Max’ed
C/qaadir Max’ed “Marka uu meesha
ka baxo Qoriga ayaa Reer Xamar
heli doonaan xaquuqdooda..”
Waxaa inoo suurtagashay in aanu wareysi la
yeelanayo guddoomiye ku xigeenka dhaqaalaha iyo maaliyadda
ee Gobalka Banaadir Max’ed C/qaadir Max’ed waxaana weydiinay
dhowr su’aalood waxayna su’aalahaasi u dhaceen sidatan:-.
![](oct127.jpg)
S:
Howlihii Gobalka Banaadir ee dhinaca maamulka
ma dhameystirmeen?
J:
inkastoo xoogaa wax la qabtay haddana waxaa
iska jira cariiri iyo caqabado, ay ugu horeyso kala
qaybsanaanta dowladda federaalka iyo waliba damacii oo
batay.
S:
Shirkii dib u heshiisiinta ee Kenya waxaa la
go’aamiyay in wax kasta lagu qabysado 4.5, haddaba qaabka
wax lagu qaybiyay mudane guddoomiye ku xigeen ma ku qanacsan
tihiin?.
J:
Wax la yiraahdo qanac meesha ma yaalo waxaana
safarka hore uga muuqanweynay iyadoo weli uu taliyo Qoriga
marka uu meesha ka baxo qorigu uu qalinku taliyo ayaa waxaa
reer Xamarku heli doonaan xaquuqdooda, laakiin wixii dan u
ah dalka oo lagu hormarinayo dhinaca nabadgelyada,
dhaqaalaha iyo bulshada diyaar ayaan u nahay, inkastoo weli
gobalku uu yahay Gobal laga kala carary oo uu waraabi ka
buuxo, waxaan qabaa in Xamar ay tahay meeshii ilbaxnimada
iyo diinta, waxayna ahayd in lagu daydo, nasiib daro duruufo
adag oo ku habsaday ayaa keentay in Gobalkii uu noqdo meelo
lagu dhibaateeyo bulshada.
S:
Ma aaminsan tahay in Muqdisho laga wareejiyo
caasimadda?.
J:
Anigu ma aaminsani in Muqdisho laga wareejiyo
caasimadda, waayo Magaalada Muqdisho waa Magaalo qadiimi ah
oo magaceedu uu soo jiray muddo qarniyaal ah, meeshii
caasima laga dhigi rabo waxay u baahan tahay ka fiirsasho
iyo taxadar dheeraad ah, Xamar waa la imaan karaa aniga ayaa
ku nool, Dowladdii TMG-da way ku shaqeynaysay.
S:
Yaa qaldan labada dhinac ee is haya ee ku
kala sugan Muqdisho iyo Jowhar?.
J:
Anigu cidaasaa qaldan ma oran maayo, laakiin
waxaa wanaagsan in wixii la wada dhigtay oo ah dastuurka in
la wada raaco, taas ayay ku imaan kartaa in la wada shaqeeyo,
bulshadana haatan uma baahna khilaaf hor leh waayo muddo 15
sano ah ayay ku soo jireen dhibaatoyin iyo dagaalo sokeeye.
S:
Waxaa la isku hayaa ciidamo shisheeye dalka ha la keeno iyo
yaanan la keenin?.
J:
Ma diidani in dalka wixii dan u ah la keeno,
oo ka shaqeynaya nabadgelyada iyo xasiloonida guud, laakiin
waxaan ka soo horjeedaa in caddowga Soomaalieyed dalka la
keeno waayo waa og tihiin Itoobiya waxaa naga dhexeeya
caddowtooyo aad u fog oo soo taxneyd ilaa iyo muddooyin
sanooyin ah.
S:
Haddii aad tihiin Reer Banaadiri maxaad uga
qayb-qaadan weydeen in aad isku keentaan oo aad heshiisaan
xubnaha dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowahr?.
J:
Reer Banaadirugu aad bay u daneynayaan in uu
dhamaado khilaafka u dhexeeya xubnaha dowladda, sidoo kale
aad bay u doonayaan in ay dhex dhexaadin ka sameeyaan
kooxaha is haya, sidaad og tihiin reer Banaadirgu waxay
lahaayeen urur lagu magacaabo SNU oo uu guddoomiye u ahaa
Alllaha u naxariistee Max’ed Raajis Max’ed, haddii waqtigaan
uu joogi lahaa wax badan ayuu ka qaban lahaa khilaafkaasi,
hase yeeshee waa Illaahi Mahadii ururka SNU dib u habayn
baa lagu sameeyay oo uu wuxuu leeyahay guddoomiye.
S:
Oo maxaad leedahay waxaa la xaliyay
khilaafkii u dhexeeyay Beelaha Banaadiriga oo isku haystay
cidda u noqoneysa guddoomiye Uruka SNU?.
J:
Haa, cid kasta ayaa og wixii ka dhacay Hotel
Shaamow oo adigana goob joog ayaad u ahaydeyn wixii halkaasi
ka dhacay, waxaana halkaasi isugu tagay dhamaan qaybaha kala
uwan ee Bulshada Banaadirga, iyagoo halkaasi ku doortay
guddoomiyaha Ururka SNU, loona doortay Eng. Aweys Cadde
waxayna doorashadaasi ku dhacday si Dumuqaaridi ah oo ay ku
qanacsanaayeen dhamaan Beelaha Banaadiriga ah.
S:
Maxaa u soo jeedineysaa shacabka Soomaaliyeed?
J:
Waxaan u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed
in ay ku dhaqmaan Diinta Islaamka, taas ayaana lagu gaari
karaa nabad iyo xasilooni, haddii aan taas la helinna
shacabka soomaaliyeed kama baxayo dhibaatada, sidoo kale
waxaan u soo jeedinayaa damaca dheeriga ah si aan u helno
deganaan, sidoo kale shacanka Gobalka Banaadir waxaan u soo
jeedinayaa in ay dib u soo celinayaa sharaftii iyo
karaamadii ay lahayd caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
lagana baabi’iyo wixii dhibaato ah ee loo gaystay, sidoo
kale waxaan u soo jeedinayaa xubnaha Dowladda ee khilaafku u
dhexeeyo in ay khilaafkoodu ku xaliyaan wada hadal iyo is
afgarad, lana joojiyo wixii keeni kara dagaal hor leh oo ka
dhex dhaca ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa wareystay: Amiin Yuusuf Khasaaro
Email-
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 12, 2005
Tiro kabadan
20,000 oo Qof ayaa Ku Dhintay Dhulgariirkii Pakistan
Dhulgariirkii baaxada weynaa ka dhacay Pakistan ee saamaynta ku
yeeshay India iyo
Afghanistan ayaa wararku tibaaxeen in dhimashadii gaartey..
Guji....
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |