SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

 Booqashadii Guddomiyaha Baarlamaank ee Ingiriiska UK 

Waxaa markii ay taariikhdu aheyd 30 September 2005, oo ahayed maalin Jimco ah booqasho ku yimid magaalada London, ee UK, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed , Mudane Shariif Xasan Sh Aden, iyo wafdi uu hogaaminayey , taasoo aheyd booqasho ay si ,aad ah u sugayeen, jaaliydaa soomaaliyeed ee ku nool wadankaan , maadaama horay loo ogaa , inuu imaan doono , ka dib booqashadiisii Mareykanka iyo Canada , oo aheyd booqashooyin taariikhi ah . 

Hadaba waxaan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo xubnihii gudoomiyaha uga hor tagay Gegeda diyaaradaha Caalmiga ah ee Heathrow International Airport, waxaana halkaas isugu yimid wax garad isugu jiray , siyaasiyiin, odayaal, dhalinyaro aqoonyahano, iyo indheer garad badan, waxeeyna dadka meesha joogay ka kala yimaadeen daafaha fog fog ee UK, waxaana ka mid ahaa xubno ka yimid North West England , sida Manchester , iyo Bolton, oo u jira London , dhawr boqol oo kilo meter, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Mr Isbaramuuto , oo watay gaari uu calanka soomaaliyeed ku buufsanyahay. 

Hadaba markii uu gudoomiyaha soo degay , wuxuu gacan qaadey mid mid dadkii soo dhaweeyey , ka dibna  waxaa lagu sooqaadey baabuurtii loo diyaariyey, oo aheyd baabuur First Class ah , waxaana uu shariifka gadaal ka fariistay Mercedes aad u bilicsan , iyadoo horayna uu u fadhiistay waardiyo khaas ah oo loo sii diyaariyey, kazoo ka socday shirkad hawlaha ammaanka ka shaqeysa , waxaa loo dhaqaaaqay hoteelkii loo diyaariyey kaasoo la yiraa Novo Hotel, oo sidaas uga fogeyn Airportiga , markiiba gudoomiyaha, ma seexanine wuxuu mid mid mar kale  u gacan qaadey , dadkii soo dhaweeyey, iyo wax garadkii meesha isugu yimid, waxaana lees dhaafsaday salaam iyo soo dhaweyn, xoogaa nasasho ah ka dib waxaa uu gudoomiye shariif habeenkii ka qeyb galay, casho sharaf uu gudoomiyaha iyo wafdigiisa u sameeyey nin ka mid ah akhyaarta UK, oo la yiraahdo NUUR IIDOOW BEYLE, taasoo ka dhacday faras magaalaha London,  waxaana cashada kazoo qeyb galay dhammaan Xildhibaanadii joogey magaalada London, . 

Subaxdii xigtay gudoomiyuhu wuxuu wadey qaabilaadii iyo kulamadii uu la yeelanayey jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan UK, wuxuuna ku qaabilayey Hoteelka uu deganaa, kuwaasoo booqasho sharaf ugu imaanayey gudoomiyahooda , maadaam uu yahay xubintii ugu sareeysay ee dowlada soomaaliyeed ka socota ee qaabisha jaaliyada , maadaama uu horey madaxweyne Abdullahi Yuusuf uu diiday inuu la kulmo jaaliyada , markii uu yimid London, dhawr bilood ka hor , waxaana xasuustaa waagaa inuu madaxweynaha yiri , aniga cidna soomaalinimo maku qaabilayo, ee qabiil , qabiil haleeygugu yimaado, cidii ii imaaneysaa, taasoo fajac iyo amankaag ku noqotay dhammaan jaaliyada soomaaliyeed ee degan UK. 

Habeenkii labaad waxaa uu gudoomiyah ka qeyb galay Casho soo dhaweyn ah oo loogu talo galay, taasoo aay soo qaban qaabiyeen , qaban qaabiyaashii soo dhaweynta  gudoomiyaha, taasoo aay kazoo qeyb galeen dad kor u dhaafay 300 oo qofood, waxaana halkaas ka hadlay qaar ka mid odayada, hogaamiyayaasha , dhalinyarada, aqoonyahanada, kuwaasoo dhammaantood gudoomiyaha kusoo dhaweeyey , si farxad leh , kuna dhiiri geliyey inuu halganka bad baadinta qaranimada soomaaliyeed meeshiisa kasii wado. 

Soo dhaweyntii jaaliyada ka dib waxaa hadalka lagu soo wareejiyey wafdigii gudoomiyaha, waxaana hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada, waxaana aad loola dhacay hadal uu jeediyey mudane Zakariye Maxamuud Xaaji  Cabdi, oo aad loogu yaqaano , qiirada, iyo dadnimada, waxaana xusid mudan in Zakariye uu hada ka hor shir ay lahaayeen wadamada IGAD oo lagu qabtay Suudaan, uu gacan ka hadal dhex mari gaaray isaga  iyo Wasiiru dowlaha arimaha dibeda ee Ethiopia arimaha soomaaliya daraateed , waagii dowladii Carta uu ka ahaa wasiirka, hadaba mudane Zakariye wuxuu yiri soomaaliyeey Ceydiid gar leh , iyo Cali gar leh horay ayaa dhib badan loogu muteeystay, ee waxa leesku hayo dowlada dhexdeeda , waa dastuurkii la qortay , ee inta aad akhrisiin, hadii aan qaldanahay na dhaha adinkaa qaldan , hadii qolada jowhar joogta qaldanyihiina iyaga dhaha qaladka joojiya, waxaa kale uu Zakariye xusay in waxa leesku hayo aanan dhex dhexaad laga noqon Karin, ayna tahay madax banaanidii dalka iyo dadka soomaaliyeed, iyo Amxaaro hala hoos geeyo somaaliya , ee hadii taas la qaadan karo soomaaliyeey noo sheega??? 

Xildhibaanadii ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha Baarlaanka Soomaaliyeed Mudane Shariif Xasan Sh Aaden , waxaana lagu soo dhaweeyey sacab iyo farxad, Gudoomiyaha waxa uu  ugu horeyn ka mahad celiyey sida diiran ee loo soo dhaweeyey , wuxuuna jaaliyada ka codsaday in ay  dalkaan aay joogaan ay si fiican ula noolaadaan , maadaama ay matalayaan magacii soomaaliya, wuxuuna u mahad celiyey dowlada UK, soo dhaweynta iyo dejinta aay siisay dadkaan soomaaliyeed , 

Gudoomiyaha waxa uu ka hadlay khilaafka dowlada dhexdeeda ah waxaana uu sheegay in sadex shay leesku hayo, kuuwaasoo ah

  • In dalka la keeno ciidamo Ethiopa
  • Caasimada in  laga shaqeeyo lana nabadeeyo
  • In dastuurkii la qortay ee lagu heshiiyey lagu dhaqmo

Wuxuuna gudoomiyaha sheegay in aysan jirin cid cid kale jago ku heysata ee aay tahay waxa laysku hayo sadexdaa arin , wuxuuna ka codsaday ummmadda soomaaliyeed in aay fiiriyaan cidii ku qaldana aay dhahaan ka joog qaladkaada , wuxuuna sheegay gudoomiyaha in uusan marna ku talo jirin in wixii la soo dhisay aay bur buraan ,. 

Gudoomiye shariif wuxuu shacabka soomaaliyeed uga digay in hadii aysan ka hor tagin qorshaha la rabo in soomaaliya lagu keeno ciidamada Ethiopia, aay jiilka soo socda  ee soomaaliya sida FALASTIIN dhagax ku tuuri doonaan taangiyada Ethiopia, oo dalka soomaaliyana lala wareegi doono. 

Wuxuu kaluu gudoomiyaha ka hadlay in Soomaaliya dhibaatada gaartay aay ugu wacneyd Kali talisnimo, iyo iyadoo talada dalka ay  hal qof gacanta ugu jirtay, mida hada uu isagu diidan yahayna   aay tahay in sidaas soo noqoto, wuxuuna gudoomiyaha xusay in hadii dowlad kali talis ah dalka ka dhalato , uu noqon doono meel dadka dibada joogaa aaysan ku soo laaban doonin, wuxuuna xusay inuusan dalkiisa iyo dadkiisa marna siisan doonin wax kastaa , uuna ku dhiman doono u halganka in soomaaliya aay ka dhalato dowlad aay u siman yihiin dhammaan ummada soomaaliyeed , go,aankeedana uusan laheyn hal qof, wuxuuna gudoomiyaha sheegay , in loo baahanyahay in laga wada sha qeeyo sidii dalka iyo dadka loo bad baadin lahaa , wuxuuna sheegay inuu ka hor tagayo inuusan baarlamaanka noqonin Shaabad aay dowlada sideey rabto ka yeesho, oo wax lagu shaababdeysto, maadaama Baarlamaanka uu matalayo Shacbi weynaha Soomaaliyeed , oo uu ku rabo in la helo waxa loo yaqaano Check and Balance. 

Subaxdii xigtay gudoomiyaha iyo wafdigiisii waxeey booqasho ku tageen magaalada Birmingham oo ku taalo Galbeedka dhexe ee England, iyadoo aay la socdeen , qaar ka mid ah gudigii iyo odayadii reer London, waxaana aay wateen in ka badan 5 Gaari, oo laba ka mid ah qaadaan, 7 qofood kiiba ,  waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey dhamaan , waxgaradka soomaaliyeed ee degan halkaas, kuwaasoo aay hogaaminayeen Gudoomiyaha golaha odayada Soomaaliyeed ee magaaladaas, Mudane Madeey iyo ku xigeekiisa Mudane Maxamuud Cabdi Gaab, waxana gudoomiyaha iyo wafdigiisa halkaas ka jeediyeen, khudbooyin taariikhi ah oo aay aad u jecleysteen dadkii dhageysanayey , waxeeyna ka jawaabeen wixii su,aalo ah ee dadka qabeen, waxaana loo sameeye qado iyo casho si, aad ah loo soo agaasimay, waxaana uu gudoomiyaha usoo hoyday London , halkaasoo markii uu yimid hoteelkii uu deganaa uu u yimid iyadoo aay dad badan sugayeen, wuxuuna meeshii ka sii waday qaabiladii jaaliyada. 

Maalintii xigtay ee Isniinta gudoomiye shariif wuxuu tagay wasaarda arrimaha dibedda ee dalkaan  UK, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey, xubno uu hogaaminayey wasiirka u qaabilsan Africa, waxaana ay ka wada hadleen arimo badan oo quseeya soomaaliya , waxaana aay dowlada UK, ku casuuntay gudoomiyaha Baarlamaanka somaaliyeed  inuu kazoo qeyb galo kulan loo qaban doono guddoomiyaasha baarlamaanada Africa , kaasoo lagu qaban doono London 19—21 October 2005, waxaana shariifka gacanta loo geliye casuumadii kulankaas , ka dib la kulankii wasaarada arrimaha dibeda iyo Baarlamaanka, gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliyeed wuxuu tagay waaxda horumarinta caalamiga ah ee UK, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madaxda hayadaas kuwaasoo uu la qadeeyey gudoomiyaha , waxeeyna aad uga wada hadleen sidii soomaaliya wax loola qaban lahaa , waxeeyna isku afgarteen dhammaan wixii aay ka wad hadleen, .  

 dhaamaanba madaxda UK, ee uu la kulmay shariifka ayaa usoo dhaweeyey si diiran , iyagoo aad ula dhacsan sida uu gudoomiye shariif ugu dadaalayo in soomaaliya laga dhaliyo dowlad dimoqoraadi ah , oo aan hal nin jeebka ugu jirin, waxeeyna u sheegeen in aay ku garan taagan yihiin , sida uu ku hogaaminayo baarlamaanka soomaaliyeed ee ah in baarlamaanka iyo dowlada la kala saaro , baarlamaankana uu la xisaaabtamo dowlada , waxeeyna u sheegeen ineey wax badan la qabna doonaan baarlamaanka soomaaliyeed. 

Maalintii xigtay ee taaladada  waxaa gudoomiye Shariif , casuuntay Hay,ad caalami ah oo gacan ka geysata meelaha colaadaha hala keeyeen,  hada ka horna  ka soo shaqeeysay meelo aay South Africa ka mid tahay , waxaana kulankaa gudoomiye shariif ka dhageysteen warbixin ku saabsaneyd soomaaliya , waxaana lees dhaafsaday su,aalo iyo jawaabo, badan , iyadoo aay goobjoog ka haayeen, xildhibaano ka tirsan dowlada UK, iyo xildhibaanada soomaliyeed, iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa Mudane Cismaan Kalluun .  

Arbacadii gelinkii dabe ayuu gudoomiye shariif ka soo dhoofay London, iyadoo laga dhoofiyey qeybta VIP ga , ee Heathrow International Airport ,  halkaasna loogu sameeyey afur aad u wanaagsan oo aay diyaariyeen wasaarada arrimaha dibedda . 

Waxaa xusid mudan xubno ka mid ah jaaliyada soomaaliyeed ee UK, ee sida aadka uga qeyb qaatey amaba hogaaminayey agaasinka booqashada gudoomiyaha kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 

  • Eng Abdirahmaan Yariisow- Gudoomiyaha Somali Concern Group
  • Mr Abdullahi Abdi ( Telefoon) –Xoghaya Somali Concern Group
  • Mr Abdi-weli sh Ali
  • Mr Wadad yare
  • Mr Kadiye
  • Mr Abshir
  • Xildhibaan Mustafe Sh Ali Dhuxuloow
  • Mr Abuukar Ali Geedi
  • Mr Nuur Iidow Beyle
  • Mr Cali Cadow (Cali Jarmal)
  • Abwaan Abdullahi Sahal
  • Mr Daahiye Cabdi
  • Mr Maxamuud Cabdi Gaab
  • X Xirsi X Jaamac
  • Iyo saxaafada soomaaliyeed gaar ahaan, Onkod, HornAfrik, Dayniile, Midnimo, Marka Cadeey iyo kuwo kale oo badan oo soo tabinayey booqashada gudoomiyaha

Waxaan soo qori doonaa qoraal kale oo ku saabsan shakhsiyada Guddomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Shariif Xasan Sh Aden 

Diyaariye: Abdullahi Nur | Freelance Writer
aosman66@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD