SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkii Wasiirka Isboortiga Shaqada iyo Shaqaalaha Ee Puntland uu La Qaatay Reer Minnesota, USA.

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Isboortiga Shaqada iyo Shaqaalaha ee Puntland Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa ku sugnaa mudo dhawr maalmood ah Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis/St. Paul, Minneasota.

Waxay Wasiirka iyo Wafitgiisu Warbixino siiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, wuxuuna kulankaasi ka dhacay qolka shirarka Augsburg College ee Minneapolis,Minnesota. Shirkaas oo ku socday jawi qurux badan kana muuqato daganaasho.Ayaa lagu furay ayaado qur'anka kariimka ah . ka dib Waxaa lugu soo dhaweeyay Mudane Mohamed Cisman oo ka mid ah hogaamiyayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota, isla markaana xubin ka ah gudoonka golaha loo dhan yahay magaciisana loo yaqaan Confederation Somali Community of Minnesota.Mudane Maxamed Cismaan ayaa dadkii uga mahad celiyay sida quruxda badan ee ay u soo camireen shirka uu wasiirku ka warbixinayo xaalada Soomaliya, gaar ahaan gobolada Puntland.Mudane Cismaan ayaa hadaladiisa waxaa ku mid ahaa " Mudane Wasiir, anigoo ku hadalaya magaca jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesata iyo agaagaarkeeda waxaan kaaga mahad celinaynaa booqashada aad ku timaadeen Minnesota."

Sidoo kale, waxaa goobtaas shirka ka hadashay gabadh Soomaaliyeed oo ku hadashay Magaca gabadhaha Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.Marwo Basaad Imam Khayre ayaa waxay ka jeediisay goobta shirka qudbo dheer oo dadku mar walba sacabka iyo qosolku aan kala go' lahayn.Basaad Khayre ayaa waxay ku amaantay Wasiirka sida sharafta leh ee uu naftiisa ugu huray dadkiisa iyo dalkiisa. Marwo Basaad ayaa hadaladeedii waxaa ka mid ahaa "Wasiirka oo ka mid ahaa Jaaliyada ku nool Waqooyiga Maraykanka ayaa waxaa uu Sacriface u sameeyay in uu dadiisa wax u qabto isla markaana xataa reerkiisi iyo caruurtiisaba la guuray si dadkiisa ugu shaqeeyo"

Macalin Aadan Gaalkacayo ayaa isna goobtaas ka hadalay isagoo sheegay in uu Macalin u ahaan jiray Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel dugsigii hoose intuusan ka mid noqon xulkii qaranka ee Soomaaliya. Mudane Gaalkacayo ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ah"Wasiirka iyo Mudane Xassan Maxamed Jibriil waxaa dhalay laba halyay oo taariikh ku leh soomaaliya , waa Jenaraal Qoosheel iyo janaraal Jirbriil." Intas ka dib, Waxaa codbaahiyaha lugu soo dhawayay Mudane Xassan Maxamed Jibriil. Mudane Jibriil ayaa waxa uu aad u amaanay Jaaliyada reer Minnesota oo uu sheegay in ay yihiin kuwo wax tar leh, isla markaana wax tar muuqada ka gaysta taakulaynta iyo horumarka bulashada Soomaaliyeed ee ku sugan wadankii. Mudane Jabriil ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa " walaalayaal waa idiin han weynahay'e halkaas ka wada horimarka iyo da'daalka aad higsanaysaan." ka dib waxaa halkaas isaguna hadalo ku saabsan taariikh nololeedkii Mudane Saciid Jaamac Qorsheel kasoo jeediyey caryaar yahan caan ka ahaa xulka qaranka Soomaaliyeed hadana ku nool gobolkan Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay waa Mudane Axmed Daahir Axmed oo u cayaari jirey naadigii Horseed ee ka mid ahaa naadiyadii dalka ka cayaari jirey. iyagana waxaa halkaa ka soo qayb galay cayaar yahano kale oo oo u cayaari jirey xulka qaranka Soomaaliyeed iyo kooxihii ka dhisnaa Magaala madaxda Muqdisho. kuwaasooy ka mid ahaayeen Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Sheekha), Cabdulqaadir Yuusuf Ciise (Madaxey) iyo Maxamud Cisse. waxaa isaguna halkaas yimid gudoomiyaha gudiga isbortiska Minnesota Cabdi cali.

Saciid Jaamac Qoorsheel, waxa kaloo uu ka hadalay dhinaca Caafimaadka isagoo sheegay in ay ka gaadheen horimar dhinica caafimaadka. Dhica nabad galiyda ayaa wasiirku sheegay in ay Puntland tahay meel ay ka jirto nUgu danbayntii waxaa lugu soo dhaweeyay codbaahiyaha Wasiirka Isboortiga ,Shaqada, iyo Shaqaalaha ee Puntland Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel.Ka soo qayb galayaashii Shirka ayaa si xamaasadi ku jirto mar la wada kacay Sacab. uu hadalkiisa ku bilaabay "Mudo ku dhawaad tobon daqiiqo ka dib, ayay u suurta gashay in uu Wasiirku hadlkiisii bilaabo. Waxaana sharafta iyo qadarinta leh ee aad noo soo dhawayseen." Intaas ka dib, Wasiirku waxa uu aad ugu dheeraaday xaalada siyaasadeed, bulsho, iyo horimarineed ee Soomaaliya guud ahaan. Gaar ahaan Puntland.

Mudane Qoroosheel, mar uu ka hadalayay dawlad Goboleedka Puntland, waxa uu sheegay in dawaladiisu ay ka kooban tahay Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen iyo baarlamaan la soo doorto.Maxakamadihii iyo dhamaan hayadihii dawalad oo dhan. Sidoo kale, Wasiirku waxa dadwaynihii u sheegay in ay yihiin dawalad ku dhisan hab diimiquraadi ah (decomarcy) golahii degaanadana la soo doortay sanadkan dhamaan lixida gobol ee Puntland. Mudane abad buuxda.Qof kastaana uu ku nool yahay Nabad galiyo waxa uuna yir,i "Waxaa amaan leh ciidamada nabad galiyada Puntland ee ka yeelay goboladeena meel nabad galiyo ka jirto.



Wasiirka ayaa wax uu sheegay in Puntland ay higsanayso horimar dhinac walba ah. Ugu danbayntii wasiirku maruu ka hadlay siyaasada dawalad uu ka midka yahay ayaa wax uu yiri," Siyaasada dawaladayada ay qaadatay waxaa weeye, in Puntland horimar la gaadhsiiyo, Waxaan hada la wadaa Garoon Diyaaradeed oo Caalimi ah, lagana dhisayo Magaalada Boosaso.Sidoo kale, waxaan mushahar u qornay 200 macalin si tayada waxbarashda kor loogu qaado, dhica wadooyinka ayaan dhakhso wax uga qabanaynaa". Wasiirka waxa kalee uu sheegay in Puntland isku filaansho higsanayso ayadoo cidna isku halayn.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynihii ka soo qayb galay shirka ayaa aad u jeclaystay Warbixintii Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo shaqaalaha Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel ayagoo in badani lahayd dalkeenii wax uu u baahan yahay in ay ku noqodaan dad la mid ah Mudane Qoorsheel, si looga wada qayb qaato dib u dhiska dalkeenii Soomaaliya.

Saciid Y Maxamud
Minneapolis, MN

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2005


Ururka Somali Community Information Center oo xaflad weyn ku qabtay London

WD: Saleban hassan Alasow alasow73@hotmail.com

 

Ururka Somali Community Information Center wuxuu magaalada London ee dalka Britian ku qabtay munaasabad si weyn loo soo agaasimay ujeedadeedana ay aheyd soo dhaweynta xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee ku sugan magaalada London.

 
Shirkan madaxdii ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa:-
 
1. Xildhibaan Maxamed Sh. Maxamuud Gacmadheere Wasiirka Horumarint Reer Miyiga
2.Xildhibaan Cali Maxamed Faqey Wasiirudowlaha Kall. & Qeyraadka Badda
3. Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye Wasiirka ka hortagga Aafooyinka
4.Xildhibaan Sahro C/qaadir C/raxmaan Wasiir K/X Haweenka iyo Daryeelka Qoyska
5. Xildhibaan Aamino Maxamed Mursal
6. Xildhibaan Jeneral C/llaahi Cali Cumar
 
Sidoo kale waxaa shirkan ka qeybgalay qeybaha bulshada Soomaaliyeed sida:-Aqoonyahannada, Indheergaratada, Dhallinyarada, Haweenka Culimada waxay halkaasi ka soo jeediyeen dhamaantood sida ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatada Soomaaliya iyo sida ay u arkayaan sida loo xallin karo khilaafka u dhaxeeya dhinacyada dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 
Iyadoo intii uu shirku socday dadweynihii ka qeybgalay ay su'aallo weydiinayeen, isla markaana soo jeedinayeen talooyin ku saabsan xal u hellidda arrimaha Soomaaliya
 
Dadkii Soomaaliyeed ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa:-
 
1. Maxamed Cali Magan
2. Maxamed Xussein Abuukar "Owliyo"
3. C/llaahi Maxamed Cabdi "C/llaahi Telefoon"
4. Axmed Ibraahim
5. Cumar Shariif Muqtaar
6. Sureer Abshir Musse
7. Suldaan C/llaahi Macallin Maxamuud
8. Faadumo Cusmaan Axmed iyo xubno kale oo fara badan

 
Shirkan intii uu socday waxaa shir guddoominayay C/casiis Cali Ibrahim "C/casiis Xildhiban" iyo Gaashaale Sare C/weli Sheikh Axmed wuxuuna ku dhamaaday sidii loogu talagalay, iyadoo shirkani uu daba joogay shirkii ka horreeyay ee la qabtay dhamaadkii bishii hore. Waxaana jiri doono shirar kale oo la isugu soo laaban doono sidii hore loogu marin lahaa talooyin wax ku ool ahna looga soo saari lahaa shirarkaasi.

 
Wariye
Allasow

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2005

Shirkadda Dahabshiil oo gargaar lacageed guddoonsiiyay halgamaa Abwaan Axmed Nuur
Xafladda Guddoonsiinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Dahabshiil ee Magaalada Muqdisho ayaa... Guji...

Booqashadii Guddomiyaha Baarlamaank ee Ingiriiska UK
Faalladii Cabdullahi Nuur  
| Guji... Oct 9

DILKA WAXASHNIMADA EE LOO GEYSTEY G/SARE MAXAMED MAXAMUUD RAAGE | Dr. Black

MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DOOD GABAY OO  DHEX MARTAY DHAGAAFE & NABADOON
»Gabay: Waajib - Waxaa Tiriyey  Inj. Maxamed Cali Cibaar
»Gabay: Halgan - Waxaa Tiriyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi
»Bandhiga weydiimo iyo bareerayaal ugub ah - Wacays
»MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  
»"BUUGA CAAFIMAADKA" Waa Buug Cusub - Xarriir  
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD