SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


 

Barnaamijkii Radio Xoriyo

28 October. 2005 

  • Kofi Annan oo ka digay xaaladda Itoobioya iyo Eritereya. 

  • Dad reer Eritereya ah oo Midowga Yurub ku bannaabaxay. 

  • Golaha Ammaanka oo arrimaha Soomaaliya ka hadlaya. 

  • Ururrada samafalka oo joojiyay hawlihii ay Uganda ka hayeen. 

  • Maraykanka oo wasiir Kenyan ah fiiso u diiday.

Barnaamijkii Xog-Warran(Baraaruga Siyaasadeed)

====================== 

 Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa Golaha Ammaanka u diray baaq degdeg ah oo ku saabsan xaaladda khatarta ah xadka Eritereya iyo Itoobiya, ka dib markii ay dawlada Eritereya xayiraad ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa ciidammada nabad ilaalinta ah, Itoobiyana ay qiratay inay ciidammo dheeri ah xadka keentay. 

Kofi Annan ayaa warqad uu isniintii u diray Golaha Ammaanka ku sheegay inuu warqad ka helay madaxwaynaha dalka Eritereya, taasoo uu ku sheegay in Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaankuba ay ku guul darraysteen inay nabad iyo xasillooni ka dhex-abuuraan Eritereya iyo Itoobiya. 

Kofi Annan wuxuu ka digay in khilaafka xuduudeed ee Eritereya iyo Itoobiya uu meel xun gaadhay, wuxuuna Golaha Ammaanka ugu baaqay inuu awooddiisa oo dhan isticmaalo, si uu uga hortego in xaaladdu ay sidaas ka sii xumaato iyo inuu soo afjaro xayiraada ciidammada nabad ilaalinta la saaray. 

Qaramada Midoobey waxaa xadka Eritereya iyo Itoobiya ka joogay ciidammo nabad ilaalin ah oo gaadhaya in k abadan 3200 oo askari, hase yeeshee waxay toddobadkii hore sheegtay inay ku adag tahay inay ka sii hawlgasho ugu yaraan 60% goobihii ay ka hawlgeli jirtay. 

Qaramada Midoobey waxay kaloo sheegtay inay shaqaaleheedii shisheeyaha ahaa kala soo baxday meelah xadka ku dhaw, ka dib markii duullimaadyada diyaaradaha Qaramada Midobey xayiraada lagu soo rogay.  

Dad reer Eritereya ah oo Midowga Yurub ku bannaabaxay. 

Dad kumayaal gaadhaya oo u dhashay dalka Eritereya ayaa isniintii bannaanbax wayn ku sameeyay ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka Yurub, si ay u muujiyaan cadhadooda ku saabsan diidmada ay xukuumadda Itoobiya diiday inay aqbasho go’aankii maxkamada caalamiga ah ee xadka Eritereya iyo Itoobiya ku saabsanaa.

Bannaanbaxayaashu waxay Baarlamaanka Yurub ka codsadeen inuu xukuumadda Itoobiya ku dirqiyo inay aqbasho go’aankii maxkamada caalamiga ah ka soo baxay sannadkii 2002. 

Midowga Yurub wuxuu ahaa dhinacyadii ugu muhiimsanaa ee arrintan damaanad qaaday, wuxuuna saaran waajib akhlaaqi ah ka saaran yahay inuu Itoobiya ku qasbo inay go’aanka aqbasho, sidaas waxaa yidhi Solomon Semere oo ka qayb galka bannaanbaxan uga yimid dalka Swedan. 

Bannaanbaxan waxaa soo qabanqaabiyay dadwayanaha reer Eritereya ee ku dhaqan dalalka Yurub. Bannaanbaxan iyo tallaabooyinkii ay dhawaan qaaday dawlada Eritereya waxay u muuqdaan kuwo looga dan leeyahay in beesha caalamka lagu qasbo inay tallaabo ka qaado xukuumadda Itoobiya oo dheg u dhigi wayday go’aankii xadka ku saabsanaa ee ka soo baxay maxkmada caalamiga ah. 

Golaha Ammaanka oo arrimaha Soomaaliya ka hadlaya. 

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la sheegay inuu toddobaadka foodda inagu soo haya kulan ka yeelan doono arrimaha Soomaaliya, iyadoo fadhigaasi lagu gorfeynayn doono qaabka xal loogu heli karo khilaafaadka kala geeyay labada garab ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya. 

Warar aya ajira sheegaya in xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu diyaarinayo qoraal ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya, iyadoo ergayga xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francois Lonseny Fall uu hakad geliyay safar uu ku tegi lahaa magaalada Muqdisho, ka dib markii socdaal gaaban ku tegay magaalada Jowhar oo uu kula kulmay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. 

Danjire Fall ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay dadaal wayn ugu jirto sidii loo dhexdhexaadin lahaa labada garabyada ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya u qaybsan tahay, isagoo xusay inuu arrintaas kala hadlay madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo muujiyay siduu u jacel yahay in xal loo helo dhibaatooyinka ka dhex-taagan xukuumadda iyo Baarlamaanka. 

Fall ayaa lagu wadaa inuu kulanka Golaha Ammaanka ka jeediyo warbixin ku saabsan heerka uu gaadhay khilaafka dawlada Soomaaliya iyo dadaalladii nabadeed ee lagu guul darraystay. 

Ururrada samafalka oo joojiyay hawlihii ay Uganda ka hayeen. 

Ururrada gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay inay joojiyeen hawlihii samafalka ahaa ee ay ka wadeen dalka Uganda oo dhan, ka dib markii labo weerar oo kala duwan lagu dilay labo qof oo u shaqaynayay ururro samafal ah, sidaas waxaa sheegay qaybta Holland ee dhakhaatiirta aan soohdinta lahayn. 

Dilalkani waxay arbacadii ak dheceen gobolka Kitgum oo ku dhaw xadka uu dalka Uganda la leeyahay waddanka Sudan iyo gobolka Pader, waxaana lagu eedeeyay kooxda Ciidamada Ilaahay ee LRA ee ka soo horjeeda dawlada Uganda. 

Weerar kale oo seddexaad ayaa lagu qaaday saraakiil arrimaha gargaarka ka shaqaynayay oo ka hawlgalayay gobolka Lira, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay afar qof. Ururrada samafalka ee Uganda ka hawlgala ayaa sheegay inayna waligood la kulmin weerarro noocanoo kale ah. 

Maraykanka oo wasiir Kenyan ah fiiso u diiday. 

Dawlada Maraykanka ayaa fiisaha dal-ku-galka u diiday wasiirka gaadiidka ee dalka Kenya Chris Murungaru. Maraykanku wuxuu diidmadan saldhig uga dhigay in Murungaru uu ku kacay arrimo musuqmaasuq ah, sidaas darteed aan loo oggolayn inuu galo dalka Maraykanka. 

Waddanka Britan ayaa isagun dhawr bilood ka hor wasiirkan u diiday inuu fiiso siiyo. Murungaru ayaa sheegay in go’aanka uu Maraykanu fiisaha ugu diiday uu yahay mid uu kaga dayday dawlada Britan. 

Murungaru, oo hadda ku guda-jiro dacwad uu ku soo oogayo dawlada Britan, ayaa mar kale ku celiyay inaanuu wax lug ah ku lahayn musuqmaasuqa lagu eedaynayo, wuxuuna labada dawladood ugu baaqay inay soo bandhigaan caddaymaha ay denbigiisa u cuskanayaan. 

 Radio Xoriyo

28 October. 2005

Axmed Gaal-Eri 

info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD