SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA: April 10, 2006

  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo shalay soo gaaray Magaalada Jowhar...

  • Xildhibaan Fiqi “Xukuumaddu Jowhar lama gayn karo..

  • Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in ay  wada Xaajood la geli doonaan..

  • Wafdi ka socda Dowladda FKMG ah oo dhawaan tagi doona Jabuuti

  • Qabsashadii Baqdaad kaddib maxaa soo Kordhay..

  • Shiikh Shariif oo beeniyay warqado lagu daadiyay Magaalada Muqdisho..

  • Xaflado loo sameeyay dhalashada Nabiga...

  • Kulan lagu heshiisiinayay beelaha Sacad iyo Suleymaan oo ka dhacay….

  • Bandhiga Buugaagta Soomaalida.. Espoo, Finland


Nadwo Islaami ah - Birmingham, UK
" Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa dadwaynaha soomaaliyeed ee ku nool wadanka Ingiriiska in uu ka dhici doono magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska shirwayne islaami ah oo lagu qaban doono Markis Ar-raxma ee xaafada Smallheath taariikhdu marka ay tahay 14,15,16ka Bishan (April) oo ah maalmaha Jimcaha iyo sabtida iyo axada nagusoo fooda leh haduu ilaah idmo,"

Saraakiil Itoobiyaan ah oo shalay soo gaaray Magaalada Jowhar...

Labo sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa shalay soo gaaray Magaalada Jowhar ee  Gobalka Sh/dhexe, waxayna kulamo gaar ah la yeesheen Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii loo amba- qaadi lahaa heshiiskii ka dhacay Magaalada Nairobi ee u dhexeeyay Madaxweynaha iyo  Guddoomiyaah Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere.

Saraakiishaas oo haatan ku sugan Magaalada Jowhar ayaa la filayaa in ay la kulmaan Wasiiro ka tirsan Dowladda oo maanta la filayo inay gaaraan Magaalada Jowhar, kuwaasoo ka socda dhinaca Madaxweynaha.

Dowladda Itoobiya ayaa si weyn ugu lug lahayd heshiiskii ka dhacay Magaalada Nairobi ee u dhexeeyay mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) taasoo la sheegay in lagu soo afjaray wixii khilaaf ahaa ee jiray.

Deeq Mucaawino ah oo soo gaartay guddiga gurmadka abaaraha ee Jubbooyinka

 Dooni wada mucaawino oo u badan timir oo loogu tala galey dadka abaaruhu ay ku dhufteen ee gobolada koonfureed ee dalka ayaa kusoo xiratey dekedda magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.

Doonidan oo ka timid waddanka Sucuudiga ayaa waxaa sadaqada saaran loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ee ay halakeysay abaartii muddada dheer silcinaysay dadkaas, waxaana soo dirtay hay'ad islaami ah ee Al-MANHAL oo fadhigeedu yahay waddanka Sucuudiga

Deeqdan oo caddadkeedu yahay Laba kun, laba boqol labaatn iyo afar “2,224” kiish oo timir ah oo loogu tala galey in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee gobolada Jubbooyinka ayaa dooni sida waxaa ay kusoo xiratey marsada caalamiga ee magaalada Kismaayo.

Waxaa mucaawinadaan lagu soo hagaajiyay guddiga gurmadka abaaraha ee Jubbada Hoose, waxana loogu talogalay dooxada Jubba (Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe) waxana guddiga gurmadku uu sheegay in si degdeg ah loo qaybin doono.

cabdi khadar Nuur cabdiqadar84@hotmail.com


Xildhibaan Fiqi “Xukuumaddu Jowhar lama gayn karo..

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi oo ka mid ah Xoghaynada Gudoonka Baa-rlamaanka  ayaa ka hadlay halka ay marayaan dhismaha Gudi hoosaadyadii Baar-lamaanka shuruucdii iyo qaabka ay u shaqeynayaan, safarkii Gudoomiyaha Baar lamaanka waxa uuma sheegay in sababaha uu u baaqday kulankii Golaha Baarlamaanka  ay ahayd Gudoomiyaha oo kulamo la lahaa Gudoonka iyo Gudoomiyeyaasha, Gudi Hoosaadyada Baarlamaanka si uu warbixin uga qaato waxyaabihii u qabsoomay intii uu safarka ku maqnaa.

Waxa uu sheegay in Gud oomiyuhu uusan wax faahfaahin ah ka bixin safarkiisii  balse Xildhibaanku wuxuu sheegay in sedexda Mas'uul si wada jir ah ay shir Jaraa'id u qabandoonaan marka uu yimaado Raysul wasaare  Cali maxamed Geedi kaas oo ay kaga hadli doonaan waxyaabihii ay la soo kulmeen heshiisyadii ay soo galeen iyo halka ay mareyso Siyaasadda Dowladdu. Xildhibaan Fiqi waxa uu sheegay in Gudiyadii Baarlamaanka laga soo saaray hal Gudi  oo ka koban 9 Xubnood oo uu Gudoomiye u yahay Shariif Saalax, waxa uuna sheegay in howshaas la soo gabangabayn doono maalinta Isniinta, "mar hadii laga gudbay qodobka 14 aad ee Xeer hoosaadka dhismaha Baarlamaanka in Ajendaha ugu weyn uu yahay arimaha nabadgelyada guud ee dalka, iyo sidii dhismaha Dowlada iyo Maamulka loogu baahin lahaa dalka ” ayuu yiri xildhibaan fiqi. Xidhibaan Maxamed Xasan Fiqi waxa uu sheegay inaysan suuragal ahayn in Xukuumaddu ku shaqayso Magaalada Jowhar waxa uu sheegay in taas go’aankeeda uu lee yahay Baarlamaanka ee aysan go’aamin karin Masuuliyiinta sar sare,  waxa kale oo uu intaas raaciyey “hadda waxaa socda kalfadhigii Golaha Barlamaanka Xukuumadduna Baarlamaanka ayey ka mid tahay marka caqli gal ma aha in Jowhar la geeyo Dowladda”.  

Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in ay  wada Xaajood la geli doonaan..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sidii loo sii deyn lahaa Markab Kalluumeysi oo laga leeyahay wadanka Koonfur Kuuriya laguna haysto Xeebaha deegaanka Xarardheere.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in ay dhawaan ay wafdi ka socda Dowladda u diri doonaan deegaankaasi si ay ula soo xaajoodaan kooxaha haysta Markabkaasi, sidoo kale waxa uu sheegay in Gobalada Dhexe ay ku sugan yihiin wafdi ka socda Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in iyagana loo diri doono halkasi si ay gacan uga gaystaan dhameynta sii deynta Markabkaasi.

Markabkaan oo ah mid kalluumeysi ayaa waxa uu ka mid yahay Marakiib shati u haysta in ay ka jilaabtaan Xeebaha Soomaaliya, waxaan fasaxaas bixiyay Wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax, hase yeeshee Wasiirku kama uusan hadlin afduubka Markabkaasi, sidoo kale waxaa deegaankaas lagu haystaa Markab laga leeyahay wadanka Hindiya oo isagu badeeco keenay Dekedda Ceel-Macaan.

Wafdi ka socda Dowladda FKMG ah oo dhawaan tagi doona Jabuuti

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro dalka Jabuuti, waxaana wafdigaasi sida la filayo hogaamin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aada.

Waxay wafdigaasi halkaasi u tagayaan sidii ay Dowladda Jabuuti uga tacsiyeyn lahaayeen musiibadii dhawaan ku dhacday shacabka Reer Jabuuti, kaddib markii Dooni siday siday 300 oo qof ay ku qalibmatay xeebaha wadanka Jabuuti, waxaana halkaasi ku dhintay ilaa iyo 70 qof, waxaana masiibadii ugu balaarneyd ee soo wajahda dalka Jabuuti tan markii uu xoriyadda qaatay wadankaasi ee 1977.

Dowladda Faransiiska ayaa ilaa iyo haatan Jabuuti la soo gaartay gargaar dhinaca Daawooyinka ah si loogu daweeyo boqolaal qof oo ay waxyeelo ka soo gaartay Doontaasi, sidoo kale madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa soo gaaraya dhambaalo loogu tacsiyeynayo geeridii ku timid ilaa iyo 70 qof oo ay waxyeelo ka soo gaartay dooni ku rogmatay xeebaha wadanka Jabuuti.

Waxaa socda baaritaano la xiriira sababihii keenay in Doonidaasi ay qalabmito iyadoo dadkii saarnaana ay xiligaasi u socotay xus diimeed ka dhacay Gobalka Tojore.

Qabsashadii Baqdaad kaddib maxaa soo Kordhay..

Shalay oo ku beegneed 9-kii April waa maalintii ciidamada Mareykanku ay sida gardarada ah ku qabsadeen Ciidamada Mareykanka oo ay galeen Magaalada Baqdaad oo ah ka mid ah Xarumaha ugu waaweyn ee Islaamka.

Maalinkaas kaddib dalka Ciraaq waxaa ku dhintay ilaa iyo 30-Kun oo qof oo si gardaro ah loogu dilay wadanka Ciraaq, sidoo kale waxaa iyana ciidamadii ku soo duulay wadankaasi marka la siku daro kaga dhinay ilaa 9-Kun oo Askari.

Dhiigii waagaas bilowday weli waa uu qulqulaya wadankuna waxa uu haatan ku sii siqayaa dagaal sokeeye oo lagu hoobto, waxaana wadankaasi ka dhacay fadeexooyin badan oo ay gaysteen ciidamada Mareykanka, hadaba su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay yaa badan intii uu Saadaam Xuseen dilay iyo intii ay dileen Ciidamada Mareykanka.     

Shiikh Shariif oo beeniyay warqado lagu daadiyay Magaalada Muqdisho..

Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa beeniyay in ay wax lug ah ku leeyihiin waqado shalay lagu daadiyay Magaalada Muqdisho.

Warqadan oo ahaa labo nooc ayaa waxay ka digisay in wax Mowliid ah lagu qabto Masaajidda iyo goobaha kale ee mocayinka ah, halka midda kale ay sheegaysay in Maxkamaduhu ay weerarayaan Isbaarooyinka yaala gudaha iyo hareeraha Magaalada Muqdisho.

Shiikh Shariif waxa uu ku tilmaamay warqadahaasi kuwo la doonayo in la isaga hor keeno Maxkamadaha iyo shacabka iyo waliba Culuma’udiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan markii uu ka hadlayay dhinaca Mowliidk, waxaa kalloo uu sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah aysan u qorsheysneyn in ay weeraraan Isbaarooyin yaala Magaalada Muqdisho.

“Maxkamadaha waxaa loo aasaasay inay sugaan amniga iyo in ay la dagaalamaan kooxaha Buracadda ah ee dhibaatada ku haya bulshada” ayuu yiri Shiikh Shariif oo u soo jeediyay Shacabka Soomaali-yeed in ay ka feejignaadaan warqadaha noocaas ah.

Shiikh Shariif mar uu ka hadlayay in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo suga amniga ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka wada dheregsan yihiin ciidamo shisheeye, waxa uuna sheegay in dhibaatada Soomaaliya haysata ay yihiin faragelin dowladdeed oo uu ugu horeeyo Mareykanka, isagoo sheegay in Mareykanku uu taageeri waayay dowladdii lagu soo dhisay Magaalada Nairobi uuna ka door biday in uu xiriir la sameysto shaqsiyaad iyo kooxo isagoo aan soo marin Dowladdii Federaalka.

Xaflado loo sameeyay dhalashada Nabiga...

Xalay oo ku beegneed 12-ka R/Awal oo ah habeenkii uu dhashay Nabi Muxamed (NNKH) ahna habeen ku weyn Muslimiinta Adduunka ayaa waxaa xalay ka dhacay caalamka xusas loo sameenayay Dhalashada Nabiga, waxayna xusas balaaran ay ka dhaceen Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Gobalada dalka.

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Masjidka weyn ee Shiikh Cali Suufi, waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweyne  aad u fara badan kuwasoo dhageysanayay Taariikhdii Nabiga (NNKH) oo jeedinayeen Culuma’udiin si weyn looga yaqaano dalka gudihiisa gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

“Jaceylka Nabiga waa in lagu daydaa wixii uu sameyn jiray ha noqdeen Sunno ama Waajid” ayay ahayd waxyaabihii ugu wey weynaa ee ay ku hadlayeen Culuma’udiinka, sidoo kale maanta ayaa la filayaa in ay iyana dhacaan xaflado lagu xusayo Nabiga Naxariis iyo Nabadda Gelyo korkiisa ha ahaatee.

Culuma’udiinka Soomaaliyeed ayaa iyagu isku khilaafsan xuska Dhalashada Nabiga qaarkood waxay leeyihiin waa in markii uu dhashay la xusaa, maadaama Nabigu uu ahaa iftiin loo soo diray caalamka, kuwo kalana waxay leeyihiin waxaa haboon in Nabiga la xusayo mar kasta.

Kulan lagu heshiisiinayay beelaha Sacad iyo Suleymaan oo ka dhacay….

Waxaa degmada Hobyo ee gobalka Mudug shalay ka furmay kulan lagu heshiisiinayo Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo iyagu ku dagaalamay Gobalada Dhexe, dagaalkaas oo ay ku naf waayeen dad u fara badan, waxaana kulankii looga hadlay sidii loo kala qaadi lahaa Kooxaha Maleeshiyooyinka ah loona gayn lahaa goobihii horey loogu heshiiyay oo ahaa Qusul-Tira iyo Wisil.

Kulankaan oo ay ka qaybgaleen Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labadaasi beelood, waxaana lagu heshiiyay in maanta kulan ka dhaco deegaanka Ceel-Huur si dadka looga dhaadhiciyo qaadashada heshiiskaasi.

Wajiga hore ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay deegaanka Gelinsoor oo laga gaaray heshiis rasmi ah iyadoo 15-ka Bishan ay degmada Cadaado ka dhici doonto xaflad lagu soo gegabeynayo heshiisiinta labadaasi beelood, iyadoo qarashka ku baxaya ay bixinayaan dowladaha Norway iyo Sweden, waxaana qaban-qaabadeeda wada hay’adda CRD oo iyadu maalmahan Gobalada Dhexe u joogtay howlo nabadeyn ah.   

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com



Bandhiga Buugaagta Soomaalida ayaa waxaa laga furay Maktabada buugaagta ee LeppĂvaara, Espoo City, Finland 6da Abriil 2006 kaas oo socondey ilaa 8da Abriil.

Bandhiga waxaa furay Ms Kristina Wikberg oo ka socotay Magaalada Espoo. Ms Kristiina Wikberg waxay u mahadcelisay dhammaan qabanqaabiyayaashii ka soo shaqeeyay barnaamijkan isla markaana ku soo dhaweysay martida kale ee dibadda ka timi magaalada Espoo. Waxay sidoo kale ka hadashay muhimadda ay leedahay soo bandhigida buugaagta af-soomaaliga ayna rajeynayso in mustaqbalka maktabadaha magaalda Espoo laga heli doono buugaag soomaaliyeed oo nooc walba isugu jira.



Munaasabada furitaanka bandhiga oo ay isugu yimaadaan Mas'uuliyiin ka kala socota Maktabadaha Helsinki iyo Espoo ayaa sidoo waxaa ka hadlay Sunniva Drake -Espoo City Library, Antti Mäkinen -Helsinki City Libray iyo Abdirahman Ali -Espoo City Library. Buugaagta waxaa soo bandhigay Scansom Publishers oo xafiisyo ku leh Sweden iyo Canada waxayna buugaagta af-soomaaaliga ku qoran ku fidiyaan aduunka oo dhan.



Maxamed Sh. Xasan Nuur oo ah maamulaha Scansom Publishers mar uu ka hadlayay dhibaatooyinka haysta qorayaaga soomaalida uu u sheegay dhegeestayaashii bandhiga ka soo qeybgalay oo isugu jiray Finnish iyo Soomaali in aysan sahlanayn in la daabaco buugaagta af-soomaaliga haddeysan jirin hay'addo ka caawinaya dhanka dhaqaalaha soomaalida buugaagta qorta ee ku dhaqan Yurub.



Maktabada Leppävaara (Espoo) ayaa intuu socday bandhiga lagu qabtay seminaar looga hadalayay arimaha soomaalida iyo guud ahaan wada shaqeynta soomaaliada iyo dowlada Finland. Inkastoo arimihii seminaarka looga hadlay aynaan halkan ku soo koobi karin, waxaan idiin soo gudbinaynaa qaar ka mihd ah mowduucyadii laga hadlay, waxayna kala ahaayeen: Mulki oo ka hadashay dhaqanka Soomaalida iyo siday soomaalidu u isticmaal maktabadaha, Suzanne Muddle Lilius oo ka hadashay guud ahaan baaritaanada Soomaalida Finland ku dhaqan, Batulo Essak oo ka socotay Finland-Somalia Association ayaa ka hadashay barnaamijyada dib u dhisida Soomaaliya gaar ahaan dhanka caafimaadka. Ugu dambeyntii Innari Virmakoski ayaa soo bandhigtay taariikhdii joornaalka KOOR (Somalia) kaas oo ah mid ku soo baxa luqadaha Finnishka, Ingiriiska iyo Soomaaliga si joogto ahna wadanka Finland uga soo baxayay laga soo bilaabo 1987-kii.

Qorayaashii kale ee soo qabanqaabiyay kana soo qeybgalay bandhigaan waxaa ka mid ahaa Maxamed Cali Xasan -UK, Axmed Weheliye Coofle -Espoo, Khalid Cali-Gul -Denmark, Maxmed-Deeq Haldhaa -Sweden iyo Cabdirashiid Cali Xirsi -Sweden.

Scansom Publishers waxa ay Espoo (Leppävaara Library) ku soo bandhigtay buugaag aad u tiro badan oo isugu jirta buugaagta caruurta, CD-yo barasada afka soomaaliga oo loogu talagalay caruurta, Buugaag ka hadlaysa taariikhdii soomaaliya, buugaag diinta ku saabsan, sheekooyin iyo suugaanta soomaalida guud ahaan.


Waxaa maqaalka soo diyaariýey Nuur oo ka tirsan tifatiraayasha wargeyska  Koor
ee ka soo baxa dalka Finland

waxaa soo tebiyey:
Mohammed Hassan
scansom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2006

Mas’uuliyiinta Sarsare ee DFKMG oo isku khilaafsan in Dowladu dib ugu laabato Jowhar
»Cismaan Caato iyo xubno la socday oo Hobyo Gaaray...
»Cabdi Waal iyo Maleeshiyo uu wato oo looga...
»Xasan Abshir oo lagu eedeeyay in uu shati siiyay..
»Shariif Xasan oo dib ugu soo labatay  Baydhabo.
»Prof. Dhalxa oo u tacsiyeeyay dowladda Jabuuti..
»Jaamacadda Badweynta Hindiya oo kaalinta..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 9

Minneapolis: Masjidka Dar-Alhijra oo $400,000 kulasoo Wareegey Dhismihii
Waxaa farxad u ah maamulka Masjidka Dar-Alhijra ee magaalada Minneapolis, USA in ay idinla socodsiiyaan in dhismihii beeca ahaa uu si rasmi ah ugu soo... Warka iyo Sawirada Xaflada ... Guji...