SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

WAXAAN SOO ARKAY!!!

Wax indhahaygu ku farxeen, balse aan rumaysan waayay sida looga dhabeeyay loona sii wado, una baahan in gacan wadajir ah  loo gaysto!

Waxay ahayd xilli barqo ah saacaduna waxay ahayd 9-kii aroornimo waxaa i wehliyay saaxiibkay C/Nuur Xaaji Maxamed, waxaa kaloo na hagayay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Muzamil Xasan Huudoow oo Xoghaye guud u ah urur lagu magacaabo Tabantaabo oo howshiisu tahay wacyigelinta caafimaadka iyo wax barida xeryaha barakaca ee gobolka Banaadir, waxaan wadanay gaari yar oo Taxi ah weliba noociisu wuxuu ahaa Faxwagen waxaan u tilmaamay magaca Taxi-ga waayo horay uma raaci gaari Taxi ah oo noocaan ah.

Waxaan ka ambabaxnay xafiiska Madbacadda Ayaamaha ee Howl Wadaag, waxaan marnay wadada H/Wadaag waxaan ka weecanay isgoyska Xararyaale innagoo afka saarnay dhinaca waddada 30-ka, waxaan uga sii gudubnay waddada Warshadaha markii aan la simannahay warshadii hore ee Birta ayaan dhinaca waqooyi u weecanay meel wax yar u jirta warshadda Biyaha ee Caafi.

Waxaan gaarigeenii ku istaajinay meel aad u camiran oo ay ka muuqdaan buushash aad u badan oo is wada dul saaran oo ay adagtahay sida dhexdooda loo maro, qaar buushashkaa ka mid ah dhabarka ayay isku hayeen, waxaana la helayay oo keliya wadiiqo dhuuban oo qof keliya mari karo, waxaa na hoggaaminayay Mr.Muzamil waxaan dhex marnay wadadii cariiriga ahayd ee buushashka u dhaxaysay, markii aan in cabaar ah soconay ayaan dul tagnay mid ka mid ah buushashkii meesha ka dhisnaa, oo runtii xoogaa ka duwanaa kuwa kale oo iyagu u dhisnaa sidii aqal Soomaali balse midkan wuu fidsanaa dhul xoogaa baaxad lehna wuu ku fadhiyay, albaabka laga galayo aad buu u hooseeyay oo markii aan galaynay xoogaa hoos ayaan u foorarsanay balse gudihiisa ayaa runtii aad u dheeraa, wax badan oo ku dadan ma jirin geesuhu waa banaanaayeen korka markii aan eegayna waan dareemayay haddiiba qoraxda laga hoos galo in aanan roobka looga okoran karin.

Balse waxaa jawiga sidaa u eg muuqaalkooda badalayay ardaydii faraha badnayd ee meesha ku urursanayd oo runtii aad nooga nixiyay kaddib markii ay nagu soo dhaweeyeen anaashiid afka carabiga ah iyo weliba heeso Soomaali ah oo aan ka xasuusto soo dhawaada walaalayaal soo dhawaada, wuxuu ahaa muuqaal aad u qiiro badan waxaan markiiba indhaha la raacay ardayda faraha badan ee kala da’da ah ee dugsiga marna iskuulka ah ku urursanaa, intii aynan weli raggeena martida ah iyo ninkii odayga ahaa ee na hoggaaminayayba aynan hadlin ayaa laba nin oo macallimiintii ardayda ahaa ay ku mashquulsanaayeen kala hagidda ardayda iyagoo markii ay anaashiid dhameeyaanba u tilmaama mid kale oo ay ardayduna ku luuqeeyaan, waxaan dareenay xamaasad waxaa istaagtay gabar yar waxaana loo dhiibay cod baahiye yar, waxay ku luuqaynaysay hees Soomaali ah iyadoo ardaydii kalena ay la jiibinayeen.

Arday kale ayuu Macallinkii istaajiyay markaasuu afka Ingiriiska nagu soo dhaweeyay isagoo dhowr ereyna ku tilmaamay xaaladda dugsigooda iyo waxbarashadiisa.

Intaa kaddib mid ka mid ah Macallimiintii ayaa markaa nagu soo dhaweeyay goobta isagoo warbixin kooban naga siiyay xaalada dugsiga iyo sida ay u wadaan waxbarashada, intii ay howshaa socotay anigu waxaan ku mashquulsanaa muuqaalka ardayda taasoo igu kaliftay in aan ka qaato dhowr sawir oo aad u qurux abdan, sidoo kale waxaan sawiro ka qaaday goobta ay ardaydu wax ku baranayaan inkastoo masaafada dugsiga ay wax ku baranayeen xoogaa uu aad u balaarnaa marka loo eego xerada guud ahaan hadana ma ahayn meel haddii uuba roob yimaado ay ardayda sii joogi karaan.

Intii ay warbixintu socotay dhammaanteen aad baan u dhagaysanaynay gaar ahaan aniga iyo C/nuur Xaaji Maxamed oo goobta ku cusbaa dhab ahaantii dadaalka ay sameeyeen dhallinyarada ma aha mid aan qormo yar ku soo koobi karo waana mid aan go’aansaday in aan ballaariyo qormadaydan aan ugu magac daray waxaan soo arkay, anigoo hadafkaygu yahay in akhristaha aan u soo gudbiyo howsha dhabta ah ee ka jirta xerada dadka soo bara kacay ee aan soo booqanay iyo weliba xeryo kale oo iyaguna howl sidan ah ay ka socoto.

Anigoo qormadayda kala hormarsanaya ayaan waxaan jeclahay in warbixintii ay i siiyeen macallimiintii howshan waxbarista ardayda soo bara kacday waday aan qormooyinka qaybaha dambe ka dhigo balse aan soo hormariyo dood na dhex martay aniga iyo saaxiibkay C/nuur Xaaji Maxamed kaddib markii aan bannaanka uga soo baxnay xerada dadka soo barakacay eek u tiil duleedka warshaddii hore ee Birta.

C/nuur markii aan banaanka u soo baxnay runtii waa u dhag raariciyay si aan uga dhagaysto ra’yiga uu ka qabo waxa aan soo aragnay, runtii aad buu u faraxsanaa wuxuuna dhowr mar gacan qaaday macallimiintii howshan gacanta ku haysay oo iyaguba ka tirsan dadka ku nool xeryahaasi oo markii ay arkeen inaan cidina u maqnayn iyaga isku tashaday.

C/nuur Xaaji Maxamed wuxuu igu yiri runtii macallimiintan howsha ay qabteen ma aha mid aan filayay waa mid u baahan in cid kasta oo anaga naga mid ah ay gacan ka gaysato, dadka soo bara kacay ma aha inta badan hela gargaar hay’adeed iyo mid dadka Soomaaliyeedba, waana midda hadda noo muuqata inay u sii baxayaan inay isku tashadaan, dhowr mar ayaan arrintooda wax ka dhahay waxana soo xasuustay gabay aan ka tiriyay dadka soo bara kacay gaar ahaan anigoo ku halqabsanaya wiil yar oo ka mid ahaa dadkaas soo bara kacay, gabaygaan wuxuu ku qoranyahay luqada English-ka waxaan tiriyay 27-kii bishii July sanadkii hore 2004 dhab ahaantii waxyaabo badan oo aan tilmaamay ayaad moodaa in ay ka soo raynayeen markii aan arkay caruur wejigooda ay qurux ka muuqato oo weliba dadka soo barakacay ah oo helay waxbarasho haba iska tabardarraatee, balse ay qaarkood wax qori karaan waxna aqrin karaan, waxaana rajaynayaa in sanad kaddib ay suuro gasho in aan aragno iyagoo helay qol dadan, miis iyo kursi iyo sabuurad iyo macallin joogto ah oo waxbarashadooda u heelan.

C/nuur markuu intaa yiri ayaan ka codsaday bal in gabaygaa oo afka Soomaaliga loo badalay in aan u soo bandhigno aqristeyaasheena si ay wax uga ogaadaan dareenkaaga xilligaas eek u wajahnaa caruurta soo barakacda, si wanaagsan ayuu iiga aqbalay, gabayga oo aad u dheerna waxaa hal ku dhig u ahaa: 

  • Isagu Waa Cunug Soomaaliyeed Oo Soo Barakacay

  •  

  •  

  • Isagu waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,

  • Waa agoon waana hoylaawe,

  • Faqriga harkiisa ayuu ku nool yahay,

  • Wuxuu wax ka cabaa, waxna ka fiiqsadaa qasacyo iyo qarshooyin maran,

  • Waa qashib qub baarte, Wuxuu ugaarsadaa haraaga raashiinka la soo daadiyo,

  • Dariiqyaduu meereystaa, Waa tuugsade baqdintaana wehel u ah,

  • Kuurmadaa naxariis u ah, Cidna ma daryeesho, cid walba way ku xadgudubtaa,

  •  

  •  

  • Isaga waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,

  • Waalidkiisii dagaalkay ku dhinteen, Jacaylna ma yaqaan saa lamaba jeclaane,

  • Nololna ma yaqaan ileen maba heline,

  • ereyada naxariista weligii ma maqal,

  •  

  • Isaga waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,

  • Indhihiisu waxay u cadcadyihiin sida muraayadda,

  • way qalalnyihiin oo ilmo dhiig ah ayaa ka da’a,

  • waa indho intaa goobaya wax u tura,

  • hadana wax taakuleeya ma helaan,

  •  

  • Isaga waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,

  • Wuxuu u ooyaa si dhibkiisa loo arko,

  • wuxuu u ooyaa si uu daryeel u helo,

  • dagaal oogeyaashuna wax aan xabad ahayn u ma hayaan,

  • Hay’aduhuna waxay u hayaan baaba iska yar,

  • baabuur lagu waardiyaynayo uun bay ka dul salaamaan,

  • waa u muusoodaan sawirna way ka qaadaan,

  •  

  • Isaga waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,

  • Weligii fasal dadan oo wax lagu baranayo ma arag,

  • weligii kuma qubaysan kumana saxaroon musqul dadan,

  • weligii biyo nadiif ah tubo kama cabin,

  •  

  • Isaga waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,

  • Lacag ma haysto uu dhaqtar ugu tago,

  • laakiin cudurka ayaa lacag la’aan ku arka isaga,

  • booqasho aan kala go’ lahayn ayuu ugu yimaadaa,

  • markaasuu siiyaa cirbado nafaqo darro ah,

  • Wuxuu u qoraa hal doz oo oofmareen ah, 

  • meel aan ka fogayn waxaa ka qodan Qabri oo sugaya inuu labada daan ku rito luqmada soo socota,

  • Markuu cudurku ku daalo daawayntiisa wuxuu u gudbiyaa qabriga,

  • taasoo la macno ah anigu waxba waan ka qaban waayee

  • ee bal qabriga haddii uu wax ka qaban karo,

  •  

  • Wuxuu ku nool yahay xanuun wuxuuna ku dhintaa xanuun.

  • Isaga waa cunug Soomaaliyeed oo soo barakacay,

Saaxiibkeey C/nuur markii uu dhammeeyay gabaygiisaan oo afka Ingiriiska ku qornaa isagoo weliba ii sheegay in uu jecel yahay in gabayga si nuxurkiisa uusan u dhumin loo daayo sida uu asaga u alifay, balse aniga ayaa aad uga codsaday in macno ahaan Afsoomaali loo bedelo si macnihiisa ay u fahmaan aqristeyaasha, taasina waa midda keentay in aan gabaygiisii oo macno ahaan Af Soomaali ah aan idiin soo bandhigo. 

C/nuur intaa kaddib wuxuu yiri “run ahaantii sannad ka hor ayay ahayd markii aan gabaygaas tiriyay, sanad kaddib waxaan arkaa in isbadal uu jiro iyadoo dhallinyaro iskood isku xilqaamay oo iyagu laftirkooda dhinac kaga nool buushashka dadka soo barakacay ay u istaagaan waxbarista caruurtooda inkastoo aan ka jeclahay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed inta awooda u leh ay howshaa ka wada qayb qaataan iyadoo qof walba ay ku soo hagaagi lahayd wax aad u kooban hadan runtii waa talaabo in la gargaaro u baahan si wax qabadka dhallinyaradaasi u miro dhalo, waxaana rajaynaa ayuu yiri saaxiibkay C/nuur in sanadka soo socda aan wada aragno caruurtaasi oo wax ku baranaya Iskuul dadan kursi iyo Miis iyo Sabuurad iyo macallimiin maadooyin kala duwan u dhiga.

          Intaa kaddib waxaan qalinka u qaatay bal inaan daaha ka rogo sirta ka dambaysa abaabulka, isu keenida, waxbarida iyo baraarujinta ardaydaa da’da yar ee ku hoos nool buushashka duugoobay ee roobka iyo dabayshuba aan iska celin karin, weliba waxaan ka xumahay in qoraalka warbixintaydan uu ku soo hagaagay xilli magaalada Muqdisho uu ka da’ayo roobkii xagaaga kaasoo ardaydii wax ka baranaysay buushashkaasi ay dhammaantood banaanada ciyaarayaan maadaama uusan roobka celinayn.

          Muzamil Xasan Huudoow oo an nin dhallinyaro ah firfircooni aad u badanna ay ka muuqato oo ka mid ah raga fara ku tiriska ah ee go’aankaan taariikhiga ah qaatay ayaan is gaar ah ula sheekeystay oo aan weydiiyay sababta ku dhalisay barnaamijkaan qiimaha badan, wuxuuna igu yiri “dhab ahaantii markii ay noo muuqan wayday is badal degdeg ah oo guud ahaan dalka ku yimaada oo dadka soo barakacay u saamaxa inay ku laabtaan deegaanadoodii ay ka soo qaxeen, markii aan arki waynay dad gacan nagu siiya waxbarida iyo baraarujinta carruurta ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee maalin walba tiradooda kor u sii kacayso qaarkoodna ay dad waawayn noqdeen iyagoo waxna qori karin waxna aqrin karin ayaan is waraysanay innagoo dhowr ah kana mid ah dhallinyarada ku nool xeryahaasi oo inteena badan ay wax noo bilaaban yihiin, qaarkeen ay ku taxan yihiin masaajidada magaalada oo ay wax badan oo cilmi ah ay ka kororsadeen qaarna ay wax ka bartaan Iskuulaadka Private ka ah ee magaalada, is wareysigeenu wuxuu guud ahaan ku taxaluqay nolosha dadka ku nool xeryaha sidii wax looga badali lahaa, waxaan si gaar ah u eegnay caruurta maalin walba ku soo kordhaysa xeryahaasi ee aan haysan waxbarashada.

          Maalin iyo labo iyo sadex iyo weliba todobaad markii aan is waraysanaynay oo maalin walb hadalka meel ku xereynay ayaan ugu dambayntii waxaan isla helnay in aynaan cidna ku tashan oo aan inaga dhallinyaradeena ah aan carruurteena wax u faa’iidayno, waxaan go’aankaasi qaadanay bishii Juun sannadkii 2003 innagoo isla bishaas 12-keedii ku dhawaaqnay urur aan ugu magac darnay Tabantaabo oo hadafkiisu yahay waxbaridda iyo wacyigelinta caafimaadka xeryaha barakaca ee Gobolka Banaadir, innagoo markaasi gudoomiye u dooranay nin oday ah oo aad looga tixgeliyo xerada ku taal duleedka warshadda Birta, halkaas oo ahayd bartii xudunta u ahayd aasaaska ururka oo ku baahay markii dambe 28-xero oo ay daggan yihiin dadka soo barakacay oo ku yaal guud ahaan magaalada Muqdisho.

          Markii aan go’aansanay in aan xooggeena iyo waqtigeennaba u hurno caruurteena iyo walaalaheena aan waxbarashada marnaba sugayn ayaan samaynay jadwal dhinaca macallimiinta ah iyadoo qofku xilina uu soo xoogsanayo soona fushanayo danihiisa gaarka ah waqti yar oo saacadihiisa ka mid ahna uu caruurta ugu deeqayo aqoontiisa. 

Muzamil oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Ururka xubnihiisa maamulka waxaan ka dhignay ilaa 7-qof, Macallimiinta ilaa iyo hadda howshan samafalka ah iyo isxilqaamidda ah gacanta kula jirtana waxay gaarayaan 32-macallin.

          Muzamil oo isagu ah xoghayaha guud ee ururka Tabantaabo aya wuxuu kaloo sheegay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee ardayda u diiwaan gashan ururkooda ee ay ka sameeyeen  28-kaa xero ee la sameeyay bishii Maarso ee sanadkan ay gaarayeen ilaa 1676-arday. 

          Muzamil wuxuu intaa ku daray laga soo bilaabo maalintii ay bilaabeen dugsigii ugu horreeyay illaa maanta aysan jirin cid iyo koox taageero soo gaarsiisay carruurtaas Soomaaliyeed ee dhinac walba ka aradan, wuxuu ii xusay oo keliya in ay jiraan arday qaarkood dugsi dhexe ama sare ama heer Jaamacadba gaaray oo mararka qaar ugu yimaada in ay waxbarista ardayda saacado ama maalmo gacan ka siiyaan.

          Baahida ugu ballaaran ee taagan ee u baahan in wax laga qabto ee aan ku soo arkay xeradaa dadka soo barakacay waxay ahayd in marka ugu horreysa la helo dad isku xilqaama in ay iskuulka ama dugsiga aan iraahdee ee carruurtaa dhigtaan loo dado si ay dhaxanta, roobka iyo Qorraxdaba uga hoos galaan. 

          Muzamil oo arrintaa ka hadalaya wuxuu yiri “annagu wax badan oo dhibaato ah ma sheeganayno waayo waaba qabatinnayba mana rabno dadka in aan ku dhibno wax waydiisi waayo iyagii baaba is gargaari waayay, waxaan saqirayaa in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo jecel mar walba inay gargaaraan waxna u qabtaan dadka walaalahooda ah ee tabaalaysan, kuwaas ayaan jeclaan lahaa in aan farriin aan culays badnayn aan gaarsiiyo taasoo ah in aan carruurta yaryarka ah ee aan gacanta ku hayno oo wax badano xaqa idinku leh aad u hagaajisaan una dhistaan goobaha aan wax ku barno oo xilliyada roobka aan marnaba duruusta la qaadan”.

          Muzamil wuxuu I soo gaarsiiyay qoraal ay gacanta ku soo qoreen oo ka kooban dhowr bog oo ay ku muujinayaan inta qol oo xero kasta ku taal oo ay dugsi ahaan u isticmaalaan iyo qiimaha ku bixi kara dugsi kasta marka loo istaago in la dhiso (dhismuhu ma aha mid dhagax ah balse waa mid uun kor laga dadayo oo la saarayo laamiyeeri haddii gacan wanaagsan la helana dhinacyadanalaga hagaajiyo loona sameeyo albaab laga galo).

          Qorshahan oo aad u tifaftiran wuxuu ururka Tabantaabo ugu tala galay inay noqoto dhowr weji oo kala duwan isagoo marka ugu horreysa codsanaya in xerada 1-aad dugsigeed oo ay wax ka bartaan 245-arday loo helo dhismo dagdag ah iyadoo weliba xilligan lagu jiro xilligii xagaaga oo aysan ardaydu saani waxbarashadooda u socon. 

          Xerada 1-aad dugsigeedu wuxuu ku fadhiyaa 8m2 wuxuu u baahan yahay si guud ahaan loo dada dhinacyada iyo dusha sareba ilaa 160-xabo laamiyeeri oo kiiba uu ku fadhiyo 60’000 sh.so. oo u dhiganta ilaa 4$, guud ahaan shay shay uma soo qaadi karo waxyaabaha ku bixi kara dhismaha dugsiga xerada 1-aad balse marka laysku ururiyo iyadoo lagu darayo in dhulka hoose ee dugsiga laga dhigo shamiinto oo uu guud ahaan qarashku gaarayo ilaa 40milyan oo Sh.So. ah. 

          Hadaba guud ahaan mas’uuliyiinta ururka TABANTAABO oo runtii markoodii hore qorshohoodu uusan ahayn in ay baahidooda soo bandhigtaan balse tegistii aan tagay xeradooda oo aan u sheegay in aan qorayo waxa aan goobta ku arkay dadkana u soo bandhigayo baahida ka jirta goobta ayay igu waafaqeen, iyagoo taa ka duulaya ayay codsi waxay u soo jeedinayaan dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo dibadda inay u soo gurmadaan wax ka qabashada dugsiyada buushashka ee ay wax ku bartaan carruurta bara kaca ee ku nool magaalada Muqdisho oo uu gacanta ku hayo ururka TABANTAABO.

            Ciddii gacan ka gaysanaysa arrintan waxay la soo xiriiri kartaa tifaftiraha wargeyska Ayaamaha C/llaahi Maxamed Xasan (Black) Mobile: 002521-505560,

NB inaa cinwaankayga idiin soo gudiyo waa talo ka timid ururka Tabantaabo maadaama aysan lahayn goob loogu soo hagaago.
E-mail:
abdulahiblack@hotmail.com

W/D: C/llaahi Maxamed Xasan “Black”

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2005


Xaflad Xirtaan Aqoon isweydaarsi Xarunta Hodman Bosaso

06/10/05 Bosaso

 
waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta hodman ee magaalada Baosaso tababar mudo 10 beri socday oo lagu baranayay Maamulka ururada & hogaaminta, Tababarkaas waxaa loo qabtay ururka dhalinyarada Hodman ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan HYEDA waxaana tababrkaas ka faa'idaystay 20 gabdhood oo katirsan isla ururkaas.
waxaa tababarkaas maalgelisay hay'adda Unicef waxaana fulinayay NGO Tadamun.
 
Xaflada Xiritaanka Seminarkaas ayaa ahyad mid si wanaagsan loo soo agaasimay waxaana ka hadlay Masuuliyiin kala duwan ay kamid yihiin gudoomiyaha ururka dhalinyarada HYEDA Faisa Maxamed Barre, Gudoomiyaha Ururka Hodman Relief &Development Organisation. Drs Mahado Shiikh Axmed, Madaxa Tababarada UNICEF Puntland Mr Max'ud Cali Yusuf, Gudoomiyaha Golaha Hogaaminta Dallada PEN Siciid Cali Faarax waxaana soo Xiray Tababrka Madaxa Tababarada Dhalinyarada ee Tadamun Saadiq Axmed biixi.
 
waxaa tababare ka ahaa Abshir Maxamud Maxamed & Xaliimo C/laahi.

Hodman Relief & Develoment Org
hodman2005@yahoo.com

 


Sanad Guuradii Koowaad ee dhaarintii Madaxweynaha Soomaaliya oo la xusay
Sanad buuxa ayaa ka soo wareegay markii C/llaahi yuusuf Axmad loo dhaariyay Xilka Madaxweynenimo haddaba... Guji...

Wakiilka Tigreega ee Ogaadeenya oo dafiray muwaadiniinta ku xidhan Hargaysa
Xubnaha mucaaradka Itoobiya oo laga qaaday dhawrsanaantii xildhibaanimo... Guji...

C/llaahi Sheikh Ismail: Hubka lagama mamnuucin dowladda
ee dagaal ooge ayaa loo diiday waxaana sugeynaa hub kale oo kan Yeman ka badan... Waraysi wasiirka arrimaha dibada..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD