SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
Waa  Maxay  Far Qiga  Udhaxeeya  Cabdulaahi Yususuf  iyo   Cabdiqaasim Salaad  Xasan???..

Waxaa qoray wariye Jamaal Maxamuud Axmed (Shuuriye)

email : shuurye55@yahoo.com

Kenya, Nairobi

 
Allaa  mahad leh  dhamaan  akristayaasha  sharafta  leh  waxaan lee  yahay  gacmo  furan  oo ay  farxadi  ku  dheehan  tahay  ugu  soo dhawaada  maqaalkaygaan   aan ugu magacdaray   waa  maxay  far  qiga  udhaxeeya   Cabdulaahi  yuusuf  iyo  C/qabdiqaasim  salaad  xasan  labadaan  masuul  oo  midna  hada yahay  madax weyna  dalka mid  ka kala ahaa  madaxweynihii  hore  ee  dawladii  jabuuti  loogu  soo  unkay dad ka iyo dalka somaaliya.
 
 Waxaan  ku  horay  marayaa madaxweynihii  hore ee  dawladii carta   ee lagu soo dhisay  Dalka  jabuuti C/qabdiqaasim  salaad  xasan    habeyn  kii ay  taariikhdu  ahayd   25/08/2000, habeyn  kaas   cabdiqaasim  magaciisa  waxaa ka hor  maray  erayga ah  mudane  madaxweyne    cabdiqaasim  mar  kii  la doortayba  waxaa  uu  galay   qaban qaabadii  uu ugu  soo  safri lahaa     dalka  somaaliya  gaar  ahaan   magaalada  caasimadaa   ee   muqdisho,  Cabdiqaasim salaad xasan  waxaa   ladhihi  karaa dawladisii waxa ay kasocon wayday qabqalayaasha soomaaliya Gaar  ahaan  kuwii mar  kaas  jogay  caasimada somaaliya ee muuqdisho, Mudane C/qabdiqaasim  salaad  xasan si  dag  daga  ayuu  ugu  soo  socdaalay   dalka  somaaliya  gaar  ahaan  caasimada  muqdisho, maalin  tii  uu  yimid  magaalada  muqdisho   dad  ka  kunool  muqdisho  si  heer  qarana  ayey  usoo  dhaweeyeen  oo aan  horay loo arag  in  tii  bur  burku  kajiray  dalka maalintaas  dadka  soomaaliya  meel  kasto  ay  jogaan waxa ay  filayeen  dawlad  qaran waxa  ay  na  niya  dooda  gasheen  in  ay  dhamaatay  is  koox kooxaysigii  hogaami yayaaha  lanahelay  dawlad qaran qabqab layaashii  somaaliyana  waa  ay  wada  quus teen mar  ka ay  ar  keen  dadku  sida  ay  u rabaan  dawlad nimada iyagoo bilaabay in ay dadka isku dayaan in ay ka jeediyaan oo ay ka horkeenan dawlada arintaasina waa mid markii danbe ay ka quusteen.
 
Cabdiqaasim Salaad Xassansu aashu waxy tahay qabqab layaashu maxay uga hor yimaadeen dawladii c/qaasim?  su'aashaasi jawaabteedu maahan mid meel fag lagaraadinaayo qabqab layaashu waxaa aysan ka mid ahayn dawladii carta oo aysan  wax  jagaa  kahaysan  haba yaratee, waxayna rabeen in nin aan qabqale ahayn uusan madax wayne noqon fikir kaas  qal dan  ee ay  qabqablayaashu  qabeen  waxaa usii  dheree   arinkaloo  kasi daran  oo ahayd  qab qablayaashaas 50 gaaraya in ay  wada rabeen  haljago  oo ah  madax tinimo.
 
taas  badalkeeda dawlada    iminka ee,uu, Madax waynaha ka yahay c/laahi yuusuf ay ku jiraan dhamaan qabqalyaasha soomaaliya oo dhan marka laga reebo hal ama labo   jaanis  ku  udiiday  ama   beel ahaan  uwaayey  oo ay  kahayaan  jagooyin sar  sare  oo ay  kamid  yihiin wasiro  xildhibaano.

C/qaasim  salaad  xasan  mar  kii uu yimid  casimada somaaliya ee muqdisho waxa  uu  dagey   guri  uu  ku lahaa   magaalada  muqdisho halkii  lagarabay  in  uu  dhaho  waxaan  dagayaa Xaruntii  Dawlada somaliya  ee  ahayd  filo somaaliya  mar  kaas  xarunta  waxaa  gacanta  ku  hayey  in jineer   Xuseen  Maxamed Faarax caydiid'  laakin  maalin taas  cabdiqaasim  cidan  malahayn   ina  caydiid na  hogaamiyuu  ahaaye  sidee  buu   kudagi karaa  fila somaaliya  ,su'aashaas  jawaab  teeda  waxaa  lasoo  bodi  kara    amaba  garanaaya qof kii  maalintaas  joogay   caasimada somaaliya  ee  muqdisho  gaar  ahaan  taag  na   banaanbaxii  lagu s oo  dhaweynayey    cabdiqaasim  salaad  xasan    cabdiqaasim  maaalintaas  waxa  uu  haysatay  ciidan  aysan  haysan   dawladaha  aduunka  ugu  awooda  badan is  kabadaa  qab qab layaal  xun xunkaa   oo  dhawr  tigniko  oo yaryara kufaanaayawaxaa  kaloo jirta  su aal  kus oo noq  noqonaysa maskaxda  dadka  su aashaas oo ah  cabdiqaasim  mar kas baaba lasoo doortaye  oo  jabuuti  lagusoocaleema saaraye goor muu  ciidan ka  awood daas  leh   helay    , su aashaas  jwaabteed  waxa  weeye  cabdiqaasim  ciidan kiisu  waxa ay  ahaayeen  dhamaan  dad  ka   kunool  magaalada  muqdisho  oo  dhamantood  wax  walba  lagarab tag naa wax  kale iskadaaye  hadii cabdiqaasim  uu  yiraahdo  Fila somaaliyaan rabaa   hadii  dad  kii  maalintaas sodhaweyey  kudareraan  daacadii  cid  horistaagi kartay majirin. 

laakin  nasiib  xumo  cabdiqaasim   dawladiisii  sidii  lagarabay  mayelin  ee  carab  buu  hoos  geeyey  shaqana  waxa  uu  kadhigtay  in  uu  mar ba  safar  kutago  dalka  kamida  dalalka  carabaha    maalinba maalinta  ka danbaysa   dawladii   cabdiqaasim  madaxweynaha  ka ahaa  waa ay  sii   dacifaysay oo waxaa  siiyaraanayey taageeridii  dad  ku uahayeen  ka dib jilaafada qabqalayaasha oo dharbaaxo ay la dhacdo ku noqtaydawladii  cabdiqaasim  balse  aawey  dhaqaalihii  faraha bad naa  ee  uu  cabdiqaasim  carabaha  kasoo  dawarsaday dhaqaale aad u fara badan ayay heshay dawladii  cabdiqaasim dhaqaalahaas   oo markii ay socon wayday dawladii c/qaasim nin walba oo  oo  jaga  kahaaya dawlada  haduu ahaan lahaa  wasiira  ama  xildhibaana  ama ciidan   waxii  dhaqaale  soogaaray ayuu  ehelkiisa  iyo  danahiisa  shaqsiyadeed  kufushaday  war miyaanan cabdiqaasim  maxakamad  lagu soo  tagi  karin aawey  dhaqaalihii  dad ka  iyo  dalka somaaliya  lagugu soo dhiibay. 

 dhaqaalihii faraha badnaa   ee  uu  helay   cabdiqaasim  dalkana  uusan  wax  uga  qaban  waxa ay  sabab  tay  in dawladaha  aduunko  aysan wax  dhaqaalaa  siinin  dawlad  kale  oo  loo soo  dhiso  somaaliya  waayo  dhaqaalihii aysiyeen  dawladii  carta  ayey  wax  natijaa kawaayeen  taas  badalkeeda haatan  dawalada  cusub  ee  uu  madaxda  kayahay cabdulaahi  yusuf   wax  dhaqaalaa  ay  kuweyday. 

Cabdiqaasim  salaad xasan  waa madax weyne   kuwa naagsan

dhanka ALLa Khayrsiyee  diinta  islaamka Cbdiqaasim waxa kaloo  uuku  dadaala oo uuraadshay  taageero carbeed isagooku guulaystay   dadaalkisii  helayna  taGeero aad  uweyn oo dhanka carabta ah oo ay abid helin dawladihii somaray somaaliya dawladii  cabdiqaasim  salaad xasan  majecla  oo  maxiriiriyo  dawladalada  Ethobiya isagoo saxaafada dhawr mar ka sheegay in Ethopia ay tahay Dawlada kaliya  ee    hortaagan  qaran Nimada somaaliya   C/qaasim salad xasan waa nin aftahan ah oo hadalka dadka ku soo jiitamar kasta  oo  uuhadlana  dad  ka  farxad  galiya rajo wanaagsana umuujiya  halka Madax wayne C/laahi yuusuf uu yahay Nin markauu hadlo dadka ka ku abuura  dareen  dagaal  oo horleh  xasuusiyaan dhaawacyo  hore  oo lais kugeystay  fag  fagana  taariikho dagaal Cabdulaahi yuusuf axmed nin iska ad adag oo milatiri ah jecelna in  uu  wax  walba  awood  uadeegsado. 

 c/laahi yuusuf waa nin aad iyo aad ugu xiran dawlada Ethopia oo xiriir fiican la leh waxaana uu sheegaa in Ethopia ay tahay saaxiibka kaliyga ee geeska afrika ay soomaaliya ku lee dahay ayna  tahay  dawlad  darisa  oo amaan  iyo  qiimaba kamudan somaaliya  saas  darteedna  qofkii  wax  kashegaa  u  yahay  qof dawlad diida. 

Cabdiqaasim  salaad xasan  mar kii ladoortat   madhaaran   oo madhihin waxan  ladagaalamaayaa     Qab qab layaasha   Cabdiqaasim  salaad  xasan   ma uusan  dalban  ciidamo  shisheeye halka claahi yuusuf axmed oo sheegay oo uu  yiri  cidii  dawlada  kahortimaada  xoog  baa loo adeegsanayaa lahogaamiyaasha balse markii danbe ka laabtay sidoo kale waxuu dalday c/laahi yuusuf ciidamo 20 kun gaaraya oo afrikaan ah in ay soomaliya yimaadaan oo u badan amaxaarada ama Ethopianka. 

akhrisatayaal  saad  kumaqashaan     labada mas uul  iskumid maahan  laakin majecli  in aan idin dhaho  hebel  baa  fiican  waayo  mar kaas  baad  idhahaysaan  wa a reer  hebel  oo  is kuqoloweeye  saas  buu  utagerayaa  taas  badalkeeda   waxaan uga baxaya alabada masuul  waa labo  mas uul  ee  wanaagsane   halawada  tageero  waayo  waa  madaxdii  dalka  waxad  kahor imaan kartaan oo  kaliya  mar kii ay  diinta islaamka  wax    quseeya  idiin  ka hor istagaan. 

10 aktobar 2004 habayn  qof  ba  dareen  nooca  kudhashay 

 C/abdulaahi  yuusuf 10 aktobar 2004 magaca cabdulaahi yuusuf  waxaa  kahor maray  eray  uu  muda  raadinaayey  oo  uu  dhib  iyo  rafaad  iyo  silic  usoo  maray   eraygaas  oo  ahaa  mudane madax weyne  cabdulaahi  yuusuf   waxaa la sheegaa in sanadihii lixdamaadkii inoo ahaa nin jeclaa inoo mar madax wayne ka noqdo soomaaliya balse ilaah ayaa og xilga oo noqayee 2004 ayaa oo noqeday oo ku dhaw 40 sano ka dib markii oo hamiyay waa nin jecel wax inoo xukumo balse aan lahayn siyaasada fican marka laga reebo habka milatariga inoo isticmaalo waxaa uu aaminsan yahay in wax walba  awood  iyo  xoog  lagu  maquuniyo   meeshii  lagarabay  in  uu caqli  iyo siyaasad  dagan u is ticmaalo cabdulaahi  yuusuf  waxa  kaluu aamin san  yahay  waxa loo  yaqaan  qabiilka  ama qabyaalada oo waa nin si daran qabyaalada ugu fagaatay taas  waxaa  kuu  xaqiijinaaya  cabdulaahi  yuusuf  hadaad utagto  adoo  saxiya  ama  wariyaa  oo aad  rabtis  in aad  wareysato inta aadan wareysan  waxaa  uu  kuweydiinayaa  su aal  aad  ufool  xun  oo  ah , adeer   rag  waa  barashee  yaa tahay  qoladee  kadhalatay mar  kaas kadib   cabdulaahi  yuusuf  waxa  uu kugu qimaynayaa Qabiilka  aad  ka  aad  usheegatay ee aad  kadhalatay sidoo kale c/qaasim isgana kama yaraysto dhanka qabyaalada balse waa oo qarsadaa oo  si xig madaysan  buu  u isticmalaa   cabdiqasim  hadad  adoo  wariya uatagto  waxaa  lagayaba in  uusan kuweydiin qoladada  laakin mar kuu  wax  bixinaayo  cabdiqaasim  xoga a waa lagayabaa inuu  eego  dhan kaQabiilaka cabdiqaasim  inuu  qab yaalada yaqaan waxaad  kudaliil san kartaa hadalkii oo yir madax waynihii hore ee soomaaliya ilaah janada ka waraabiye  Maxamed siyaad bare hadalkaas  oo ahaa '' C/qaasim qayblaayada dhooxa ayay ka gashay  '' . 

Cabdulaahi  yuusuf   mar  kii ladoortay  kadib  sidii  cabdiqaasim  oo kale    Ma uusan   toos  u aadin  muqdisho ee waxa  u   raadshay  magaalooyin kale ee  uu  ku  badsho  muqdisho maadaama muqdisho ay noqotay balaha galeen sida oo sheegay isagoo markaas  kadib  sheegay  inuu  dagaayo   magaaloyinka  jawhar iyo baydhabo    asa goo  dhaliilo  badan    oo ay  muqdisho le dahay  tusinaaya   aduunka  ugu  dan bayntii   madaxweyne  cabdulaahi yuusuf  waxa  uu dawladiisii kadajyey  magaalada jawhar halkii  uu  cabdiqaasim dawladiisa  kadajiyey  caasimadii  dalka  ee   Muqdisho su;aasha  aan weydiinayo akhris tayaasha  waxa ay  tahay   labada mas  uul  ama  madaxweyne  keebaa sax  sanaa qof kasta  iyo  fikirkiisa ayaan  udaayey.

C/laaahi yuusuf Axmed waa nin ka soo qayb qaatay dagaaladii sokeeye ee soomaaliya balse waa oo ka cudur daartay oo waxaa oo yirihabayn kii ladoortayba '' waxii hore hala iska ilaawo sidan in ay wax noqon doonaan ma ogayn markii aan ridanay dawladii maxamed siyaad bare anigu waxan ahaa ninkii ugu horeeyay ee qori u qaata dawladii soomaaliya   waxa  kaloo  uu  cabdulaahi  habyn kaas  yiri waan  ogahay oo  fulay xantiis ma muuga waxaa  la iiyaqaan nin  dagaal   laakiin hatan kadib waxaan noqonayaa    nin  nabdeed  ee  saas  halala socdo''   hadaladaas  aad  bay  usoo jiiteen  dad  ka somaaliya  laakin   qofku  waxa uu  barto madaayee   hadalkii  sadexaad  ee  uuyiri   cabdulahi yuusuf  waxa  uu ahaa   20 oo as  kari  hala isiiyo  dalkana aan kunabdeeyo  taas waxa ay wada  tustay  dad  koo  dhan in  cabdulaahi  wali  diyaar  uyahay  in  uu  xogiisii is ticmaalo. 

 halka c/qaasim salaad xasani oo  ahaa nin iska wadaadada islaaxa ah oo aan dagaaladii sokeeya aan ka qayb qaadan balse taageersanaa qaabka beelaha oo ka soo jeedo ay dhul baraarisga u wadaan sida jobooyinka shabeelada hoose   cabdiqaasim   aakhirkii  wax  uu kamer  meertaba  shirki kenya  ayuu  yimid  asagoo  dhan usocda  oo ay kasoo  horjedaan   raysalwasaarihiisi  iyo   Gudoomiyihiisii  baal lamaanka  labadaas  masuul  oo kala ahaa xasan abshir  faarax oo ahaa  raysal wasarihi iyocabdalla deerow isaaq  oo asna aha  gudoomiyihii baar lamanka  ugudan bayntii  cabdiqaasim  isgoo og  xaalka  ka siduu yahay uusan halkaan wax  jaga a kahelayn ayuu   iskutaagay  xilka madaxtinimada somaaliya  laakin maxa,karaacay  inuu asagu is kiis is kucasilo  oo  uu dhaho waan tanaasulay ayey dantu tustay  mudane  cabdiqaasim salaad  xasan. 

akhristayaasha  sharaftalahow    madaxdii somartay somalaiya  nin  ba sibuu ahaa  waayo  shanta farood  ee  gacmaheena kuyaal alle  masimin  ee  waa  uu  kala  badalay  macnaha hadalkayguna waa     cabdiqaasim salaad  xasan iyo    cabdulaahi yuusus   iskumid maahan oo labadoodaba      mid kas ta  isagaa isla quman    horay  bay somaalidu  ugu maah maahday  nin kas ta qumanihiisa ayaa qoorta  ugu jira    habaynkii ladoranayey  cabdiqaasim  iyo  habaynkii ladooranayey  cabdulaahi yuusuf iskumid maahayn  oo  dad  ku  waxa ay  xiso badnaayeen habayn kii   cabdiqasaim ladooranayey      habynkii  cabdulaahi laftigiisu ma  amuurayarayn laakiin  dad  ku  waxa ay  rajo  badnaayeen  habaynkii  cabdiqaasim oo ay  aad  iskulahaayeen  dawlad  ba a lahelay. 

akhristayaal   miyey san  dad  ka reer  muqdisho miyeysan  dawlad  nimo iyo  kala  danbayn   rabin   jawaab taas  su aasheeda  nin  ba  sibuuu  uga  jawaabay  oo  horay bay somaalidu  utiri  nin  ba ceesaan tiis    celgee   macnaha  hadalkayguna  waxa  weeye   xamar waxaa  jooga dad  aad  ufarabadan  isugun ajira      ganacsato  qab qab layaal   masaakin  culumaaudiin  iyo   maato  dad   kareer  muqdisho  dawladnimo  weyrabaan lakin   waxaa  hortaagan  rag aan dawlad nimo  rabin kana  soo horjeeda  in dalka  lanabdeyo waayo  waxa ayhaystaan  xoolo xaarana  gryo xaraana  baabuur  xaraana beero  xaraana ragas waxaa  kamida   ganacsatata  ugu  tunka weyn  magaalada  xamar  iyo  maxaakiimta  oo  kubeensheeganaaya  magaca diinta  islamaka  iyagoo  kuqaraabanaaya iyo  qab qab layaal  banan  ka soo dhigtay   dawlad  diid nimodooda oo aan codna  kabaqayn cidna  kaxishoonayn. 

akhris tayaal  xagee  lagu ogyahay  oo  lagu  hilmaamay   dad  ka  malin kasta  udhagtaagaya  dawladnimada somaaliya  kuna xaraysan heryaha  qaxotiga  ee   aduunka daafihiisa  kuyaal  ma,aqaan meesha lagu hilmamay   akhristayasha  waxan umada somaaliyed mel kastoo ay jogaan kula  dar  daarmayaa  in ay  kasoo   horjeestaan  cadawga  somalaiya  iyo  raga  u adeegaya  oo  loo  yaqaan  qabqablayaasha  waxa  kaloo aan kaltalin lahaa  in ay racaan hadalada  hogaamiya  kooxeedyada  kuwaas  oo  hadaba   arimohooda kufushanaaya.  akhristayaasha  qiimaha  iyo  qaayahalahow  waxaan  idinkaga  tagaya amaana  alaah  intaas  baana  kusoo  gaba  gabaynaya  maqaalkaygii  waxii  khalada  oo  igadhacayna  raali ahaan shaan idinak weydiisanayaa. 

allaaweyn nin kii aaminaa  awoodleh  umad  waliba  ayaheeda inay  garato ayadaa  leh

waxa  qoray  Jamaal  Maxamuud Axmed Shuuriye

               Email   shuurye55@hotmail.com

               Email   shuurye55@yahoo.com

                           Kenya       Nayrobi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2005

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD