SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN 

Qoraalki iyo isku soo dubaridiid:
Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com
Maarso 21, 2005



Agaasimaha SSUF Ahmed Hassan

M. Muuse Kaahin Ahmed


Xubnaha firifircoon ee SSUF

Guddoomiyaha Xamdi Cali

Cabdicasis Saacid

Xasan Saciid (Waqooyi)

Kaahin Axmed

Xubnaha oo doorashada guddiga u codeynaya

Jaamac Faarax
Shirkii iyo siminaarkii billowday maalinimadii sabtida ee la soo dhaafay ayna soo qabanqaabiyeen maamulka daladda ururka dhalinyarada soomaalida Sweden SSUF ayaa maalintii shaleey ahayd ku soo dhammaaday si wanaagsan. 

Shirkii shaleey oo socday qiyaastii muddo labo saacadood iyo bar ayaa qodobbadii shirka lagu soo bandhigay ay ka mid ahaayeen waxqabadkii uu ururka qabtay sannadihii 2004-2005, dhaqaalihii ururka soo galay iyo qarashii ku baxayba iyo ugu danbeyntii doorasho guddu cusub. 

Kaahin Axmed oo ah xooghaynta ururka SSUF ayaa ka warbixiyay waxqabadkii uu ururku qabtay laga soo billaabo bishii maarso sannadkii tagay ee 2004-ta, isagoo intaas raaciyay waxyaabaha uu ururku doonayo inuu qabto sannadka soo socda. Kaahin wuxuu kaloo tilmaamay inay lagama maarmaan dhalinyarada u tahay inay soo booqdaan qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub si ay u soo bartaan walaalhooda kale ee soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna ay uga faa’iidaystaan khibradahooda.  

“dhalinyaradu waa inay ku caawiyaan kartidooda, aqoontooda iyo khibraddooda caruurta kale ee kula nool dalalka kale ee qurbaha” ayuu yiri Kaahin Axmed oo sannadkii tagay ka baxay Jaamacadda Stockholm isagoo bartay maaddada bulshada. 

Intaas kadib, waxaa billowday qodobkii doorashada ururka, waxaana la magacaabay xubnaha maamulka ururka oo markale loogu doortay guddoomiye Xamdi Cali, kadib markii xubnihii ay jeclaysteen dadaalkii iyo howlihii ay soo hoyday ururka intay guddoomiyaha ahayd 

Xasan Saciid oo ku magac dheer “Xasan Waqooyi” ayaa isna ka hadlay dhaqaalihii ururka soo galay laga soo billaabo bishii maarso ee sannadkii tagay, wuxuuna si faahfaahsan oo waafi ah xubnihii ururka ugu sharxay qarashyadii ururka ku baxay, iyadoo dadweynihiina ay su’aalo ka weydiiyeen.  

“dhaqaalaha ururka soo galay sannadkii tagay waxay gaarayaan 385.500 kr (56.699 USD), qarashka ururka ku baxay waxay gaarayaan 274.451 kr, waxaa koontada ururka hadda ku jira lacag gaaraysa 111049, qofkii doonaya warbixin dheeraad ah waxaa la siin karaa buugga ururka uu daabacay oo aad ka heli kartaan faahfaahin dheeraad ah” ayuu yiri Xasan Waqooyi oo ah hanti-dhowrka ururka SSUF. 

Ma jirin su’aalo badan oo ay xubnuhu ka dhiibteen qodobkaas, maadaama uu qof weliba aqrisanayay qoraalkii ka hadlayay dhammaan dhaqaalihii soo galay iyo sida ay u baxeen. Agaasimaha ururka SSUF Ahmed Hassan ayaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dhaqaalaha   

Cabdicasiis Saacid Dacar oo ururka uga qaabilsan xagga wargelinnada iyo akhbaaraadka ayaa ii muujiyay dareenkiisa sida uu ugu faraxsanahay habsami-u-socodka shirka iyo waxyaabihii uu ururku qabtay muddadii gaabnayd ee uu ururku jiray. “haddaan iskaashanno oo si midnimo leh u wada shaqayno waxaa hubanti ah inaynu gaarayno guullo waaweyn” ayuu yiri Cabdicasiis Saacid Dacar oo ku shaqeeya tarjumaan, degganaana waddanka Sweden qiyaastii 18 sanno. 

Shirkii iyo siminaarkii ay yeesheen maalintii shaleey ahayd ururka SSUF ayaa la oran karaa wuxuu ku soo gabagaboobay si heersare ah oo qurxoon, iyadoo shirkii kadibna ay xibnihii u dareereen makhaayad laga cunteeyo kuna taalay xarunta xaafadda Kista ee magaallada Stockholm, dabadeedna qadadii kadib waxaa si wacan loo sokootiyay dhammaan xubnihii ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee uu ka kooban yahay dalka Sweden. 

Dalka Sweden wuxuu lacago aad u badan ku taageeraa ururada caawiya caruurta iyo dhalinyarada da’da yar, sidaas darteed dadka qaarkood ayaa dalalka Scandinavian-ka ku magacaabo “dalalka naadiyada iyo ururada” 

Inkastoo ay jiraan waxqabadyo ballaaran uu Ururka daladda midowga dhalinyarada soomaalida Sweden SSUF ay u qabtaan guud ahaan caruurta soomaaliyeed, haddana misna waxaa jiro ururo kale oo iyaguna ku magacaaban inay caawiyaan caruurta soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa hubaal ah ururkii si daacad dadkooda wax u taro ay si cad uga marqaati kici doonaan waqtiga iyo soomaalida inteeda kale.

AKHRI FURITAANKII SHIRKA.... GUJI.....

Qoraalki iyo isku soo dubaridiid:
Ibraahim Saalax  Aaden| SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com

Siminaarka Ururka Midowga Dhallinyarada Som. Sweden
Stockholm: Shir ay soo qabanqaabinayaan maamulka ururka midowga dhalinyarada soomaalida... Guji... Mar 19

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 21, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD