SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

 Bahda Isboortiga ee Minnesota oo Soo Dhaweeyey Wasiirka Isboortiga DGPL, Mudane Siciid Qorsheel.

Bahada Istoobtiga Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa si aan kala hadh lahayn u soo dhawayay Wasiirka Isbootiga , Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamul Goboleedka Puntland,Somaliya Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel. Wasiirka ayaa in dhawaale safaro ku marayay dibada gaar ahaan Waqooyiga America.Isagoo shalay ka soo kicitmay Magaalada Toronto ,Kanada.

Casharo Sharaf si heer sare loo soo agaasimay oo lugu soo dhawaynayay Wasiirka Isboortiga,Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamul Goboleedka Puntland ee ay hormuud ka ahaayeen Gudoomiya Isboortiga Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota,.Mudane Cabdi Cali Maclin iyo bahweynta xulkii qaranka ee Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen xidigihii ugu caansanaa ee abad soo mara isbooriga Soomaaliyeed sida Shiikha, Axmed Daahir, C/qaadir Ciise(madaxay), Maxamud Ciise oo ka wada tirsanaa kooxii Horseed, LLPP, iyo Bada ayaa ka dhacday Hoteel ku yaal Waqooyi Bari ee Magaalada Minneapolis, Minnesota.

Mudane, Gudoomiye Cabdi Cali Macalin oo ku hadlay magaca Isboortiga Soomaaliyeed ee Waqooyiga America ayaa hadalkiisii ku bilaabay "waxaa maanta sharaf wayn noo ah in aan halkan ku soo dhawayno Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha oo xubin muhiim ah ka ah bahda Isboortiga Soomaaliyeed, Mudane, Wasiir soo dhawoow." Intaa ka dib waxaa bilaabay kaftan iyo haasaawe goo goos ah.

Mudane Saciid Jaamac Qorsheel ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha iyo bahda Isboortiga Soomaliyeed sida sharafta leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Gobolka Minnesota. Mr. Qoorsheel ayaa wajigiisa ka muuqtay farxad isagoo kulankii ugu horeeyay ee uu Minnesota ku yimaado isagoo wasiir ah la qaatay Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee Maraykanka. Waxaa iyana madasha lugu soo casuumay xubno isugu jira ganacsadayaal, hogaamiyaal jaaliyeedeed iyo aqoonyahano. Waxaana ka mid ahaa Maamulaha Al -Amiin Travel Agency Mudane Jamaal Axmed( Ojeer), C/risaaq Axmed(Ducaysane) oo ka mid ah Maamulayaasha Confederation of Somaali Community of Minnesota( CSCM), sidoo kale waxaa isna marti sharaf u ahaa Mudane Maxamed Cabdi Qaac oo ka mid ah hormuudka Somali Unity Council iyo Mudane Siyaad Geelle oo Xubin ka ah Golaha Xuquuqda Aadamiga ee Gobolka Minnesota.

Sida la shaaciyay Wasiirka Isbooritaga ayaa kulan la qaadan doona bulsha weynta Soomaaliyeed ee reer Minnesota maalinta Axada ah, October 9,2005 saacadu markay tahay 1:30 PM --- 4:30 PM Goobta uu kulanku ka dhici doono ayaa ah Augsburg College, Sateren Auditorium 1715 22nd Ave. South, Minneapolis, Minnesota. FAAHFAAHIN la soo xiriir Abdirizak ahmed(ducaysane) tell 612 338-5282

zakihaji@yahoo.com 

Faafin: Oct 8, 2005


 Doorashadii Golaha wakiilada somaliland

Puntland oo Markale Lagu kala Baayacayo Suuqyada Australia
Shirkada cusub oo ayaa iibsatey badanaa khayraadka Puntland ee ku jira dhulka hoostiisa, taas oo xuquuq u yeelaneysa in ay gebi ahaanba... Guji... Oct 7

Golaha Ammaanka oo canbaareeyay sargaal lagu dilay Kismaayo
iyo Kofi Annan oo Erireteya ugu baaqay inay xayiraada ka  qaado diyaaradaha Qaramada Midoobey... Xorriyo Oct 7

Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Sh. Aden iyo wafdigii la socday oo soo gaaray Dubai.
Waxa maanta subaxnimadii hore soo gaararay Dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan.... Guji Oct 6

Deeqa Maxamed Muuse oo Caafimaad ahaan loogu qaaday wadanka Austria
Waxaa dhawaan dalka Austaria loo qaaday gabar Soomaaliyeed oo da'deedu tahay 18-jir kaddib markii  Guji Oct 6

Nimco: "Waxaan Codsanayaa Caawino Soomaalinimo"
walaaladayda Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan waxa aan idinka codsanayaa in laycaawiyo sidii... Guji...

C/llaahi Yuusuf oo u kala dab qaadaya Ra’isul wasaare Geedi iyo...
xubnihii wasiirada ahaa ee ka socday maamul gobaleedka Puntland kaddib markii ay... Guji... Oct 5

WAFDIGII DKMG OO LA KULMAY JAALIYADDA SOOMALIYEED EE LONDON.
Magaalada London ee dalka Britain waxaa lagu qabtey shir ujeedadiisu ahayd wacyi gelinta dadweynaha Soomaaliyeed iyo qiimaha qarannimo oo uu soo.............Guji
oct 5

Shariif Xasan: Dastuurka ayaan anigu ilaalinayaa..
Ridwaan Xaaji oo waraysi la yeeshay Shariif Xasan
 Akhri oct 4

Zenawi oo Mucaaradka Amxaarada La Hadlaya
iyo Xildhibaanbo Kenyati oo ah la sii daayay... Guji.. Oct 4


RAMADAAN WANAAGSAN: Talaado - Ramadaan Maalintiisii koowaad 1426H | Oct 4, 2005             
Somalitalk.com Waxay leedahay dhamaan umada Islaamka gaar ahaana umada Soomaaliyeed meelay joogaanba Ramadaan Wanaagsan. Sida ay shaaca ka qaaday Boqortooyada Sucuudiga iyo wadamo badan oo carab ah in Talaado ay tahay maalintii ugu horaysay Bisha barakaysan ee Ramadaan, halka...Guji

Qorax Madoobaad La Sheegay in uu Maanta ka dhici doono Wadamo ay Soomaliya ka mid Tahay.. Akhri

Bakool: 12 Qof oo Sabtidii Ku Dhintay Iska Hor Imaad Ka Bilowday Dhirta Dhuxusha Laga Shito
iyo 6 Qof oo Axadii ku Dhintay Muqdisho Iskahor imaad Laba Maleysiyo... Guji...


Muqdisho: Qof Sooman afuri ajarkiisa oo kale aad heshide

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Booqday Birmingham UK
Shariif Xasan: Hadii Dalku uu ka Jiro Xukun kali talis ah waa ay adkaanaysaa in Soomaalida qurbaha ay dib ugu laabtaan dalkii Hooyo.... Akhri Oct 2

Soomaalida Minnesota oo DFKMG u Ballan aaday In ay u Iibinayaan Idaacad
ay Dawladu kaga Hor tageyso "Beenta BBC-da"... Guji... Oct 2

Kulankii Seddaxaad ee Middowga Imaamyadda Waqooyiga Ameerika Waxaa isugu yimid Hotelka Amery Suite ee Gobolka Minnesota 150 imaam ka tirsan ururka loo soo gaabiyo NAIF oo laga wado (Norht America Imams Federation) Isu taga Imaamyada Waqooyiga Ameerika, kana kala socday Maraykan Goboladiisa, wuxuu shirku soconayey sadex maammood oo xiriira waxaana kasoo qayb galay culimo waawayn oo aad looga qadariyo North America Sida Dr. Saalax Saawi..............Guji Oct 1

Warbixin ku saabsan dagaalka Soomaalida Ethiopia
Dagaalo Beeleedyo ay ku dhinteen in ka badan 120...
C/llaahi Yuusuf oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii Bankiga..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 1

Talooyinka ka soo baxay shirweynaha 1aad
iyo xalka islaamiga ah

Muqdisho: Shirweynaha oo ay ka soo bexeen 14 qodob oo Guji

Bulshada Soomaalida ee Minnesota oo caawinaysa dhibanayaasha Katrina
Iyo wasiirka Maaliyada, ahna Ra'iisul wasaare xigeenka DFKMG oo la hadli doona Soomaalida Minnesota... Sabtida... Guji..

Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London Saaka oo Jimca ah
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...  Guji... Sept 30

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud... Guji... Sept 30

Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.  Guji.. Sept 30

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo... Guji... Sept 30 


Muqdisho: Weriye Booqday Goobtii diyaaradii "Black Hawk Down 1993", oo waraystay Maryan Cusmaan oo kamid ah dadkii ay dhibaatadu maalintaas soo gaartey: Video Daawo Halkan. Sidoo kale weriyaha oo ka waramaya waardiyayaashii la socdey Video Daawo Halkan

Hay'adda  Qaxootiga ee Dhadhaab  oo120 Qaxooti Somaaliyeed dib ugu celisay Zoonka 5
Qaxootigan ayaa Xerada IFO waxa ay kaga baxayaan 2-Bus waxa ay tagayaan magaalada Nairobi halkaas oo Guji Sept 28

»» Baaq uu soo saaray ururka Darwiish {D.D.Y.F}  

Fartuun Sheikh oo Ku soo Fool Leh Minnesota Arbacada Duhurkii
Waxayna iyada iyo ayedadeed Nairobi ka soo... Guji.. sep 27

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD