. Hadda taageeradii shacabka Maraykanku u hayey maamulkooda waxay gaartay heerkii ugu hooseeyey. Sidoo kale, dadkii Soomaaliyeed waxaa u soo baxay sawirka saxdaa ee dowladda Maraykanka kaddib markey la safatay dagaaloogayaashii ugu xumaa inta taariikhda la xasuusto. Waxaa Ilaahay ummadda muslimiinta usoo ceshay dadkii dhihi jiray: reer Galbeedku waxay hayaan oo agtaal “xaquuqda binu Aadamka”! Marka gargaarkii Maraykan nooga yimid wuxuu noqday inay mar kasta la shiraan oo lacag siiyaan dagaaloogayaasha aan wada naqaan ee dambiga ay geysteen aan labo isku khilaafin. Ilaah baa i diliye iyagaa nooga sii daran dagaaloogayaasha.

Marka shacabka Soomaaliyeed ee degen xaafadaha wiilkaas lagu afduuboow waa inaad ka dhigtaan wiilkaas ilmahiinna oo kale. Marka waa in laga soo daayo wiilkaas mooryaanta afduubtay. Haddii kale idinkaa aakhiro iyo adduunba u hoogin.

Maqaal ku socda Reer Muqdisho iyo Maamulkooda Cusub: Qore C/Waaxid Khaliif

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiisan

Faafin: SomaliTalk.com |  April 14, 2006

Max’ed Dheere oo ku soo laabtay Jowhar kaddib markii ay isa soo khilaafeen Geeddi..
»Saraakiil ka tirsan CRD oo Gaalkacyo kula kulmay Odoyaal..
»Qaar ka mid ah Gobalada dalka oo uu ka curtay Roobab..
»Baydhabo oo laga qaaday 18-Jidgooyo..
»Xuseen Cusmaan “Qanyare waxba lagama weydiinayo amiga
»Ciidamadii ku xareysnaa Waajid oo dilay nin deegaanka ah
»Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Kismaayo...
»Tartankii S.Y.L. MN oo Soo Gabagaboobay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... April 3

WARBIXIN: GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA SOOMAALIYA…