SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print

 05/10/2005
HAMBALYO

Arooska:
Faysal Xaashi Dalab iyo   Istaahil Axmed Maxamed:::

Annagoo kala ah:
-         Hooyo: Faaduma Baayir
-         Maxamed Xaashi Dalab iyo Carruurtiisa
-         Abti: Maxamed Baayir iyo Carruurtiisa
-         Duuliye: Cali Dalays iyo Carruurtiisa
-         Abti: Cabdi Axmed Baayir iyo Carruurtiisa
-         Abti: Aadan Axmed Baayir iyo Carruurtiisa
-         Drs Sahra Maxamed Baayir iyo Seygeeda Dr Wehliye
-         Canab Maxamed Baayir iyo Seygeeda C\casiis Xaaji Xassan
-         Dhammaan ilmo Xaashi Dalab iyo ilmo Maxamed Baayir iyo Carruurtooda  oo kala jooga  dalalka Ingiriiska, Maraykanka, Holland, Somalia iyo          New Zeland  waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa arooska:

Faysal Xaashi Dalab iyo   Istaahil Axmed Maxamed
Oo maalinti Sabtida 02/10/2005  ku aqal galay magaalada Hamilton ee dalka New Zeland Waxayna ilaahay uga baryayaan inay noqdaan kuwii isku raaga, uba kheyr qabana ilaahay ka la siiyo.

Aamiin  Aamiin Aamiin

Hambalyada waxaa loogu hagaajin karaa: aabdulkadir555@hotmail.com  



  • C/llaahi Yuusuf oo u kala dab qaadaya Ra’isul wasaare Geedi iyo..

  • Maleeshiyo fara badan oo ka soo go’ay kuwii  kuwii waajid oo soo gaarey..

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

C/llaahi Yuusuf oo u kala dab qaadaya Ra’isul wasaare Geedi iyo..

            Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay iyo doraadba waxa uu ku kala dhex jiray ama uu u kala dab qaadayay Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi iyo xubnihii wasiirada ahaa ee ka socday maamul gobaleedka Puntland kaddib markii ay cirka isku shareertay arrimihii laga wada hadlayay, iyadoo xubnihii maamul Gobaleedka Puntland ka socday ay ku adkeysteen in Ra’isul wasaaruhu uu ansixiyo warqado qoraal ah oo ay wateen xubnahaasi, hase yeeshee Ra’isul Geedi waxa uu xubnihii Puntland ku wargeliyay in Jowhar loogu keeno mas’uuliyiinta shirkadaha heshiiska lala galayo si meel fagaaro ah loogu wada saxiixiyo ayna u ogaadaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isagu kulan gaar ah la yeeshay wasiiradii ka socday Puntland oo ka codsaday in ay dabacsani la yimaadaan si loo qanciyo wax uu ugu yeeray Dowladda Dhexe, waxaana la sheegay in wada hadalkaasi aysan ka soo bixin wax natiijo ah, iyadoo xubnihii wasiirada ahaa ee ka socday Puntland ay sheegeen in ay dib ula laabanayaan heshiiskooda si ay la tashi ula soo sameeyaan Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse.

Warar ayaa waxay sheegayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uu xubnaha wasiirada u sheegay in uu booqasho deg deg ah ku yimaado Magaalada Jowhar Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse. Wareysi uu Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi horey u bixiyay ayaa waxa uu ku sheegay in maamul gobaleed uusan wax heshiis ah la geli Karin shirkado shisheeye IWM, iyadoon aan fasax laga haysan Dowladda Dhexe, wada hadalada u dhexeeyay labada dhinac oo haatan maraya meel xasaasi ah ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in ay qarka u saaran yihiin in ay burburaan wada hadalka u dhexeeya Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi iyo xubnaha wasiirada ah oo muddo todobo maalmood ah ku sugnaa Magaalada Jowhar oo xarun ku meel gaara u ah qayb ka mid ah Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa waxaaa la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta waxaa kalloo halkaas iyana ku sugan mas’uuliyiinta shirkadaha heshiiska lala galayo oo iyagu ka war dhowraya wada hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedka Puntland 

Maleeshiyo fara badan oo ka soo go’ay kuwii  kuwii waajid oo soo gaarey..

            Waxaana dhawaan Magaalada Baydhabo soo gaaray ciidamo maleeshiyo ah oo ku hubeysan labo gaari oo tiknikaa iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo tiradoodu gaareyso in ka badan boqol kuwaaso ka soo go’ay ciidamadii ku xareysnaa degmada Waajid, sida uu inoo xaqiijiyay hoggaamiyaasha maleeshiyoo-yinkaas oo lagu magacaabo Nishoow Kurtun Aadan.

            Imaanshiyaha maleeshi-yooyinkaan Magaalada Baydhabo ayaa ka dambeysay wada hadal dib u heshiisiin oo ay in muddo ah ku howlanaayeen xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ganata ku haya Magaalada Baydhabo iyo wasiirka ku xigeenka hantida Qaranka iyo qalabeynta Ibraahim Isaaq Yarow oo ay isku hayb yihiin Maleeshiyada soo gaartay Baydhabo.

            Mr. Nishoow Kurtun Aadan wuxuu kalloo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay isku siyaasad iyo isku mowqif yihiin Maamulka Magaalada Baydhabo uu Xaabsade gacanta ku hayo.

            Dhanka kale mar aan la xiriirnay Wasiir ku xigeenka Hantida Qaranka iyo qalabeynta Ibraahim Isaaq Yarow waxa uu inoo xaqiijiyay in arrintaasi ay jirto, wuxuuna wasiir ku xigeenku  kalloo sheegay in tani qayb ka tahay dib u heshiisiinta laga dhex wado beelah Digil iyo Mirifle.

            “Marnaba kama daali doono in wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo khilaafyada u dhexeeya beelaha Digil iyo Mirifle” ayuu sii raaciyay  Wasiirku ku xigeenku.

            Arrintaan ayaa waxay  ciidamadii hore ugu xareysnaan jiray degmada Waajid oo tiradoodu aan sidaa u badnayn markii hore waxay ka dhigeysaa mid hoos u sii dhacda, waxaana hadda la sheegayaa in ay ku soo biireen ciidamadii Maxamuud Sayid Aadan.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2005

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD