Magan
Ahmed Dahir- Rajadii Somalida.
The
Greate Somalian Hope (Sport)
Intii
aanan maqaalkayga u galin, Akhristoow ii ogoloow in aan
idiin soo bandhigo sidii aan ula kulmay -
Mr Magan A. Dahir. The Greate
S. hope.
Waxay
ahayd 10:kii Subaxnimo 1May-2005 aniga oo fadhiya shirkii
World table tennis ee kadhacay magaalada Shanghai ee dalka
Shinaha , shirkaas oon Somalia u masalayay anigu maadaamaa
aan xubin buuxda ka ahay Somali -table tennis F.
Waqtigii
shirka loogu talagalay markii uu dhamaaday ayaa sidii
caadada noo ahayd waxaan la kulmay Secratery General Mr.
Sven-E.Norby oo ka socday Wadanka Norway, oon sadaxdii
sanadood ee ugu danbaysaba wada kulmi jirnay , maadamaa aan
Norway Daganahay.
Mr Sven
waxaa uu ila socodsiiyay in bisha 12/June ee sanadkan
ay-Norway qaban qaabin doonto ciyaarihii curyaamada dunida
ee kubada miiska. (World table tennis handikap). Waxaa uu Mr
Sven uu ku daray hadalkiisii in ay Oslo iman doonaa 480
cayaartooy oo ka kala socda 61 wadan.
Waxa uu
Mr Sven ii sheegay in lacagta Norway ugu talagashay
ciyaarahan ay aad u yartahay , uunan awood u heli doonin in
uu helo garsoorayaal ku filan cayaarahan, iyo waliba
dhalinyaro ka caawisa soo qaqabashada kubada miiska ,
maadaamaa ay cayaartooydani tahay curyaamo kuna adagtahay
soo qabadka kubada miiska, aynan u baahnaan doonaan
dhalinyaro yar yar oo soo qabqabta kubada miiska. Taa
daraadeed waxaan Somalia ka codsanayaa in ay naga caawiso
garsoorayaal iyo dhalinyaro yar yar oo soo qaqabata kubada
marka ay dibada uga baxdo ciyaartooyda curyaamada ah ayuu
hadalkiisii ku soo gaba gbeeyay Mr Sven Erik.
Sidaan
ula wada soconaba 480 cayaartooy oo curyaan ah ,soo
dajintooda gurya geentooda dulqaadkooda waxay u bahan yihiin
spesial care , mana aha wax fudud.
Madaamaa
aan Norway daganahay waxaan Mr Sven u sheegay in aan ka
caawindoono inta ay awoodaydu gaarsiisantahay. Waxaan u
sheegay in aan diyaarin doono 10 garsoore oo Somali ah iyo
25 dhalinyaro oo soo qaqabata kubadaha . Runtii Mr Sven aad
iyo aad ayuu ugu farxay, mana uu filayn in Somalia ka
caawindoonto arimahan maadaamaa dugsiyadii ay furanyihiin
oo uunan heli karin caawimaadkale oo uga yimaada
shacabwaynaha Norway.
Intii aan
hadalada iswaydaarsanaynay ayuu Mr Sven i waydiiyay bal in
aan garanayo Mr Magan Ahmed oo Somali ah, lakiin ka socda
Dalka Nederland caana ka ah Europe iyo dunida xiisaysa
cayaaraha curyaamada ee kubada miiska. nasiib daro waxaan
ugu jawaabay in aanan garanayn.
Oslo
Norway.
Waxaan ku soo laabtay Norway aniga oo xasuusta balanqaadkii
aan ka
balanqaaday Mr Sven Erik in aan- keeno10 garsoore iyo ilaa
25 dhalinyaro oo
Somali ah soona qabqabta kubada miiska, si ay ugu keenaan
cayaartooyda curyaamiinta ah
Nasiib wanaag, codsigii ay soo codsadeen dalka Norway waxaan
markiiba la /
socodsiiyay urur aan ka tirsanahay oo la yiraa Somali Sport
and Culture Norway..
Dhamaan masuuliyiintii iyo dhalinyaradii ka tirsanaa ururkan
waxay iyana
dhinacooda balan qaadeen in ay intii ay awoodoodu tahay ka
caawindoonaan
Norway qabanqaabada cayaarahan kubada miiska.
Norway waxaa dagan cayaartooydii hore ee Somaliyeed, cayaari
jirtayna kubada
miiska,haystana shahaadooyin- garsooranimo caalami ah.
Cayaartooydaas oo
2003 wacdaro layaableh ka muujiyay Paris wadanka Farance,
kuwaasoo kala ah
Mr Saacid iyo Abdi Adam. Waxaa isna dagan Norway Xoghayihii
hore ee kubada miiska Mr Abdi Jama khibradna fiicana- uleh cayaaraha
kubada miiska. Waxaa isna joogay oo garsoore ka noqday
cayaarahan Mr Hassan Warabecade,kana socday Somaliland Yuth
Sport UK. Waxaa isna qaybtiisa ka qaatay tababaraha Norway
Mr Hassan Muse iyo Ali Malin.
12 June 2005 Universty Oslo
Ururka
Somali Sport & Culure Norway waxa uu waqtigaas iibsaday
Gaari Bas ah oo uu ururkani ugu talagalay in- uu
dhalinyarada ka caawiyo waqtiyada ay tababarka leeyihiin iyo
waqtiyada ay u socdaalayaan wadamada dhowdhow ee Europe, gaar
ahaan Sweden & Danmark.
Baskan oo
runtii soo daldalay dhamaan garsoorayaashii iyo
dhalinyaradii Somaliyeed ee ka shaqaynaysay cayaarahan
kubada miiska.
Waxaa
markiiba cayaarihii furay Wasiirka dhaqanka Norway , taasoo
ugu tahniyadaysay dhamaan masuuliyiintii soo qabanqaabiyay,
iyo dhamaan cayaartooydii ka soo qaybgashay cayaarahan.
Waxaa
isla markiiba lamagacaabay garsoorayashii ugu horeeyay ee
qabanlahaa cayaarta ugu horaysa, kuwaas oo loo doortay Mr
Abdi Adan iyo Saacid oo ka socday ururka Somali Sport
Culture Norway.
Abdi Adan
waxaa uu qabtay ciyaartii ay wada ciyaarayeen wadanka
Nederland iyo wadanka Poland.
Wadanka
Nederland waxaa u ciyaarayay yar madoow oo dhalinyara ah oo
runtii sidii uu u ciyaarayay ay shacabwaynihii daawanayay ay
aad ugu riyaaqeen.
Waxaan
aniga oo Mahad ah aan soo dul istaagay inankan dhalinyarada
ah ee ka socday dalka Nederlaand, waxaanan la yaabay sida ay
korkiisu u dhisanyahay iyo sida uu cayaarahan ugu
jajabanyahay,. Waxaa kaloo uu aad iila ekaaday in uu yahay
Somali.
Cayaartii
waxay ku dhamaatay Nederlaand oo ka badisay Poland.
Markii ay
cayaartii dhamaatay ayaa waxaa isku soo booday Garsoorihii
garsoorayay cayaartan oo Abdi Adan ahaa iyo cayaartooygii ka
socday dalka Nederland.
Waxaan
runtii aad u jeclaystay in aan la kulmo waxna ka ogaado
taariikhda cayaartooygan indhahayga soo jiitay oo waliba
Somaliga ah , kana socda wadankale .
Waxaan
markiiba iskugu yeeray dhamaan garsoorayaashii iyo
dhalinyaradii soo qab-qabanaysay kubada si aan ugu sheego
in uu cayaarahan uu ku jiro wiil dhalinyara ah oo ka socda
dalka Nederland, lakiin u dhashay Somalia.
Mr Abdi
Adan Mr Saacid iyo Mr Abdi jama Farah waxay markiiba garteen
cayaartooygan Magaciisa la yiraa Mr Magan Ahmed Dahir oo ay
ugu war danbeeysay isaga oo lugihiisa ku socda
cayaarijirayna cayaaraha kala duwan ee laga ciyaari jiray
Somalia intii ka horaysayay dagaaladii sokeeye.
TAARIIKHDII
MR MAGAN AHMED DAHAIR
Markii ay
cayaarihiisii hore dhamaadeen ayaan waxaan ka codsaday Mr
Magan in uu iiraaco magaalada Oslo si aan u ogaado
taariikhdiisa, runtii Mr Magan wuu iga ogolaaday inkastoo ay
sugayeen jaraaido iyo Tv farabadan , maadaamaa uu caan ku
yahay kubada miiska qaybta curyaamada, uuna koobab badan ka
soo qaaday wadamo kala duwan ee dunida , kii ugu danbeeyayna
uu hada ka so qaaday wadanka Maxco.
Mugadisho
Mr Magan
waxaa uu ku dhashay magaalada mugadisho sanadkii 1973.
Waxaa uu
cayaaraha bilaabay markuu ahaa 8jir, waxaa uu waqtigaa aad u
jeclaa kubada kolayga ama basketball. 1986 waxaa uu ka mid
ahaa cayaartooy yar yar oo garoonkii stadio Mugdisho furi
jirtay marka ay kooxda qaranka Somaliyeed cayaarayaan.
1988
Waxaa uu Mr Magan ka qaybgalay tartan dugsiyeedkii sare ,
isaga iyo Walaalkii Liibaan Dahir oo waqtigaa u ciyaari
jiray kooxdii Juunyarka Jeenyo ama LLPP hadba sida aad u
taqaan.
Isla
sanadkaa 1988 ayuu wacdaro layaableh uu Mr Magan ka soo
hooyay cayaaraha kubada kolayga ee dugsiada sare ee ka
dhacayay Magaalada Mugadisho.
Kooxdii
la oran jiray Sancada ayaa markiiba aad u jeclaysatay
cayaarwanaaga Mr Magan, markiiba waxay ka codsadeen in uu ku
soo biiro kooxdan oo uu markaa macalin u ahaa Mr BURUNO.
Waxaa
kaloo uu Magan aad u jeclaa ciyaarta kubada miiska , waxaana
ciyaartaa ku dhiirigalin jiray saxiibkiisa Mr Abdulgadir
Fuube oo waqtigaas u ciyaari jiray qaranka Somalia ee kubada
miiska.
DHAAWICII
Waxaa
bilaabmay dagaaladii sokeeye, nasiibdaro 1992 ayuu
kudhaawacmay dagaaladaas oo ii sheegay in uu hada gaari ka
koray,. 1994 waxaa uu yimid wadanka Holand caafimaad daro
awgeed.
Runtii si
wayn ayay Holand ii gacan qabatay, oo xanuunkaygii waan ka
soo kabtay.
Madaamaa
uu luga beelay Mr Magan kama harin ciyaarihii ee waa uu sii
watay,.
Waxaa uu
dib u xasuustay ciyaartii uu jeclaa ee kubada miiska , taas
oo hada uu ka marayo heer qaran.
Waxaa uu
Mr Magan ii sheegay in qof walba uu gaari karo meesha uu
doonayo, waa hadii uu dadaal la yimaado.
uunan is
oran naftiisa, waad curyaantee iska seexo.
Waxaa
curyaan ah ninka madaxa looga jiro ama caajislowga ah ayuu
hadalkiisii ku soo gabagabeeyay.
Intii aan
la sheekaysanayay ayuu Mr Magan waxaa uu ii sheegay in uu
heesaana yahay oo uu ku heeso heeasaha Somaliga iyo heesaha
Westrenkaba, waxaanu dhowaan soo saari doonaa Albumkisii ugu
hoeeyay.
Waxaan
runtii aad ula yaabay farxada ka muuqata Mr Magan ,
qosolkiisa , ixtiraamkiisa iyo dabeecadiisa.
Runtii
marnaba ma arag ciyaartooy la dabeecad ah, sida uu ugu
kalsoon yahay naftiisa, iyo sida uu u ixtiraamayay wadanka
uu masalayay.
Intii ay
cayaarahani socdeen waxaa u Mr Magan galay kaalinta Afaraad
, halkaas oo uu bilad sharaf ku muteeystay.
Waxaa uu
ii sheegay Mr Magan in uu ilaa hada ka soo ciyaaray wadamo
farabadan sida, India, Hongkong, Jermeny, U.S.A , MEXCO iyo
Norway.
Waxa
kaloo uu ii sheegay in uu aad u jeclaan lahaa in uu
wadankiisa mar uun masalo.
Mar aan
la kulmay qaar ka mid ah 480kii ciyaartooy ee ka soo
qaybgalay ciyaarahan in ay dhamantood aad u jecelyihiim Mr
Magan, jeclaan lahaayeena in ay ku daydaan Dabeecadiisa,
dadla dhaqankiisa, iyo sida uu kubada miiska u ciyaarayo.
Waxaa uu
isna Mr Magan aad ugu mahad celiyay masuuliyiintii iyo
dhalinyaradii Somaliyeed ee soo qabqabanayay kubadaha iyo
garsoorayaashii wacdaraha ka muujiyay garoonka.
Mrnaba
ismaan lahayn in aan arki doono garsoorayaal Somali ah oo ka
dhex muuqda garoonka ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay.
Waxaa kaluu aad ugu farxay Baskan uu Somali Sport Culture
Norway uu u iibiyay dhalinyarada Somaliyeed ee dagan
Norway.
Akhristoow waxa hadaba muhiim ah in aad barato
cayartooydadii hore iyo kuwa cusuba.
Ma-aha
kaliya in aad ku mashquusho ciyaartooy ka socda wadamo kale,
waana muhiim in aad barato cayaartooy Somali ah ,
tariikhdiisii iyo meeluhuu ciyaarta ka gaarayba.
By Mr
Mahad Turbashaash.
turbashaash@hotmail.com
magan_98@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 17,2005
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |