SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DUBAI

Innaa LiLaahi Wa Innaa Ileyhu Raajucuun

Geeri Naxdin leh: (Marxuum Shiikh Maxamed Cabdille Horeeye)

Saalax Xasan, Siciid Xasan, Canab Xasan, Abdiqani Xasan, Siraad Xasan, Burhaan Xasan, Bashiir Xasan, Faisal Xasan Jaamac iyo dhammaan ilma Xasan Jaamac Jabdhurwaa oo kala jooga daafaha adduunka, waxay tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh u dirayaan:

  • Eng. Abdulqaadir Shiikh Maxamed Cabdille Horeeye, Hooyo Camaro Maxammuud Dhawre, Dr. Abdinaasir Shiikh Maxamed, Zahra Shiikh Maxamed, Dr. Cabdishakuur Shiikh Maxamed iyo dhammaan ilma Shiikh Maxamed Cabdille Horeeye oo kala jooga, Bariga dhexe, Euroupe iyo woqooyiga America
  • Dhammaan Reer Cabdille Horeeye meel kasta oo ay joogaan
  • Dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan, macaarifii iyo saaxiibadii marxuumka, gaar ahaan shacabka magaalada Gaalkacyo

Waxayna uga tacsiyeynayaan, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuun Shiikh Maxammed Cabdille Horeeye oo ku geeriyooday maanta oo Jamce ah, afarta bisha barakaysan ee Ramadaan magaalada Dubai ee dalka Emiraadka Carabta.

Shiikh Maxamed Cabdille Horeeye, Allaha u naxariistee, waxuu ahaa aqoonyahan Ilaahay ku mannaystay aqoon farabadan ee kala duwan. Aqoontiisa oo uu adeegsan jiray waxaa u dheeraa karti iyo hufnaan iyo furfurnaan. Isla markaana waxuu ahaa hormoodka ganacsata waaweyn ee gobalka Mudug iyo culimada bulshadu aqoonta ku qaddariso, aadna looga yaqaan dhammaan degaannadii uu ku soo noolaaday inta uu ifka joogey.

Ilaahi Qaaddir ahaa ha ugu bishaareeye Jannadii Farduusa.  Warasaduu maxuumka ka tagey, qaraabadii, eheladii iyo dhammaanteenna samir iyo iimaan ballaaran Alle ha inaga siiyo; Rabina geeridiisa ka dib nama ibtileeyo.  Aamiin.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhu La Raajicuun.

Burhan Hasan Jaamac Jabdhurwaa, China
Email:
burhanj@gmail.com

Faafin: Oct 8, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD