SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Daabaco Boggan | Print

Minneapolis:: Shir Lagu Taageerayey Go'aankii Baarlamaanka DFKMG oo ku Dhammaaday Buuq

XUSUUS: Waxaan haynaa cod aan ka duubnay kulanka maanta,  Halkan ka dhegeyso....

DSC03280
DAAWO SAWIRADII SHIRKA.....

SHIRKII OO MAQAL AH HALKAN KA DHEGEYSO...

Galabnimadii Axadda (Maarso 20) ayaa shir lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Shirkaas oo qorshihiisu ahaa in lagu taageero go'aankii  baarlamaanka DFKMG ee ku wajahnaa keenista ciidamada shisheeye ee dalka Soomaaliya la keenayo.

Kulankaas oo ay ka soo qayb qaleen Soomaali aad u fara badan oo soo camiray aqal aad u weyn ayaa qiyaastii 3:00pm waxa uu ku bilowday si xamaasad ah, taas oo markiiba madasha laga dareemayey shucuur iyo jawi soo kala hor jeeda: Dad taageersan go'aankii Baarlamaanku Nairobi ku gaarey 17/3/2005, iyo dad ka soo horjeeda go'aankaas. Labadaas qaybood oo qolona leedahay dhibaatada oo dhan waxaa weeye Itoobiya oo rabta in ay Soomaaliya carqaladayso, iyo qayb leh ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya dan u ah ee hala keeno.

Waxaa shirka soo qaban qaabiyey qolada taageersan go'aankii baarlamaanka DFKMG. Shirkana furay.

DSC03291Kaddib waxaa magarafoonka lagu soo dhoweeyeye Sh. Xasan Jaamici oo soo jeediyey hadal dadkii oo dhammi ay si wanaagsan u dhegeysteen. "Anagoo kala aragti ah, kala faham ah, kala qabiil ah ayaan hadana isku meel u soconaa oo ah in aan dhisano qaran. Waxaana taageersanahay go'aankii baarlamaanku ku qaatay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda safka hore" ayuu yiri Xasan Jaamici oo intaas ku daray "Ilaalinta dawlada Soomaaliyeed waa waajib diini ah".

DSC03293Kaddib waxaa hadal kooban soo jeediyey C/laahi Kulmiye oo ah arday dhigta Jaamacaadda Minnesota (University of Minnesota), waxana uu xusay in Baarlamaanku yahay xubinta ugu saraysa ee sharci dejinta dalka. "Waxaan taageersanahay go'aankii baarlamaanka ee ahaa in aan Soomaaliya la keenin ciidamada safka hore, sida aan u taageeri lahaa haddii ay ogolaan lahaayeen in la keeno" ayuu yiri.

DSC03297DSC03306Kaddib magarafoonka waxaa lagu soo dhoweeyey Sheikh C/raxmaan Sh. Cumar. Waxana uu dadweynaha ku booriyey in ay taageeraan wax kasta oo ay ku jirto maslaxadda ummada Soomaaliyeed ciddii rabta ha tiraahdo'e, ayna diidaan wixii aan mujtamaca dan u ahayn, ayna tuuraan caqliga qabiilka. Waxana uu dawladda Soomaaliyeed xusuusiyey in ay tahay in ay dhawraan xeerka u degan, "waa in la ilaaliyo wixii lagu heshiiyey" ayuu yiri Sh. C/raxmaan. axana uu intaas ku daray "Aniguna waxaan la qabaa go'aankii ay qaateen dallada culimada Soomaaliyeed ee ahaa in aan la keenin Soomaaliya ciidamo ka socda safka hore, maadaama aan nahay dad tabar daran oo dhib badan ay noo geysan karaan."

DSC03302

DSC03303Cabdi Barre oo ku qaylinaya Dr. Xuseen si uu uga joojiyo hadalka
DSC03285Sulub oo isna Cabdi Barre fikrada la qaba, diidana in uu shirku sii socdo...

Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Dr. Xuseen Cigaal. Markiiba waxa uu Dr. Xuseen tilmaamay calaamad ku dhegeynayd derbiga madasha oo ay ku qorayn "Maya ciidamada wadamada Safka hore" (taas oo ku qornayd af ingiriisi), waxana uu yiri safka hore ee la sheegayaa waa "Itoobiya", "Sida dad badani ka qoreen oo yaala laybareeriyada, waxaa Soomaaliya ka degi weydey oo car qaladayneysa waa Itoobiya" ayuu yiri. Kaddib dadkii intisii badnayd ayaa u sacbiyey oo u riyaaqay. Waxana uu bilaabay in uu faallo ka bixiyo sida ay Itoobiya u carqaladaynayso Soomaaliya. Laakiin taas lamaba sugin oo waxaa madashii ka bilowday cod teel teel ah oo leh "NO NO NO" iyo buuq iyo sawaxan iyo qaylo hadalkiisa looga soo hor jeedo, oo dumar u badan.

DSC03289Markiiba Ninkii madasha xiriirinayey ayaa isku deyey in uu arrinta dejiyo, waxana uu markiiba dadweynihii weydiiyey in ay inta Itoobiya taageersan ay gacanta taagaan, in badan ayaa taagey, markaas ayuu yiri yaan taageersanayn, Intii in labajibbaarkeed ka badan ayaa gacmaha taagey. Kaddib waxa uu xiriiriyihii weydiistey in inta Itoobiya taageersan ay doortaan hal qof oo u hadla, waxay isla markiiba doorteen oday Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Cubeyd. Cubeyd waxa uu ku biiray dadkii martida ahaa ee loo qorsheeyey in ay shirka ka hadlaan. Laakiin buuqii isma taagin, taas oo  u muuqatey in dadka buuqayey hadafkoodu ahaa in shirku istaago, ee aysan ahayn keliya in ay diidan yihiin go'aanka baarlamaanka, ayadoo dumar koox ah oo hal meel fadhiyeye ay aad u buuqayeen mar kasta.


ERAYADII KU QORNAA DERBIGA MADASHA WAXAA KAMID AHAA:::

Thank you United States for Your Support

No Dictatorship, Yes Democracy

Yes! International Peacekeepers

Yes! Government

No Troops From Frontline States

Many Thanks to Somali Parliamentarians


SHIRKII OO MAQAL AH HALKAN KA DHEGEYSO...


DSC03320Intaas ka dib Dr. Xuseen waxaa la yiri sug, waxaana magarafoonkii lagu wareejiyey Shiikh Ibraahim si uu dadkii u dejiyo. Laakiin taasi dadkii ma dejin. Waxaana sii socdey buuqii, is qabqabsigii, iyo af-ka-hadalkii. Laakiin la islama gaarin in kuraasta la isu qaato, sidii ka dhacday baarlamaanka Soomaaliyeed, waayo sharciga Maraykanka ayaa qabanaya qofkii qof kale dhaawac gaarsiiya - DSC03323afka waa laga wada hadli karaa lakiin gacan la isuma qaadi karo Maraykanka, aad ayeyse ugu dhowaatey in la isu gacan qaado. Waxaana durbadiiba madashii soo buuxiyey Booliska, nin boolis ah ayaa qabsaday magarafoonka waxana uu amar ku bixiyey in goobta laga baxo, dhammaan hal mar ayaa bartii laga baxay. Sidaas ayuuna shirkii ku istaagey.

DSC03276Dadkii madasha fadhiyey oo ay ahayd in ay madasha ka hadlaan, laakiin intii aan la gaarin buuqu dhacay, waxaa kamid ahaa Prof. Cali Khaliif Galayr, ra'iisul wasaarihii hore ee dawladii lagu soo dhisay Carta iyo marti kale.

Marka la eego jawiga waxaa muuqatey in qaban qaabiyayaashii shirku ay aad u dulqaateen, isla mar ahaantaasna muujiyeen dulqaad badan, iskuna dayeen in ay shirka dejiyaan. Laakiin taasi ma dhicin, waana lagu kaal dareeray shirkii, ayadoo dadka badankiisa wajiyadooda ay ka muuqato in ay ka xun yihiin sida wax u dhaceen.

DSC03328Bannaanka shirka marka looga soo baxay waxaa daafaha guriga ka muuqaney gawaari badan oo Booliis ah oo ku xeeran aagga guriga shirku ka dhacayey, nabadana ilaalinaya.

SHIRKII OO MAQAL AH HALKAN KA DHEGEYSO...

DAAWO SAWIRADII SHIRKA.....

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 20, 2005


Barre Hiiraale oo Ka hadlay Khilaafka DFKMG
Waraysi uu Kismaayo ku siiyey SomaliTalk ayuu.. Guji... Mar 20

Bayaan: Golaha Masaajidda W/Ameerika
oo taageeray go'aankii baarlamaanka FKMG ee ku aadanaa keenista ciidamada safka hore... Guji... Mar 20

Shirkii ay Yeesheen Ururka Midowga Dhallinyarada Soomaalida Sweden
Stockholm: Warbixintii Ibraahim Saalax...
Guji..

VIDEO:: DAAWO DAGAALKII BAARLAMAANKA: Reuters
VIDEO: Soomaali Ku Mudaharaaday BFKMG

Muuse Suudi iyo Xildhibaanadii kale oo Xabsiga laga Siidaayey
»Sh. Xasan & wargelinta kabixida Hotelka
»C/Lahi Yuusuf oo Waaniyey Dawladiisa
»Afhayeen Xariga Yalaxow ku eedeyey DFKM
»Uganda & Sudan ciidamadooda oo aadaya Som.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 19

Dell oo Shaqadii Dib ugu Celisey 31 Muslimiin ah oo u badan Soomaali
Shirkadda Computerada ee Dell ayaa heshiis la gaartey Guji...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD