SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


 

  • Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya oo maanta kula kulmay Madaxweyne C/llaahi Yusuf Magaalada Jowhar. 
  • Wadi uu hor kacayo af-hayeenka barlamanka Mudane Shariif xassan oo Booqday Finland
  • Ra"iisul Wasaari Cali Maxamed Geedi Oo Markale Ku celiyey In burCad badeedka Lala dagaalamo.
  • Xildhibaan Xuseen Caraale Oo Uga Baaqay in Xunbaha Labada Gole Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho In ay Yimaadan Jowhar.
  • Tacsi Loo Diray Marxuum Abwaan Yamyam:

Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya oo maanta kula kulmay Madaxweyne C/llaahi Yusuf Magaalada Jowhar. 

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kampala

Wakiilka Qaramada Midoobay U qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr.Francois Fall oo saakay tagay magaalada Jowhar ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad oo ku sugan magaalada Jowhar. 

Maxamad Yusuf Axmad oo ah Xubin ka tirsan laamaha warfaafinta Dowlada oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa u xaqiijiyay Somalitalk in shirkani uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen oo looga wada hadlay arrimo badan oo quseeya Xaalada Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee amni loogu soo dabaali karo dalka oo dhan iyadoo gacan weyna ay siinayso QM sidii loo gaari lahaa xal buuxa oo ka dhasha Soomaaliya oo dhan,ujeedada uu u yimidna ay ahayd in uu la tashiyo la sameeyo xubnaha dowlada ee ku sugan jowhar. 

Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay halkan sii daganaan doonto inta laga helayo amaan buuxa oo ka dhasha Caasimada Soomaaliya ee mogadisho,sababta ugu weyn ee ay dowlada ugu shaqaynayso halkana waa Amaan darro ka jirta Caasimada Ayuu yiri Mr Fall.isagoo intaasna ku daray in Madaxweynaha iyo isaga in ay ka wadahadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka ku dhex jira dowladda Xubnaheeda ugu sareeya. 

Wakiilka oo isla maanta ku soo laabtay magaalada Nairobi oo fariisin u ah ayaa ka hor intii uusan ka soo duulin u waramay warbaahinta waxa uuna sheegay in dhawaan uu u gudbinayo Xafiiska UN waxyaabihii uu kala soo kulmay Safarka Somaliya iyo kulanka uu la soo yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya waxyaabaha ka soo baxay. 

Khilaafka ka dhex jira dowlada Soomaaliya Ayaa sii xoogaysanayay Bilihii ugu dambeeyay sida lagu sheegay  Warbixin uu soo saaray dhawaan Xoghayahay guud ee QM Mr.Koffi Annan,waxa uuna ugu baaqay dhinacyada Dowlada in ay ku dhameeyaan Khilaafkooda si wadahadal ah.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kampala

Warar kale oo l axiriira safarka Mr. Fall hoos ka akhri:

Shariif Xasan oo galabta Gaaray dalka Finland oo joogi doono labo maalmood.
 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London.
25.10.2005
 
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aden ayaa gaaray Galabta Dalkaasi Finland oo uu joogi doono labo maalmood oo kaliya kadibna waxaa uu dib ugu soo laabanayaa London oo uu joogi doono saacado kooban isagoo uga sii duulaya Dalkaasi Kenya oo la filayo in uu gaaro Maalinta Sabtida ee soo socota sida uu ii sheegay Liibaan Sheikh oo kamid ah Jaaliyadda Finland ee la socda Wafdiga Gudoomiyaha Baarlanka.
 
Labada Maalmood ee uu joogo dalkaasi Finlad waxaa uu kula kulmi doonaa qaar kamid ah Mudanayaasha Baarlamanka ee dalkaasi iyo Jaaliyadda Soomaalida oo uu kala hadli doono khilaafaadka Dawladda waxyaabaha saldhiga u ah iyo taageerada looga baahanyahay in ay ka gaystaan sidii loo heli dib u heshiisiin buuxda oo lagu soo afjarayo dhibaatooyinka dalka ka jira.
 
Gudoomiyaha Baarlamanka oo mudooyinkan danbe ku sugnaa Magaalada London ayaa la filayaa in Talaadada uu gaaro Magaalada Muqdisho si uu uga qaybgalo kulan Baarlamanku ay isugu iman doonaan oo uu shirgudoomin doono kaasi oo looga hadli doono socdaaladiisa Dalalka reer Galbeedka iyo Dib u heshiisiinta ay Qaramada Midoobay Wado.
 
Shariif Xasan ayaa in muda ahba socdaalo ku kala bixiyay dalal dhowr ah oo ay kamid oo ay kamid yihiin Maraykanka, Canada, Sweden , Britain , Duai iyo dalka Kenya , hase yeeshee waxaa haatan uu kusoo gaba gabaynayaa socdaaladiisa safarka uu ku joogo Finland kadibna waxaa uu tagi doonaa Magaalada Muqdisho oo ay ka codsanayaan Mudanayaasha Baarlamanku in uu kusoo laabto dalka.

Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri

Wadi uu hor kacayo af-hayeenka barlamanka Mudane Shariif xassan oo Booqday Finland

Helesink- 25.October.2005 Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafid uu hogaaminayo ayaa gaaraya dalka Finland gaar ahaan caasimadiisa magaalada Helisink, Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Xiriirka Baaralamanka iyo xukuumada C/raxmaan Ibraahim Aadan (IBBI), Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla, Xildhibaan Zakire Max’uud Xaaji Cabdi iyo Max’ed Sheekh Xasan oo la sheegay in uu yahay Xoghaynta Shariifka.

Dadka qabanqaabiyey safarka Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ee uu ku tagayo dalka Finland ayaa waxay somalitalk u sheegeen in uu kulamo la yeelan doono madax ka tirsan dalka Finland iyo waliba Jaaliyadaha Soomaalida ee wadankaas.

Cabdirizak Xaaji Xuseen oo ah Soomaali degan Magaalada Helisink ee caasimada wadanka Finland ayaa u sheegay somalitalk in Shariifku uu kulamo la yeelan doono masuuliyiin ay ka mid yihiin af-hayeenka baarlamanka Finland Paavo Lipponen iyo Madaxweynihii hore ee wadanka Finland Marti Ahtisaari iyo waliba masuulka wasaaradda arimaha dibada qeybta Afrika.

Sidoo kale wuxuu Shariif Xasan kulamo la yeelan doonaa Hay’ado dawli oo dalkaasi ku sugan, waxaana lagu wadaa in uu joogo Finland 3 maalmood.

Qore: Abdirizak Haji Hussein

Abdirizak Haji Hussein "Naxariis"
Helsinki, Finalnd 
Tel: +358409631762 
Fax: +358972317332 
naxariis@hotmail.com

Ra"iisul Wasaari Cali Maxamed Geedi Oo Markale Ku celiyey In burCad badeedka Lala dagaalamo.

Ra'iisul wasaarah dowlada federaalka somaliya cali maxamed geedi aya markale Beesha caalamka kacod saday in ay wax kaqabtaan burcad badeedka cadeeysatahy in ay af duubaan maraakiibda shisheeye.

Mr:Geedi ayaa horay oga dalbaday in doowladaha dariska ah iyo inta ay khuseeyso Arimaha Somaliya ay ka taageeraan sidii looga hor tagilayaah Burcada Badeedka iskudayeeso in ay dalka somaliya ay ka go'domiyaan dalalka Aduunka.

Mr Geedi oo u waramayey Warbaahinta Dunida ayaa markale ka dalbadal in Somaliya laga kaal meeyo Arimaha Dhaqaalaha iyo sidii wax looga qaban lahaa Burcad Badeeda, Dhanka kale mamuuqoto wax kaalma ah oo ay beesha caalamka ay wax uga qabaneeyso qeeyla dhaanta ka sooyeertay Masuuliyeenta dowladda federaalka somaliya.

Mr: Geedi ayaa Ugu baaqan kuwa heesto maraakiibda in ay si sharuud la aan ah ku soo daayaan Asagoo dhankale ugu Baaqay Shacabka Soomaliyeed in ay ka dhiidhiyaan arimaha ay ku kacayaan dadka wax maraga tadaa ee shacabka wax yeelada u geeysano in ay kabanaan baxaan, waa sida Uu yiri Ra"iisul Wasaaraah Dowladda Federaalak Somaliya Cali Maxamed Geedi.

Xildhibaan Xuseen Caraale Oo Uga Baaqay in Xunbaha Labada Gole Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho In ay Yimaadan Jowhar.

Xildhibaan Caraale Oo xalay shirjaara'id ku qabtay magalaada jowhar ayaa shirkisa jaraa id uga Warbixiyey Xaalada magalaada muqdsiho ay ku sugan tahay imidka iyo hoowl laha lagahayo magalada,

Xildhibaanka ayaa shaaca kaqaaday in howl lihii ay kawadeen magaladaa muqdisho ayuu kutel maamay in ay fashil ku dhamaadeen hada ay san wax howl ah ka socon magalaada muqdisho,

Mr,Caraale ayaa dhawaan iskaga baxay shir ay la haayeen xubahan Baarlamaaka Ee ku sugan magaalada muqdisho,  isaga iyo xubno kasirsan baarlamaanka kolkii ay ka caroodeen maamul u samentay qaabka  Gobalka Banaadir qorshahaas oo ay wateen Wasiirada Hubeeysan ee Magalaada muqdisho.

Xildhiban Caraale ayaa  sidookale ugu baaqan Wasiirada iyo xildhibaanada jooga magalaada muqdisho inaya kafogaadaan wax yaaabha keena in ay sii kala fogadaan xubnaha Baraalamaanka ee kala fikirduwan, Xildhibaanka oo  hatan ku sugan magaalada jowhar Asaga iyo Xubnihii katirsan Baraalkamanka Somaliya Kolkii ay is kaga sootageen Magalada muqdisho.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf & Francois Fall oo yeeshay kulan albaabadu u xirnaayeen

25.Oct Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed & Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ee arimaha Somalia Francois Lonseny Fall iyo xubno la socdey ayaa waxay maanta kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeesheen magaalada Jawhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Ujeedada socdaalka Francois Lonseny Fall ayaa aheyd la tashi ah oo uu la sameynayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

Kulan albaabadu ay u xirnaayeen oo C/laahi Yuusuf iyo Francois Lonseny Fall ay ku yeesheen magaalada Jawhar ayaa waxaa diirada amuuro qayb ka ah dadaalka socda ee nabadeed ee la doonayo in xal loogu helo khilaafaadka u dhaxeeya golayaasha DFKMG ah ee Soomaaliya.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ee arimaha Soomaaliya Francois Lonseny Fall oo ka dib kulankii uu la yeeshay Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo la hadley warbaahinta i ayaa daboolka ka qaadey in uu is afgarad ku dhamaadey kulankaasi.

"Waxaan u imid magaalada Jawhar inaan wadahadal iyo la tashi la yeesho Madaxweyne C/laahi Yuusuf, waxaana ka wada hadlaney sidii Soomaalida gaar ahaan Madaxda DFKMG ah ay u xalisan lahaayeen waxyaabaha dhexdooda, Qaramada Midoobey wax diidmo ah kama qabto wixii ay Soomaalidu isku afgartaan" ayuu yiri Ambasador Fall.

Francois Lonseny Fall waxaa kale oo uu daboolka qaadey in safarka uu ku yimid magaalada Jawhar ee uu kula kulmey Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu yahay la tashi kaasi oo ka horeynaya kulan golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay ku yeelanayaan magaalada New Yorka kaasi oo uu sheegay in uu ka qayb gali doono isla markaana uu hor dhigo doono xaalada Soomaaliya.

Francois Fall waxaa kale oo uu cadeeyey inaanu tagi doonin magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah u soo qaatey in DFKMG ah sababta ay u tagi weydey magaalada Muqdisho oo ay u degtey magaalada Jawhar ay tahay arin xaga amaanka ah oo ka jirta Muqdisho.

Sodcaalka Ambassador Fall ayaa wuxuu ku xiriirsan yahay safaro la tashi ah oo uu ku kala bixiyey wadamo kala duwan kuwaasi oo uu kula kulmey madaxda wadamadaas, waxaana uu booqdey magaalooyinka Moscow, Stockholm, Cairo, Addis Ababa iyo waliba xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

 

Xubno laga soo magacaabay Jawhar oo ay diideen qaar kamid ah beelaha Beledweyne

Muqdisho 25.Oct Iyadoo xubno cusub oo ka mid noqonaya maamulka degmada Beledweyne lagaga dhawaaqay magaalada Jawhar oo fariisin u ah dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa wararka ka imanaya magaalada Beledweyne waxay sheegayaan in qaar ka mid ah beelaha deegaanku ay si adag u diidan yihiin magacaabistii ugu dambeysey.

Shir deg-deg ah oo ay yeesheen maanta dhammaan odayaasha dhaqanka, nabaddoonnada, culimaa’udiinka iyo aqoon yahannada beesha Jajeelle ayey ku diideen qaabka ay dawladda federaalka Soomaaliya u qaybisay maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka ka qayb galay shirkan ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga digey in haddii aanay ka noqon magacaabistaas ay tallaabadaasi horseed u noqon doonto colaad sokeeye.

Xubnaha ka qayb galay shirka ayaa sheegay in aanay qaadan doonin wax ay ugu yeereen "arrimaha xadgudubka ah ee ay wax ku maamuleyso dawladda federaalka Soomaaliya".

Sidoo kale, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle ayaa sheegay in ay ka xun yihiin magacaabista ka soo baxday magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Beledweyne ayaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaq iyo xiisad ku aaddan magaabistaas.

C/laahi Axmed Boore
boore@hotmail.com

Tacsi Loo Diray Marxuum Abwaan Yamyam:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

 
 
Anigoo ah Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza], kuna hadlaya afka abwaannada Soomaaliyeed ee Suudaan, ayaan waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna ooridii iyo ubadkii abwaan Yamyam iyo dhammaanba ehelada iyo abwaannada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibaddaba, uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid abwaankii weynaa ee waddaniga ahaa Almarxuun Cabdulqaadir Xirsi Siyaad [Yamyam]. Waxaan abwaanka/marxuunka Rabbi uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiya intii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiya. Aamiin Yaa Rabbi.

Stanza | ayaandhalad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2005

"Gudbaaye" oo Isu Sharaxay Maamulka Gobolka Banaadir
»C/wahaab Cali oo galay kaalinta 1aad ee Quraan Akhriska
»Wasiir ka tirsan Dowlada Federalka oo geeryooday..
»Xuseen Caydiid oo shalay Saddex Kun oo Miino ah..
»Kismaayo Xiisad ka dhalatay dhakhtar lagu dilay..
»Qanyare: Ma taageerayo heshiiska ay wadaan xubnaha..
ka akhri bogga wararka Maanta... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD