SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Amiin Yuusuf Khasaaro oo isu sharaxay in uu ka mid noqdo Guddiga Fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta.


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 


SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Waxaa bisha May la qaban doonaan doorashadii xubnihii hogaamin lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kaddib markii uu dhowr sano uu ka taagnaa khilaaf iyo is qabqabsi waxaana markii dambe la go’aamiyay in doorasho la qabto, waxaana go’aamiyay xiriirka K/caga ee Adduunka FIFA.

Markuu dhinacyo badan ka eegay isla markaana dad badan kula taliyeen inuu ka mid noqdo xubnaha guddiga fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ayuu Amiin Yuusuf Khasaaro si weyn u soo dhaweeyay arrintaasi.

Haddii aan howlihii Isboorti ee uu soo qabtay waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee keenay in uu la qabto cayaar sagootin ah waxayna dhacday sanadkii 1988-dii mar uu Aamin ka soo qalinjabiyay Kuliyaddii Saxaafadda, waxa uuna goostay in xaafaddii uu ku dhashay ee Waabari uu ka soo uruuriyay Dhallinyaro oo la ciyaartay xulka K/cagta ee Kulliyadda Lafoole, taasoo uu ku soo sagootiyay Jaamacadii uu dhiganayay.

1989-kii waxaa laga shaqaaleeyay Wasaaradda Warfaafinta waxa uuna ka mid noqday shaqaalihii Taleefishinka Jamhuuriyada Soomaaliyeed, waxa uuna markaa la wareegay soo diyaarinta Barnaamijka Isboortiga.

Markii uu dhacay dagaalkaasi sokeeye Amiin ma uusan joojin howlihiisii Isboorti, waxa uuna qoraa Isboorti ka noqday Wargeyska Qaran, sidoo kale waxa uu qoraa ka noqday Wargeyska Dadka, gaar ahaan qaybtiisa Isboortiga.

1999-kii wuxuu aasaasay Kooxdii K/cagta ee Qaran Press oo uu u ahaa guddoomiye iyo waliba Tababare, iyadoo cayaartii ugu horeysay ee lafu furayay tartankii Xidigaha ay la yeesheen Kooxda Elman, waxaana tartaankaas Amiin kooxdiisa ay ka muujiyeen dadaal dheraad ah.

Markii uu dhamaday tartanka waxa uu Amiin albaabada u furay in Kooxdii Qaran uu u kaxeeyo Gobalka Sh/hoose, halkaas oo ay cayaar kula soo yeeshen xulka Degmada Marka, waana kooxdii ugu horeysa ee safar gobaladaa ugu ambabaxda, waxa uuna safarkaas Amiin ku bixiyay qarash fara badan.

Doorashadii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirada iyo ururada ee 1997-kii ayaa Amiin loo magacaabay Guddoomiyaha ururka  Suxufiyiinta Isboortiga, sanad kaddib Amiin waxaa Guddoomiye looga dhigay wargeyskii ugu horeeyay ee GOS ee uu lahaa Guddiga  Olombikada Soomaaliyeed taasoo uu ku muteystay abaalmarino bada, kaddib Doorashadii GOS 2001-kii waxaa Amiin loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Ururka Jaamacadaha.

Isla sanadkaasi ayaa shahaado sare ka helay Guddiga Olombikada Adduunka, waxaana shahaadadaasi ku saxiixnaa Guddoomiyaha xiligaa ee Guddiga Olombikada Adduunka Antonio Sammarach, waxaana shahaadadaasi Amiin loo gudoonsiiyay howlgarnimadiisii dheeraadka ahayd, isla sanadkaas ayuu Amiin waxa uu koob qurux badan ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden kaddib markii uu sameeyay dadaal dheeraad ah.

Mudo 10-sano ah waxa uu uruursaday ilaa iyo 70 Shahaado oo uu ka helay Qaybaha kala duwan ee bulshada, ururada Isboortiga, Xiriirka K/cagta iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxa uuna Amiin shahaadooyinkaasi ku muteystay kor u qaadista Isboortiga Soomaaliyeed.

Amiin waxa uu sameeyay wargeys Isboorti oo si weyn looga akhristo dalka oo lagu magacaabo GOOL oo dhisan mudo 9-sano iyo bar ku dhawaad ah, sidoo kale Amiin intii uu hayay Guddoomiyanimada ururka Suxufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed waxa uu ururkaasi u guuleystay in uu qabto Siminaaro fara badan.

Taariikhdiisii oo kooban (CV)

Magaca: Amiin Yuusuf Khasaaro

Magaca Hooyo: Ashkiro Kaahiye Jimcaale.

Ku dhashay: Muqdisho sanadkii 1965-kii

Luuqadaha: Ingiriis iyo Carabi

Heerarka Waxbarasho

1972-76           Dugsiga Hoose.

1976-80                     Dugsi Dhexe.

1980-1984             Dugsiga Sare.

1984-1988             Jaamacadda Kulyada Saxaafadda.

Shaqaalenimo

1988-90                     Wasaaradda Warfaafinta.

1992-97                       Wargeyska Qaran.

1997-2006                   Wargeyska Ayaamaha, Wargeyska Gool, Wargeyska GOS, Wargeyska Dadka.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Email:  farahblue_545@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD