SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


Barnaamijkii Radio Xoriyo

25 October. 2005 

  • Dagaallo dhex maray gumaysiga iyo ciidammada xoreynta Ogaadeenya. 

  • Dad uu gumaysigu ku xidhxidhay meelo kala duwan. 

  • Xisbiga CUD oo bannaanbaxyo qabanya soonka ka dib. 

  • Culimo Itoobiya ku eedeeyay daroogo ay dalka soo galiso. 

  • Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Lilaahi & Laqdabo 2)

======================

 Dagaallada dhex mara ciidammada oreynta Ogaadeenya iyo kuwa karkarka ah ee gumaysigu ku soo ururiyay dalka Ogaadeenya ayaa ah kuwo si joogto ah uga dhaca dhammaan gobollada dalka Ogaadeenya. Dagaalladii ugu denbeeyay waxay u dheceen sidatan. 

01/10/05 dagal mir ah oo ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya ay ku qaadeen magaalada Xamaro, oo gobolka Nogob ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 4 askari, waxaa sidoo kale lagaga haaacay 5 kale. 

01/10/05 waxay ciidammada xoreynta Ogadeenya sidoo kale dagaal mir ah ku qaadeen ciidammada gumysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxayna ka dileen 3 askari, 2 kalana way ka dhaawaceen.

 

02/10/05 dagaal mir ah oo sidoo kale ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen magaalada Gasaan-gas, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya kaga dileen 5 askari, 6 kalana way kaga dhaawaceen.

 

19/10/05 dagaal ka dhacay meel u dhaxaysa Kudunbuur iyo Toondixley, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 11 askari, 13 kalana waa lagaga dhaaacay.

 

02/10/05 wuxuu dagaal dhex maray ciidammada gumayiga Itoobiya ee ku sugan magaalada Qabridaharre, waxayna iska dileen 6 askari, 8 kalana way iska dhaawaceen.

Isla taariikhdaas waxaa dagaallamay ciidammada gumaysiga ee Dhanaan fadhiya, waxayna iska dileen 3 askari. 

Dad uu gumaysigu ku xidhxidhay meelo kala duwan. 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya waxay caan ku yihiin inay dadwaynaha rayadka ah u gaystaan xadgudubyo nooc walba, iyagoo u gaysta falalka ay ka midka yihiin dil, xadhig, kufsi iyo hantdooda oo ay boobaan. Xadgudubyadii ugu denbeeyay waxaa ka mid ahaa; 

20/09/05 wuxuu gumaysigu magaalada Gurdumi ku xidhay ninka lagau magacaabo Cabdi Dayib Cabdi Cumar. 

18/09/05 wuxuu gumaysiga nacabka ahi ku xidhxidhay magaalada Iimay dadka kala ah:

1-   1- Xamdi Haybe iyo wiil yaroo uu dhalay.

 2-     Qoor-tolow Dhuxulle oo ka tirsanaa booliska degmada, kaasoo lagu eedeeyay inuu Jabhadda la shaqeeyo. 

3- Diirrane Cabdi oo isaguna arrimaha dhaqaalaha u qaabilsanaa degmada, kaasoo lagu eedeeyay inuu Jabhadda gacan-saar la leeyahay.

4- Siraaje Maxamed

5- Shukri Mahad Aboole

6- Iyo Shukri Mahad (Labadan nin walaalo ma aha).

 

18/10/05 magaalada Far-madow wuxuu cadowgu ku xidhay:

1- Anwar Cabdi Cilmi

2- Axmed-Sulub Maxamuud

3-     Iyo Ina Macalin C/llaahi oo magiciisa hore aanaan haynin.4-      

Waxaa dhawaan magaalada Yoocaale laga qaqabtay niman rayad ah, kuwaasoo lagu xidhay magaalada Awaare.  

Nimankan oo tiradoodu gaadhayso 10 waxay kala yihiin;

1- C/waaxid Maxamuud Good

2- Xariir Jaamac Guhaad

3- Axmed-barre Muxumed Yuusuf

4- Axmed Yaasiin Sh Cabdi Muuse

5- Cabdi Jaamac Yuusuf

6- Xasan Cumar Axmed

7- Nuur Muuse Axmed

8- Saylici Ibraahim Gaab

9- Maxamuud Axmed Siciid

10- Cumar Maxamed Food-cadde

 

18/10/05 Magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku qasheen 29 Adhi ah oo ay ka bobeen dadwaynaha rayadka ah. 

17/10/05 nawaaxiga Fiiq waxaa ku gaddoomay babuur rayad ah, waxaana ku dhintay 3 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 38 qof. Dadkaasi aad ayay u dhibaataysan yihiin, wax gargaar ahna ma ayna helin.  

Xisbiga CUD oo bannaanbaxyo qabanya soonka ka dib. 

Xisbiga mucaaradka ku ah taliska EPRDF ee CUD ayaa daboolka ka qaaday inuu bannaanbaxyo iyo shaqo joojino samayn doono marka laga baxo bisha Ramadaan, wuxuuna bannaanbaxyadaas iyo shaqo joojinahan kaga cabanayaa lix xubnood oo laga dilay iyo boqollaal kale oo xabsiyada loo taxaabay. 

Guddoomiyaha xisbiga CUD Hailu Shawel ayaa qoraal saxaafadeed ku sheegay in halganka dheer ee nabadgelyada ku dhisan ee ay billaabayaan ayna habboonayn in lagu hagaajiyo xilli ay walaalahayaga muslimiinta ahi ku jiraan bisha barakaysan ee Ramadaan. 

Mar la waydiiyay sababta uu bannaanbaxyadan oo in badan la sugayay dib ugu dhigay, wuxuu ku jawaabay " in xisbiga CUD uu qayb kasta oo bulshada ka mid ah uga baahan yahay taageero aan hagar lahayn iyo wadashaqayn, si halganka loo billaabo".

Hase yeeshee ku xigeenka xisbiga CUD Birtukan Mideksa ayaa sheegay inuu xisbigiisu uu taaladada billaabayo taaktiko fudud oo nabadgelyo ku dhisan oo bar-billow u noqota halganka uu xisbigu doonayo inuu billaabo, balse taaktikadani ayna marna saamayn ku yeelan doonin soonka.

Xisbiga CUD wuxuu hadda ka hor ka noqday bannaanbaxyo iyo shaqo joojin uu ku dhawaaqay, ka dib markii xukuumadda EPRDF ay ugu hanjabtay inay tallaabo adag ka qaadayso, isla markaana ay awood u isticmaalayso. 

 Culimo Itoobiya ku eedeeyay daroogo ay dalka soo galiso. 

Qaar ka mid ah culimada gobolka Baay ee dalka Soomaaliya ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedeeyay inay deegaannada gobolkaas soo galiso waxyaabaha maanka dooriya, oo ay sheegeen in da'yar badani ay hadda si wayn u isticmaalaan. 

Sh Mukhtaar Roobow, oo ka mid ah culimada gobolkaas, ayaa dhowr jeer meelo fagaara ah iyo masaajidda magaalada Baydhabo ka sheegay dhibaatadan, wuxuuna tilmaamay in khamriga soo gaadha gobolka Baay uu badankii ka yimaado dalka Itoobiya. Dad badan ayaana rumaysan in xukuumadda Itoobiya ay siyaasad gaar ah ka leedahay khamriga ay u fasaxday in gobolka lagu soo daldalo. 

Sh Mukhtaar Roobow ayaa dadwaynaha gobolka ku dhaqan ugu baaqay inay isu taagaan sidii looga hortagi lahaa khamriga gobolka ku soo qulqulaya, wuxuuna ka codsaday inay arrintaas si buuxda isaga kaashadaan.  

Sh Mukhtaar Roobow wuxuu bishii Febrawari ee sannadkan magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in magaalada Baydhabo noqon doonto goob ay ku le'daan haddii ay isku dayaan inay yimaadaan ciidamo ka socda dalalka safka hore loo yaqaano, gaar ahaan kuwo ka socda dalka Itoobiya. 

 Radio Xoriyo

25 October. 2005

Axmed Gaal-Eri 

info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2005

"Gudbaaye" oo Isu Sharaxay Maamulka Gobolka Banaadir
»C/wahaab Cali oo galay kaalinta 1aad ee Quraan Akhriska
»Wasiir ka tirsan Dowlada Federalka oo geeryooday..
»Xuseen Caydiid oo shalay Saddex Kun oo Miino ah..
»Kismaayo Xiisad ka dhalatay dhakhtar lagu dilay..
»Qanyare: Ma taageerayo heshiiska ay wadaan xubnaha..
ka akhri bogga wararka Maanta... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD