SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA

Saraakiisha Ciidanka Booliiska oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kampla.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com | Kampala, Uganda | SomaliTalk.com | Oct 13, 2005

 
Saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay kulan heer sare ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Kampala,Kulankan oo la xiriiray is barasho iyo is-dhaafsi aragtida Xalka Soomaaliyeed ayaa xubnihii ka hadlay dhamaantood waxa ay xuseen sida loogu baahan yahay in xiligan la helo Nabad ka dhalata Soomaaliya.
 
Saraakiishan oo muddo ku dhaw laba bilood uu siminaar uga socday magaalada Kampala ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe si rasmiga loogu soo xiro iyagoo maalmaha soo socdana dib ugu laaban doona dalka Soomaaliya.
 
Munaasabadda xiritaanka oo uu ka soo qaybgalayo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamad Geddi,Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,kan ugandha,Xubno ka socda Hay'adda Qaramada Midoobay iyo  Jaaliyadda Soomaaliyeed oo lagu casuumay in ay ka Soo qaybgalaan ayaa looga hadli doonaa arrimo badan.
 
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaaladda Kampala Xuseen Axmad ayaa sheegay in saraakiisha booliiska iyo iyaga ay wax  badan ka wada hadleen oo ku aadan xiriirka dowladda iyo jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Qurbaha iyo kaalinta ay ka wada qaadan karaan kor u qaadista Nabadaynta Soomaaliya.
 
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ugandha waxa uu xiriir aad u wanaagsan kala dhaxeeyaa Dowladda dalka,Waxa ayna ku leeyihiin mudnaan gaar ah,taliyaha ciidanka Booliiska Kampala oo todobaadkan shir la yeeshay Soomaalida ayaa sheegay in Soomaalidu ay yihiin Qabiil ka mid ah dhowr iyo afartanka qabaail ee reer ugandha.

 
Guud ahaan dhinacyadda Amniga iyo Nolosha caadiga ah ee Soomaalida magaaladan ku nool ayaa ah mid wanaagsan marka loo fiiriyo xagga xiriirka dowladda iyo sida loo ilaaliyo in lagu xadgudbo xuquuqadooda laakiin dhibka haysta ayaa ah in ay aad u isticmaalaan maandooriyaha sida qaadka iyo waxyaabo kale oo ay booliiska ku eedeeyeen Dadka Soomaaliyeed aad u isticmaalaan taas oo wax badan u dhimi karta in naftooda.


Soomaali Qaad Cunaya

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com | Kampala, Uganda | SomaliTalk.com | Oct 13, 2005

 

Hogaamiyaha Ururka SLM oo beeniyay eedaymaha uga yimid ururka midnimada Afrika.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com | Kampala, Uganda | SomaliTalk.com Oct 12, 2005

Hogaamiyaha Ururka SLM Abdel wahed Mohamed ayaa si weyn uga soo horjeestay in ururka uu hogaamiyo ee Sudan Liberation Army ay ka dambeeyeen dilkii sadex nayjeeriyan ah oo ka mid ahaa nabad ilaaliyayaal loo diray gobolka daafuur ee ka socday ururka midnimada afrika iyo laba daraawel oo ahaa rayid dhawaan dil loogu gaystay Gobolka daafuur.

 
Mr Abdel wahed Al-nur oo ku sugan magaalada Abuja ee dalka Nayjeriya oo shir jaraa;id ku qabtay halkaasi ayaa kaga jawaabayay hadal laga soo saaray xarunta AU ee magaalada Adis Ababa oo sheegayay in ururka SLM ay ka dambeeyeen dilkaas,waxa uu intaas ku daray in xoogagga SLM aysan wax raad ah ku lahayn eedaymaha loo soo jeedinayo.
 
Mr.Omar Korane oo qoraal ka soo saaray xarunta ay ku leeyihin magaalada Addis Ababa AU-da ayaa ku eedeeyay SLM in ay ka dambeeyeen dilka nabad ilaaliyayaasha Ka socday AU-da loogu gaystay koofurta Suudaan kadib markii ay ciidamada SLM-tu weerar ku soo qaadeen fariisinka ciidamadaas,waxa uuna ka digay in weerarada ay joojiyaan dhowraan heshiiskii Xabad joojineed.
Xoghayaha Qaramada Midoobay Mr Koffi Anan ayaa walwal ka muujiyay afduubka lagu hayo qaar ka mid ah ciidamada Ka socda AU ee jooga daafuur iyo dilalka loo gaysanayo intaba,kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in afduub loo gaystay ciidamada kor kala socda xaalada amaan ee gobolka daafuur.
 
Afhayen u hadlay ciidamadaas oo suudaan ku sugan ayaa sheegay in 36 ka mid ah la afduubayaasha la soo daayay,laakiin wali ay harsan kuwo kale oo ku maqan afduub,Ururka AU ayaa ku eedeeyay xoogaga (JEM) in ay ka dambeeyeen afduubka loo gaystay ciidamada Ururka midnimda Afrika,laakiin ururkaasi iyagana waxa ay beeniyeen in ay ku lug leeyihiin afduubka iyo dilka intaba.
 
Mr Anan oo ka hadlayay xarunta Gineva shir ka dhacayay ayaa sheegay in dowladda iyo ururada mucaaradkaba ee Suudaan ay waajib ku tahay in ay Hay'adaha caalamiga ah kala shaqeeyaan amaanka iyo gargaarka si loo badbaadiyo rayidka,waxa uuna intaas ku daray in ay meesha ka baxayso mas'uuliyadda ay sheeganayaan labada dhinac ee shacabka ah.
 
Dhibaatooyinka ka jira gobolka daafuur ayaa kor u sii kacaya sida uu sheegay
Juan Mendez oo ah sarkaal ay UN ka u magacowday ka hortaga Xasuuqa"waxaan helay in qatartu ay ka daran tahay intii aan filayay markii hore"ayuu yiri isagoo ka soo laabtay safar uu ku dhex maray qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka ka soo qaxay dagaalada daafuur iyo xaafaddo kale oo ku dhaw xeryaha.
 
waxa uu intaas ku daray in xasuuq iyo xadgudub badan oo ah kufsi afduub iyo dil joogta ah uu ka jiro gobolka daafuur,taasna ay ugu wacan xadidaad la'aanta hubka laba malyan oo dadkaas ah ma haystaan wax guryo ah iyo deegaano waxa ayna ku tiirsan yihiin ayuu yiri gargaarka bini aadanimo,Dhibaatooyinka Gobolka daafuur oo xoogoodu bilowday 2003 waxaa ku geeriyooday18,000 kadib markii ay haleeleen cuduro iyo dagaalo ilaa haddana waa kuwo sii socda.

Dabayaaqadii Todobaadkan waxa ay maxkamada dambiyada caalamiga ah Maxkamad ku soo

oogtay Sadex hogaamiye oo kala socday wadamada Suudaan Ugandha iyo Kongo,waxa ayna ku eedaysay Maxkamada ICC in ay mas'uul ka yihiin dagaalada dheeraday ee ka socda Waqooyiga Ugandha afduubka loo gaysto caruurta si looga dhigo askar dagaalna loo galiyo.
waxaa kale oo ay ku eedaysay in ay barakiciyeen ku dhawaad malyan iyo bar dad ah.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com | Kampala, Uganda | SomaliTalk.com Oct 12, 2005

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2005

Tiro kabadan 20,000 oo Qof ayaa Ku Dhintay Dhulgariirkii Pakistan
Dhulgariirkii baaxada weynaa ka dhacay Pakistan ee saamaynta ku yeeshay India iyo Afghanistan ayaa wararku tibaaxeen in dhimashadii gaartey..
Guji....


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD