SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafdigii uu hogaaminaayay Gudoomiyaha oo la hadlay soomaalida ku nool finland

Xaflad gabogabo oo aad loo soo agaasimayay ayaa ka dhigtay caasimada Finland ee Helsinki, xafladaan ayaa waxaa  ka soo qeeyb galay boqoleeyo dad soomaaliyeed oo dagan finland oo ka koobnaa dhamaan degaanada kala duwan oo eey soomaalidu ka soo kala jeedaan. Soomaalida finland oo dhibaatooyin badan ku qabo dalkan finland ayaa ah dad  isku xiran,  imaatinka wafdiga uu hogaaminaayo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ayeey dadka qaar ku tilmaamayeey in  eey keeni karto kala jab ku dhaco soomaaliada dagan finland oo eey kala taageeraan garabyada siyaasadeed ee ka jira soomaaliya, taasina eey beenoowday, wafdigaan ayaa waxaa loo soo dhaweeyay si heer qaran ah.

Gudoomiyaha iyo wafdigii sharafta lahaa ee halkaas ka hadlaayay ayaa waxa eey la hadleen shacabweynaha soomaaliyeed ee dagan finland, soomaalida dagan finland ayaa aad ula dhacay wafdigii gudoomiya uu hogaaminaayay  sheegeena in eey tahay markii ugu horeeysay oo eey finland ku soo baaqdaan wafdi ka socda dowlad soomaaliyeed laga soo bilaabo markii eey soo dageen soomaalidu dalkan finland, taasna eey sheegeen in eey mahad gooni ah u hayaan wafdigaan oo eey ka mid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, wasiirka isku xirka baarlamaanka iyo dowladda Md. Pro. Cabdirahmaan Ibraahim Aadan ”Ibbi”, Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji, Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla, Mudane Maxamed Shiikh Xasan xogheynta gudoomiyaha iyo howlwadeen Liibaan Cali Shiikh Doon .

Ururo soomaaliyeed oo ka jiro dalkan finland iyo shaqsiyaad qaas ah ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminaayay gudoomiyaha, goobtaasna ku siiyay hadiyado kala duwan, hadiyadihii la siinayay wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Kutaabka Quraanka oo loo sheegay wafdiga in aan loo siineeyn in eey xaafadaha ku sharaxdaan eey doonayaan in isaga lagu dhaqo baarlamaanka, gudoomiyaha ayaa isla goobtii ku dheegay in eey noqondoonaan kutaabada lagu dhaarin doono dadka xililka kala duwan ka qaban doono dalka.

Kadib markii eey wafdigu u sheegan dadweeynihii isugu yimid xafladaan xaalada dalka soomaaliya uu maraayo hadeer  ayeey shacabka reer Finland fursad u heleen in eey weydiiyaan su’aalo dhowr ah oo eey ka mid ahaayeen sababta loo xallin la’yahay dhibaatada ka jirta dowlada ukala qeybsan Xamar iyo Jowhar, iyo inta eey la egtahay rajada eey ka qabaan in dowladu heshiiso iyadoo la sheegay in Madaxweeynuhu uu ka tanaasulay mid ka mid ah arimihii la isku heeystay, iyo sababta kaliftay in wafdigaan eey mudo labo bilood ah eey wareegayaan dalka dibadiisa iyadoo looga baahnaa gudaha soomaaliya xaalada jirta oowgeed.

Gudoomiyaha iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa uga jawaabay su’aalihii la waydiiyay si eey dadkii meesha isugu yimid ku qanceen, iyagoo sheegay in eey soo dhaweeynayaan habka kasta oo xal lagu helayo oo waafaqsan sharuucyada qoran, sheegayna in aan iyaga xataa lagu cafineeyn hadii eey axdi qarameedka meel uga dhacaan. Gudoomiya ayaa sheegay ugu danbeeystii in uu rajo fiican ka qabo in eey heshiiyaan labada garab ee dowlada ukala qeeybsan tahay xilli aan dheereeyn.

Gudoomiya oo amaankiisa aad loo adkeeynayay ayaa waxaa galbinayay Boliiska dalka Finland iyo howl wadeeno soomaaliyeed oo ka soo kala jeedo ururo kala duwan.  

Wariye Mustafa Indhoos
Email:
talaado@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2005

Muqdisho: Dadka Shaneemooyinka Ka Shaqaysta oo Loo Sheegay in ay Meherado kale Raadsadaan
Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan Maxaakimta Islaamiga iyo Imaamyada Masaajiddada Qaarkood ayaa  Guji...

Terry oo Soomaalida Melbourne Ugu Ololaynaya Wixii uga Qabsoomi Waayey Puntland
Waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia booqashu ku yimid Terry si uu... Guji... Oct 27


»Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»
KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
»Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
»Waa Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA   
»Jawaab Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
»Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
»QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»
Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada | Eelay
»Oktoobareey adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY: Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal 
»Dagaal ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD