SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

19,000 oo La Xaqiijiyey in ay Ku DHinteen DHul-Gariirkii Pakistan

Axad, October 9, 2005: Dawlada Pakistan ayaa maanta oo Axad ah xaqiijisay in dhulgariirkii shalay (Sabti) subax halkaas ka dhacay ay ku dhinteen 19,136 qof, waxaana dhaawacmay 42,397 qof.

"Ilaa hadda waxaan haynaa in 19,136 oo qof oo ku naf waayeen, 42,397 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dhimashaduna ay saacad kasta kor u keceyso." Sidaas waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha ee Pakistan, Aftab Sherpao, oo warbaahinta ugu waramayey magaalada Islamabad.

Wasiirku waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ay ka dhacday Kashmir (qaybta ay maamusho Pakistan) halkaas oo ay ku dhinteen 17,388 ayna ku dhaawacmeen 40,421.

Subaxnimadii hore ee Axada, Tariq Farooq, oo ah wasiirka shaqada iyo isgaarsiinta ee Kaashmiir qaybta ay maamusho Pakistan, waxa uu hay'adda wararka u faafisa Faransiiska ee loo yaqaan AFP u sheegay in ay halkaas ku dhinteen 40,000 oo qof. Waxana uu intaas ku daray in magaalooyin dhan ay baaba'een ama khariidada ka masaxmeen.

Dhulgariirkani waxa uu ka dhacay xarriiqda u dhexeyasa Hindiya iyo Pakistaan ee dhulka Kashmir, waxana uu sababay in carrada iyo dhagaxa buuruhu soo rogmadeen oo gebi ahaanba qariyeen tuulooyin.

Madaxweyne Musharaf waxa uu sheegay in ay adag thay in la garo Tuulooyinka fogfog ee dhulgariirkani aafeeyey.

Dhulgariirkani waxa uu ahaa mid kamid ah kuwa ugu xooga weyn masuubooyinka ka dhacay Koonfurta Bari ee Aasiya. Waxa ay xuduntiisu ahayd gobolka Kashmir oo lagu yaqaan in uu halis u yahay dhul gariirka - waxa gobolkaas ku kulma ama isku herdiya labada gebi ee dhulka hoostiisa mara oo la yiraahdo  Eurasian iyo Indian, kaas oo la sheegay in ay ka asaasmeen buurha Himilaaya.

Dhulgariirkani waxa uu gaarey dhul baaxad weyn, waxaa Iskuuladii ku dumeen kumanaal carruur ah, waxaana laga dareemay magaalada Caasimada Islamabad oo burburku saameeyey.

Wararka ugu dambeeyey waxa ay dhimashada dhulgariirka Pakistan gaarsiinayaan 20,000 oo qof, waxaa kale oo jira warar kale oo tirada garsiiyey 30,000 oo ku dhintay saddexda dal ee kala ah Pakistan, India iyo Afghanistan. Waxaaana tiradaas dambe laga soo xigtey wasiirka Isgaarsiinta Pakistan. "Waxaa wasaaradayda loo sheegay in ay Kashmir ku dhinteen 30,000 oo qof" sidaas waxaa yiri Tariq Mahmmod, oo ah wasiirka Isgaarsiinta Pakistan.

Baaxada dhul gariirkan Pakistran ka dhacay waxaa lagu qiyaasay 7.7 cabirka lagu cabiro Dhulgariirka ee loo yaqaan Richter Scale.

DAAWO HALKAN....

Isha: IslamOnlina, CBC, AFP. Tarjumadii SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD