SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 DILKA WAXASHNIMADA EE LOO GEYSTEY G/SARE MAXAMED MAXAMUUD RAAGHE

Waa, ayaandarro in beryahaan dambe, magaalada Caasimada ah ee Muqdishu; ay ku soo badanaayeen dilka lala beeganaayo dadka aqoonta leh ama wax garadka dalka lagu tilmaami karo. Arrintan, dilka aqoonyahayanka lala beeganaayo, waa wax dalka ku cusub; lana hubo in ay dad shisheeyaha gacan saar lala leh ay ka dambeeyaan; lacagna lagu siiyo xasuuqa dadka aqoonta leh ee dalka weli ku nool.

Waxaay, nafta banii’aadamka, xoolaha iyo dhirta Rabbi ayaa iska leh qaadidooda. Haddaba, nafta banii’aadamka cidna looma baneeynin qaadideeda si sharcidarra ah; ciddii dhiig islaameed gashana, waxaa loogu bishaareeyay, ayadoo adduunka joogto cadaab. Marka, kan wax soo diray ee qorayga u soo dhiibay; lacagtana ku bixinaayo iyo kan wax dilaayo, labaduba “ WAA AHLU-NAAR”, jannana ma galaayaan.

Haddaba, waxaan aad iyo aad uga xumahay dilkii waxashnimada ahaa ee loo geeystay G/Sare Maxamed Maxamuud Raage, oo aan saaxiib noqonay xilliggii UNITAF, ahaana ruux aad iyo aad u fiican oo ay cid walbo ka heleyso. Marka, waxaa ila haboon in laga waantoowbo, ugaarsashada fulaynimad ah ee waxgaradka dalka; oo ay runti dhici doonto, mar aan dheereyn ciddii wax dishay iyo ciddii soo dirtay lasoo qaban doono, maxkamadna la horkeeni doono, si loo ciqaabo. Ma waxaa a doonayaa, dad indha la’ in ay dal iyo dadkiisa wada indha la’yihiin in ay hoggaamiyaan?

Ugu Dambeynti, waxaan jeclahay in aan tacsi u diro dhammaan Qoyskii, Qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka geeriyooday G/Sare Max’ed Max’ud Raage; oo aan leeyahay inti dhimatay ILLAAHEEY SAMIR ha inaga siiyyo hana u naxariisto.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow ‘Black’
drabdi2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD