SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Daabaco Boggan | Print
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.


Aragtidii Dadweynaha SOOL, SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....

XASUUQII WAGALA :: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,  Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998.. EEG HALKAN


ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji...


  • Maamul Gobaleedka Puntland oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi

  • Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka oo kala saxiixdey Heshiisyo dhinacyo

  • Ra’isul Wasaare Geedi oo soo dhaweeyay go’aankii Xubnaha labada

  • Shiikh Cali Wajiis “Howlgalka ay wadaan Maxkamadaha wuxuu keeni doonaa

  • Dowlada Federaalka oo u soo jeedisay Midowga Afrika iyo Ururka Jaamacada in ay iibsadaan dhul

  • Barre Hiiraale oo la filayo in uu dhawaan soo gaaro Magaalada Muqdisho

WARARKA MAANTA::::

Maamul Gobaleedka Puntland oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi oo ahaa in haddii la aqoonsado maamulka la magac baxay Soomaaliland ay Dowladdu aqoonsan doonto, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenku hadalkaasi ku tilaamamay mid xadgudub ku ah sharciga iyo dastuurka Dowladda Federaalka.

“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo.

Waxaa maalmahan dhaliil xoogani soo gaarsay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu sheegay in haddii la aqoonsado maamulka Somalilnad uu isna dhiniciisa uu aqoonsanayo taasoo shacabka Soomaaliyeed ku noqotay layaab iyo amakaag.

Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka oo kala saxiixdey Heshiisyo dhinacyo

Iyadoo maalmahan Magaalada Johwar ay ku sugnaayeen wafdi ka socday Dowladda Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd waxay heshiisyo kala saxiixteen Dowladda Federaalka, waxayna heshiisya-daasi isugu jiraan dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Nabadgelyada.

Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya oo iyadu dooneysa in ay isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya, taasi waa mid ay ku adkaan doonto.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiskaan u saxiixay danjire Suleymaan, dhinacda Soomaaliyana waxa u saxiixay wasiirak arimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil.

Dhawaan ayaa Dowladda Federaalka waxay heshiis la gashay Dowladda Kenya, hase yeeshee heshiiskaasi ilaa iyo haatan waxba kama fulin, iyadoo Dowladda Federaalka ay dooneysay in canshuur lagu soo rogo Qaadka, Diyaaradaha iyo Maraakiibta ka imaneysa dalka Kenya.

Heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya waxaa dhaliilay qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid la doonayo in lagu dhaco dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Geedi oo soo dhaweeyay go’aankii Xubnaha labada

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay qaateen xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo ah in ay diyaar u yihiin in ay wada hadalo la furaan xubnaha kale ee Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar. “Go’aankaas waa mid keeni kara in Dowladdu ay si quman ay u wada shaqeyso isla markaana ay u adeegto bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Geedi oo sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in kulan ka fool ka fool ah ay la yeeshaan xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Ra’isul Wasaaraha oo haatan ku sugan Dalka Itoobiya ayaa waxaa warkaan soo dhaweynta ah soo gaarsiiyay   Xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar, isagoo ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xubnaha Dowladda. Xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa iyagu qaatay waan-waantii uu waday Wasiirka dib u dhiska iyo din u dejinta ee Dowladda Federaalka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) taasoo ah in uu wada hadal uu dhex maro xubnaha Dowladda ee ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho, kaasoo ka dhaca dalka gudihiisa. Dhinaca kale dadweynaha ku nool Gobalka Banaadir ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka dabacsanaanta leh oo ay gaareen xubnaha Dowladdda ee ku sugan Muqdisho, kaasoo ay sheegeen in uu wax ka tarayo isku soo dhawaanshaha xubnaha Dowladda iyo in ay wada shaqeyn dhex marto xubnaha Dowladda, waxayan sheegeen in taasi ay faa’iido ugu fadhiso shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Cali Wajiis “Howlgalka ay wadaan Maxkamadaha wuxuu keeni doonaa

            Shiikh Cali Wajiis oo ka mid ah Culuma’udiinka Soomaaliyeed ahna xiriirayaha wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa isagoo ku sugan Dalka Sucuudi Carabiya ayaa waxa uu wareysi siiyay Idaacadda Banaadir, wuxuuna wareysigiisu si aad ah ugu dheeraaday howlagalka ay Maxamaduhu ka wadaan Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in howlgalkaasi uu keeni karo mid ay ku burburaan Maxkamadaha Islaamiga ah.

            “Haddii Munkar la suulinayo, uu Munkirkaasi ka imaanayo mid ka dhibaato badan, waxaa loo baahan yahay in laga hakado” ayuu yiri Shiikh Cali Wajiis oo sheegay in Maxkamadaha looga baahan yahay in Bulshada ay marka hore wacyigelin ku bilaabaan.

            “Anigu ma diidani in la baabi’iyo Shaneemooyinka laakiinse marka hore waxaa ka horeysa Maxaa ka imaan kara” ayuu yiri Shiikh Cali oo sheegay in Dagaaladii ka dhacay deegaanka Yaaqshiid ay sababeen dhimasho fara badan, dhaawac iyo barakac, taasoo uu sheegay in ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan ciddii weerarka bilwoday.

            Wuxuu ugu mahadceliyay Maxkamadaha Islaamiga ah sida ay gacanta uga gaysteen nabadgelyada Magaalada Muqdisho, waxaa kalloo uu soo jeediyay in Maxkamadaha looga baahan yahay in ay latashiyo fara badan la sameeyaan Culuma’u-diinka Soomaaliyeed si ay u gaaraan hadafkooda.     

Dowlada Federaalka oo u soo jeedisay Midowga Afrika iyo Ururka Jaamacada in ay iibsadaan dhul

            Iyadoo dhawaan xafiisyo ay ka furteen Magaalada Jowhar Ururka Midowga Afrika iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa haddana wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar ay ka codsadeen Ururadaasi in ay iibsadaan dhulka ay xafiisyada ka furan doonaan sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

            “Hadda Dowladdu waxay diyaar idiinla tahay in si ku meel gaar ah aad ugu shaqeysataan guryo, laakiin Mustaqbalka waxaa loo baahan yahay in aad dhisataan dhulkaas oo aad iibsataan” ayay yiraahdeen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.

            Arintaani ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Midowga Afrika oo sheegay in ay diyaar u yihiin in Magaalada Jowhar ka dhistaan xafiisyadii ay ku howlgali lahaayeen, taasoo ay sheegeen in ay noqon doonto hanti ay leeyihiin Ururka Midowga Afrika iyo Ururka Jamaacadda Carabta.  

Barre Hiiraale oo la filayo in uu dhawaan soo gaaro Magaalada Muqdisho

Warar aanu ka helnay Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Hiiraale la filayo in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in uu halkaas ka sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday xubnaha Dowladda ee Muqdisho iyo Jowhar kuwaas oo uu u dhexeeyo khilaaf dhanka fikirka ah.

Dhawaan ayaa xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxay soo dhaweeyeen waan waanta uu wado Barre Hiiraale, waxaana la filayaa in Barre marka uu soo gaaro Magaalada Muqdisho uu kulan gaar ah la yeesho Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubnaha kale ee Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Barre waxa uu u gudbi doonaan Magaalada Jowhar halkaas oo uu kula soo kulmi doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, kaddiban Barre Hiiraale waxa uu soo bandhigi doonaan halka ugu haboon ay ku kulmi doonaa xubnaha Dowladda, warar ayaa waxay sheegayaan in la qorsheenayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf ay ku kulmi doonaan Magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa kal hore warqad qoraal ah u diray Guddoomiyaha Baarlamanka uu kaga dalbanayo in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda ee ku kala sugan Magaalada Muqdisho iyo Jowhar, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo dhaweeyay isagoo ku wargeliyay Barre Hiiraale in arintaan uu hor dhigayo xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay go’aan ay ka soo saari doonaan      

W/D AmiinYuusauf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@otmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2005


Cid aan aniga ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi... Guji... Nov 16

Gen. Morgan oo loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal Gobolka Sh/Hoose
»Maamulihii Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa
»Dowladda Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..
»Xildhibaan Dhimbil “Geedi waxaa uu ku xad gudbay...
»Suudi, Finish iyo Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..
»1540 qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..
Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD