SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI
Daabaco Boggan | Print
Ridwaan Xaaji oo waraysanaya Shariif Xasan




Shariif Xasan: Dastuurka ayaan anigu ilaalinayaa..Waraysi

Waraysiga waxaa qaaday Ridwaan Xaaji oo Jooga London, UK. Waraysigiina waxa uu u dhacay sidan:

Ridwaan: Sideed u argtaa socdaalka aad ku joogto Magaalada London oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u fara badan Mudane Gudoomiye?

 
Shariif xasan: Waad Mahadsantahay Ridwaan, runtii si aad iyo aad ah ayaan ugu farxay imaanshahayga London oo si wayn ay iigu soo dhoweeyeen walaalahayga soomaaliyeed , waxaana aaminsanahay in soo dhowayntoodu ay tahay jacayl ay u qabaan qarankii oo soo laabta.
 
Ridwaan: Dhowaan waxaad socdaalo kusoo martay dalal dhowr ah oo ah kamid yihiin Maraykanka iyo Canada maxaad kala soo kulantay dalalkaasi?
 
Shariif xasan: Runtii waxaan u tagnay dalalkaasi shirar, mudadii aan joognay aniga iyo xildhibaanada kale waxaan kula soo kulanay Soomaali badan iyo Mas'uuliyiinta dawladahaasi oo aan ka wada hadalnay arimaha soomaaliya iyo sidii caalamku noo taageeri lahaa.
 
Ridwaan: Markaa ma idiin sheegeen wax balan qaad ah mise Shuruudo ayay idinku xireen markii aad la kulanteen?
 
Shariif Xasan: Dhamaan waxaa ay noo sheegeen in ay Taageero nasiin doonaan marka ay heshiiyaan madaxda dawladda Soomaaliyeed sidaas ayay noo sheegeen.
 
Ridwaan: Ma isleedahay khilaafka Dawladda waa la xalin doonaa oo sida aad la socoto dhibaato ku ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha iyo Dibadda?
 
Shariif Xasan: Ilaahay idankiis waxaan rajaynayaa in xal laga gaari doono khilaafka jira , waxaana aan anigu aaminsanahay in Ilaalinta dastuurka wax walba laga hor mariyo si xal loo helo. sidoo kale UN-ka ayaa iyaguna aan filayaa in ay ku guulaystaan dadaalka ay ugu jiraan in la xaliyo khilaafaadka.
 
Ridwaan: Adiga iyo Madaxweynaha wali si gaar ah ma uga hadasheen khilaafkiina idinkoo wada kulmay ama taleefan ku wada xiriiray?
 
Shariif Xasan: Maya wali wax kulan ah ma aanaan wada yeelan aniga iyo Madaxweynaha laakiin waxa aan isku hayno ayaa waxaa ay tahay Muqdisho wax halaga qabto iyo yaan naloo keenin Ciidanka dariska oo dhibaato ay ka dhalan karto, aniguna marna kama tanaazulayo wixii ka hor imanaya dastuuurka noo dagan.
 
Ridwaan: Waxaa marar badan iska muuqata in Hogaamiyayaasha Muqdisho aanay daacad ka ahayn sidii wax looga qaban lahaa Muqdisho oo adiga ay kugu hayaan lugooyo aan yarayn ma jirtaa arintaas?
 
Shariif xasan: Wasiirada Muqdisho jooga ilaa hadda wax fiican ayay qabteen ayaan anigu aaminsanahay , waxaana filayaa in ay sii wadaan wixii ka dhiman wax ka qabashada Muqdisho oo ay tahay muhim in wax laga qabto.
 
Ridwaan: Mahadsanid
 
Shariif xasan: Idinkaa Mudan.

Ridwan Haji ridwanhaji@yahoo.com

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Booqday Birmingham UK
Shariif Xasan: Hadii Dalku uu ka Jiro Xukun kali talis ah waa ay adkaanaysaa in Soomaalida qurbaha ay dib ugu laabtaan dalkii Hooyo.... Akhri Oct 2

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2005


»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD