SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

04 October. 2005

  • Zenawi oo mucaaradka amxaarada la hadlaya. 
  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo Baladweyne jooga. 
  • Xildhibaanbo Kenyati oo ah la sii daayay. 

  • Aljeeriya oo lacag ku caawisay dalka Soomaaliya. 

  • Barnaamijkii Aragtida halgamaaga(Waari mayside war hakaa hadho).

  • HALKAN KA DHEGEYSO BARNAAMIJKA RADIO XORRIYO

======================

  Keligii taliye Meles Zenawi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadaxaajood la galo xisbiyada mucaaradka ah, oo iyaguna dhinacooda oggolaaday inay ka noqdaan shaqao joojin seddex maalmood ah oo ay taageerayaashooda ugu baaqeen inay sameeyaan laga billaabo maalintii isniinta ah. 

Keligii taliye Melses Zenawi ayaa axaddii goor denbe oggolaaday inuu mucaaradka la fadhiisto, si ay uga wadahadlaan waxyaabaha la isku hayo, ka dib markii safiirrada Midowga Yurub iyo Maraykanka iyo afar diblumaasi oo kale oo reer galbeed ahi ay Meles Zenawi iyo hooggaamiyayaasha mucaaradka midba goonidooda ula kulmeen, si ay xal ugu raadiyaan khilaafka ba'an ee labada dhinac u dhexeeya. 

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa dibmlumaasiyiinta reer galbeedka u sheegay, ka dib markii cadaadis adag saareen, inuu madaxda mucaaradka la kulmayo haddii ay ballanqaadaan inay shaqa joojinta ka noqonayaan oo kaliya, taasoo ay mucaaradkuna oggolaadeen.  

Madaxda mucaaradka ayaa keligii taliye Meles Zenawi la kulmi doona talaadada ama arbacada, si ay si qoddo dheer ugaga wadahadlaan khilaafka xooggan ee ka dhashay doorashadii May ee mucaaradku aaminsan yihiin in EPRDF ay ku shubatay, goobjoogayaasha caalamkuna ugu markhaati keceen. Waxay kaloo mucaaradku Zenawi kala hadli doonaan ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo xaaladda siyaasadeed ee qallafsan ee Itoobiya hadda ka taagan. 

Hase yeeshee in kastoo keligii taliye Meles Zenawi u debcay cadaadiskii dalalka reer galbeedka ah kaga imanayay, isla markaana yeelay inuu mucaaradka kala xaajoodo arrimaha siyaasadeed ee ay isku hayaan, haddana ururkiisa EPRDF ayaa sabtidii ansixiyay go'aan uu horay u gaadhay guddiga fulinta ee EPRDF oo ka dhigan inaan marna wadaxaajood lala gelin xisbiyada mucaaradka ah, oo ay ku eedeeyeen inayna ixtiraamin sharciga. 

Saraakiil Itoobiyaan ah oo Baladweyne jooga. 

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay soo gaadheen magaalada Baladweyne iyadoo aan la ogayn sababta rasmiga ahee ay halkaas u yimaadeen iyo inay martiqaad ka heleen maamulka magaalada Baladweyne iyo in kale.  

Dad ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay inay magaalada dhexdeeda ku arkayeen saraakiishan Itoobiyaanka ah oo magaalada dhex wareegayaa dhammaadkii toddobaadka. Waxaa jira warar sheegaya in saraakiishan Itoobiyaanka ahi ay kulanno la yeesheen maamulka magaalada Baladweyne.  

Ma aha markii ugu horraysay ee saraakiil Itoobiyaan ahi ay soo gaadhaan magaalada Baladweyne. Waxaa jirta marar badanoo hore ee saraakiil Itoobiyaan ahi ay magaalada Baladweyne yimaadeen, isla markaana kulanno la yeeshee marba maamulka halkaas ka jira. Xukuumadda Itoobiya ayaa si joogto ah faraha gula jirta arrimaha Soomaaliya, iyadoo ka sahqaysa sidii ay u sii kala fogaan lahaayeen kooxaha soomaaliyeed ee isku haya siyaasada dalka Soomaaliya. 

Xildhibaanbo Kenyati oo ah la sii daayay. 

Labo ka mid ah xildhibaanada dalka Kenya ayaa la sii daayay, ka dib markii ay dhammaadkii toddobaadka xabsi ku jireen. David Mwenje iyo Reuben Ndolo waxaa jimcihii laga qabtay dhismaha maxkamadda, ka dib markii ay habaynimadii khamiista ahad ku baryeen dhismaha Baarlamaanka Kenya oo ay ku soo carareen markii boolisku isku dayay inuu qabto. 

Labadan mudane waxaa lagu eedeeyay inay dhaliyeen rabshado la xidhiidha doodaha ku saabsan dastuusrka cusub ee Kenya ee labadan mudane ay ka soo horjeedaan in la ansixiyo. Qayb ka mid ah xisbiga talada Kenya haya ee NARC ayaa iyaguna diiddan dastuurka cusub, isla markaana ka qayb qaadanaya ololaha xilidhibaannada dastuurka diiddan ee MAYA-da taageersan. 

Taageerayaasha labadan xildhibaan ayaa booliska ku eedeeyay xabsiga nimankan, qaraabadooduna waxay walwal ka muujiyeen caafimaadkooda.

Xiasbiga dawlada intiisa badan waxay taageersan yihiin dastuurka cusub. Waxaana hadda ka hor dalka Kenya ka dhacay rabshado dhawr ah oo ka dhashay dastuurka cusub.  

Aljeeriya oo lacag ku caawisay dalka Soomaaliya. 

Dawlada Aljeeriya ayaa sheegtay inay ugu deeqday dalka Soomaaliya lacag gaadhaysa 2 milyan oo doollarka Maraykanka ah, sidaasna waxaa qortay wakaaladda wararka ee waddanka Kuwayt ee KUNA.

Dawlada Aljeeriya ayaa deeqdan Soomaaliya siisay, iyadoo oofinaysa ballanqaadkii lagu sameeyey shirwaynihii ugu denbeeyay ee ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Safiirka dalka Aljeeriya u fadhiya Jaamacadda Carabta C/qaadir Xajar ayaa sheegay in waddankiisu bixiyay qaybtii uu ku lahaa deeq gaadhaysay 26 milyan oo doollar oo Soomaaliya loogu ballanqaaday kulankii ugu denbeeyay ee madaxda Jaamacadda Carabta isugu yimaadaan. 

Dawlada Aljeeriya ma ayna caddaynin lacagtan deeqda ah meesha ay ku hagaajisay iyo cidda ay u dhiibtay, iyadoo dawlada Soomaaliya ay labo garab u kala jaban tahay.

HALKAN KA DHEGEYSO BARNAAMIJKA RADIO XORRIYO

 Radio Xoriyo

04 October. 2005

Axmed Gaal-Eri

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2005


»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD