SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD FURAN

 Warqad furan oo ku socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed

Waxaan ahay nin ay soo kartey Dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed,qurbana u badnaa 15kii sano ee lasoo dhaafay,inkastoo marar badan aan tagay meelo badan oo ka mid ah Dalkeena hooyo.

Waxaan si toos ah ula socday Shirweynihii Golaha Badbaadada iyo Midnimadda Soomaaliyeed  kana  socday Magaalada muqdisho,Muxaadarooyinkii,duruustii iyo dhamaan aqoon iswaydaarsigii ay halkaas isku dhaafsanayeen dad weynaha qiimaha lahaa ee kasoo qeyb galay shirweynahaas,oo ay runtii ka muuqatay jeceyl diineed iyo wanaagga umadooda.

  1. Talo ahaan Waxaaan soo jeedin lahaa marka kowaad Emailka Xoghaynta waxaan kula talin lahaa inuu iska badalo maadaama uu ku sifeeyey,khasaaro waa wax naga naxo,oo waxaa isla markiiba sawirmaaya in yoolka iyo ujeedada ururku uu noqdo mid khasaara,taasna waxay naxdin ku tahay dadaalka dheer ee loo galay in guul laga gaaro arimo badan oo ay ugu horeyso badbaadinta umadda soomaaliyeed oo dab ku dhex jira isla markaana waayay dhamaan wixii ay xaq u lahaayeen.
  2. Dhamaan Ururka waxaan usoo jeedin lahaa inuusan waji cusub oo siyaasadeed uusan bilaabin ee uu isku dayo inuu wax la qeybsado dowladda Federaalka ee dhamaan Caalamku isugu tagay wakhtiga badan iyo dhaqaaluhuna ku baxay,hadana meel fiican maraysa,waxba waxbay dhaamaan  oo waxaad isla qirteen dowladii Siyaad barre inay ahayd nabad iyo caano marka loo eego dhibka ka danbeeyay ee dhacay waana tii Abshir bacadle lahaa,(Duqii Doona ducana ugu dara waa na dubateene),Dowladu waa la socotaa maxaakimta islaamiga ah iyo dowrkooda waana ka hadleen Mas'uuliyiinta Dowladu waxa ay ka damacsan yihiin Ciidamada Maxaakimta islaamiga ah,waxayna ka mid noqon doonaan Ciidanka qaranka Soomaaliyeed,taasna waxaa laga yaabaa inay keento inay badalaan dhaqanka maleeshiyaad kale oo badan marka ay u bandhigaan dhaqan wanaagsan ee islaamka,mana jiraan wax kale oo xumaan ah oo dowladda Federaalku la damacsan tahay Ciidamada Maxaakimta koonfurta Soomaaliya inta aan ogahay,marka waa in ururku la tashadaa dowladda federaalka oo la taliyaa,waana inay ka wada shaqeeyaan sidii umadda soomaaliyeed dhamaan loo badbaadin lahaa inta hartey,hadii kale waxay keeni karto isku dhac kale oo dhiig ku daato,taasoo aan marnaba noqoneyn wax lagu farxo,aanan xal u noqon karin Soomaaliya.
  3. Ururka waxaan kula talin lahaa inay ka madax banaanaadaan isla markaana aysan marnaba qaadan talooyinka ay soo jeedinayaan labada nin ee kala ha Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Yuusuf indha cadde,Waxaan sidaas u leeyahay aan ka bilaabo Shiikh Xasan Daahir Aweys,waa nin Shiikha khayr Allaah haka siiyo umaddiisa wixii khayr ah oo uu u faa'iideeyey gaar ahaan Quraanka kariimka oo uu aad ugu fiican yahay,laakiin waxaan la soconaa Shiikhu wuxuu sabab u noqday dhimashada boqolaal dhalinyaro soomaali ah oo ku baaba'ay dagaaladii Kismaayo,Luuq,Gedo,Puntland iyo meelo,Shiikh Xasan Daahir ayaan ognahay inuu ahaa xubin firfircoon balse aan oran karo asaga ayaaba lahaa talada iyo fikradda dagaaladaasi ay ku dhaceen,taasoo foolxumo,magacxumo iyo ceebba ku noqotay khayrkii iyo dacwadii ay wadeen Culumada kale Soomaaliyeed oo ay dadka ka dhaadhicinaayeen inay ku dhaqmaan Shareecada islaamka,Dagaaladaas culumo badan oo Soomaali ah ayaa ka hadlay waxayna sheegeen inay ahaan dagaalo ahli ah ee aysan marnaba ahayn Jihaad sida uu ku manceeyay Shiikh Xasan Daahir,taas waxaan u leeyahay ma doonay inaan meel kaga dhaco aqoonta iyo skakhsiyadda shiikha laakiin waxaan aaminanahay in mas'aladaas Shiikha aan lagu raaceyn,wixii kale oo khayra oo shiikhu sabab u yahayna waxaan leenahay illaahay khayr haka siiyo,Tan kale oo ah ninka lagu magacaabo Shiikh Yuusuf Indhacadde waxaan aaminsahaay inuu ka mid yahay Hogaamiya kooxeedyada Magaalada Muqdisho,waxaan ognahay inuu si bareer ah uga qeyb qaatay Yuusuf indhacadde daagaladii Ahliga iyo qabyaalada ku saleysnaa ee ka dhacay Nawaaxiga Magaalada Muqdisho,Waxaan ognahay inuu dhul badan oo dad masaakiin ahi leeyihiin uu xoog ku haysto,Wuxuu u muuqdaa Yuusuf indhacade nin aan ku dhaqmin diinta islaamka,hadii uu doonaayo in umaddu ku dhaqanto Shareecada islaamka waxaa haboonaan lahayd inuu nafsad ahaantiisa ka bilaabo,waxaana qabaa isaga ayaa ugu baahi badan ku dhaqanka shareecadda islaamka.
  4. Ururka midnimada iyo badbaada islaamku waa inay ka madaxbanaanaadaan dhamaan dadka lagu eedaynaayo inay ka qeyb qaateen Dagaaladii Ahliga ee ka dhacay Soomaaliya 15 sano ee lasoo dhaafay,Qabiilkii uu doono haka soo jeedo,Shaatigii uu doonana ha sito.
  5. Ururku waa inuuu ka bilaabaa Shaqadiisa sidii uu u nabadeyn lahaa Magaalada Muqdisho oo hoy u noqotey mooryaan iyo maafiyo,Maaliskastana ay ka dhacayaan wax aan ka dhicin dalka intiisa kale sida dhac,kufsi,boob,dil,madadfurasho,leejo iyo jariimooyin kale oo fara badan.

Guul baan idiin rejeynayaa waxaadna mudan tihiin in laydin taageero hadii arimaha aan kor ku xusan aad fulisaan,waana fikradayda oo qof way la khaldanaan kartaa qof kalena waa la saxnaan kartaa.

Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Stokholm,Sweden

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2005

»Jawaab Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag | Cali-Mataan
»
Cali Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka | Cabdinur
»Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL: Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»
Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | Maestro
»
Shacabka Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan


»Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade

»
Qoraalkii Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»
Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»
Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD