Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Wax badan
baan Geeddi ku dhaliilney hadalladiisii gefafka ahaa laakiin markaan uu
booqashada ku tagey Biljam wax badan baa iska bedelay hadalkiisii. Khudbo
dheerna ma akhrin; labo su’aalood oo muhiim ahaana si fiican buu uga
jawaabay. Tan koowaad waxay ahayd in dagaal-oogayaasha Xamar maaddaama ay
dowladda ku jiraan aan cidna u dirsan “la dagaalanka argagixisada” marka
dagaalkii halkaas ka dhacay iyagaa ka mas’uul ahaa. Waxaana iska caabbiyey
shacabka oo wadaad iyo caamaba leh. Tan labaadna wuxuu sheegey in la gaaray
waqtigii wax laga qabanlahaa nimankaas wasiirrada sheeganaya. Halka
khudbaddii madaxweynuhu ay ahayd sidii odey ka sheekeynaya makhaayad shaah
lagu cabbayo. Marka laga reebo inuu aamminsanyahay in argagixiso joogta
Xamar, ma laha wax kale oo laga xuso khudbadaas oon ka ahayn kaftan iyo
foorjo uu u jeediyey wariye iyo xildhibaanno halkaas joogay. Marka su’aasho
waa: madaxweyne, halkaas oo kale ma ku kaftamaa?
Sida
Qur’aanku sheegay, sharafta waxaa laga raadshaa Ilaah. Dabadeedna dadka
muslimiinta ah. Sumcaddii Geeddi hadda cirkey isku shareertay. Waxaad
mooddaa inuu wadadii cagta la helay. Hadalkaas uu Biljam ka jeediyey iyo
kuwo ka horreeyeyba ayuu shacabku soo dhoweeyey dabadeedna dhaheen marba
haddii ra’iisul wasaaruhu ka haray hadalladiisii hore waan la shaqeyneynaa.
Wixii Geeddi sanad iyo bar ka badan socodsiinwaayey ayaa shacabkii Xamar
joogay maalmo ugu qabteen—waa iyagoo guddoomiye iyo duq magaalo u doortay
Maxamuud-gaaboow.
Maxamuud-cadde laftiisii sidii Geeddi oo kale ayuu gurigii ka soo gelay
albaabka maaddaama uu markii hore daaqadda ka soo galay. Waxaa cajaa’ib ahaa
sidii ay u doorteen golihii deegaanka ee ay dagaal-oogayaasha Xamari soo
dhiseen. “Calaf Alloow cajab”. Haddii Ilaah idmo waxaan arki doonaa isagoo
booqanaya meelihii degaalku ka dhaceen, isbitaalladii la dhigey dhaawaca iyo
magaalada Xamar inteeda badan. Marba hadduu shacabkii oo dhan taageero ka
heyso iyagoon wadaado iyo caamaba leh marka laga reebo dhowr dagaal-ooge iyo
mooryaan ay wataan, waxaa u sahlan inuu magaalada Xamar ku soo cesho sey
ahaan jirtay haddii Ilaah raali ka noqdo.
Muqdisho
oo dekeddii weyneyd iyo garoonkii diyaaradahaba ay meleeshiyooyin ku
habsadeen ayaa Ilaahay Xamar u soo diray shirkadda Banaadir. Waxay
koontoonarro iyo dhagxaan dhigteen badda bal si ay uga dhigaan meel doonyuhu
ku soo xirankaraan si magaalo-madaxdu u badbaado. Howl faro badan ka dib
meeshii waxay noqotay deked-ku-sheeg. Si kastaba ha ahaatee waxay noqotay
meel ay ka soo degaan waxyaabaha daruuriga u ah shacabka Xamar. Markey
halkaas marayso ayaa waxaa soo baxay dagaal-ooge cusub oo rabay in dekeddaas
iyo shirkadaas u mariyo wadadii ay martay dekeddii weyneyd iyo garoonkii
diyaaradaha ee Xamar laakiin markaan shacabkii ooy hormuud u yihiin
maxkamadaha ayaa yiri: mar dambe cunaha qabanmeysaan dadka Xamar waana iska
xoreeyeen. Waxaa shacabka dhiigooda kiciyey hadalkii dagaal-oogayaasha ee
ahaa: waxaan la dagaaleynaa argagixiso. Marka laga reebo shaqaalaha dekedda
Ceelmacaan oo u badan dadka degaanka, waxay shirkaddu dhistay dugsiyo-Quraan,
iskuulo iyo ceelal loo qodey dadka degaanka. Halka kuwa la saaxiibka ah
Bashiir Raage ay dadka degaanka ku xasuuqayeen Siinaay iyo Boon-dheere.
Soomaali
dagaal-oogayaal lehe, Alla dadka qaarkiis dagaal-ooge xumaa. Markii shirkii
Baydhabo la iclaamiyey, dhowr hogaamiye kooxeed waxay u ambabaxeen iney wax
ka soo qabtaan dadkoodii isleynayey sida Cismaan-caato, Gacmo-dheere iyo
Furux. Halka kuwa kale ooy ka mid yihiin Muuse Suudi, Maxamed-dheere iyo
Cumar-Filish ay dagaal ugu dhaqaaqeen ehelkooda sidii Abuukar Caddaan! Soow
uma jeedaan faraqa u dhaxeeye labada hogaamiye kooxeed?
Sidoo
kale markii ganacsade Abuukar loo soo dumay ciidamo ka kooban qabiillooyin
kala duwan waxaa u soo gurmaday maxkamadaha oo matalaya shacabka
Soomaaliyeed oon la heyn qabiil gooni ah. Waa laga yaabaa iney qolo u
badato.
Geeddi oo Casilaya Dagaaloogayaashii dagaalka ka
bilaabay Xamar
Geeddi oo meel uu usoo maro la’aa
dagaal-oogayaasha kaddib markey gadaal ka mareen shacabka Soomaaliyeed ayey
hadda cidla’ ku soo dhaceen markii shacabku bannaanka usoo saareen. Marka
hadda seeftu si fudud bey ugu dhicikartaa. Anigu waxaan isleeyahay Geeddi
labo arrimood buu mid rabaa:
-
Inuu
baarlamaanka ka dhammeysto in ay u ogolaadaan in uu wasiirro ka dhigo
dad aan ahayn xubno baarlamaan iyadoo loo danleeyahay dhowrka wasiir ee
Xamar jooga ee ku midoobay “la dagaalanka argagixisada” una caddeeyo
ineysan cid kale saameyneyn ka dibna uu wasiirro ka dhigo niman kale oo
kuwaas ku qabiil ah sida Ibraahim Shaaweey, C/hi firimbi iyo C/hi Sheekh
maaddaama dowladda qabiil lagu qeybsaday.
-
Ama
in ciqaabtu intaas ka sii badato oo la yiraahdo baarlamaanku ha u doodo
in laga qaado xubinnimada baarlamaanka dabadeedna qabiilooyinkii ay ka
dhasheen soo doortaan dad kale oo booskaas u metela. Ka dibna Geeddi
magacaabo wasiirro kale oo bedela. Marka waa la helayaa sharci loo
cuskado marba haddey shacabkii ka dhigeen waxay dilaan iyo waxay isbaaro
u dhigteen.
Waxaan
kaloo Geeddi kula talinayaa inuusan mar dambe ka ilduufin danta qaranka. Wax
badan baa Xamar lagu dhibaateeyey laakiin waxaan filayaa inuu hadda joogo
waqtigii uu dhaqso u tagi lahaa Xamar una booqan lahaa meelihii
dhibaatooyinka ka dhaceen iyo isbitaalladii. Mar ba haddii shacabkii oo
maxaakimtu horboodeyso soo dhoweeyeen waxaa iska yar khatar ka heysta siduu
u gudanlahaa howlo-maalmeedkiisa. Marba haddii hogaamiye kooxeedyadii Xamar
joogay sida Caato, Furux iyo Gacmo-dheere cambaareeyeen hadalkii ka soo
yeeray kuwa sheegtay iney argagixiso la dagaalayaan sidoo kalana uu kalsooni
ka heysto maamulka dekedda Ceel Macaan waxaa fudud in la furo dekedda weyn
si shacabka iyo dowladduba u faa’iidaan. Ka dib loo galo in la furo garoonka
diyaaradaha.
Marka
xildhibaannimada iyo wasiirnimada laga xayuubiyo dagaal-oogayaasha raba iney
shacabka gataan waxay noqonayaan mooryaan caadi ah waxaana maxkamaduhu
helayaan warqad ruqso ah oo ay ku soo qabqabtaan.
Igu
dambeyntii waxaan shacabka iyo nimankaas aan kor ku xusay ka codsanayaa
ineysan arrintu noqon sidaan horay u baranay oo kale. Sidii loo sugayey gole
degaan oo Xamar yeelato ayaa waxaa hal mar dhegeheenna ku soo dhacay guddi
“argagixiso la dagaalaya”! Marka waa in maxkamadaha iyo shacabka kalaba
aysan taageeradooda kala noqon Maxamuud-gaaboow hadduusan la imaan wax
diinteenna iyo dalkeenna wax u dhimaya. Dadka dibadaha joogana iney iska
iloobaan qabiilka iyo qurunka ay meelaha la wareegayaan. Soow Abuukar
Caddaani iyo Bashiir Raage isku qabiil maaha? Indho-cadde iyo Cabdi-waal?
Jimcaale iyo Bootaan? Geeddi iyo Maxamed-dheere? Marka wax qabiil la
yiraahdo ma jiraan ee qaddiyad baa jirta. Marka hadda iyo dan: arrintu waa
danta qaranka.
Sidoo
kale waxaan ka codsaneynaa haddaan Soomaaliweyn nahay iney Mudulood noo kala
sheegaan lixdaan nin kuwaan la shaqeyn lahayn. Ma Geeddi, Maxamuud-gaaboow
iyo Abuukar baan la shaqeynaa mise Maxamed-dheere, Muuse Suudi iyo
Cumar-filish?
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com