SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

C/llaahi Sheikh Ismail: Hubka lagama mamnuucin dowladda ee dagaal ooge ayaa loo diiday waxaana sugeynaa hub kale oo kan Yeman ka badan.
 
Waraysi gaar ah oo ay SomaliTalk la yeelatay wasiirka arrimaha dibada soomaaliya Mr.Abdullahi Sh.Ismail oo aan soo koobay ayuu uga hadlay hubka somaliya, burcada xeebaha, xiriirka ay la leeyihiin caalamka iyo intii ay jireen waxa ay qabteen ee sanadka ahayd. 
  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kampala | Oct 14, 2005
    Email: cmmumtaz@somalitalk.com

Iyadoo walwal badan laga muujinayo hubka ku jira gudaha Soomaaliya lana adkeeyay cunaqabataynta hubka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay warbixin ay QM ku muujinayso in sanadkan uu kor u kacay hubka galay gudaha Soomaaliya, dowladaha qirtay ilaa hadda in ay hub siiyeen Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Dowlada Yeman, Haddaba waxaa noo suurta gashay inaan waraysi dhinacyo badan leh la yeelano Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

 
Waraysiga oo aan soo koobayno nuxur ahaan kana qaadanay nuxurkiisa ayaan ugu horayn waxaan waydiiyay halka saraakiishan (Booliska) ay ka howlgalayaan, waxa uuna yiri "waxa ay qabanayaan shaqadii loo xilsaaray ee la shaqaynta dowladda iyagoo sii tababari doona maliishiyaadka loo diyaarinayo in ay noqdaan ciidamo la shaqeeya dowladda Soomaaliya.
 
Halka looga keenayo dhaqaale iyo hub ay ammaanka ku sugaan marka la diyaariyo ciidanka uu tilmaamay ayuu kaga jawaabay in ay haysato dowlada xiligan dhaqaale ku filan balanqaadyona ay jiraan,dhinaca hubkana ay ka sugayaan wadamo badan in ay soo gaarsiiyaan hub kan yaman ka badan.
 
Sow ma aadnaan jabinin cunaqabataynta hubka Soomaaliya hadaad hub soo galisaan dalka iyadoo kii hore loo taag la'yahay ayaan waydiiyay? waxa uuna yiri.qorshaha Golaha Amaanku maahan in ay dowlad amaankeeda sugaysa hub u diido ee hubka waxaa laga joojiyay dagaal oogayaasha ku laynaya ummadda ee aan xalka rabin in la iskaga celiyo waxaana markiise hore loo soo saaray sidaas ayuu yiri.
 
Mar aan wax ka waydiiyay halka ay geeyeen hubkii yaman siisay iyo cida ay kula dagaalamayaan ayuu yiri wasiirka "waxa uu ku jiraa hubkaas gacanta dowladda waxaanna u gudbin doonaa hay'adaha amaanka ka shaqeeya si ay ugu difaacaan danahooda tuugadda iyo burcadana iskaga difaacaan marka saraakiishan howsha bilaabaan ayaana lagu wareejinayaa iyadoo lagula dagaalamayo burcad badeedka ku howlan in ay gargaarada dhacaan" sida uu hadalka u dhigay.
 
Intii aad jirteen ee sanadka ahayd waxaa la idinku eedaynayaa inaad wadanka galiseen hub badan isna khilaafteen oo aadnaan wax kale qabanin ayaan waydiiyay "waxaan ka dhamaan waynay dib ugu guuristeeni dalka,intaas ayaaba ah wax qabad weyn hadaan mar u guurnay dalka,hubkana sida aad ogtahay waa waxa kaliya ee looga shaqayn karo wadan burburay una baahan in amaankiisa la sugo,khilaafkana waa wax ku salaysan aragti waana laga gudbi doonaa hadii Alle idmo dhawaan"ayuu yiri.
 
In ay jiraan wadahadalo iyo dhexdhexaadin mas'uuliyiinta dowladda ah mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay in la qabtay laakiin wali ay socdaan,dowladaha aduunkana waan kala hadalnay sidii aan u dhamayn lahayn khilaafka dhexdeena ah iyo in ay nagala shaqeeyaan waana sugaynaa ayuu yiri.
 
Intii uu hayay Jagada wasiirka arrimaha dibadda waxa uu ku soo kordhiyay dowladda mar uu ka hadlayay ayuu sheegay in ay jiraan xiriiro badan in uu la soo sameeyay wadamo badan oo aduunka ah,waxa uu xusay in dhamaantood ay balanqaadyo u sameeyeen wadamada muslimka,kuwo carabta, yurub iyo dhamaam dowladdo kale diyaar noola ah gargaar waana sugaynaa ayuu yiri.
 
In uu wanaagsan yahay hadda xiriirka kala dhexeeya carabta iyo Islaamkaba maadaama ay isaga iyo madaxweynuhuba xuseen in Somaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagaxiso ah,waxa uu yiri "hadda ayaan kuu sheegayaa in ay argagaxiso wadanka joogto, halkana waan ka cadaynay hadii aan wax laga qaban haddana waxaa hubaal ah in ay sii badanayaan, waana sii sheegaynaa wadamada islaamka ayaga ayaa noo keenay in aan kala shaqayno la dagaalanka argagaxisadda waana wadnaa qorshahaas waana mid dunida ka wada jira" ayuu intaas ku daray wasiirka Arrimaha dibadda Somalia.
 
Dowladda Kenya war ay faafisay dhawaan waxa ay sheegtay in ay talaabo ka qaadayso hadii ay ka mid noqdaan xubnaha dowladda afduubayaasha maraakiibta ee badaha Soomaaliya,waxa uu kala socdo arrintaas dowlad ahaan waxa uu yiri: "Waan ku taageersanahay waliba aduunka ayaan ka dalbanaynaa in ay wax ka qabtaan kuwo caadaystay in ay badaha ka ugaarsadaan.Qaramada midoobay ayaan ka dalbanaynaa in ay talaabo ka qaado."
 
Idinku ma ogoshihiin in talaabo la idinka qaado maadaama aad hub keenaysaan dalka ka hor kuwaas inta aadnaan u sheegin QM, Ayaan waydiiyay waxa uu yiri Hubku waa kan aan ku soo celin karno amaanka dalka maadaama aan nahay dowlad dhisaysa dalkeeda, Amaankana soo celinaysa, hubka annaga ayaaba xafidi karna. 
 
 
Dhamaad............
 
FG. maahan waraysigii oo dhamaystiran laakiin waxaa naga xasuusin ah inaan soo koobnay nuxur ahaan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kampala
Email: cmmumtaz@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2005

Yemen oo Qiratay in ay Hub u Dirtay Soomaaliya iyadoo Jebisey Cunaqabatayntii
Sarkaal ka tirsan Yemen ayaa qiray in dawlada Yemen ay hub gaarsiisey Soomaaliya intii u dhexeysey... Guji... Oct 10

»Jawaab Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag | Cali-Mataan
»
Cali Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka | Cabdinur
»Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL: Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»
Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | Maestro
»
Shacabka Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan


»Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade

»
Qoraalkii Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»
Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»
Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD