SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

11 October. 2005 

  • Ogaadeenya: Ciidammada gumaysiga oo darsi lama-illaawaan ah la siiyay.

  •  

  • Mucaaradka Itoobiya oo qaaddacay Baarlamaanka cusub.

  •  

  • Ciidammada nabad ilaalinta Afrika ee Darfur oo qaar laga afduubay.

  •  

  • Guddi Qaramada Midoobey ah oo sheegay in Itoobiya hub keentay Soomaaliya.

  •  

  • Barnaamijkii aragtida halgamaaga(Guulaha Ramadaanka).

====================== 

 Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan dalka Ogaadeenya ayaa si wayn loogu jabiyay dagaallo kala duwan oo toddobaadyadii u denbeeyay dhemaray iyaga iy ciidammada xoreynta Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan; 

25/09/05 dagaal ka dhacay Balli-Wariiri oo u dhaw magaalada Shilaabo waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay. 

25/09/05 dagaal ka dhacay Isku-Dhoonley, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada codwga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay. 

27/09/05 dagaal ka dhacay Goora-Maac oo ku taalla duleedka magaalada Far-Madow, waxaa ciidammada codawga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. 

29/09/05 Meesha lagu magacaabo Dhadhiin, oo Qabridaharre u dhaw waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga gubay seddex baabuur, waxaana inta la ogyahay ku dhimataya 75 askari, oo 7 asrgaal ku jiraan. Sarkaaiisha halkaas lagu dilay waxaa ka mid ahaa kornaylkii siyaasada ee xukumay ciidammada Ogaadeenya oo lagu magacaabi jiray Dajane. 

Markii ciidamada gumaysiga dhibaatadan la gaadhsiiyay, waxay saraakiisha ciidammada gumaysigu shir degdeg ah ku yeesheen magaalada Qabridaharre, iyagoo is-tusay in weerarkan magaalada laga agaasimay, sidaas darteed ay tahay in laga abaalmariyo dadwaynaha ku dhaqan. 

 Saraakiisha gumaysigu waxay ku taliyeen in la laayo dadwaynaha ku dhaqan magaalada Qabridaharre, hase yeeshee haddana way la qumanaan wayday, ka dib markii ay ka cabsadeen in arrintu ku ballaadhato. Markaas ka dib waxay go’aansadeen inay u yeedhaan odayaasha magaalada, isla markaana ay ku amraan inay ciidammo keenaan, hase yeeshee odayaashii magaalada ayaa arrintaas ka diiday. 

Dhacdadani waxay taliska Addis Ababa ku keentay naxdin iyo niyad-jab aan la qiyaasi, iyadoo maalmihii dhacdadan ka denbeeyay hoos loo dhigay calanka gumaysiga ee xaq-darradda uga sudhan magaalooyinka Ogaadeenya. Waxaa kaloo la arkayay iyadoo saraakiisha ciidammada ee Qabridaharre ay dhar cadcad xidheen.

30/09/05 dagaal mir ah oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee Shaygoosh ku sugan waxaa lagaga dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

30/09/05 dagaal mir ah oo sidoo kale lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Wiji-Waaji waxaa lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay. 

06/10/05 dagaal ka dhacay Isku-dhoonley waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay. 

03/10/05 Jeerinka oo Fiiq u dhaw dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 3 askari, oo sargaal kabtan ahi ku jiro, waxaa kaloo laga dhaawacay 4 askari. 

03/10/05 Haar-Dhagax oo Fiiq iyo Baabili u dhaxaysa dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 3 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/10/05 Jaleelo oo Shilaabo u dhaw dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 10 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.  

Mucaaradka Itoobiya oo qaaddacay Baarlamaanka cusub. 

Baarlamaanka cusub ee gumaysiga Itoobiya ayaa albaabada loo furay maalintii isniinta ahayd, hase yeeshee waxaa qaaddacay xubnihii mucaaradka ee ka ashkatoonayay musuqmaasuqii xukuumadda EPRDF ku samaysay doorashadii la qabtay bishii May, kuwaasoo wali codsanaya in la sameeyo xukuumad loo dhan yahay oo soo diyaarisa doorashooyin kale. 

Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka cusub waxaa ka qayb qaatay siddeed xubnood oo kaliya oo ka mid ah xubnaha xisbiga mucaaradka ah ee CUD oo gaadhaya 109 xubnood. Xisbiga kale ee mucaaradka ah ee UEDF oo 52 xubnood Baarlamaanka cusub ku leh waxaa munaasabadda furitaanka ka soo qayb galay hal xubin oo kaliya. 

Xisbiyada mucaaradka ah aya ajimcihii sheegay inay ka baxeen wadahadalladii ay oggolaadeen in la galeen xukuumadda EPRDF, si loogu helo dhibaatada siyaasadeed ee ka dhalay musuqmaasuqii doorashada. Wadahalladaas ayaa axaddii billowday, iyadoo looga dan lahaa in lagaga hortego qaaddacaad Baarlamaanka cusub ee xisbiyada mucaaradka ahi ku baaqeen. 

Waxaan dadwaynaha Itoobiya iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa in wadahalladu ay soo oodmeen, ka dib markii taliska EPRDF uu istaagay mawqif burburin ah, sidaas waxaa yidhi Berhanu Nega oo ka tirsan xisbiga CUD.

Xisbiyada mucaaradka ahi waxay sheegeen in EPRDF ay diidday in ajandayaasha wadahadalka lagu soo daro in laga doodo dhismaha xukuumad loo dhan yahay iyo in laga wadahadlo musuqumaasuqii lagu sameeyay doorashadii 15 May. 

Ciidammada nabad ilaalinta Afrika ee Darfur oo qaar laga afduubay. 

Dhaqdhaqaaqa Cadaaladda iyo Sinnaanta ee dagaalka hubaysan kula jira xukuumadda Suudaan ayaa sii daayay 36 ka mid ah ciidammo uu afduubay oo ka mid ah ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ka hawlgala gobolka Darfur ee galbeedka dalka Suudaan, sidaas waxaa sheegay afhayeenka ciidammada Midowfa Afrika ee Darfur ku sugan Nuuraddiin Mezni. 

Dhaqadhaqaaqa mucaaradka ah ee ciidammadan afduubay waxay wali sii haystaan ninkii kooxdan ciidammada ah madaxda u ahaa oo u dhashay dalka Sinigaal iyo turjubaankii la shaqaynayay 

Tirada ciidammada la afduubay ayaa markii hore lagu wareeray. Waxaa markii hore la sheegay in 18 askari la afduubay, ka dib ayaa haddana la ogaaday in tiradu intaas ka badan tahay. Ciidammadan waxaa laga afduubay magaalada Tine. 

Afduubkani wuxuu dhacay hal maalin oo kaliya ka dib markii ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika laga dilay labo askari, tiro kalana laga dhaawacay. 

Guddi Qaramada Midoobey ah oo sheegay in Itoobiya hub keentay Soomaaliya. 

Hub aad u farabadan ayaa ku soo qulqula dalka Soomaaliya, kaasoo si qarsoodi iyo caddaan ahba looga soo geliyo dhinaca dalalka Itoobiya iyo Yemen, arrintaasoo jebinaysa xayiraadii hubka ahay ee Qaramada Midoobey ku soo rogtay dalka Soomaaliya sannadkii 1992. 

Arrintan waxaa lagu sheegay warbixin dheer oo ka soo baxday Guddi khubaro madaxbannaan ah oo Goalaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay u magacaabay inay baadhis ku sameeyaan xadgudubyada loo gaysto xayiraada hubka ee Soomaaliya saaran. 

Warbixintu waxay tilmaantay in siddeedii bilood ee tegay 175 mar hub lagula kala wareegay dalka Soomaaliya gudihiisa. Warbixintu waxay kaloo tilmaantay in hubka Soomaaliya la soo geliyo uu 378% marka loo eego siduu ahaa sannadkii hore. 

Hubkaas waxaa la soo kala degay toban wasiir oo ka tirsan dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo Madaxwaynaha dowladda ku melgaadhka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yusuf Axmed. 

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in dawlada ku meelagaadhka ah ee Soomaaliya ay hub ka hesho dawlada Itoobiya, kuwaasoo ay k amid yihiin qoryaha culculus oo kuwa darandoorriga u dhaca ay ka mid yihiin, wuxuuna guddiga warbixintan soo saaray sheegay inuu hayo sawirro hubkaas laga qaaday. 

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in millatariga Itoobiya uu tababbarro siiyo malleeshiyada dowladda ku meelgaadhka ah iyo waliba hoggaamiye kooxeedyada gacanta ku haya malleeshiyadaas. 

Dhinaca kale masuuliyiin Maraykan ayaa xukuumadda Itoobiya kala hadlay arrimaha Soomaaliya. Kaaliyaha arrimaha Afrika ee dalka Maraykanka Donald Yamamoto ayaa dhawaan kulan dheer la yeeshay keligii taliye Meles Zenawi, isagoo kala hadlay arrimaha Soomaaliya. 

Waxaa la sheegay in kulankan lagag wadahadlay sidii Soomaaliya nabaddeeda loo sugi lahaa, taasoo ay Itoobiya ay sheegtay inay ka shaqaynayso sidii Soomaaliya xasillooni loogu soo celin lahaa, hase yeeshee dhinaca kalana waxay beesha caalamku hadda ku dhiirratay inay sheegto in Itoobiya ay tahay dawlada sida xad-dhaafka ah hubka u soo gelisa dalka Soomaaliya ee caqabadda kowaad ku ah nabadgelyo Soomaaliya laga dhaliyo. 

Radio Xoriyo

radioxorio@yahoo.com

11 October. 2005

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2005

Tiro kabadan 20,000 oo Qof ayaa Ku Dhintay Dhulgariirkii Pakistan
Dhulgariirkii baaxada weynaa ka dhacay Pakistan ee saamaynta ku yeeshay India iyo Afghanistan ayaa wararku tibaaxeen in dhimashadii gaartey..
Guji....


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD