SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YAMYAM
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


 

KUMMUU AHAA ABWAAN YAMYAM?
Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]
Suudaan, Khartoum.
ayaandhalad5@hotmail.com
 
Rabbi jannadii macaaneyd ha ka waraabiyee abwaan Cabdiqaadir Xirsi Siyaad [Yamyam] oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, gaar ahaan Columbus, Ohio, 22-kii bishan aynu ku jirna, ayaa safka hore wuxuu kaga jiray suugaan-ruugyada Soomaaliyeed ee rugcaddaaga ah. Abwaanku wuxuu ahaa halyeey labalafood ah oo lud iyo lafdhabarba u ahaa dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Wuxuu ahaa waddani weyn oo sida waa-baryay uga soo dhalaalay bulsho weynta Soomaaliyeed dhaxdeeda kuna caanbaxay qiimo iyo qiiro waddanimo oo uu la wadaagay abwaanno fara-ku-tiris ah oo ay isku ayni iyo asaag ahaayeen. Wuxuu ahaa xeeldheere suugaaneed oo bad ku ah hiddaha iyo dhaqanka geeska Afrika; waxaana lagu tilmaami karaa inuu ahaa maktabad guureysa iyo markab xambaarsanaa dhaqanka suubban iyo sooyaalka Soomaalida suugaanteeda lagu baadisooca. Wuxuu ahaa mufakir iyo mu'allif khabiir ku ah aragtida fog iyo eray xulashada suugaanteenna hodanka ah.

Wuxuu ahaa abwaan weyn oo waayo arag ah ubadka Soomaaliyeed iyo da'yarta maanta iyo dunida murugsanna ay wax badan ka faa'iidi lahaayeen kanaba faa'iideen maansooyinkiisa maanyada iyo moolka wabiyeedka ah. Wuxuu ahaa nin furfuran, fiidhoon, foojigan oo farxaan ah Rabbina ku manneysay garaad fayoow iyo guubaabo waddaninimo oo gaara. Abwaan Yamyam wuxuu ahaa maquuste aan isagu marna ku qammaamin qurbaha isagoo quuddareynayay inuu markale la quraacda lana qadeeya qarankii Soomaaliyeed; muddadii ku dhaweyd rubuc qarniga ee dalka uu ku jiray qaska iyo qalalaasadana wuxuu ku sugnaa caasimadda qaranka, Muqdisho. Waloow qof xummaan ka hufan uusanba jirin, haddana, gabaayaagu wuxuu ahaa liibaane suugaantiisa lagu liibaanay iyo maddaale ku howlanaa wacyigalinta iyo wax u sheegga dhallinyada Soomaaliyeed ee badweynta qabyaaladda ku qarqaday, qaranjabkana ku qabeystay.

Waxaa marnaba lama illaawaan ah oo inta qof Soomaali ah oo wax dhageysta waxna dhugta uu nool yahay keyd ma-guuraan ah jiiftooyinkiisii wacnaa ee waddaniga ahaa. Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Siyaad [Yamyam] wuxuu ahaa nin ay intii taqiinnay qireen in loogu dawgalay cibaadeysiga iyo cabsida Alle weyne; wuxuuna sida la sheegay yaraantiisii ka aflaxay malcamad qur'aanka kariimka ah oo ku tiilay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, oo ahyed halkii uu ku dhashay sannaddii 1945-kii. Waxaana la wariyay in malcamadda la geeyay isagoo 4 sano jir ah uuna Quraanka qeybay markuu 8 sano jirsaday. Maansoolaha oo si weyn u soo caan baxay wixii ka dambeeyay ku biiriddiisi fanka iyo suugaanta sannaddii 1960-kii, ayaa waxaa lagu tirin jiray inuu aad ugu dhawaa marxuun Maxamed Siyaad Barre oo waxeyba dad badan qabaan inuu naasnuujin gaara ku heystay xukumaddii Barre.

Taasi waxaa kuugu daliil ah markuu abwaankii reer waqooyi lahaa:

"Yamyam tuutahaa dhalay Tawraduu la kawsaday". Waxaan filayaa erayada iney ku aaddanaayeen wakhtigii siyaasadda dalka ay qurunsaneyd siddeetameeyadii iyo wakhtiyadii Deyleeyda. Allaha u naxariistee suugaanyahanka wuxuu banneeyay kaalin si weyn loogu baahnaa oo ay adagtahay in dhawaan la dhababo wuxuuna ka geeriyooday dhammaanba bulshada Soomaaliyeed iyo Afrika.

Marxuunka wuxuu door weyn iyo kaalin hufan si halkaraannimo ah uga soo qaatay inta badan shirarkii lagu baadigoobayay dawladnimada Soomaaliyeed iyo dhammaanba dadaaladii dib u heshiisiinta oo xitaa wuxuu dibitaati, xildhibaan, ka ahaa dawladdii lagu soo yagleelay Carte oo uu majaraha u hayay Cadbiqaasim Salaad Xasan.

 
Sida la wariyay abwaanka hooyadii waxaa la oran jiray: Canoof Ibraahim, ooridiisana waxaa la dhahaa: Ambiyo Axmed; wuxuuna ifka kaga tagay  todobo caruur ah oo kala ah: afar wiil iyo saddax gabdhood. Wuxuu abwaanku ku geeriyooday shil baabuur isagoo sooman meel aan sidaa uga fogeyn goobtii uu dagganaa. Waxaana lagu aasay xabaalaha muslimiinta ee Sunbury, ee magaalada Columbus, Ohio.
 
Waxaan anoo aad uga tiiraanyeysan geerida naxdinta ah ee abwaanka ku timid indheergaradka, abwaannada, dhamaanba bahda fanka iyo suugaanta iyo eheladii iyo umadda Soomaaliyeed u dardaarmayaa sammir iyo iimaan; ileen naf walba wey dhadhamin oo waa xaq geeridee, asagana waxaan Alle uga baryayaa naxariistii janno iyo in Rabbi iilka u waasiciyo. Aamiin .
 
Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]
Suudaan, Khartoum.
ayaandhalad5@hotmail.com

Abwaan Yam-Yam oo ku Geeriyoodey Shil Gaari
Waxaa dalka Mareykanka gaar ahaan Gobalka Ohio shil baabuur ku geeryooday Allaha u naxariistee C/qaadir xirsi (Yam yam) oo...
Guji... Oct 22

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2005

"Gudbaaye" oo Isu Sharaxay Maamulka Gobolka Banaadir
»C/wahaab Cali oo galay kaalinta 1aad ee Quraan Akhriska
»Wasiir ka tirsan Dowlada Federalka oo geeryooday..
»Xuseen Caydiid oo shalay Saddex Kun oo Miino ah..
»Kismaayo Xiisad ka dhalatay dhakhtar lagu dilay..
»Qanyare: Ma taageerayo heshiiska ay wadaan xubnaha..
ka akhri bogga wararka Maanta... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD