SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

14 October. 2005

  • Wakiilka Tigreega ee Ogaadeenya oo dafiray muwaadiniinta ku xidhan Hargaysa. 

  •  Xubnaha mucaaradka Itoobiya oo laga qaaday dhawrsanaantii xildhibaanimo.

  •  Suudaan iyo Eritereya oo isu soo dhawaanaya. 

  • Ciidammada Qaramada Midoobey oo ka digay xadka Erotereya iyo Itoobiya. 

  • Barnaamijkii Xog-warran oo aan waraysi kula yeelanay Sayyid Maxamed oo dhulkii hooyo mardhow kasoo laabtay.

======================

Laanta af soomaliga ee British Broadcasting Corportion ayaa maalintii Arbacada ahayd waraysi la yeelatay ninka ay Tigreegu u doorteen inuu u fadhiisto xafiiskooda Jigjiga oo wakiil uga noqdo arrimaha Ogaadeenya. In kastoo uu aad isugu dayay inuu u muuqdo qof isku kalsoon oo masuul ah, haddana waxaa dhagaystyaashii su'aalaha soo weydiiyay u cadaatay inuu yahay qof cabsi badani ay ka muuqato oo iska ilaalinaya inuu ka cadhaysiiyo Wayaanaha soo dirsaday.  

Arrimaha dadwaynaha aad uga yaabiyay ayaa waxaa ka mid ahaa jawaabtii uu ka bixiyay markii la weydiiyay muwaadiniinta reer Ogadenya ee sida xaqdarrada ah ugu xidhxidhan magaalada Hargaysa ee waqooyiga soomaaliya, isagoo kaga jawaabay arintaas ma aanan maqal iyo ma ogi dad halkaas ku xidhan. 

Wuxuuna wakiilka Tigreegu ammaan ayna mutaysanin dusha u saaray soomaali diidka ka taliya magaalada Hargaysa, isagoo ay jawaabtiisa ka muuqatay inuu isagu ictiraafay, ka hor intayna Itoobiyada uu u shaqeeyo ictiraafin. Waxaana suaashii la weydiiyey iyo hadalladiisii ka mid ahaa;  

Xubnaha mucaaradka Itoobiya oo laga qaaday dhawrsanaantii xildhibaanimo. 

Xubnihii xisbiyada mucaaradka ahaa ee qaaddacay baarlamaanka cusub ee Itoobiya ayaa laga qaaday awooddii iyo xuquuqdii dhawrsanaanta xildhibaanimo, taasoo ka dhigan in maxkamad la soo saari karo ama xabsiga loo taxaabi karo.  

Xildhibaannada xisbiyada mucaaradka ah ee CUD iyo EUDF ayaa qaaddacay baarlamaanka cusub oo isniintii la furay, ka dib markii ay xukuumadda Zenawi dhegaha ka daboolatay cabooshoyinkoodii ku saabsanaa musuqmaasqii lagu sameeyay doorashadii 15 May la qabtay. 

Xisbiga keligii taliye Meles Zenawi ee EPRDF ayaa soo jeediyay in xildhibaannada mucaaradka ee baarlamaanka soo xaadiri waayay laga qaado awoodda dhawrsanaan xildhibaanimo ee ay ku heleen xubinimada baarlamaanka. 

Keligii taliye Meles ayaa mar kale ku celiyay in qaaddacaada ay mucaaradku qaaddaceen baarlamaanka cusub ay ka dhigan tahay inay dastuurka dalka ku xadgudbeen, isla markaana ay doonayaan inay dawladdiisa afganbiyaan. Wuxuu kaloo sheegay in xildhibaannada mucaradku ay awoodda dhawrsanaanta diblumaasiyadeed u adeegsanayaan inay dastuurka ku burburiyaan. 

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa tallaabadan aad uga xanaaqay, hase yeeshee ilaa iyo hadda wax jawaab ah kama ayna bixinin. Mucaaradku waxay hadda ka hor ku baaqeen in la soo dhiso dawlad ay mucaaradka iyo EPRDF u dhan yihiin, taasoo soo diyaarisa doorasho cusub, balse waxaa arrintaas ku gacan saydhay, oo sheegay inuu dagaal ka xigo keligii taliye Meles Zenawi. 

Suudaan iyo Eritereya oo isu soo dhawaanaya. 

Dalalka Suudaan iyo Eritereya ayaa isniintii shaaca ka qaaday inay ka shaqaynayaan sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhkooda oo sannadihii u denbeeyay oo dhan aad u xumaa.

 Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Suudaan Lam Akol Ajawin ayaa sheegay in dawladiisu ay soo dhawaynayso oo si fiican uga jawaabayso tallaabada ay Eritereya qaadday ee ah sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka labada dal. Ajawin wuxuu sidaas sheegay, ka dib markii magaalada Khartuum ku soo dhaweeyay wafti reer Eritereya ah oo uu horkacayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibada Maxamed Cumar. 

Ajawin wuxuu labada dhinacba ugu baaqay inay si fiican u qabanqaabiyaan wadahadallo rasmi ah oo lagu raadinayo heshiis ku saabsan waxa ay labada dal wadaqaban karaan, si xidhiidhkii labada dal loo soo celiyo. 

Madaxa waftiga Eritereya Maxamed Cumar ayaa isaguna dhiniciisa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhawaynta lagu soo dhaweeyay magaalada Khartuum, taasoo ka turjumaysa buu yidhi in Suudaan ay jawaab oggolaansho ah ka bixinayso tallaabadii xidhiidhka lagu wanaajinayay ee dawladiisu qaadday. 

Wuxuu kaloo sheegay in Eritereya ay ku tallaabsatay sidii ay labada dal u xidhiidhi lahaayeen oo uga doodi lahaayeen qaabka loo sii xoojin karo horumarka hadda lagu tallaabsaday iyo waliba sidii looga wadaxaajoon lahaa qaabkii gobolka nabad iyo xasillooni looga dhalin lahaa. 

Ciidammada Qaramada Midoobey oo ka digay xadka Erotereya iyo Itoobiya.

 Xayiraadda cusub ee lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey waxay mustaxiil ka dhigtay in la ballanqaado in xadka Itoobiya iyo Eritereya uuna ka soconin dhaqdhaqaa millatari, sidaas waxaa khamiistii sheegay afhayeenka ciidammada nabad ilaalinta u jooga xadka labadaas dal.

 “Sababtu waxay tahay iyadoo ay jiraan meelo aanaan arki karin waxa ka dhacaya, mana hubi karno in abaabul millatari halkaas laga wado, sidaas waxaa yidhi afhayeenka ciidammada nabad ilaalinta oo warfidiyeennada kala hadlayay magaalada Casmara. 

Horrantii bishan ayay dawlada Eritereya xayiraad ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey, iyadoo mamnuucday in diyaaradaha helikobtarka ah ee ciidammadaasi ay duullimaad ku sameeyaan dhulka millatariga ka caaggan ee xadka ku teedsan oo dherarkiisu dhan yahay 1000 kilo mitir.

 Afhayeenka ciidammada nabad ilaalintu wuxuu kaloo sheegay inuuna garan Karin sababta xayiraadda loogu soo rogay iyo goorta laga qadi doono.

 Radio Xoriyo

14 October. 2005

C/nuur Sh. Maxamed 

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2005

Yemen oo Qiratay in ay Hub u Dirtay Soomaaliya iyadoo Jebisey Cunaqabatayntii
Sarkaal ka tirsan Yemen ayaa qiray in dawlada Yemen ay hub gaarsiisey Soomaaliya intii u dhexeysey... Guji... Oct 10

»Jawaab Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag | Cali-Mataan
»
Cali Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka | Cabdinur
»Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL: Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»
Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | Maestro
»
Shacabka Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan


»Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade

»
Qoraalkii Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»
Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»
Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD