Miyaan
ku khasbannahay inaan kala dooranno Kud iyo Qanje?
W.D: Inj. Maxamed Cali Cibaar
mohamed_ebar@hotmail.com
Hordhac
Jihowareerka siyaasadeed ee la soo
gudboonaaday ummaddii Soomaaliyeed iyo riwaayadaha aan
dhamaadka lahayn ee ay dagaal-oogeyaasha aan damiirka
lahayni ku maaweelinayaan maatida macaluulsan ayaa ah arrimo
abuuraya welwel ku wajahan waayaha nagu soo foolka leh ee
mustaqbalka.
Shirkii inta la xusuusanyahay ugu dheeraa
adduunka oo saddex sanadood ku dhowaad ka socday Kiinya ayay
natiijadiisii noqotay isku dubbarididda ruwaayad cusub oo
shiiqisay kuwii horay loo daawan jiray oo dhan. Waxaa la
isku qasbayaa in la kala doorto Kud iyo Qanje!.
Qormadani, waxay dulmaraysaa shirkii kiinya
iyo ugu dambayn natiijooyinkii ka soo baxay. Khilaafka u
dhaxeeya labada garab ee uu u kala jabay maamulkii Kiinya
lagu soo dhisay iyo sida ay koox waliba isugu dayayso in ay
si qurux badan ruwaayadaha dhankeeda uga jisho si ay
taagerayaal badan u kasbato. Gabgabada qoraalkanina waxay
noqon doontaa hadduu Rabbi idmo talo soo jeedin ku socota
shacbiga soomaaliyeed ee la jihowareeriyay.
Rajo lagu hungoobay
Shirkii muddada sanadaha ah ka socday Kiinya
waxay in badan oo ka mid ah indheergaradka Soomaaliyeed
horay uga sii muujiyeen in ay ka qanceen natiijo wanaagsan
oo ka halkaas soo baxda. Taas waxay sabab uga dhigeen
qaabdarradii loo xulay ergooyinkii. Habkii aan hufnayn ee
loo agaasimay loona daadihinayay habsocodkii shirka iyo
abaabuleyaashii martida loo ahaa oo u muuqday kuwo shirka ka
dhiraandhirinayay ujeeddooyin gurracan oo ay lahaayeen.
Walow ay jireen dhowr marxaladood oo ay yididiilooyin
yaryari soo muuqanayeen, haddana dadka qaba fikirka
rajoxumida ahi waa kuwo maalinba maalinta ka dambaysa sii
badanaya.
Khilaafka faraha ka sii baxaya ee u dhaxeeya
labada kooxood ee ay isaga soo horjeesteen golihii
wasiirrada iyo mudanayaashii golaha shacabka ee kiinya lagu
soo jacburiyay iyo waliba ismaandhaafka la maarayn la'ayahay
ee u dhaxeeya hoggaanka ugu sarreeya maamulka cusub ayaa
noqday mid walwal iyo quus ku abuuray shacbiga muddada dheer
colaadaha iyo duruufaha qallafsan la soo deriska ahaa.
![](cibar2.jpg)
Dadka qaarkii ayaa waxay rajo ka qabeen in
dagaal-oogeyaasha mudnaanta ku helay doorkii ay ka soo
qaateen burburintii qaranku ay si un isku afgaran doonaan.
Waxaa arrinkan loo sababaynayay iyagoo badankoodu ahaa rag
asxaab ah oo isbahaysi siyaasadeed iyo mid ciidanba uu horay
uga dhaxeeyay iyo iyagoo maamulkii lagu dhisay Kiinya
darajooyin sarsare ka helay taas oo la is lahaa laga yaabee
in ay mansabka ay xoogga ku maroorsadeen ay miyir qab u
ilaashadaan oo uu shacabku shartoodii ka nasto, si markaasi
loogu xalaaleeyo xilalka xaaraanta lagula xiray.
Nasiibdarro taasi ma dhicin, waxaana
muuqanaysa in natiijadii ka soo baxday shirkii Kiinya loo
fadhiyay muddada sanadaha ah ay ka dhicisoobeyso shacabkii
dhibbanaa ee dhanka Nairobi ku sii jalleecayay indhaha sii
nuur beelaya . Waxa muuqata dhanka kale in ujeeddadii shirka
laga lahaa ee loo abaabulay iyo kuwo kasii durugsan oo guul
ahba laga gaaray, waa haddii aan dhaqdhaqaaqa , dhaqanka iyo
rabitaanka dowladihii shirka abaabulay iyo sida ay wax u
rabeen wax u qiimayno, Soomaali nasiibkeede!.
Shirqool Qaran : Ninkii dilayay baa doodayee
nabadba yow doonay ?!
Waxaa beryahaan dambe xowli yaab leh ku socda
dacaayad saxaafadeed kulul, is qabqabsi iyo aflagaaddooyin
aan siyaasad wax shaqo ah ku lahayn oo ay isdhaafsanayaan
labada qaybood ee ay u kala jabeen ergadii kiinya sanadaha
lagu biilayay, waa garabka Jowhar iyo kan Muqdishee. Bahal
cayriin ma daayo, ninna caadadii ma daayee ergadii Nairobi
markii ay dalkii dib ugu soo noqdeen waxaa la qummanaatay in
ay danyartii diifaysnayd u dhigaan riwaayad argagax leh oo
ay daawashadeeda horay uga soo daaleen.
Waxaa la huriyay colaado cusub, degaannada
qaarna gacan ayaaba la iskula tagay. Ciidamado ay leeyihiin
wasiir hebel iyo xildhibaan hebel ayay durba is farasaareen
ciidamadii wasiir iyo xildhibaan kale oo ay isku maamul mas'
uuliyiin ka yihiin !. Waxaa soo muuqanaya ifafaale dagaal oo
aad u khatar ah haddii uusan Alle wayne naga badbaadin.
Waxaa qarka loo saaran yahay in gobollada qaarkood ay
dagaallo cusub oo sokeeye ka qarxaan, dagaalladaas oo ay
waliba faraha kula jiraan dowlado shisheeye oo dadka iyo
dalka Soomaaliyeed danahooda u gaarka ah ka leh.
![](cibar3.jpg)
Waxaa muuqata in shirkii Kiinya ay ka soo
baxeen arrimo badan oo halis ku ah gebi ahaanba jiritaanka
ummadda soomaaliyeed iyo qaran ay yeelataba. Waxyaabaha aan
la mahadin ee ka soo baxaay shirqoolkaas qaran waxaan ka
tilmaami karnaa;
• Waxaa aad loo kobciyay ku dhaqanka
qabyaaladda oo ah cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed.
Qarankii Soomaaliyeed waxaa si aan gagabbasho lahayn loogu
qurbay (sarrifay) qabiillo yaryar oo uu midba qaanad loo
qorsheeyay ku qufulanyahay.
• Waxaa la malmalluuqay dastuur aan ka
turjumayn dan Soomaaliyeed, kaas oo aan la garanayn waxa uu
ku salaysanyahay. Waxaa wax laga yaxyaxo ah in dadka loo
xulay golaha xeerdajinta intooda badani aanayba dastuurka
dalka lagu dhaqayo ka aqoon wax ka badan in wax walba lagu
qaybsado saamiga jaahilnimada iyo xiqdiga ku dhisan ee 4.5 (
qabyaalad + isqabqabsi).
• Waxaa la sharciyeeyay in hoggaamiyeyaasha
xaqa ah ee Sharfani ay yihiin intii umadda halaagga badday.
Ninba ninkii uu ka shar badnaa ayuu ka darajo batay, waxaana
la isku abaalmariyay dambiyadii laga galay umaddii ay
musiibadu ku habsatay. Mas'uuliyad ninkii rabow maxastaada
soo dubo ayayna sheeko isugu dhamaatay.
• Waxaa deyrka siyaasadda laga qixiyay
waxgaradkii ummadda, wax la cadaadiyo, wax loo cagajugleeyo
iyo wax la ugaarsado ayaana laga dhigay -Shaki kuma jiro in
dhaliil badani ay ka jirto dhanka waxgaradka oo ay
badankoodu kaalimahoodii dayaceen- Waxana ummaddii loo
ekeysiiyay ummad wada dulli ah oo dagaal, dulmi iyo dumin u
joog ah.
• Waxaa lagu galgashay rajo kasta oo dadka
Soomaaliyeed iyo dadyowga caalamkuba ay ka lahaayeen dib u
heshiisiin ka hirgasha Soomaaliya. Waxaa aad loogu dadaalay
in la damqo boog kasta, gaasna lagu daaro dabkii hore u
baxayay, illaa looga qaatayba in Soomaali dib isku aamintaa,
ama dunidu aamintaa aysan jiri doonin.
• Waxaa shacabkii walaalaha ahaa lagu kala
xereeyay edegyo ood adag leh, iyadoo qowsaarrana looga
dhigay duul aan nixin oo aan nasan, waa dagaal oogeyaashee!
Waxaa halkaas ku godgalay ummad isku gurmata, goosan walbana
godkiisii ayaa biyo loogu geliyay!!.
• Waxaa taladii xoog looga faromaroojiyay
dadkeedii, waxaana jeebka loo geliyay cadow shisheeye iyo
Soomaaliba leh oo ujeeddooyin dahsoon ku midaysan. Waxaa
jira heshiisyo duullaan ku ah dadka iyo dhulka Soomaaliyeed
iyo waliba diintooda Islaamka. Waxa jira heshiisyo sunta
halista ah ee warshadaha iyo cusbitaallada loogu daabbulayo
hoyna looga dhigayo gayiga Soomaaliyeed. Waxaa jira
heshiisyo ay kooxo burcad ahi ku doonayaan in ay ku boobaan
khayraadka Soomaaliya, bad iyo berriba. Waxaa kale oo jira
heshiisyo la xiriira keenista hubka iyo ka ganacsiga
maandooriyeyaalka. Waxaa iyaguna sii murjinta xaalka
Soomaalida oo door weyn ku leh hay' ado ku sheeg ka
hantiyaystay macaawinooyinkii deeqaha ahaa oo ay ku
takrifaleen.
Arrimahan aan kor ku soo xusnay iyo kuwo kaleba waa
qorshihii ay dajiyeen dhagarqabayaashii ku tashaday
turraanturaynta ummadaan tacbaanka ah oo iyadu tashan
waysay. Waxaa muuqata in dowladaha shirka abaabulay, kuwa
isku sheegaya in ay shirka dhaqaale ku bixinayaan iyo dadka
la sheegayo in la shiriyayba ay yihiin kuwii Soomaali u
yeelay aragga ay maanta leedahay. Waxaa xaqiiqo ah ah in
aysan kooxahani nabad ay keenaan iska daaye aysan xitaa
raalli ka noqon doonin nabad ka hirgasha Soomaaliya oo ay u
arkaan mid ka soo horjeedda danahooda gaarka ah. Dhinac
walba u rogrogoo xaal wuxuu taaganyahay “
Ninkii
dilayay baa doodayee nabadba yow
doonay
?!
(Abwaan Sangub). Alle Wayne ayaan ka baryaynaa inuu
na baraarujiyo nana badbaadiyo
Maxaa lagu soo heshiiyay?
Waxaa muuqata dadkii ay Soomaaliyi ku
aamintay mas'uuliyaddii qarankoodu in ay ahaayeen oo kaliya
kuwo heshiis ku ahaa in ay qaybsadaan oo uu ninba in ka
cantoobsado mansabyada ugu muhiimsan darajooyinka maamul ee
dalka, boobka hantida danyarta tabaalaysanna aan laga badsan
oo uu mid waliba boorsadiisa si iimaan la'aan ah uga
cabbaysto.
Isbahaysatadan kala bahda ahi, waxay ku soo
heshiiyeen in ay umadda inteeda kale horaan, wixii manfac
iyo mansab ummadda Soomaaliyeed lahaydna ay intoodaas
dulmiga isku dallacsiiyay isu kaliyeeyaan. Badankoodu darajo
Wasiirnimo iyo mid mudane Gole shacab ayay isku duudsadeen,
waxayna waliba ku sii biirsadeen tii hoggaamintii dhaqanka
reeraha. Waxay si aan xishood lahayn taladii uga
faro-marooqsadeen oday-dhaqameedyadii u arrimin jiray
reeraha oo si odaynimo iyo xilkasnimo leh u kala furdaamin
jiray arrimahooda. Ujeeddadada ay arrinkaan ka leeyihiinna
waxay tahay in ay danahooda shaqsiga ah ku sidkaan tan
reerka ay hannaankiisii dhaqan ee jihaysnaa afgambiyeen,
taasina ay suurageliso in ay maangaabka ka helaan
hiillo-doqomeed ay wax ku hoojiyaan.
Nabsigu waa balaayo, labadii xaqdarro ku
heshiisaana xaqa ayay ku kala tagaane iyadoo dadkii dulmanaa
aysan daalac u raacan kuwii duudsiyay xaqoodii ayay haddana
labadii kooxood ee ay u kala jabtay dowladii kiinya lagu soo
farsameeyay arrintoodii faraha ka sii baxaysaa. Iyagoo aan
waxba isku reeban ayay si miyir la' aan ah koox waliba
kooxda kale ku eedaynaysaa khiyaano iyo qaran-dumisnimo iyo
wixii soo raaca.
Qaran-dumisyo:
iyaga ayaa
is sheegaye ma annagaa sheegnay?!
Kooxda is bahaysatay ee xaruntooda ku sheegay
Jowhar iyo taageerayaashooda ayaa ku eedaynaya kooxda
Muqdisho dhufayska ka dhigatay in ay yihiin qaran-dumisyo ka
soo horjeeda in dalka nabadi ka dhalato. Waxaa kale oo ay ku
eedaynayaan in kooxda Muqdisho ay yihiin raggii hortaagnaa
muddada dhowr iyo tobanka sanadood ahayd in nidaam iyo kala
dambayn dalku helo, siiba caasimadda Muqdisho iyo
deegaannada ku xeeran.
Sidoo kale isbahaysiga Muqdisho iyo
taageerayaashooda ayaa gaashaanbuurta ay is hayaan ku
eedaynaya in ay yihiin qaran-dumisyo u adeegaya dowlado
shisheeye oo cadow u ah ummadda Soomaaliyeed siiba waddanka
Itoobiya. Waxa kale oo ay ku eedeynayaan xulufada Jowhar in
ay hurinayaan colaado sokeeye oo ka ba' an kuwii horay loo
soo maray.
Waxaa dhab ah in dagaal-oogeyaashu ay yihiin
waxa ay isku tilmaameen oo ay isku qireen oo ah danaysteyaal
ku eedaysan falal ka soo horjeeda qarannimada ummadda ayna
gaysteen tacaddiyo fara badan oo in lagala xisaabtamaa ay
habboonaan lahayd. Laakiin dadnimoxumida haysata kooxahani
waa in ay koox walba la tahay in ay iyada dadku u haystaan
ceeb-ka-saliim, kooxda ka soo horjeeddana loo haysto
habaarqabeyaal. Waa maan gurracan iyo garasho jaan!.
Kooxahan waxaad mooddaa in ay ka dammanyihiin
xisaabtanka Aakhiro. “Aakhiro halkeedee habeen dhereg
haddaan helo aney ii hagaagtay” ayuuna xaalkoodu u muuqdaa,
waaba haddii ay dad dharga yihiine! Waxaa kale oo ay
hilmaansanyihiin in ay taariikhdu is qorayso, umana muuqdaan
kuwo wax xeerinaya oo mid ummadeed iska daaye xitaa ka
fakara mustaqbalkooda berrito iyo waxa ay ku dambayn
doonaan.
La yaab !!
Sow la yaab ma aha in hoggaamiye-kooxeedyada
Muqdisho ay dad ku eedeeyaan, Itoobiya ayaa ku adeeganaysa?
Yaa Muqdisho - caasimaddii qaranka – dhigay meesha ay maanta
taallo? Yaa billaabay in basaasiin Itoobiyaan ah lagu hooyo,
howlgallana ay ka fuliyaan caasimaddii waddanka? Yaa
ugaarsaday indheergaradkii? Yaa aabbo u ah isbaaro iyo dad
la iibsado? Yaa xumeeyay oo Xamar cadde u rogay xabaalaha?
Yaase shalay ku dalqamayay “ Itoobiya waa walaalaheen daris
ah oo aan isku diir egnahay, isku danna nahay oo raba dowlad
Soomaaliyeed oo la helo?” Goorma ayay noqotay dugaagga?
Goorma ayaadse ogaateen in kooxda idinka soo horjeeddaa ay u
adeegayso Itoobiya? Ma markaad dooranayseen ka hor, mise ka
dib? Hadduu daad idin qaaday, danina idin dabartay, miyaadan
wali ka daalin wax isdabamarin? Mise digdigta iyo dulmiga
aad ku haysaan maatidiinna waad wadaysaan illaa dalqada la
idinka fiiriyo?! Waxaa habboon in aad xisaabtantaan, dibna
aad dhaqankiinna u miisaantaan.
![](cibar4.jpg)
Dhanka kale, kuwa ku doodaya dad ayaa
dowladnimo diiddanaa dhowr iyo toban sano, Miyaysan ogeyn
haddii ay cid Soomaali ahi ku eedaysantahay dowladnimo diid
iyo qarandumisnimo in ay iyagu yihiin kuwa uga horreeya. Waa
la yaab in shaqsiyaad adeegeyaal u ah maamulka
marinhabowsan ee Adis-ababa ay ku muusannaabaan in ay
danaynayaan dowladnimo Soomaaliyeed dad kalena ay ka soo
horjeedaan. Yaa ku faana in ay burburiyeen qarannimadii
Soomaaliyeed, qaska iyo qalaanqalka taaganna ay aabbe u
yihiin? Yaa jecel in lagu ammaano in ay yahiin kuwii ummadda
sidaan u galay oo halaagga u horseeday?
Kooxaha laga sheeganayo ee aan dowladnimada
rabin, sow ma aha kuwii shalay xulufada ahaa ee lagu
sheegayay halyeeyo qaran, goorma ayay noqdeen wada
qaa'inul-waddan?. Aan is waydiinnee yay ahaayeen
shaqsiyaadkii ku galgashay rajadii ay Soomaali oo dhami u
muhatay ee ka soo baxday shirkii Carta - Shaki kuma jiro in
dadkii dowladdii Carta garwadeenka ka haa ay wax badan
khaldeen dantii guudna ay tooda gaarka ah ka hormariyeen.
Marka ay ku doodayaan Itoobiya ayaa hubka inaga dhigaysa,
iyaga iyo Itoobiyaba miyaysan ahayn kuwa waddanka soo
geliyay hubkii ugu badnaa ee ay soomaaliyi isku gummaadday,
illaa iyo haddana weli ku soo daldalaya? Mise xaalku waa
Jinni ninkii keenaa baxsha!, Annagaa shalay hubka qaybinnay,
maantana annaga ayaa urursanayna?!
Haddii uu maamulka Adis-ababa idinka
abaalmariyay hagardaamooyinkii aad u gaysateen ummaddiina
adinkuna aad mar kale jeclaysateen in aad uga abaalguddaan
darajooyinka uu idiin dallacsiiyay, waa garashadiin. Waxaase
habboon in aad xusuusnaataan in dhul ay ummadi leedahay aan
abaalgud lagu bixin karin. Waxaa kale oo aad maanka ku
haysaan xikmaddii Soomaaliyeed ee ahayd “ Booraan (God)
hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn ku dhici
doontideene lama ogee!”
Dad aan is aaminsanayn ma la aamini karaa?
Marka dhinac walba wax laga qiimeeyo, waxaa
muuqanaysa in kooxahani aanay ka faa'ideysan fursaddii ay
Nairobi ka heleen oo ay si fudud u dayaceen, waana
dhalanteed in waxqabad laga rajeeyo. Caqliga caafimaadka
qabaa wuxuu noo sheegayaa in aan la aamini karin maamul aan
isagiiba is aaminsanayn oo kala qaxaya, qaa' innimana isku
qiraya.
![](cibar5.jpg)
Waxay doonaan iyagu ha ku doodaan. Ha
heshiiyeen ama yaanay heshiinin. Marba meel iyo magaalo ha u
guureen, marba dal ha u duuleen, damiinnadana waxay doonaan
ja u sheegeen, waxaa cad in fashilkooda ay soo dadajiyeen
arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
1. Iyagoo aan markii horeba is waydiin, waxa
ay ummaddu u baahantahay iyo waxa ay iyagu (
Dagaal-oogeyaashu) ummadda u qaban karaan. Sidee howl loo
qabtaaba la isma waydiin, sidee wax loo qaybsadaa oo wax loo
boobaa ma ahine. Durbaankii la xoogay diririm ka siintiisii
( garaaciddiisii) aqoon iyo xilkasnimo ayay u baahatay,
xaalna Ilaah ayaa og!
2. Aqoonta uu midiba u leeyahay kan kale
hab-dhaqankiisa oo aan dhiirrigalinaynin in la is aamino.
Badankooduna waa rag si aad ah isku yaqaanna, oo isaga
shakisan ficillo aan wanaagsanayn oo ay danaystenimo,
ballan-ka-baxyo, iyo daacad-darro aasaas u yihiin. Dhab
ahaan kalsooni darro ba'an ayaa halkaas ka jirta si aad ah
ayaana loo kala gabbanayaa. Ummad wax u qabasho waa
halkeedee in ay kooxahani is aaminaan ayaanan ahayn wax la
filan karo. Waxaa dhici karta in ay xubno kala badashaan, oo
xubno Jowhar ka gadooday si gacaltooyo leh loogu soo
dhaweeyo Muqdisho, iyadoo ay jidka isku weydaaranayaan xubno
Xamar ka geeddi ah. Waxaa kale oo dhici karta in koox waliba
ay u sii kala jabjabto kooxo yaryar oo kala dan ah, amaba ay
abuurmaan kooxo cusub oo dardartoodii qaba.
3. Waxaan iyaduna meesha ka maqnayn dhagar
fara badan oo ka imaanaysa dhanka shisheeyaha. Dadka
kooxahan isku karaamada seegay hurmuudka u ahi waxay u
badanyihiin kuwo aan xor u ahayn tallaabooyinka ay
qaadayaan. Waxaa hubaal ah in, in badan oo iyaga ka mid ah
loo yeeriyo waxa ay ku hadlayaan, loona tilmaamo toobiyaha
ay qaadayaan. Marka dhan laga eegana waxaba la dhihi karaa
dagaal-oogeyaal la heshiiyo waxaa ka mudan duulasha ay u
shaqeeyaan - dowladaha amra - oo isfaham laga dhex raadiyo.
Maxaa la isku hayaa?
Waa arrin iska cad waxa ay isku hayaan
garabyadan ay u kala jabtay iskaashatadii Kiinya. Hubaal dan
qaran la iskuma hayo, waxaase is diiddan waa danaysiga iyo
damacooda waashay. Si ay dadka u sakhraamiyaan waxay dhinac
walba u buufinayaan dareen iyo xasaasiyad qabyaaladeed oo ay
in badan ku caanamaaleen, maangaabyo fara badanna ay ku
maaweeliyeen.Waxay hurinayaan colaado sokeeye si ay uga
taajiraan dhiigga maxasta, iyagoo iska dhigaya
hoggaamiyayaal qabiilooyin u daacad ah. Dabkay shideen ayay
ku faanayaan in ay yihiin kuwa kaliya difaac ka geli kara
haddii ay doonaanna damin kara.
Waxaa la dhihi karaa kooxahani waxay is
tuseen in aysan dani ugu jirin nabad iyo nidaam ay
Soomaaliyi hesho. Waayo intooda badani sidaan ayay dan
moodeen iyo in ay dhiigga ku dabaashaan. Nabadda waxay u
arkaan hoog waxayna shaki badan ka qabaan in dambiyada ay ku
eedaysanyiin ay ka culusyihiin kuwo dadku sahal u illoobo,
walow ay Soomaalidu ku ammaananyihiin in ay yihiin dad
cafiska ku fiican.
Kooxahan isqabqabsanayaa waa kuwo ka arradan
xishoodka iyo garashada oo aan ka damqanaynin xaalka ay
ummaddoodu ku sugantahay. Abwaan Soomaaliyeedna waa kii hore
u yiri “ Illayn nimaan xishoonayn, dagaal xeeli
kama
hayso”. Kumiyaal ay helaan ayaa uga muhiimsan kummannaan kun
oo waaya naftoodii qaaliga ahayd!
Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed?
Miyaa wali xiiso loo qabaa daawashada
riwaayado hagardaamo oo ay isku soo dubbo-rideen cadowyo dan
leh, ayna jilayaan danaysteyaal aan dareen damqada iyo
damiir dabra midna lahayn? Miyaase lagu qasbanyahay in la
kala doorto dad aan dan ummadeed isku haysannin oo danahooda
gaar ahaaneed dagaal ugu jira?
![](cibar7.jpg)
Dhab ahaan waa ayaandarro haddii aanan wali
waxba lagu qaadan duruustii xanuunka badnayd ee aan ku soo
qaadannay muddadii ay dagaallada sokeeye na daashadeen. Waa
ayaandarro in wali loo sacabtumo dhagarqabeyaal marba shaar
cusub ula soo shirtagaya shacabka dhibban. Waa doqonnimo
inaan wali la garan in aan qabyaalad qaran lagu dhisin,
qabqable dagaalna uusan qaraabo dan ka lahayn in uu
danihiisa ku qunsado ha joogtee !.
Gabagabadii , aad
ayay u qummanaan lahayd in ay shacabka Soomaaliyeed gartaan
hagardaamada uu nacabkoodu la maagganyahay, ayna ka
feejignaadaan dibindaabyada iyo dabinnada loo maleegayo.
Inta ay goori goor tahay in la fekero ayaa habboon. Inta
tabar la hayo in la tashado ayaa qumman. Danta guud in laga
wada shaqeeyo iyadey tan gaarka ahina ku dhexjirtaaye ayaa
khayr roon. Haddiise howsha meesheedii hore laga miiso,
xaalna uu ku dambeeyo ,
Musuqmaasuq Soomaali waa meheraddeedii
, halista nagu soo fool lihi ma yara.
![](cibar8.jpg)
Haddaan lala imaan dadaal iyo dardar cusub,
lana doorin dhaqamada dullaysan ee damiirka ka arradan.
Haddaan waxgaradka ummaddu iska rogin heeryada lagu hubsaday.
Haddaan la quurin naf iyo maal oo aan loo halgamin soo
celinta haybaddii iyo sharaftii ay lahayd umaddani. Haddaan
Rabbi loo towbad keenin, gows-dambeedkana aan lagu qabsan
kitaabka iyo sunnaha marxalad kasta oo lagu jiro, waa naloo
yaabaa. Waqti aan tabarna la haynin talana la haynin ayaa
imaan doona ee Soomaaliyeey dantaada garo oo intaad wali
tabar hayso tasho. Shallaay waa shay xaaraan ah ee dadka
Soomaaliyeedow shaxda hoos u fiiriya, Shaxda hoos u fiiriya.
Rabbiyow na badbaadi.
Afeef
.
Qoraalkani wuxuu
tilmaamayaa qaabkii guud ee shirkii kiinya. Waxaa kale oo uu
ka hadlayaa dhaqamada Dagaal-oogeyaasha, danaysteyaasha iyo
inta dulmi-kunaaxyada ah. Qoraalkani ma khuseeyo Soomaaliga
samaddoonka ah fikradda uu doono ha aaminsanaadee. Dhaliil
ninkii mutaystay ayaa dhaliilan
.
Inj. Maxamed C. Cibaar
Tifaftirka Samaddoon.com
Mohamed_ebar@hotmail.com
Samaddoon@samaddoon.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005
![](mar181.jpg)
Feerkii la isku dhaafsaday codbixintii Baarlamaanka SOM..
Guji...
::: MURTI
& SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir
:::
"BUUGA
CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir
|