Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaan u
mahadnaqayaa shacabka Xamar sidii muslinnimada iyo walaalnimada lahayd ee ay
ugu gurmadeen walaallahoodii ku tabaaloobay abaarihii ku dhuftay meelo badan
oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Waxaan aamminsanahay, in arrintaas darted,
uu Ilaahay shacabkii Muqdisho tusay kartidooda iyo waxqabadkooda. Waa isla
arrintaas tii sababtay iney shacabku la dagaalaan hogaamiye kooxeedyo
istusay fikrad khalad ah. Waa isla shacbigaas kuwa hadda u doortay
guddoomiye iyo duqa magaalada Xamar Maxamuud Xasan Cali Gaaboow.
Sidaad
maqasheen ama daawateen, Maxamuud Cadde, waxaa u doortay guddoomiyaha iyo
duqa magaalada Xamar shacabkii oon u kala harin hadduu ahaan lahaa culumo,
madaxdii ciidamada qalabka siday, siyaasiyiintii Xamar ugu caansanaa,
xubnaha labada gole oo qaarna Baydhabo joogo qaarna howl-qaran iyo islaaxa
ehelkood ugu maqan gobollada Soomaaliyeed qaarkood, xubnihii golaha degaanka
ee ay bud-dhigga u ahaayeen hogaamiye kooxeedyada Xamar, dowladda
Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabkii oo raggooda iyo haweenkoodaba leh.
Arrintaasi waxay ku tusineysaa inaan muran ka jirin xilka guddoomiyaha loo
doortay.
Walaalayaal
Xamar waa wadnihii Soomaaliya. Sida diintu sheegtay, haddii wadnuhu xumaado
waxaa xumaanaya jirkoo dhan; hadduu fiicnaadana waxaa fiicnaanaya jirkoo
dhan. Sidaas darteed haddii Xamar hagaagto waxaa hagaagaya Soomaaliya oo
dhan haddii Ilaah idmo.
Walaalayaal
Xamar ma ahan qalbiga Soomaliya oo keliya ee waxay ku darsatay inay tahay
madaxa Soomaaliya. Sida madaxa qofku u kulansado shantii dareeme ee ahaa
aragga, maqalka, urka, dhadhanka iyo dareenka taabashada oo uu jirkoo dhan
la wadaago ayaa waxaa Xamar la isagu keenay agabkii waddanku lahaa oo dhan.
Haddii si loo fiirsho ma habbooneyn in hal magaalo la isagu geeyo wax kasta
laakiin sida Xamar uga sadbursatay gobollada kale ayaa waxay sidoo kale
noqotay meesha ugu dhibka badan Soomaaliya. Kaftanba ha iga ahaatee waxaan
filayaa iney Xamar halkaas eersatay. Marka haddii Ilaah nagu garabgalo oo
Xamar soo ceshato hogaaminteedii hore waxaa dhacaysa iney dadka Soomaaliyeed
ku soo yaacidoonaan Xamar maaddaama ay tahay meel aan cimiladeeda laga
maarmi karin. Waa halkii hal-abuurku ka lahaa:
-
Bilcilkoo caleenliyo
-
meel
baad ku yaaloo
-
biyuhuna
u muuqdaan
-
isla
baadigoobyoo
-
biciidku
isla waaye
Xamar waa
meel wax kasta isla heshay. Baddii oo ku dheraran, daaqii iyo baaddiyihii
ood geleysid markaad guryaha ka dhammaato iyo dhulkii beeraha ahaa oo ku
dheggen markaad Waqooyi ama Galbeed u baxdidba. Xitaa magaalooyin intaas la
qaba Xamar, waxaa Muqdisho kaga horreysaa ciidda iyo hawada.
Mararka
qaarkood waxaad maqleysaa dad dhahaya: annagaa Xamar leh laakiin walaalayaal
wixii Muqdisho muunadda ku yeelatay ma ahayn hal qoys ama qabiil keliya ee
waa Soomaali oo dhan oo wadadhisatay. Waan wadagaraneynaa ganacsatadii
caanka ahaa oo lahaa dhismayaashii quruxda badnaa ee Xamar ka dhisnaa kana
mid ahaa dadkii Soomaaliya uga taajirsanaa sida Jirde Xuseen,
Ibraahin-uunlaaye, Xaaji Diiriye, Dalfac, Badar, Cali Mahdi iyo kuwo kale.
Marka, qofkii u qaba in magaalo ay leedahay hal qabiil ama jufo waa qof aan
fahmin nidaamka magaalo.
Maaddaama ay
dib-u-heshiintii socoto oo meel fiican marayso ileyn sidaan idiin horay
usoo sheegnay waxa guddoomiyaha doortay waa shacabkii oo cid kasta leh;
marba haddii dadkii metelayey qaybaha bulshada oo dhan ay hal meel soo
wadafariisteen waan arkikarnaa inta dadaal iyo dib-u-heshiisiin la qabtay.
Hadda ka dib waxaan u galeynaa furidda iyo abuuridda ilihii dhaqaalaha.
Marba hadday guddoomiyaha doorteen ganacsatadii iyo xubnihii labada gole ee
Xamar ee gacanta ku hayey xarumahaas, waxaan filayaa Ilaah idinkiis in wax
walba noogu qabsoomidoonaan si dhaqso ah. Waxaan xoogga saareynaa inaan wax
ka qabanno waxbarashadii oo diin iyo maaddiba leh, isbitaalladii,
waddooyinkii, ceelashii iyo inaan boorka ka jafno oon dib u hagaajinno
agabkii qaranka si dowladdu usoo degto magaalo-madaxda.
Beryahan
waxaa halheys noqday argagixiso iyo shisheeye jooga Xamar iyo Soomaaliya.
Horta shisheeye ma joogaa Xamar? Jawaabtu waa haa. Ha degdegina! Maalin
kasta waxaan maqalnaa idaacadaha Xamar oo dacaayad iyo ii-dheh u sameynaya
isbitaallo iyagoo leh waxaa isbitaalladaas jooga dhaqaatiir Ruusha ah,
Ciraaqiyiin ah , Masaari leh iyo kuwo kalaba. Sidoo kale waxaa Soomaaliya
jooga dad badan oo qaxooti ah oo orommo iyo Zanbibaar u dhashay. Qaarkood 30
sano ka hor bey yimaadeen. Qaxootigaas Oromadaa waxaa Soomaaliya ku ogaa
hay’adaha Qaramada Midoobey iyo caalamkoo dhan. dadkii noocaas ahaa qaar baa
weli Soomaaliya ku dhaqan oo noqday Soomaali. Marka, dadkaas qaxootiga ahaa
oo carruurtoodu Soomaali oo kale noqotay hadduu qabiil hebel la shaqeeyo ama
xisbi hebel iyagey u taal. Haddii xabbadaha shacabka lagu ridayo ku dhacaan
dadkaas qaxootiga ah ee Oromadaa ama reer
Zanzibar
leh lama dhihikaro waxaan dilnay dad shisheeye ah oo argagixiso ah. Micnuhu
maaha qofkii shisheeye ah oo Soomaaliya jooga waa argagixiso. Haddey taasi
jirto, dhaqaatiirtaasi waxay noqonayaan argagixiso.
Sida marar
badan loo sheegay adduunkii wuxuu noqday hal magaalo oo kale oo wixii meel
ka dhaca isla daqiiqad ayaa meelaha kale laga ogaanayaa. Shaki ma leh in
caalamku u baahanyahay iskaashi. Walaalayaal, horta waxaa caalam kale caawinkarnaa
markeynu innagu is caawinno. Sow Soomaalidu ma
oran:
tiisa daryeelaa mid kale ku dara? Marka, waddanka kasta waxaa mudnaanta
koowaad leh dadka waddankiisa u dhashay. Macquul ma ahan nin inta dadkiisa
isbaaro u dhigta, oo ku fasaxo niman mooryaan ah oo diiranaya ciddey arkaan
xitaa kufsanaya haweenkii sharafta lahaa ee Soomaaliyeed uu yiraahdo waxaan
la shaqeynayaa oon u daneynayaa dowlado kale! Maaddaama Xamar maamul
yeelatay, ciddii aragta argagixo shisheeye ah ha soo sheegto waxaa la
xaalaya guddoomiyaha la doortay isagaana laga rabaa inuu soo qabto oo
maxkamad saaro sidoo kalana kala xaalaya cidda ama waddanka ay khuseyso.
Marka isagaa wax ka qabanaya innagoon madfac la dhicin shacabkeenna sharafta
leh.
Waxaa jira
burcad-badeed argagixiso ah oo isbaaro u dhigta maraakiibta iyo doonyaha
wada waxyaalaha daruuriga ah ee ku jeeda waddanka intaas oo sano dowlad
la’aanta ahaa. Yaa burcad-badeeddaas ku arkey wax shisheeye ah? Ileyn kuwa
Kenya maxkamadda lagu saaray waa wada Soomaali. Xitaa kuwa Maraykanku ku
dilay badda waa Soomaali. Ma lagu arkey xitaa kuwo Soomaali ah oo wadaado
sheeganaya? Dadkii dagaaladii dhoweyd Xamar lagu dilay yaa ka ahaa shisheeye?
Kuwii dhaawacmay ma ku jireen kuwo shisheeye ah?
Marka
hogaamiye kooxeedkii Soomaaliyeed ee raba inuu argagixiso la dagaalo waa
inuu la dagaalaa kuwaas isbaarada dhiganaya bad iyo barriba. Waa haddey run
sheegayaan.
Haddaba
waddamada aan deriska nahay iyo beesha caalamkaba waxaan ka codsaneynaa
ciddii Xamar wax ku tuhmeysa iney guddoomiyahaas soo maraan. Isagaa geynaya
meel kasta oo ay wax ka tabanayaan. Laakiin caqli maaha iney nagu soo diraan
dad hogaamiye kooxeedyo sheegta oo awalba dhib ku hayey shacabka
Soomaaliyeed. Haddii waddamadaasi ka waantoobiwaayaan, waxaa mar walba baaqi
ahaanaya runta iyo qarannimada Soomaaliyeed.
Sidii horay
loo sheegay, dad aan ka yarayn labo malyan oo Soomaaliya ayaa qurbaha jooga.
Intooda badan waxay joogaan waddamada reer Galbeedka, Khaliijka iyo Afrikada
Bari. Sida taariikhdu xustay, dad badan oo qurbo-joog ahaa ayaa dhistay
waddammo ay leeyihiin. Marka, innagu waddan waan leennahay ee waa naga
burburay marka ma nihin dad eber ka soo bilaabayaa laakiin Ilaah mahaddii
waxaan heysannaa meel aan wax ka bilowno. Haddii dadka, intooda heli karta
ay 10 ama 100 doolar midkastaa ku deeqo xitaa hal mar, waxaa soo baxaysa
maalaayiin doolar oo wax lagu qabankaro. Hadday joogteeyaanna waxaan filayaa
inaanba loo baahneyn kaalmo dibadeed. Marka waxaan leeyahay: far keliya fool
ma dhaqdee, qof kastoow waxaad taqaan wax ku qabo. Marka waddanku waa naga
dhaxeeyaaye, qof kasta meesha uga habboon hakaga hagaago.
Waxaan
hogaamiye kooxeedyada iyo qof kasta oo jago raba aan u sheegaynaa inaan
dilka shacabka lagu gaarin qaradkaas. Xitaa magacaabiddii uu Geeddi
guddoomiyaha u magacaabey keligeed wey shaqeynweyday. Arrintaas darteed ayuu
guddoomiye Caddow gartay in waddada loo maro jagada ay tahay in shacabkaaga
la dhexgalo oo waxna laga raadsado waxna loo qabto. Ogaada, wax kasta oo la
isku dumo ama la isu keeno mar baa loo baxsadaa; sidoo kalana wixii
tafaraaruq iyo khilaaf ku dhacana waa lagu dhibtoodaa. Marka xitaa golihii
degaanka ee Xamar ee saan horay usoo sheegnay ay hormuudka ka ahaayeen
hogaamiye kooxeedyada Xamar ayaa maanta doortay guddoomiyaha.
Sida
Soomaalidu sheegto, marka xoolaha ama geelu uu meel ka cabsado oo la
marsiinwaayo waxaa loo hormariyaa awrta iyo geela waaweyn, dabadeedna waxaa
raaca aaranka. Sidaas oo kale mar haddii maanta ay doorashadii guddoomiyaha
ay goobjoog ka ahaayeen dadkii ugu mudnaa shacabka oo culumo, ciidamadii
qalabkasida, siyaasiyiintii Xamar, xubnihii labada gole oo qaarna Baydhabo
joogo qaarna howl qaran ugu maqan gobollo kale, dowladdii iyo shacabkii oo
rag iyo dumarba leh, ayaan rabnaa in iyagu noo bilaabaan dib-u-dhiska Xamar
dabadeedna markay bulshadu aragto iney dhab tahay howsha aan rabno in Xamar
laga qabto ayaa shacabka intooda kalana soo raacidoonaan haddii Ilaah
idmo.
Waxaan mahad
balaaran usoo jeedinayaa ugaasyada iyo nabaddoonnada dadkooda iyo
siyaasiyiintooda uga digey iney ka baxaan isbahaysiga shaydaanka. Waa
arrintii lagu yaqaanay hogaamiye qabiil. Ninkii is sharfa ayaa adduunkuna
sharfaa. Hadda wataas jufo Soomaaliyeed la leeyahay waxaa la shiraya
Maraykanaka! Ogaada, annaga nin hogaamiye kooxeed noo ahaa baa mar geyiga (Shimbiraale)
aan degno ku sheegay inay argagixiso joogto isagoo uga danlahaa in uu
taageero kaga helo Maraykanka laakiin taasi waxay keentay inuu Maraykanku
noo arko qabiil aan miisaan lahayn oo uu naga sii cararay. Marka Sidii
Ilaahay Qur’aanka ku sheegay: qofkii Ilaahay ihaaneeyo ma jirto cid
karaameynkarta. Haddaan aayaddaas fahmiweynay bal fiiri waxa ku dhacay
dagaaloogayaal. Markii Ilaahay ihaaneeyey oo shacabkii la dagaaleen bal
Maraykan iyo cid kale ha sharafto oo wax ha u tareen!
Waxaan
maqaalka kusoo xirayaa hadalkaan horay u iri ee ahaa: mar hadday shacabka
Xamar aad u taageereen walaallahoodii abaartu ku dhufatay haddana roobabkii
iyo barwaaqadii meelo badan ka bilaabatay ayaan Ilaahay ka rajeynayaa inuu
annagana nooga dhigo bilow kheyr ooy xamar yeelato. Waxaanna dadka
Soomaaliyeed ka codsaneynaa iney u ducaayaan reer Muqdisho si Ilaah uga
dulqaado dhibtan ragaadisay Xamar iyo guud ahaanba Soomaaliya.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com