SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Talaado ah Ramadaan Maalintiisii koowaad 1426H | 10/4/2005

Ramadaan Mubaarak

Somalitalk.com Waxay leedahay dhamaan umada Islaamka gaar ahaana umada Soomaaliyeed meelay joogaanba Ramadaan Wanaagsan.

Sida ay shaaca ka qaaday Boqortooyada Sucuudiga iyo wadamo badan oo carab ah in bari oo Talaado ah ay tahay maalintii ugu horaysay Bisha barakaysan ee Ramadaan, halka qaarkalane ay dhaheen bari shacbaan ayaa 30 ah sida;Cumaan iyo golaha fatwada ee yurub ay yiraahdeen bari shacbaan ayaa 30 ah ee ha la dhamaystiro soonkuna waa arbacada.

Bayaan kasoo baxay Dowlada Sucuudiga ayaa ahaa" waxaa sugnaaday si sharci ah inay ka markhaati kaceen tiro lagu kalsoon yahay oo ay garanayaan golaha cadaalada ee sare arigtida bisha Ramadaan ee barakaysan sanadka 1426H bacdal maqrib maanta oo isniin ah oo ku beegan 10/3/05 sidaasna ay ku noqotay maalintii ugu horaysay ee Bisha ramadaan sanadkan bari oo Talaado ah oo ku beegan 10/4/05.

Sida ay gooyeen Goloyaasha sharciga ee Baxrayn, Kuwayt, Qatar, Isutaga Imaaraatka Carabta, Suudaan, Falastiin, Yaman, Lubnaan, Liibiya iyo Ciraaq in Maalinta isniinta ay tahay shacbaan maalinkii ugu danbeeyey, Bari oo Talaado ahna ay tahay Maalinkii ugu horeeyey Bisha Ramadaan ee Barakaysan, Sidoo kale Golaha Fatwada ee Masar  waxay ku dhawaaqeen inay Bari oo talaado ah ay tahay maalinkii ugu horeeyey Bisha Ramadaan, Sidookale Urdun wuxuu ku dhawaaqay Qaadiga Qaadishaaya Shiikh Cizu Diin Al-Khadhiib Al-Tamiimi bari oo Talaado ah inay tahay maalinkii Ramadaan ugu horaysay "kadib markii galabta bisha aad loo raadiyey  waxaa si sharci ah u sugnaaday aragtideeda".

Caasimada Ciraaq ee Baqdaad waxay ku dhawaaqaday wakaalada Awqaafta ee Suniga ah in bari oo talaado ah ay tahay Maalinkii ugu horeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bahda Somalitak.com iyadoo ka faa'idaysanaysa Munaasabaad qaaliga ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaanka waxay tahaniyad u diraysaa dhamaan umada Islaamka,  Ilaahayna uga baryeysaa inuu ka  aqbalo cibaadada una  soo celiyo sharafteenii, gaar ahaama umada Soomaaliyeed inuu Ilaahay usoo celiyo Nabadgalyo iyo Dowlad.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2005|Isha|Islamtoday.com|

::SOO DHOWEYNTA SOOMKA:::

»HORDHAC SOOMKA| Ibrahim
»AXKAANTA SOOMIDDA C/Fatax
»Kahortagga Khilaafka |
Ufayn
»Soo dhoweynta Soomka Ibrahim

Qoraalo kale oo la xariira Ramadaanka booqo Boga aan idinkugu tala galay Bishan

Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...  Guji... Sept 30

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud... Guji... Sept 30

Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.  Guji.. Sept 30

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo... Guji... Sept 30 

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD