SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Musharaxa Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray Kooxaha K/cagta



Yaasiin Abuukar Cariif




Maalintii shalay ahayd yaa Hotel Ramadaan waxaa ka dhacday Xaflad qado ah oo loo sameeyay 24-ka Kooxood ee iyagu ka qayb-qaadanaya doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana xafladdaasi dhigay Dr. Yaasiin Abuukar Cariif oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, horeyna mar u noqday xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Xafladdaasi ayaa waxaa xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Saacid Axmed Abuukar oo ku hadlayay magaca Garsoorayaasha Soomaaliyeed, waxa uuna halkaasi ku soo bandhigay Dr, Yaasiin Abuukar Cariif isagoo sheegay in uu ahaa nin ay ka go’an tahay in K/cagta ay gaarto horumar la taaban karo, waxaa kalloo ka hadlay Xuseen Cali (Coonka) oo isna ku hadlayay magaca tababarayaasha, waxa uuna sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay aad ugu xun tahay in mudo 4-sano ah aan la qaban wax tartamo ah, isagoo sheegay in kooxaha laga doonayay in ay qabteen tartamo saaxiibtinimo ah, isagoo sheegay in kooxaha looga baahan yahay in ay doortaan nin aqoon u leh K/cagta, waxaa kalloo ka hadlay C/llaahi Xaaji Cabdi oo isna ku hadlayay magaca kooxaha, waxa uuna sheegay in kooxaha Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay doortaan nin isku keeni kara dhamaan qaybaha kala duwan ee K/cagta, sidoo kale waxaa ka hadlay Abuukar Istuufo oo ku hadlayay taageerayaasha waxa uuna aad u canaantay kooxaha Soomaaliyeed oo uu sheegay in K/cagta ee Soomaaliy ay manta iyagu sabab u yihiin in hoos u dhac ku yimaado.]

Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa qadka Taleefanka soo galay musharax Guddoomiyaha  Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Yaasiin Abuukar Cariif oo isagu u mahadceliyay dhaman kooxaha Soomaaliyeed isagoo sheegay in haddii la doorto uu u shaqeyn doono sida ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo K/cagta Soomaaliyeed, waxaana halkasi taariikhdiisii Isboorti iyo waxa uu doonayo in uu ku dhaqo K/caga Soomaaliyeed ka soo jeediyay Axmed Key isagoo u dhigay sidan:

Taariikh Nololeed C/V

Magaca: Dr.Yaasiin Abuukar Cariif

Jinsiyadda: Soomaali

Ku dhashay; Muqdisho

Dhashay: Ok 12 1954

Waxbarasho Dugsiyeed;

Dugsiga Hoose: Jamaal Cabdi Naasir

Dugsiga Dhexe; Jamaal Cabdi Naasir

Dugsiga Sare: Jamaal Cabdi Naasir

Sanad dugsiyeedka 1975

Waxbarasho Jaamacadeed:

Kuliyadda Saxaafada 1981-1984

Shaqada Dawlada.

1976 Wasaarada Wax Barashada iyo Barbaarinta Shaqo Qaran (Hiiraan)1977-1991 Wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga

Xilal Maamul

1977 Madaxa Dukaanka Qalabka Isboortiga W.Dh.Is

1986 Agaasimaha Waaxda Qalabka Isboortiga

1988-91 Agaasimaha Guud ee Maamulka Lacagta

Xilal Isboorti

1977 Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Dabaasha

1984 Madaxa Xiriirada K/Cagta,K/Kolayga iyo K/laliska

1988 Xubin GOS

1989 Gudiga soo noolayna isboortiga Dalka

1994 -2001 Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta

Noocayada aan ka Ciyaaro Ciyaaraha.

K/Cagta Heer Dhexe Degmo/Gobol iyo Junyer

Dabaasha Heerka 1aad

T/Teeniska Heerka 1aad

K/Laliska Heer Dhexe Degmo/Gobol iyo Junyer

Xilalka Dalka Dibadiisa .

1995 Ku Xigenak Xoghayaha Tartamada ee Bariga iyo Bartamaha Afrika

1996 Xubin Gudiga Farsama ee Ururka Isboortiga Jaamacada Carabta

1997 Xubin Xafiiska Horumarinta K/Cagta Dugsiyada U.J.Carabta

1998 Xubin Gudiga Dishibiliinka ee B/B/Afrika

Waxaan Magaca Bahda k/Cagta Soomaaliya ku metelay Shirar,Tartamo iyo Siminaaro Heer Gobol ilaa Heer Caalami ah waxaana ka mid ah wadama aan u tegay safar isboorti Dhamaan Wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika, Masar S.Arabiya ,Kuwayt, S.Afrika, Tuniisiya, Marooko, Kamaruun, Angoola, Nayjeriya,Italiya,Faransa, Holand, USA iyo Canada

Waxaan diyaar u ahay inaan qabto Xilka Gudoomiyaha XSKCagta waxaana Dalka iyo Dadkaba ugu shaqayn doonaa wadaniyad buuxda oo leh Cadaalad u dhexaysa Dhamaan Bahda K/Cagta Soomaaliyeed.

Anoo ka faa’iidaysanaaya aqoonta iyo waaya aragnimada aan u leeyahay Maamulka Isboortiga Dalka Gaar ahaan K/Cagta Waxaana ku kal soo nahay inaan heli doono Taageeradiina ku aadan Doorashadayda Gudoomiyenimo HADII ALLE IDMO. 

Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2006