SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA: April 9, 2006

  • Mas’uuliyiinta Sarsare ee DFKMG oo isku khilaafsan in Dowladu dib ugu laabato Magaalada Jowhar.

  • Cismaan Caato iyo xubno la socday oo shalay Hobyo Gaaray.

  • Cabdi Waal iyo Maleeshiyo uu wato oo looga kala caray Xaafadda Buulo Xuubey.

  • Xasan Abshir oo lagu eedeeyay in uu shati siiyay Maraakiibta Mareykanka.

  • Shariif Xasan oo dib ugu soo labatay Magaalada Baydhabo.

  • Prof. Dhalxa oo u tacsiyeeyay dowladda Jabuuti..

  • Jaamacadda Badweynta Hindiya oo kaalinta..




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Mas’uuliyiinta Sarsare ee DFKMG oo isku khilaafsan in Dowladu dib ugu laabato Magaalada Jowhar.

Warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladda sida Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ay si weyn isugu khilaafsan yihiin in Dowladda Federaalka ay dib ugu laabato Magaalada Jowhar.

C/llaahi Yuusuf waxaa la sheegay in uu diidan yahayba in Dowladdu ay ku laabato Magaalada Jowhar, halka  Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku mowqif yahay Madaxweyne C/llaahi  Yuusuf, hase yeeshe Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa la sheegay in uu doonayo in Dowlddu ay degto Jowhar oo uu ku tilmaamay in ay tahay Magaalo nabadeeda la isku halayn karo horeyna ay dowladdu ugu shaqeysay. Kulankii ka dhacay Magaalada Nairobi oo lagu heshiisiinayay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere ayaa waxyaabihii ugu weyn ee la iskula soo qaaday ay ahaayeen  in Dowladdu ay ku shaqeyso Magaalada Jowhar, waxaana arrintaani si ay aad ah u doonaya Dowladda Itoobiya oo iyadu soo qaban-qaabiday dib heshiisiinta Max’ed Dheere iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Inkastoo C/llaahi Yuusuf uu horey u sheegay in guuritaanka Magaalada Jowhar ay ku xiran tahay Golaha Baarlamaanka ayaa haddana ay adag tahay in Baarlamaanku uu aqbalo in Dowladdu ay u guurto mar kale Magaalada Jowhar, haddii ay taasi dhacdo waxaa dib u soo laaban kara kala qaybsanaantii Dowladda ee Muqdisho iyo Jowhar oo haatan saameynteedu ay ka muuqato Magaalada Baydhabo. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu la sheegay in uu martiqaad gaar ah ka helay Dowladda Itoobiya dhawaana la filayo in uu deg deg ugu duulo Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya taasoo ay Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso in C/llaahi Yuusuf uu dib ugu soo laabto Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe.

Cismaan Caato iyo xubno la socday oo shalay Hobyo Gaaray.

Iyadoo ay socoto dib u heshiisiintii Beelihii ku dagalamay Gobalada Dhexe ayaa maalintii shalay ahayd Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay gaaray Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Hobyo ay gaaraan Wafdi iyana ka socda Degmada Cadaado oo uu horkacayo Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Max’ed Shiikh Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere), waxaana Magaalada Hobyo berito ka bilaabanaya wajigii labaad ee dib u heshiisiinta beelihii ku dagaalamay gobalada Dhexe.

Waxaa dhawaan la soo gebagabeeyay wajigii hore ee dib u heshiisiintii Beelaha Sacad iyo Suleymaan, waxayna ka dhacday Magaalada Gelinsoor, oo ka tirsan Degmada Cadaado, iyadoo dhawaan degmad Cadaado ay ka dhici doonto xaflad aad u balaaran oo lagu soo gebagabeynayo wajigii hroe ee dib u heshiisiinta beelihii ku dagaalamay Gobalada Dhexe, waxaana dib u heshiisiintaas gacan ka gaystay xubno wasiiro ah oo ka tirsan labada Beelood ee uu dagaalku ku dhex maray Gobalada Dhexe.    

Cabdi Waal iyo Maleeshiyo uu wato oo looga kala caray Xaafadda Buulo Xuubey.

Cabdi Nuure Siyaad oo xubin ka ah Isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada ayaa maalintii shalay ahayd ciidamo uu wato waxay soo degeen xaflad ka mid ah Degmada Wadajir oo lagu magacaabo Buula Xuubey gaar ahaan dhinaca wadada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Makii uu halkaasi soo degayay Cabdi Waal waxaa la socday dhowr maleeshiyo ah iyo dhowr tikniko, waxaana soo degitaankiisii halkaasi si weyn walwal uga muujiyay dadweynaha deegaanka Buula Xuubey oo ka codsadya in Cabdi Nuure uu halkaasi ka guuro.

Cabdi Nuure mar wax laga weydiiyay sababta uu halkaasi u soo degay waxa uu sheegay in uu doonayo in uu halkaasi ka dhiso Dugsiyo waxbarasho, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo bulsho, isagoo sheegay in Isbahaysiga loo abuuray in uu gacan siiyo dadka dhibaateysan isla markaana uu gacan ka gaysto horumarinta Bulshada.

Waxaa lagu waramay in dad fara badan ay ka qaxeen guryihiin ku dhawaa halka uu soo degay Cabdi Nuure iyagoo ka cabsi qaba in halkaasi uu ka dhaco dagaal la mid kuwii dhawaan ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Xasan Abshir oo lagu eedeeyay in uu shati siiyay Maraakiibta Mareykanka.

Dableyda haysata Markabta kalluumeysiga ee Kuuriya laguna haysto xeebaha Xarardheere ayaa waxa ay dalbadeen dableyda haysata lacag ay ku tilmaameen ganaax oo gaareysa 500-Kun oo Doolar.

Markabkaas ayaay sheegeen in uu si sharci daro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya, hase yeeshee afhayeen u hadlay kooxda haysta markabka ayaa wuxuu sheegay in ay shaqaalaha Markabka ay tusiyeen warqad qoraal ah oo ay ku leeyihiin in ay fasax ka haystaan Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax.

“wax dowlad ah oo aan aqoonsanahay ma jirto, Xasan Abshirna warqaddaasi ma bixi karo” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in shaqaalaha markabka looga baahan yahay in ay bixiyaan lacagtaas ganaaxa ah maadaama ay ku soo xadgudbeen xeebaha Soomaaliya oo ay si sharci daro ah uga kalluumeysanayeen. 

 Shariif Xasan oo dib ugu soo labatay Magaalada Baydhabo.

Waxaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo Guddoomi-yaha Baarlamaanka Shariif Xasan Siikh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo, iyagoo kulamo la qaatay xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha ayaa kal hore u socdaalay Magaalada Nairobi waxaana ay kulan ku wada qaateen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, iyagoo isla soo qaaday qodob dhowr ay oo ay ka mid ahaayeen in Xukumaddu ku shaqeyso Magaalada Jowhar iyo waliba qodobo kale oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in ay isku afgarteen qodobada qaarkood Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, isla markaana ay wasaaradaha Dowladdu ku shaqeeyaan Magaalada Jowhar, waxaase warar hoose sheegayaan in Shariifku uu wali ka cagajiidayo arrinkaasi uuna ku adkeysanayo in Baarlamaanka la horgeeyo waxa uu ka yiraahdana laga qaato, haddii kalase ay uu arrinku ku laabanayo meeshiisii hore,

Kulankii Magaalada Cadan ku dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan ayaa qodobadii lagu heshiyay waxaa ka mid ahaa in Dowladdu ay ku sii shaqeyso Magaalo ka madaxbanaan labada Garab ee Dowladda ee uu khilaafku u dhexeeyay, waxaase la is weydiinayaa sida ay arrintaasi ku suurageylso mar haddii Ra’isul Wasaaruba uu doonayaan in ay Jowhar Wasaaradaha Dowladdu ku sii shaqeeyaan.

Prof. Dhalxa oo u tacsiyeeyay dowladda Jabuuti..

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Prof. Max’ed Cumar Dhalxa ayaa uga tacsiyeeyay Dowladda Wadanka  Jabuuti musiibadii dhawaan ku habsatay dad Reer Jabuuti ah oo ay Dooni kula qarqatay Xeebaha wadankaasi.

Prof. Dhalxa ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin musiibadaas oo uu sheegay in ay tahay wax xag alle ka yimid, waxa uuna tacis tiiraanyo leh u diray Dowladda Wadankaasi iyo Shacabka Reer Jabuuti, isagoo ugu baaqay in ay samaraan, wuxuuna Illaah uga baryay dadkii ay ku geeryooday Doonidaasi degtay in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo inta waxyeeladu ka soo gaartayna uu Alle u fududeeyo.

Doonidaan oo siday 300 oo Qof kuna sii jeeday Gobalka Tojore ee Waqooyiga Jabuut ayaa ku dhintay 70 qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo fara badan, waxayna doonidaani ku socotay munaasabad diineed, iyadoo ay saarnaayeen Wadaado Tabliiq ah iyo dad kale oo ku sii jeeday munaasabaddaasi. 

150 Askari oo loo qaaday Magaalada Mombasa

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd garoonka Diyaaradaha ee baydhabo ay ka ambabaxeen 150 Askari oo si gaar ah u ilaalin doona saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda.

Ciidamadaan oo si gaar ah loo soo tababari doono ayaa waxa qarashka ku baxa bixisay Dowladda Kenya, maadaama ay horey u martigelisay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalkeeda.

17-askri waxay ka socdaan dhinaca Madaxweynaha, Ra’isul Wasaarahana waxa dhiniciisa ka socda 40 askari, halka guddoomiyaha Baarlamaanku ay isna ay ka socdaan 40 askari, waxayna ciidamadaani ay yihiin kuwo aan lagu xulin habka 4.5 waxayna kas oo jeedaan saddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda.

Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo ku soo jeeda Magaalada Jowhar

Waxaa maalmaha soo socda Magaalada Jowhar soo gaari doona wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga, waxaana wafdigaani uu u kuurgali  doonaa howlihii ay Dowladda Talyaanigu ka fulisay Magaalada Jowhar, markii ay Dowladdu ku sugneyd halkaasi.

Wafdigaan oo dhowr jeer horey u baaqday ayaa waxaa xiligaan ku soo beegay markii ay dhawaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka ay isla ogolaadeen in xubnaha xukumadda ay ku shaqeeyaan Magaalada Jowhar.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu uu horey u soo raaci wafdigaasi waxaana ku wehliya wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Jurile.

Dowladda Talyaaniga aaa lagu wadaa in ay gargaar mar kale gaarsiiyo Magaalada Jowhar, waxaana gargaarkaani xoogiisu noqon doonaa raashin ay Dowladda Taylaanigu ugu talagashay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta ee ku nool Gobalka Sh/dhexe.

Jaamacadda Badweynta Hindiya oo kaalinta..

Dhamaadkii bishii Maarso 2006 ayaa waxaa magaalada Laagoos ee caasimadda Naajeeriya ka dhacay kulan ay ka qaybgaleen ilaa 500 oo Jaamacadood oo ku yaal Qaaradda Afrika waxaana goob joog ka ahaa Parafasooro Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa Prof. Gandi oo ah guddoomiyihii hore ee Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo hadda wax ka dhiga Baariis, Prof. Samatar oo isna wax ka dhiga Mareykanka iyo Prof. Max’ed Shiikh Mukhtaar oo isna ku sugan Cariga Mareykanka.

Qiimeyn halkaasi ka dhacday ayay Jaamacadda Badweynta Hindiya kaalinta 25-ka gashay jaamacadihii halkaas isugu tagay kaddib markii lagu qiimeeyay iyada oo ku shaqeysa xaalad adag.

 

 

 Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2006

C/llaahi Yuusuf oo Gacan Qaaday Guddoomiyaha G/Shabeelada Dhexe..
»Weerar dhaawac geystey oo ka dhacay kismaayo
»Wakiilka Ugaaska beesha Cayr oo kulmay Safiirka Mareykan
»C/raxmaan Baadiyow “waa ku ceeb madaxda DFKMG...
»Xus loo sameeyay maalinta caafimaadka Adduunka ee...
»Madaxweyne Bush oo xukumaddiisu ay lacag ugu deeqdey
»Cumar Xaashi Aadan “Ciidamo shisheeye waa loo...
»Zimbabwe oo diiday inay celiso Mingistu Xayle Maryam...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 8

Minneapolis: Masjidka Dar-Alhijra oo $400,000 kulasoo Wareegey Dhismihii
Waxaa farxad u ah maamulka Masjidka Dar-Alhijra ee magaalada Minneapolis, USA in ay idinla socodsiiyaan in dhismihii beeca ahaa uu si rasmi ah ugu soo... Warka iyo Sawirada Xaflada ... Guji...