Daabaco
Boggan | Print |

Senator Coleman oo La Kulmay Fartuun
Sheikh iyo Qoyskeeda... GUJI..
|
1,500 BC Fircoonkii laoranjirey Seankhane
Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed
usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo
aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."
7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa
xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha
Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal
lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay
ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis
ah [Portugese musketeers].
1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo
Ingiriiska ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka
dhaqangeliyey Somaliland.
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite
Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great
Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya
[Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya
badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey
Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu
aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka
galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay
wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo
Ethiopia.
1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku
qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan
masii jirin.
1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada
Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa
xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida
cusub.
1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii
talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin
oo uu
talyaanigu sii hayo.
1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved
Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.
1960 bishii June 26keedii ayaa Somaliland
kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July
1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu
Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood
midoobeen.
ISHA.QORMADAN
Taariikh
Kooban oo Soomaaliya |
|
|
Kulan
ay yeesheen masuuliyiinta maxaakimta Islaamiga
iyo culimada oo la isku afgartay howlgallada
maxaakimta inaysan ku ekaan bisha Ramadaan.
MUQDISHO - Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka
tirsan Maxaakimta Islaamiga iyo Imaamyada
Masaajiddada Qaarkood ayaa laga soo saaray
qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay la dagaalanka
Munkarka, waxayna sheegeen in howlgalkaasi uusan
ku ekeen bisha ramaadan oo kaliya.
Sidoo kale Maxaakiimta ayaa dadweynaha ugu
baaqay dadka shineemooyinka ku shaqeysta inay
raadsadaan meherado kale oo hor leh ayna ka
waantoobaan ku shaqeysiga shineemooyinka, iyadoo
waalidiinta dhalay ilmaha iyo ardeyda ku
booriyeen inay ilmahooda ka ceshtaan
shineemooyinka isla markaana wax bartaan.
Dhanka kale Degmooyinka Magaalada Muqdisho qaar
ka mid ah ayey si caadi ah uga furan yihiin
shineemooyinka kuwaasoo hoos taga ama ay ka
taliyaan hogaamiye kooxeedyada aan taagersaneyn
maxakamadaha Islaamiga.
C/laahi axmed Boore
boore3@hotmail.com
Oct 27, 2005
WARARKII 26/10/2005
- Xildhibaan Axmed Ducaale
Geelle Xaaf oo aqbalay in uu bixiyo Canshuur uu
ku soo rogey Cabdulaahi Yuusuf ..
- Khilaafka u
dhexeeyay Ra段sul Wasaare Geedi iyo Danjire
Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo sii xoogeystey
- Xuseen Caydiid
oo ugu baaqay Xubnaha labada gole ee ku sugan
Muqdisho in la shaqeeyaan..
- Prof, Xuseen
Tooxoow 釘uugga Cilmiga wixii khaladaad ah ee ku jira waa la saxayaa..
- Dowladda
Federaalka ah oo ka qaybgalaysa kulan Caalami ah
oo ka dhacaya Kemaruun.
- Xuseen Caydiid
oo Maanta kulan la yeeshay daladda culimada
Soomaaliyeed
- World Bank oo
ka wada hadley qorshaha dib u kicinta dhaqaalaha
Puntland,
-
Dhoobleey oo laga furay xero
kale oo dowlada KMG ah ciidamo loogu
aruuriyo.
-
Af Hayeenka
Baarlamaanka Garabka Ku Sugan Magaalada
Muqdisho Oo Si weyn U weeraray Gudoomiyaha
Gobala Banadir.
-
Kenya oo digniin u
dirtey Shirkadaheeda iska leh Maraakiibta u
socdaalaysa Soomaaliya
-
Aaskii Marxuuma Yamyam....
Xildhibaan Axmed Ducaale
Geelle Xaaf oo aqbalay in uu bixiyo Canshuur uu
ku soo rogey Cabdulaahi Yuusuf ..
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Kaddib
markii dhawaan uu iskaashi dhex maray Dowladda
Kenya iyo Dowladda Federaalka gaar ahaan
dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo
Nabadgelyada ayaa waxaa maalmahan la dareemayay
fulinta heshiiskaasi, gaar ahaan Dowladda Kenya,
iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaan helnay
warar xaqiijinaya in Madaxweynaha Dowladda
Federaalka C/llaahi Yuusuf uu warqad qoraal ah u
diray Dowladda Kenya oo uu kaga dalbanayo in ay
kala shaqeeyaan dhinaca duulimaadyada
Diyaaradaha ee imaanaya Soomaaliya, ha noqoto
kuwo ganacsiga iyo kuwo samafalka. Waxaa la
sheegay in arrinta uu soo jeediyay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed ay Dowladda Kenya ay si weyn u soo
dhaweysay iyadoo lagu amray Diyaradaha tagaya
Soomaaliya in ay warqad ogolaansho ah kala
yimaadaan dhinaca Dowladda Federaalka ah ee
fadhigeedu yahay Jowhar, isla markaana in ay
ogolaadaan bixinta canshuurta Diyaaradaha
imaanaya garoomada, gaar ahaan kuwa ku dhow dhow
Magaalada Muqdisho.
Waxaa la
go誕amiyay in Diyaaradaha Ganacsiga ee ka degaya
garoonka Lambar 50, Deyniile, Bali-Doogle, in ay
soo maraan Magaalada Jowhar si halkaasi loogu
canshuuro, hase yeeshee Xildhibaan Xaaf ayaa
warqad qoraal ah u diray Dowladda Federaalka uu
kaga codsanayo in uu diyaar u yahay in uu bixiyo
wixii canshuur ah, isla markaana waxa uu ka
dalbaday Dowladda Federaalka in Diyaaradihiisu
aysan ka degin garoonka Diyaaradaha ee Jowhar,
waxaana la sheegay in Dowladdu ay ka aqbashay
arrintaasi, wuxuuna maalmahan Xildhibaan Xaaf
waday olole uu ku taageerayo Dowladda Federaalka
garabkeeda Jowhar, iyadoo Xildhibaan Xaaf uu ka
mid ahaa dadkii sida aadka ah uga soo horjeeday
garabka Jowhar, iyadoo sidoo kale waxaa
Xildhibaanka beryahaan laga dhendhensanayay
ereyo uu kaga dhaadhicinayay Xildhibaanada kale
in ay taageeraan Dowladda Federaalka.
Iskaashiga dhex
maray Dowlada Kenya iyo Dowladda Federaalka waxa
uu saameyn ku yeelan doonaa garoonka diyaaradaha
ee Deyniile oo ka uu taliyo Wasiirka arrimaha
aminga Max弾d Qanyare Afrax, maadaama
Diyaaradaha qaadka keena garoonkaasi iyana ku
qasbanaan doonto in Jowhar tagaan, haddii aysan
bixin canshuurta la dul dhigay warar kale ayaa
sheegaya in Maamulka Garoonka Diyaaradah Ciselay
u ogolaadey bixinta canshuurtaas Dhawaan ayaa
Dowladda Kenya waxay amartay in Xildhibaan iyo
wasiir kasta oo imaanaya wadanka Kenya uu warqad
qoraal ah ka soo qaato Ra段sul wasaare Cali
Max弾d Geedi
Khilaafka u dhexeeyay Ra段sul Wasaare Geedi iyo Danjire
Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo sii xoogeystey
Wararka naga gaaraya Magaalada Jowhar waxay
sheegayaan in uu sii xoogeysanayo khilaafkii u
dhexeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda C/llaahi
Shiikh Ismaaciil iyo Ra段sul Wasaare Geedi.
Khilaafkaan ayaa waxa uu bilowday markii
Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah
uu ka qaybgalay shirar uu xaq u lahaa in uu ka
qaybgalo wasiikra arrimaha Dibadda C/llaahi
Shiikh Ismaaciil, balse markuu arrintaan hor
dhigay Ra段sul wasaare Cali Mx弾d Geedi uunsa
waxba ka qaban, taasina waxay keentay in danjire
C/llaahi Shiikh Ismaaciil uu ka qaybgalo shirar
uusan soo ogeysiin Ra段sul wasaaraha, waxaana
taasi ka careysiiysay Ra段sul wasaare Geedi,
waxaana lagu amaray in uu soo gaaro Magaalada
Jowhar, waa uuna diiday si arrinta uu u dhexgalo
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, ilaa hadda lama
garanayo in uu mari doono wadadii uu maray
Guddoomiyihii Bangiga Dhexe Max弾d Maxamuud
Culosow kaddib markii la sheegay in uu amar
diido ku sameeyay Ra段sul Wasaare Geedi.
Xuseen Caydiid
oo ugu baaqay Xubnaha labada gole ee ku sugan
Muqdisho in la shaqeeyaan..
Ku xigeenka Ra段sul
Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen
Max弾d Faarax Caydiid ayaa shalay shir jaraa段d
ku qabtay xarunta Filla Soomaaliya.
Shirkaan jaraa段d oo
ay ka soo qaybgaleen guddoomiyaha Gobalka
Banaadir ahna duqa Magaalada Muqisho Maxamuud
Xasan Cali Cadde (Gaabow) iyo xubno ka socday
Dalladda Culama置diinka iyo xubno ka mid ah
mas置uliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa
ujeedadiisu ahayd sidii loo furi lahaa dhamaan
wadooyinka soo gala Masjidka weyn ii Isbahaysiga
iyo baaq uu u soo jeediyay xubnaha labada gole
ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Xuseen Caydiid waxa
uu sheegay in Masaajidka Isbahaysiga uu si
dadban u xirnaa isla markaana maanta wixii ka
dambeeya uu furan yahay, taasoo horey ay gacanta
ku hayeen isbahaysiga SNA, waxaana nasiib u
yeelanay in aan gacan ku siino wasiirka Arrimaha
Diinta iyo Ow-qaafta Cumar Maxamuud Max弾d
(Finish) iyo Culuma置diinka Magaalada Muqdisho
si loo hormariyo Masaajidka oo muddo 14 sano ka
xirnaa jidadka soo gala, mar haddii lagu
heshiiyay siyaasaddii, si loogu tukado ciidul
fidriga.
Waxa uu ugu baaqay
xubnaha labada Gole ee Dowladda iyo Baarlamaanka
ku sugan Magaalada Muqdisho in ay gacan ku
siiyaan guddoomiyaha horumarinta Gobalka
Banaadir wixii ku saabsan maamulkiisa iyo
dhisitaankiisa, 殿nigoo ah Wasiirka Arimaha
gudaha masuuliyaddaas gaarka ah labada Gole iyo
Qarankaba ay iigu magacaabeen waxaan jeclahay in
aan guto waajibakaas isla markaana in ay gacan
igu siiyaan si aan u guto, wax Alla wixii
shuruucdiisa iyo fikirkiisa ah� ayuu yiri Xuseen
Caydiid
釘aarlamaanku waa
sharci dejin xukumadduna waa fuliyaashii
maamulka, dadaalka badan ee xubnaha labada gole
ay u galeena waan uga mahadcelinayaa� ayuu yiri
Ra段sul wasaare ku xigeenku
Prof, Xuseen
Tooxoow 釘uugga Cilmiga wixii khaladaad ah eek u
jira waa la saxayaa..
Prof, Xuseen Tooxoow
oo ah lataliyha dhinaca sharciga waxbarashada
hay誕dda UNESCO ayaa waxaan wax ka weydiinay
warar maalamahan la isla dhex marayay oo ku
saabsanaa Buug ay soo daabacday hay誕ddaasi oo
la yiraahdo cilmiga bulshda looguna talagalay
ardayda soomaaliyeed, kaasoo wax loogu dhimay
sida la sheegay beel ka mid beelaha Soomaaliyeed
isagoo arrintaa ka hadlanaya Prof, Tooxoow waxa
uu yiri.
釘uugga Cilmiga
Bulshada ma ahan mid la iska qoray, balse waxa
uu u dhow yahay in waxa ku qoran laga soo
miinguuriyay Buuggaag kale ama laga soo qaatay
qoraalo kale oo ku jira dhinaca Internate-ka,
wuxuu intaa sii raaciyay 釘uuggaani bulshada
ayaa loo qoray, mar haddii bulshadu ay ka
hortimidna ma ahan mid sii jiri doona�.
Ugu dambeyntiina waxa
uu sheegay in Buuggaan loogu talagalay in uu
jiro muddo sanad ah, wixii qaladaad ah ee ka
yimaada dib ayaa loo sixi doonaa.
Dowladda
Federaalka ah oo ka qaybgalaysa kulan Caalami ah
oo ka dhacaya Kemaruun.
Ra段sul
wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha
gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa maalintii
shalay ahayd shir jaraa段d ku qabtay xarunta
Filla Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Shirkaan Jaraa段d oo ay Wasiirka kala qaybgaleen
mas置uliyin dhowr ah oo ka kala socday
Maxaakiimta islaamiga ah iyo Guddoomiyaha
Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho
ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah, iyadoo uu
Ra段sul wasaaruhu sheegay in uu safar ugu
kicitimayo dalka Kaamiruun halkaas oo uu kaga
qaybgali doono kulan ay ay isugu imaanayaan
madax ka tirsan Dowladaha Afrika kaasoo looga
hadlayo wadatashiga dastuurka cusub iyo
horumarintiisa, waxa uuna Xuseen caydiid sheegay
in ay martiqaad ka heleen wasiirka arrimaha
gudaha ee dalka Kaamiruun, isla markaana ay
safarkiisa ku wehliya guddoomiye ku xigeenka
arimaha nabadgelyada Gobalka Banaadir Max弾d
Cismaan (Dhagax Tuur).
Xuseen
Caydiid ayaa intaa ku daray in ay safarkooda
Dalka Kaamiruun ku suganaa doonaan muddo labo
cisho ah dib ay ugu soo laaban doonaan Magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in ay shacabka
Soomaaliyeed u soo bandhigi doonaan wixii
natiijo ah ummadda Soomaaliyeed
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Xuseen Caydiid
oo Maanta kulan la yeeshay daladda culimada
Soomaaliyeed
C/laahi Axmed Boore
boore3@hotmail.com
Xarunta Villa Soomaaliya ayaa maanta Xuseen
Caydiid kulan kula yeeshay daladda culimada
Soomaaliyeed iyadoo ay ka wada hadleen xaalka uu
haatan dalka ku sugan yahay gaar ahaan magalada
Muqdisho.
Waxay si gaar ah labada dhinac diirradda u
saareen sidii loo fur furi lahaa wadooyinka xir
xiran ee magaalada Muqdisho, sida wadada Maka Al
Mukarrama oo xirneyd mudadii afar iyo tobanka
sano waloow uu horay uu wadadaasi u furay
wasiirka amaanka qaranka Maxamed Qanyare Afrax.
Waxaa uu Xuseen
Caydiid ammaan u soo jeediyay Maxamed Qanyare oo
uu sheegay in kol hore wadadaasi uu furay
haatanna laga dhursugayo oo kaliya in ay
baabuurtu
isticmaasho.
Xuseen Caydiid ayaa dallada culimada weydiisay
inuu kala shaqeeyo sidii markale loo furi lahaa
wadadaasi oo uu ku yaallo masjidka
Isbaheysiga, waxaana uu sheegay Xuseen Caydiid in
masjidkaasi uu furnaa mudadii bur burka oo idil
hase ahaatee ay wadadaasi kaliya ay siyaasad
ahaan u xirneyd.
Ugu
danmbeyntiina waxaa uu baaq u soo jeediyay
culimada ,maxaakiimta iyo dhamaan aqoonyahanka
inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa
amaan darrida ku soo korartay Magaalada muqdisho, isagoo
tilmaamay in ay tahay bulshadu inay ku dhaqanto
diinta Islaamka. Ka dib markii kulankaasi uu soo
dhameeyay ayaa Xuseen Caydiid waxaa uu u
kicitimay dalka Cameron oo uu kaga qaybgalayo
shir looga hadlayo maalgelinta iyo maamulka
degmooyinka oo uu soo qaban qaabiyay Midowga
Afrika,isagoo ka dhoofay garoonka No 50 ee
gobalka Sh/Hoose.
World Bank oo
ka wada hadley qorshaha dib u kicinta dhaqaalaha
Puntland,
Kulan
maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Magaalada
Garoowe ee caasimada maamul Goboleedka Puntland
ayaa waxaa looga wada hadley hanaanka ugu haboon
ee Puntland looga hirgalin karo qorshaha dib u
dhiska kaabayaasha dhaqaalaaha ee ay dagaaladii
sokeeye aafeyeen.
Qorshan oo loogu magac darey dib u kicinta
dhaqaalaha ayaa waxaa lagu wadaa in laga
hirgaliyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana
iska kaashanaya Bangiga Aduunka iyo hay誕da UNDP.
Kulanka maanta ka dhacey magaalada Garoowe ayaa
waxaa ka qayb galey Kusimaha madaxweynaha
Puntland ahna madaxweyne kuxigeenka Xasan Daahir
Max置ud, isu duwaha hawlaha gargaarka Soomaaliya
ee Qaramada Midoobey Maxwell Gylard, Devid Pasia
oo ka socdey Bangiga Aduunka, Wasiirka
Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka
Puntland C/raxmaan Max置ud Faroole iyo Wasiirka
Haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland Caasha
Diiriye Geelle.
Agaasimaha Waaxda hab maamuuska ee Madaxtooyada
Garoowe C/salaam Xasan oo kulankaasi goob joog
ka ahaa ayaa war baahinta u sheegay in
kulankaasi la isku afgartey iyadoo lala
kaashanayo maamulka, deegaanada Puntland looga
hirgalin lahaa qorshaha dib u kicinta dhaqaalaha
ee 2006-da laga fulin doono guud ahaan dalka
Soomaaliya.
Kulankii maanta ayaa ahaa is la fahmida fulinta
qorshahan iyo arimaha lagama maarmaanka u ah,
waxaana uu ahaa daraaseynta baahida guud oo si
wada jir ah la iskaga kaashanayo.
Wafdigan ka socda Qaramada Midoobey iyo Bangiga
Aduunka ayaa yimid magaalada Garoowe
maalinimadii Isniinta waxayna magaalada Garoowe
kaga qayb galeen xuska aasaaskii Qaramada
Midoobey oo ay halkaasi ku qabsadeen hay誕daha
hoos yimaada Qaramada Midoobey ee ka hawlgala
deegaanada Puntland.
Warka ayaa intaasi ku daraya in wafdigan uu isla
maanta galinka dambe uu ka ambabixi doono
magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda magaalada
Nairobi.
Dhoobleey oo laga furay xero kale oo dowlada KMG
ah ciidamo loogu aruuriyo.
Magaalada Dhoobleey oo ka tirsan gobalka J/Hoose
ayaa waxaa ka bilowday ciidamo lagu uurinayo
iyadoo la sheegay ciidamada la aruurinayana ay
taageersan yihiin dowladda federaalka somaliya
inteeda joogta magalaada jowhar,
Ciidamadan ayaa
la sheegay in mudooyinkanba lagu aruurinayay
deegaankaas ayaa la sheegay si rasmi ah
maalintii shalay aheyd tababar looga furay
xeradaas.
Ciidamadan oo la isugu keenay sadax xero
milleteri ayaa waxaa tababar u furay saraakiil
ka socota dowlada Kumeel gaarka ah ah ee
Soomaaliya oo fadhigoodu yahay magaalada Jowhar
iyadoo dhowanna loo magacaabay taliyihiin
ciidamada deegaankaasi afar abaanduuliye.
Arintan ayaa la sheegay inay tahay qorshe logu
doonayo in ciimadii xooga dalka somaliya la is
kugu kenayo. ma aha markii ugu horeeysay oo
ciidamo la isugu keeno xerooyin kuyaalo gobalka
shabeele Dhexe oo uu ka arimaiyo maxamed Cumar
xabeeb, iyadoo lasheegayo ciidamada la
aruuriyayna in ay si weyn u taageersan yihiin
Xubanaha kusu gan magalada jowhar
Af Hayeenka Baarlamaanka Garabka Ku Sugan
Magaalada Muqdisho Oo Si weyn U weeraray
Gudoomiyaha Gobala Banadir.
Cumar Xaashi
Aadan ayaa shaaca ka qaaday In uusan aqoon
saneen gudoomiye uu leeyahay gobalka banaadir, af
hayeenka ayaa Siween ugu carooday haday ka soo
yeeray Gudoomiyaha Goabalka Banaadir Mr. cade
Gaaboow.
Cumar Xaashi
Aadan oo xalay u waramayey Warbaahinta ayaa
sheegay in uusan aqoon saaneyn gudoomiya Gobal
ee uu leeyahay gobalkaan Banaadir, Af hayeenka
ayaa intaas ku daray in uu san lashaqeen doonin
cidkasta oo loo soo magacaabo Gobalka banadir,
oo aan Lasoo marsiin Baarlamaanka.
Xildhibaan Mumar
Xaashi Aadan ayaan intaas kudaray in uusan asagu
aheen nin ka soo horjeeda nabada balse uu yahay
nin shirka kutaagan, af hayeenka ayaa hadal
kiisan ku soobeegay xili uu gudoomiyaha Gabalka
banaadir uu ka dhawaa jiyey in Cumar xaashi uu
yahay nin aan rabin in uu gobalka banaadir
aysan wax maamul ah yeelay uu na yahay caqabada
hortaagan in uu shaqeeyo maamulka Banadir.
Mr, Cade ayaa
sheegay maalinimadii shalay aheed in uu iska
dhicin doono cidkasta oo ka hortimaada
maamulkiisa uuna yahay ninka shirkii logu soo
dooratay. Mr, cade ayaa sidoo kale Xubnaha
Baraalamaanka ee ku sugan magalada muqdisho ugu
baaqay in ay ka waan toobaan Mijixaabinta ay
wadaa Xubnahaas.
Kenya oo digniin u dirtey
Shirkadaheeda iska leh Maraakiibta u socdaalaysa
Soomaaliya
Xukuumadda waddanka Kenya
ayaa waxay digniin u jeedisey shirkadeheeda
maraakiibta ee laga yaabo in ay u soo safraan
Soomaaliya.
Digniintan ayaa waxaa shirkadaha maraakiibta
Kenya si wada jir ah ugu jeediyey Wasiirka
Arimaha dibada ee Kenya Cherio Ali Mwakwere iyo
danjiraha Kenya ee arimaha Soomaaliya.
Cherio Ali Mwakwere wuxuu uga digey Maraakiibta
shirkadaha Kenya inaanay Soomaaliya u socdaalin
iyadoon la helin damaanad-qaad xaga amaanka ah.
Mr. Mwakwere wuxuu warkiisa digniinta ah ugu
jeediyey milkiilayaasha Maraakiibta ee Reer
Kenya inay iyagu qaadi doonaan wixii masuuliyad
ah ee ku dhaca badmaaxiinta, hadii ay iska indho
tiraan digniinta xaga amaanka ee Soomaaliya.
Sidoo kale danjiraha arrimaha Soomaaliya ugu
qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa
sidaasi si la mid ah wuxuu u soo saarey digniin
ku jeeda shirkadaha Kenya ee maraakiibtoodu u
socdaalayso Soomaaliya.
Ergeyga Kenya ee arrimaha Soomaaliya ayaa warkan
soo saaray xilli uu magaalada Mombassa kula
kulansanaa koox reer Kenya ah oo dhowaan laga
soo daayey afduub loogu haystey xeebaha
Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Afey waxaa uu sidoo kale, ku
baaqay in beesha caalamku ay Soomaaliya ka
caawiso sidii loola dagaallami lahaa burcad
badeedda.
Danjire Afey waxaa uu intaasi ku daray in
afartii bilood ee la soo dhaafay uu afduubka ka
dhacaya badaha Soomaaliya uu gaarey meeshii ugus
arreysey, arrintaasina ay ganacsiga gobolka
Saamayn ku yeelaneyso.
C/laahi Axmed Boore
boore3@hotmail.com
Aaskii Marxuum Yamyam
Sawirka hoose waxaa laga qaaday aaskii
MARXUUM C\QADIR XIRSI YAM YAM oo dad badan oo soomaali
ah kasoo qayb galeen, waxaana la aasay Sabtidii 22 oct,
Allah janadii fardoosa ha kawaraabiyo.





Marxuumku waxa uu ka tagay 6 caruur ah
oo kan ugu wayn uu jiro 21 kan ugu yarina 7 jir (
Magacyaduudu yihiin: Raage, qamaan ,
absame , ibraahim, Ayaan iyo samawada iyo
hooyadood ambiya
c
jamaac.) waxayna dhamaantood joogaan
Columbus Ohio. ILAAHAY SAMIR IYO
IIMAAN HANAGA SIIYO, waxa uu ahaa nin daacad ah oo
ummadda oo dhani jaclayd, waxuu dhintay Jimce asaga oo
sooman oo afur gurigiisa u socda.
Tacsi:- Yusuf Ahmed Mohamed (Harraare).
Anagoo kala ah:-
Sacdiyo Careys Ciise and family.
Hawo Hersi Warsame iyo Odeygeeda Yusuf A. Osman Kenadid.
Martyan Cali Weyrax iyo odeygeeda LiibAn Cali and family
Hawo Hasan iyo odeygeeda Mohamed Abukar.
Maryan Kulmiye iyo Walaalaheed oo dhan.
Waxaan Tacsi u direynaa Xaaskii, Carruurtii, Qaraabaddii, iyo dhammaan
eheladdii uu ka geeriyoodey Allaha u naxareestee Wasiirkii Batroolka ee
Dowladda Soomaaliyeed Yusuf Ahmed Xarraare oo ku geeriyoodey dalka
Ustralia, waxaana allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Ehelkii waxaan u
rajeyneynaa Samair iyo Iimaan (AAMIIN).
INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI
RAAJICUUN.
Qore: Yusuf Osman
yusufkenadid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 26, 2005
Wakiilka QM ee
Arrimaha Soomaaliya oo Jawhar kula kulmay Madaxweyne C/llaahi
サWafti
uu Hoggaaminayo Shariif Xasan oo Booqday Finland
サGeedi: Waa In burCad badeedka Lala
dagaalamo..
サXildhibaan Caraale: Labada Gole ha yimaadeen Jawhar
Wararka maanta ka akhri halkan... GUJI
Dagaallo dhex
maray gumaysiga iyo ciidammada xoreynta Ogaadeenya
Iyo
Dad uu gumaysigu ku xidhxidhay meelo kala duwan
Guji
WIIL
YAR OO DHIBBAN UNA BAAHAN GARGAAR BINI'AADAMINIMO OO DEGDEG AH
Rabbiile Cali Muuse Cismaan oo
ku dhashay agagaarka magaalada Caabudwaaq waxa uu...
Guji... Oct
25
|