SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


  • Dowladaha Masar iyo Eritrea oo doonaya in ay door ka muhiisan midka Itoobiya ku yeeshaan Somaaliya
  • C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in uu ambabaxo Itoobiya
  • Indha-Cadde oo sheegay in uu weerari doono Goroomada Cisaley iyo Jowhar..
  • Wasiirka Hawlaha Guud ee DFKMG ah Cismaan Cali Xasan (Caato) ayaa caawa si kulul u beeniyey in xabsiga loo taxaabey.
  • MadaxWeynaha Dowldda federaalka Somaliya Mudane  C/llaahi Yuusuf Axmed Oo lagu wada in uu gaaro magalada Kismaayo,
  • Sidee Shacabka Muqdisho u arkeen Xiritaankii Garoonnada Dayniile iyo Ceel Axmed?
  • Wafdigii labaad oo ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya oo booqanaya wadanka Finland.

Dowladaha Masar iyo Eritrea oo doonaya in ay door ka muhiisan midka Itoobiya ku yeeshaan Somaaliya

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Oct 29, 2005

            Warar diblamaasiyadeed oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Dowladaha Masar iyo Eritea ay doonayaan in Door ka muhiimsan midka ay Dowladda Itoobiya haatan ku leedahay dalka Soomaaliya ku yeeshaan, waxaana la filayaa in dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladahaasi in ay soo gaaraan Dalka Soomaaliya, iyagoo kulamo la yeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyinta Dowladda ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho. Dowladaha Masar iyo Eritrea ayaa maalamahan ka gaabiya arimaha Soomaaliya gaar ahaan sidii uu u bilowday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxayna arimahooda ku ekeeyeen baaqayo ay u jeedinayaan shacabka Soomaaliyeed oo ah in ay  arimahooda xalistaan, waxaana Dowladahaani ay doonayaan in ay bixiyaan taageero isugu jira dhaqaale, iyo mid siyaasadeed, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka garabka Muqdisho la filayo in ay booqashooyin ku tagaan Wadamada Masar iyo Eritrea. Xubnaha labada Gole eek u sugan Muqdisho ayaa kulankii ugu dambeeyay oo ay yeesheen ayaa waxa ay cambaareyn u jeediyeen wadamada Itoobiya, Talyaaniga iyo Yemen oo ay sheegeen in ay taageero siinayaan garaba ka mid ah Dowladda Federaalka, waxayna sheegeen in Dowladahaasi ay ku xadgudbeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, ee lagu soo rogay sandkii 1992-dii

C/llaahi Yuusuf oo maanta la filayo in uu ambabaxo Itoobiya

            Waraka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka maanta la filayo in uu u amababaxo wadanka Itoobiya caasimadiisa Adis-Ababa, oo kulan madaxeed ay isugu imaanayaan wadamada Afrika, kaasoo looga arinsanayo arimo fara badan oo la xiriira dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgelyada.

            Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa la filayaa in kulankaasi uu ka jeediyo qudbad uu Midowga Afrika mar kale kaga codsanayo in Soomaaliya loo soo diro ciidamo shisheeye si ay uga qaybqaataan hub ka dhigista iyo nabadgelyada guud ee dalka.

            Waxaa kalloo uu Madaxweynuhu ka codsan doonaan Midowga Afrika sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabteynta hubka si ay u fududaato in Soomaaliya ay soo galaan ciidamo ka socda Miwga Afrika. 

Sarkaal ka tirsan Tababa-rayaasha Ciidanka Laanta Buuro oo   beeniyey in Ciidamdii la kala direy..

            C/llaahi Turunbo oo ah Sarkaal ka tirsan Macallimiinta tababarka ka wada xerada Laanta-Buuro ee Gobalka Sh/hoose oo ay ku xareysan yihiin ciidamo ay ku uruuriyeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin wax ciidamo ah oo xeradaasi ka baxay ilaa iyo intii ciidamadaasi halkaasi lagu uruuriyay.

            C/llalahi Turunbo waxa uu sheegay in Wararka sheegaya in xeradaasi ay ciidamadii ka baxeen ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog, waxa uuna intaasi raaciyay in ciidamdaasi ay sidii hore u joogaan xeradaasi, isagoo sheegay in ciidamadii, Tiknikadii iyo Macallimiintii ay weli sidoodii howsha u wadaan, wuxuuna Sarkaalkaani intaa raaciyay, in Ciidamada ku xareysan xerada Laanta-Buuro ay gaarayaan 1100 Askari iyo in ka badan 80 Baabuurta dagaalka ah iyo waliba 52 Macallin, wuxuuna intaa raaciyay in Hiilweyne sidoo kale ay ciidamadii ku sugan yihiin, wuxuuna sheegay in haatan tababarkii uu u soo gabangaboobay balse aan la xirin tababrkoodii.

            C/llaahi Turunbo waxa uu ka hadlay in ciidamada labadaasi xero iyo horjoogayaashoodu ay taageerayaan hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, ee ahaa in Diyaaradii ka leexata garoonkii ay ka degi jirtay ay iyadu mas’uul ka tahay wixii dhibaato ah ee ka yimaada, sigoo intaa raaciyay in Ciidamadu ay diyaar u yihiin in ay hor istaagaan wixii qalqal iyo dhibaato ku haya dalka ayna heegan buuxa ugu jiraan waqti kasta.        

 Indha-Cadde oo sheegay in uu weerari doono Goroomada Cisaley iyo Jowhar..

            Shiikh Max’ed Siyaad Indha-Cadde oo ah guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose oo haatanna ku sugan Magaalada Maka Al-Mukarama ee dalka Sucuudi Carabiya halkaasoo uu u tagay gudashada Cimrada ayaa waxa uu sheegay in uu weerari doono Garoomada Cisaley iyo Jowhar haddii Diyaaradihii ka degi jiray Garoomada Deyniile iyo Ceel-Axmed ay u wareegaan Garoomadaasi.

            “Xirada Garoomadaani waxaa ka dambeeya C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi, iyaga ayaana mas’uuliyadeeda qaadi doona haddii ay halkaasi ka dhacaan dagaalo” ayuu yiri Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in Garoomada Deyniile iyo Ceel-Axmed ay yihiin kuwa ugu nabdoon ee ka jira dalka, isla markaana ah kuwa ugu mashquulsan.

Guddoomiyaha Baarla-manaka oo maanta la kulmaya wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ..

             Guddoomiyaha Baarla- maanka ayaa xalay fiidnimadii waxa uu soo gaaray Magaalada Niarobi, kaddib markii uu booqashoyin ku soo kala bixiyay wadamo ka tirsan Qaarada Yurub, waxaana la filayaa in Guddoomiyuhu uu kulan gaar ah la yeesho wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Francois Fall kaddib markii uu dhawaan wakiilku uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay isla soo qaadeen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda.

            Guddoomiyaha Baarla-manaka ayaa la filayaa in wakiilka ay isla soo qaadaan sdii loo dhameyn lahaa khilaafkaasi, iyadoo wakiilku uu horey u sheegay in khilaafka u dhexeeya Xukumada lagu dhameyn karo is faham iyo isku tanaasulid.  

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com


Wasiirka Hawlaha Guud ee DFKMG ah Cismaan Cali Xasan (Caato) ayaa caawa si kulul u beeniyey in xabsiga loo taxaabey.

Cismaan Caato oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay tahay been aan sal iyo raad laheyn warar sheegayo in xabsiga loon taxaabay, kolkii ay warbaahinta qaarkood sheegeen in Mr caato lagu xiray Xabsiga ku yaalo magalada  Nairobi.

Cismaan Caato waxa uu xaqiijiyey in ay san wax kajirin in lagu xiray  magaalada Nairobi wuxuu u sheegay in warkaasi aysan waxba ka jirin uuna ku sugan yahay haatan magaalada Nairobi.

Jawaabtan ka timid Cismaan Caato ayaa waxay la xiriirtey ka gadaal markii caawa ay soo baxeen warar aan shaaca laga qaadin ama la xaqiijin oo sheegaya in la xirey Wasiirka Hawlaha Guud ee DFKMG.

Waxaa kale oo jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanku uu ku xayiran yahay garoonka magaalada Dubai, taas oo wararku ku dareen in uu halkaas ku xayiran yahay laba maalmood, mase jiro war rasmi ah oo ka soo baxay arrintaas, waxaase taas ka dambeeyey in uu soo gaarey Nairobi.

Dhanka kale warar ka imanaya Jawhar ayaa sheegay in Wasiir Kuxigeenka DFKMG u qaabilsan arrimah Tamarta uu is casiley. Max'ed Shiekh Abadir ayaa sheegay sababta uu isu casiley in ay tahay isagoo ka xun qaabka lagu soo dhisay maamulka Gobolka Hiiraan.

MadaxWeynaha Dowldda federaalka Somaliya Mudane  C/llaahi Yuusuf Axmed Oo lagu wada in uu gaaro magalada Kismaayo,

Wararka Naga soo gaarayo magaalada jowhar ayaa sheegayo in madaxweyne Yuusuf Lagu wado in safar ugu Kicitimo Gobalka Jubada Hoose ,Ee magalada madaxdiisa kismaayo

Madaxweeyne Yuusuf ayaan safar kiisaan laxiirtaa sida uu horay u shaaciyey Wasiirka Dib''udhiska u dib'udajin Dowlda Federaalka somaliya Barre Aadna Shire "barre Hiiraale" mowqifkiisi ahaa in madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baaarlamaanka Somaliya  ay ku kulmaan magalada kismaayo.

Wararkaas oo aan ka sooxiganay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka somaliya ee fadhigooda uu yahay magalada jowhar ayaa in taas kudaray in  dhawaan lagu wado in labada masuul ee ugu sareeyso Dowlada Federaalka Somaliya, ay wada xaajoog ku yeeshaan magalada kismaayo.

Sidee Shacabka Muqdisho u arkeen Xiritaankii Garoonnada Dayniile iyo Ceel Axmed?

Shacabka Kunool magaalada Muqdisho ee kusaabsan xiridda garoonka Dayniile iyo Ceel Axmed ayaa waxaa kasoo baxaya jawaabo cad cad oo lagu taageerayo in la xiro garoonadaasi.

Garoonka shaqadiisu aadka u badnayd waa garoonka Dayniile oo raysul wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyey inuu yahay garoon sal u ah dhibta Soomaaliya ka jirta.

Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) oo kamid ah cuqaasha Muqdisho haatanse kusugan Jowhar ayaa sheegay in qorshahan uu soo dhawaynayo asagoo ku hadlaya magaca ururka uu madaxda u yahay ee isku xirka bulshada iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanka wuxuu tilmaamay in tallaabadani tahay middii ugu habbboonayd ee laga qaato hogaamiye kooxeedyada dawladdu ka socon la'adahay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Koogaar wuxuu kaloo dhaliilay hadallo kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow oo ku hanjabay in lasoo ridi doono diyaaradaha haddii aysan ku dagin garoomada laga mamnuucay.

Shacabka Kunool  magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in laqaban qaabinayo bannaan baxyo lagu taageerayo hadalka Raysulwasaare Geeddi.

Shacabka Magaalada Muqdisho oo ah dad u oomman inay ka baxaan afduubka ay ugu jiraan malleeshiyaadka hubaysan ayaa badidooda soo dhaweeyeen go'aamda ay wada qaateen dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ee lagu xannibayo diyaaradihii ka dagi jiray Dayniile iyo Ceel Axmed.

Wafdigii labaad oo ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya oo booqanaya wadanka Finland.

Wafdiga oo uu hoggaaminayo wasiirka horumarinta reermiyiga DFKMG, Maxamed Maxamuud Guuleed ”Gacmadheere” oo ay ka mid mid yihiin xildhibaan C/lahi Cali Cumar ”Daad” iyo la taliyaha xafiiska ra’iisul wasaaraha jeneraal C/qaadir Cali Diiriye ”Subxaanyo” ayaa kasoo dagay wadanka Finland. Halkaas oo wararku tibaaxeen in si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

C/laahi Axmed Diriiye "Boore"
boore3@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 29, 2005

 

WARARKII SHALAY::: OCT 28, 2005

Kenya oo ka mamnuucday diyaaradaheeda in ay ku dagaan dayniile iyo garoonka Merka.

  • Geddi oo sheegay in ay kenya kula heshiiyeen in ay diyaaradaheeda ka celiso garoomadaas.
  • Safaarado midawga yurub ka socda oo laga furayo jowhar.
  • Bangiga dhexe ee Qaranka oo laga furayo jowhar. 
  • Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda oo shir la qaatay  madaxwaynaha Dowldda federaalka Somaliya.
  • Muuse Suudi' hadii diyaarad garoon ay horay ugu soo degi jirtay ay ka weecato dhulkeey iska fiirihee
  • Muuse Suudi iyo Dr. C/qaasim oo isla meeldhigay  qaabkii maamul loogu sameyn lahaa gobalka Banaadir.

Geddi oo sheegay in ay kenya kula heshiiyeen in ay diyaaradaheeda ka celiso garoomadaas.

Warbixintii: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kampala

Qaar ka mid ah milkiilayaasha diyaaraha taga Somaliya ee qaadka ayaa lagu wargaliyay in aysan ka dagin garoomada dayniile iyo Ceel Axmad kadib markii War ka soo baxay dowladda Kenya lagu sheegtay in ay ka mamnuucday diyaaradaheeda maalin walba ku dagi jiray garoomadaas oo ku kala yaala Mogadisho iyo Merka sababo lagu sheegay dhinaca amaanka oo xun awgiis. 

Diyaarahadan oo ah noocyada yaryar ee qaada jaadka kuwa hay'adaha kuwo kale oo ganacsi ayaa mamnuucidoodu waxa ay la xiriirrtaa sababo badan oo ay ka mid tahay dowladda Somaliya gaar ahaan Ra'iisul wasaare geddi oo ka dalbaday caalamka iyo wadamada dariska la ah Soomaaliya in ay gacan ka siiyaan sidii loo xakamayn lahaa burcad badeedka ku xagdugudba cunaqabataynta hubka iyo ilaalinta Amaanka ku xisaabtanka daqliga ka soo baxa Garoomada yaryar oo sida uu geddi sheegay xiligan loo baahan yahay in dowladda gacabta ku dhigto. 

Kenya waxaa maalin walba ka duula dhowr diyaaradood oo badankood qaada qaad iyagoo u iibgeeya Soomaaliya,diyaarahan waxaa kiraystay ganacsato Soomaaliyeed oo ka shaqeeya dhoofinta jaadka iyagoo ka dib marka ay Soomaaliya ka imaanayaana keena rakaab laakiin diyaaradahan waxa ay ku dagi doonaan garoonka number 50 oo uu gacanta ku hayo Xildhibaan xaaf oo heshiis saxiixay. 

Garoomadan waxaa kan dayniile gacanta ku haya Wasiirka Maaliyadda Maxamad Qanyare Afrax oo ah wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya waxa uuna sheegay qanyare in uu ka soo horjeedo hadalka ka soo baxay Geddi iyo dowlada kenyaba,Garoonka Ceel Ahmad waxaa gacanta ku haya Sh.Yusuf Indha Cadde oo maamulka magaalada marka iyo shabeelada hooseba uu hoos yimaado laakiin Sheikh Yusuf wali war kama soo baxin. 

Isla mamnuucida shir ku aadan oo uu maanta Cali Maxamad Geddi ku qabtay magaalada Jowhar ayuu uga waramay sababta ugu weyn ee ay dowladiisu u xirtay garoomadaas in ay ahayd sidii loo ilaalin  lahaa hub laga cabsi qabo in uu ka soo galo garoomadaas maadaamaa ay jirto jabin ah xagga cunaqabataynta hubka iyo sidii waliba ay dowladda ugu u ilaalin lahayd xilka ka saaran dalka ee ay in ay la socdaan waxii soo galaya iyo waxii ka baxaya. 

Waxa uu intaas ku daray in ay xitaa jirto cabsi xagga argagaxisada ah sida uu hadalka u dhigay oo laga baqayo in ay ka timaado garoomadaad hadii ay sii furnaadaan,waxa uuna marka kale ku celiyay in ay caalamka ka dalbanayaan in ay ka caawiyaan sidii dowladu ugu guulaysan lahayn in ay ilaaliso amniga gudaha xuduudaha iyo hawda Soomaaliyaba

Kulankan oo ay goob joogayaal ka ahaayeen xubno ka socday labada golle oo qaarkood ay ka tageen magaalada Nairobi Madaxweyne C/llaahi Yusuf iyo xubno kale ayaa looga waramay is badalka iyo dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay wax badan ka qabato dalka. 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliya C/llaahi Sh.Ismail oo ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ku guulaystay in ay 8 wadan oo ku yaala qaarada yurub ka balan qaadeen in ay ka furayaan safaaradahooda taasna ay tahay sida uu sheegay wasiirka guul u soo hoyatay Somaaliya waxa ayna balan qaadeen ayuu yiri in ay naga caawin doonaan dhinacyada dhaqaalaha si loo kabo wax qabadka dowladda Soomaaliyeed. 

Sidoo kale wasiirka Maaliyadda Dowlada Soomaaliya isagana halkaas ka qudbeeyay Saalim Caliyow Ibrow ayaa sheegay in dhawaan dowlada ku tala jirto in ay ka furto xafiiska bangiga dhexe magaalada jowhar oo hadda ay si KMG ahaan ah ay u dagan yihiin xubno ka mid ah labada golle ee dowladda iyo baarlamaanka Somaliya oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha. 

Waxa uu sheegay Saalim In dowladu filayso dhawaan dhaqaale loona baahan yahay bangi taasna ay xiligan sababayso in bangiga dhexe laga furo magaalada jowhar si xadido dhaqaalaha ka baxaya dowlada iyo kan soo galayba.

Canab Maxamuud Cabdulle "Mumtaz"  (SomaliTalk | Kampala)
Email: cmmumtaz@somalitalk.com


Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda oo shir la qaatay  madaxwaynaha Dowldda federaalka Somaliya.

C/laahi Axmed Boore
boore3@hotmail.com

Shir ballaaran ayaa maanta wuxuu dhex maray madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah wasiirada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow iyo wasiirka arimaha dibadda C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa labaduba sheegay inay dawladda wax u qabsoomeen.

Md: C/laahi Sheekh Ismaaciil wuxuu sheegay intii uu dalka ka maqnaa inuu lasoo kulmay diblomaasiyiin iyo madax carbeed oo ay kawada hadleen horumarka Soomaaliya.

Wasiirku wuxu sheegayay in dalal badan ay ballan qaaden inay soo celiyaan xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya isla markaana ay dib u furan doonaan safaaradohoodii , wuxuuna tilmaamay in dalalkaasi ay toban ku dhow yihiin.

Wasiirka maaliyadda DFKGS Saalim Caliyow Ibrow oo asaguna in muddo ah safaro dibadda ugu maqnaa ayaa xusay in xiriiro caalami ah uu lasoo yeeshay dalal kala duwan asagoo xusay inuu ku guulaystay in dalka Soomaaliya laga cafiyo daymo badan loo lagu lahaa.

Madaxwaynaha DFKGS oo kulankaasi dhagaysanayay ayaa asaguna tilmaamay in wax qabadka haatan muuqdaa uu yahay mid yididiilo leh ,hase ahaatee loo baahan yahay in intaasi laga sii ballaariyo dadaalka.

Muuse Suudi' hadii diyaarad garoon ay horay ugu soo degi jirtay ay ka weecato dhulkeey iska fiirihee

Muuse Suudi Yalaxoow ayaa si kulul u weeraray hadal ka soo yeeray dowlada garabkeeda Jowhar oo ay cunaqabateyn ku saareyso garoomada qaar oo ay maamulaan hogaamiyayaasha siyaasad ahaan garabkooda Jowhar ka hor jeeda sida garoomada Dayniile iyo Balidoogle.

Muuse Suudi ayaa sheegay arinkaasi in looga gol leeyahay siyaasad uuna amarkasi cunaqabateynta uu ka soo baxay C/laahi Yuusuf oo sida u hadalka u dhigay sheegay inuu cadow ku yahay dadka reer Muqdisho.

Muuse Suudi oo xilligi warkan uu ka dhawaajinayay ay ka muuqaneysay caro aad u fara badan ayaa sheegay in marnaba aysan iyagu u cuntami doonin in diyarado garoon aysan horay ugu degi jirin ay ku degaan isagoo sheegay taasi inay ka xigaan dagaal.

'hadii diyaarad garoon ay horay ugu soo degi jirtay ay ka weeciso degitaankeeda, dhulkeey iska fiirihee, wixii hub ah oo aan leenahayna waan ku garaaceynaa' ayuu yiri Muuse oo intaasi sii raaciyay in isagu waligii uu dagaal uu iclaamin laakiin hadii falka caynkaasi ah uu dhab noqdo dagaalka uu isaga ugu horeyn doono.

Muuse Suudi iyo Dr. C/qaasim oo isla meeldhigay  qaabkii maamul loogu sameyn lahaa gobalka Banaadir.

 Gelinki dambe ee Maalintii shalay aheyd waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulandhexmaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan iyo waliba wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow kulankaasi oo ku qotomay wadatashi la xariira sidii maamul sal adag oo dadka ay raalli ka yihiin loogu guleysan lahaa in gobalka Banaadir loo sameeyo.

Muuse Suudi oo kulankaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay isaga iyo Dr. C/qaasim ay isla afgarteen in maamul loo sameeyo gobalka Banaadir maamulkaasi oo ay dooranayaan 64 qof oo noqonaya baarlamaan gobaleedka gobalka Banaaadir qofkii ay u doortaanna uu qaban doono jagada maamulka gobalka ka dibna uu baarlamaanka oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ansixin doono qofkii la doortana ay iyagu wixii hub ah oo ay heystaan ugu deeqi doonaan uuna xasilin doono mamulka gobalka Banaadir.

C/laahi Axmed Boore
boore3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2005


Wafdigii uu hogaaminaayay Shariif Xasan oo la hadlay Soomaalida ku nool Finland
Xaflad gabogabo oo aad loo soo agaasimayay ayaa ka dhigtay caasimada Finland ayaa waxaa  ka soo qeeyb galay Guji Oct 28

Kofi Annan oo ka digay xaaladda Itoobiya iyo Eritereya
.Dad Eritrean ah oo Midowga Yurub ku bannaabaxay Guji Oct 28

Muqdisho: Dadka Shaneemooyinka Ka Shaqaysta oo Loo Sheegay in ay Meherado kale Raadsadaan
Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan Maxaakimta Islaamiga iyo Imaamyada Masaajiddada Qaarkood ayaa  Guji...

Terry oo Soomaalida Melbourne Ugu Ololaynaya Wixii uga Qabsoomi Waayey Puntland
Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia booqashu ku yimid Terry si uu... Guji... Oct 27

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD