SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka Maanta:::

  • Ra’isul wasaare Geedi oo si dhaqsi leh ugu Ambabaxay wadanka Kenya ..

  • Xildhibaan Sh. Nuur Cali Aadan “Habeenkii la doortay Cabdulaahi Yuusuf waxay ahay habeen Mugdi ah”

  • Kulan lagu wado in Magaalada Nairobi  ku dhexmaro Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raisul Wasaare Geedi..

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan warbixintii cunqabateynta hubka Soomaaliya ee Q/M..

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Ra’isul wasaare Geedi oo si dhaqsi leh ugu Ambabaxay wadanka Kenya ..

Oct 9, 2005

            Wararka naga soo gaaraya Magaalad Jowhar ee gobalka Sh/dhexe oo xarun u ah qayb ka mid ah Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi uu shalay si deg deg ah ugu amababaxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

            Illaa hadda lama faahfaahin sababihii uu ugu ambabaxay dalka Kenya Ra’isul wasaare Geedi, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in uu u yeeray wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall oo isagu maalmahan wada sidii uu meel isugu keeni lahaa xubnaha labada gole ee khilaafku u dhexeeyo, sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka wada hadli doonaan warwarbixntii ay dhawaan soo saartay Qaramada Midoobey oo ku saabsanayd cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya, iyadoo Dowladda ku meel gaarka ah garabkeedii Jowhar lagu eedeeyay in ay hub ka soo qaateen wadamada Yemen iyo Itoobiya

Kulan lagu wado in Magaalada Nairobi  ku dhexmaro Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raisul Wasaare Geedi..

            Warar hoose oo aanu helnya ayaa waxay sheegayaan in wakiilka Qaramada Midoobey ee Sooamaliya Francois Fall uu wado qorshe uu ku doonayo in uu isku soo hor fariisiyo guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaare Cali Geedi.

            Kulankaan ayaa wakiilku doonayaa in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda, iyadoo maalintii shalay ahaydna uu Magaalada Nairobi uu gaaray Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi oo isgu martiqaad rasimi ah ka helay wakiilka Qaramada Midoobey iyadoo saacadaha soo socda la filayo in Magaalada Nairobi uu soo gaaro guddoomayaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

            Waa markii labad oo uu wakiilku doonayo in uu meel isugu keeno guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi, isku daygaasna waxa uu burburay markii uu guddoomiyuhu u kicitay Magaalada New York halka Ra’isul wasaaruhun uu isna aaday dalka Talyaaniga.

            Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu dhawaan bixiyay wareysi waxa uu ku sheegay in khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda uu yahay mid ay iyagu dhameysan karaan, isagoo sheegay in Dalal shisheeye aysan wax ka qaban karin khilaafkaasi, Sidoo kale Guddoomiyaah Baarlamaanka ayaa isna horey u sheegay in uu diyaar u yahay in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xukumadda si looga miradhaliyo shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacay Wadanka  Kenya.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan warbixintii cunqabateynta hubka Soomaaliya ee Q/M..

           Guddi loo xilsaaray dabagalka cunaqabateynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa waxa ay guddigaani soo saareen warbixin ka kooban lixdan bog sideedii bilood ee ugu dambeysay, waxayna warbixintaani faahfaahin dheeraad ah ka bixineysaa dowladaha ku xadgudbay cunqabateynta hubka Soomaaliya, Dowladahaas ayaa waribixintu sheegtay in ay ka mid yihiin Itoobiya, Yemen iyo Erateriya iyadoo 378% ay korodhay hubka soo galaya Soomaaliya mudadaa sideeda bilood ah, waxayna warbixintu sheegtay in hubkaasi uu Soomaaliya ku soo galay qaab siyaasadeed iyo mid ganacsi, iyadoo Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed mar uu ku sugnaa dalka Yemen uu Dowladda Yemen si toos ah uga codsaday in la siiyo noocyada hubka kala duwan oo isugu jira hubka fudud, lidka taangiyada iyo midka garabka laga gano ee sawaariiqda ee lagula dagaalamo diyaaradaha, hase yeeshee Dowladda Yemen ayay warbixintu leedahay waxay ogolaatay in ay bixiso hub fudud oo gaaraya ilaa iyo shan kun oo qori.

            Warbixinta waxaa kalloo lagu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu hubkaasi ka soo dejiyay dekedda Magaalada Boosaaso qaarkoodna la sheegay in uu gaaray xarunta ku meel gaarka ah ee uu haatan fadhiyo Madaxweynuhu ee Jowhar.

            Dowladda Yemen ayaa mar ay guddigu la xiriireen waxa ay wax ka weydiiyeen in dowladda Federaalka ay siisay wax hub ah, waxayna dowladda Yemen ay sheegtay in ay bixisay hub ay sheegtay in ay ugu talagashay dowladda Federaalka si wax loogu hubkaasi qabto ammaanka guud ee dalka, waxayna meesha ka saartay in ay bixisay wax hub ah oo noocoodu yahay kuwa waaweyn.

            Madaxweynaha ayaa markuu uu ka soo dejiyay hubkaasi Magaalad Boosaaso, waxa uu kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada maamulk goboleedka Puntland waxa uuna ka dalbaday in uusan hubkaan gacanta u gelin beelaha Hawiye ee ku nool koonfurta Soomaaliya si uusan mar kale u noqon mid nakula soo weeraro, wuxuuna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ciidamo aad u xoogan dhigay goobaha la is dhihi karo waa  uu ka dusi karaa hubkaasi. waxay warbixintu leedahay in Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf iyo 10 Wasiir oo kalle ay ku lug leeyhiin Xadgudubka Cunaqabateynta  hubka ee soomaaliya

            Warbixinta waxaa kalloo lagu sheegay in 4-tii Juulay ee sadankii 2004 Markab lagu magacaabo Al-Nasar hubna la sheegay in uu u soo siday dalka Soomaaliy ay qabteen ciidamda Mareykanka ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya waxaana hubkii iyo Markabkiiba dib loogu celiyay dalka Yemen.

            Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay iyana ay qayb libaax ka qaadatay jabinta cunaqabateyntii hubka Soomaaliya waxayna warbixintu leedahay waxaa dalka Itoobiya laga hayaa sawiro caddeenaya gawaari hub u soo siday gudaha dalka Soomaaliya, balse warbixintu ma aysan soo bandhigin sawiradaasi iyo noocyada hubka ay Dowladda Itoohbiya soo gelisay gudaha dalka Soomaaliya, waxaa kalloo warbixintu leedahay in diyaarado hub sida iyana ay soo gaareen deegaano ka tirsan maamul gobaleedka Puntland iyo deegaano kale oo ay Dowladda federaalka fadhido.

            Warbixinta oo hadalkeeda sii wadata wxaa kalloo lagu sheegay in uu kor u kacay sideedii bilood ee ugu dambeysay ka ganacsiga hubka ee Soomaaliya wuxuuna soomaaliya hubka ka soo galay Bad iyo Beri, waxayna warbixintu leedahay in kororka hubka uu hoos u dhac ku yimid intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee Nairobi, iyadoo dowladdii cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay ku xadgudbeen wadamadaani, waxaana hubkaasi Soomaaliya ku soo gaaray qaab dowladeed iyo mid hoggaamiye kooxeed, iyadoo lacagaha laga helo Maraakiibta la afduubo iyo sunta haraadiga ah ee lagu shubo Badaha Soomaaliya ay keentay in si xad dhaaf ah loo iibsado hubka.

            Warbixintaani waxay ku soo beegantay xilli wadamada Itoobiya iyo Yemen ay haatan ku sugan yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka oo la sheegay in halkaasi ay tageen sidii ay wadamadaasi uga soo heli lahaayeen hub kala duwan, hase yeeshee Dowladahani waa ay dafireen in ay wax hub u gudbiyeen gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee dowladda Yemen waa ay qiratay in hub ay siisay Dowladda

Xildhibaan Sh. Nuur Cali Aadan “Habeenkii la doortay Cabdulaahi Yuusuf waxay ahay habeen Mugdi ah”

            Maanta oo ay bishu tahay 10-ka October waa maalinkii la doortay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaana ka soo wareegtay muddo sanad ah, haddaba xildhibaanada ku sugan Magaalada Muqdisho sidey u arkaan doorashadii C/llaahi Yuusuf, xildhibaan Shiikh Nuur Cali Aadan ayaa isagu waxa uu yiri “Habeenkii la doortay C/llaahi Yuusuf Axmed waxay ahayd habeen mugdi ah, waayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa laga filayay in uu ka shaqeeyo isku keenida shacabka Soomeeliyeed, hase yeeshee taasi waxa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u bedelay burbru, hub u uruursi iyo in uu Qaranka ummadda Soomaaliyeed u gacanta u galiyo caddowga ummadda Soomaaliyeed, xildhibaan Suleymaan Colaad wuxuu yiri isna “laguma tilmaami karo sanad-guuro farxadeed ee waa sanad-guuro baaruurdiiqeed, waayo Soomaaliya waxaa ka lumay fursad qaali ah, sidaa darteed C/llaahi Yuusuf wax auu dhibaato hor leh ku sii abuuray ummadda Soomaaliyeed, niyad jab”, wuxuuna u soo jeediyay Suleymaan Colaad Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu waayo aragnimadii sanadka ahyd ee uu helay in uu ka faa’iideysto oo uu shacabka u hogaamiyo wado wanaagsan si loo soo celiyo sharaftii iyo karaamadii dalka. Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa isna ka yiri hado kooban doorashadii C/llaahi Yuusuf Axmed “Habeenkii la doortay waxa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu sheegay in haddii uu wax qaban waayo uu dib ugu soo celinayo xilka gacanta shacabka hase yeeshee waxa uu Madaxweynuhu weli taagan yahay jabhadnimadii uu ku hogaamin jiray Jabhadii SSDF”, wuxuu intaa sii raaciyay ‘Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sodon sano ayuu ku halgamay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya taasi waa uu ku guuleystay waxaan is lahayn waxa uu soo celinayaa qaramadii Soomaaliya, waxaanse leeyahay waa Odey khasaaray”.         

 W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2005

Shirkadda Dahabshiil oo gargaar lacageed guddoonsiiyay halgamaa Abwaan Axmed Nuur
Xafladda Guddoonsiinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Dahabshiil ee Magaalada Muqdisho ayaa... Guji...

Tiro kabadan 20,000 oo Qof ayaa Ku Dhintay Dhulgariirkii Pakistan
Dhulgariirkii baaxada weynaa ka dhacay Pakistan ee saamaynta ku yeeshay India iyo Afghanistan ayaa wararku tibaaxeen in dhimashadii gaartey..
Guji....

Booqashadii Guddomiyaha Baarlamaank ee Ingiriiska UK
Faalladii Cabdullahi Nuur  
| Guji... Oct 9

DILKA WAXASHNIMADA EE LOO GEYSTEY G/SARE MAXAMED MAXAMUUD RAAGE | Dr. Black

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD