-
MADAXWAYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO MAANTA DIB UGU
SOO LAABTAY DALKA.
-
DAGAALO DHIMASHO IYO DHAAWACBA GAYSTAY OO KA SOO
CUSBOONAADAY DEEGAANKA BALI HARAALE OO KATIRSAN ISMAAMULKA
SOOMAALIDA EE BARIGA ETHIOPIA.
-
NIN RASAAS KAGA QAADAY OODA QAAR KAMIDA EHELADIISA KADIB
MARKII UU QARWAY.
-
ROOBAB LIXAADLEH OO XALAY KA DA' AY MAGAALADA GALKACYO.
-
RAASHIN DHACAY OO LAGU GUBAY GAALKACYO.
Waxaa isku soo dubaridey:
Sahro Sheikh |
sahrosiglan@hotmail.com
MADAXWAYNAHA
DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO MAANTA DIB UGU SOO LAABTAY DALKA.
Monday, May 09, 2005.
Bosaso (Somalitalk).
Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Madaxwaynaha Dowlad
Goboleedka PL, Jen, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) Madaxwaynaha oo in muda
ahaydba dalka dibadiisa safaro kala duwan ugu maqnaa ayaa maanta ka soo
dagay gagida diyaaradaha ee magaalada Boosaaso halkaasi oo ay ku soo
dhoweeyeen qaar kamida wasiiro iyo xildhibaano, oo ay wehliyaan
masuuliyiinta maamulka gobolka bari.
Safarka uu Madaxwaynaha kaga soo laabtay dalalka Isutaga
Imaaraadka Carabka ee shaariqa iyo Dubai ayuu kula kulmay Madaxda dalkaasi
waxa ayna kawada hadleen arimo kusaabsan dhinaca wadashaqayna iyo
isdhexgalka labada dhinacba, Madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa
safarkiisa uu kutagay dalka imaaraadka xaalad caafimaad.
Isla safarkan mid kabadalan ayuu madaxwaynaha DGPL,
kutagay dalka jabuuti waxa uuna kaqayb galay munaasabaddii iyo
caleemasaarkii lagu doortay marlabaad madaxwaynaha dalka jabuuti Imaaciil
Cumar Geele, halkaasi oo uu madaxwayhu kusugnaa dhowr maalmood.
Madaxwaynaha DGPL ayaa lafilayaa in uu khudbado usoo
jeediyo wasiirada iyo xildhibaanada uuna uga warbixindoono dhamaanba
arimihii kala duwanaa ee uu sooqabtay lana soo kulmay mudadii uu dalka
kamaqnaa.
DAGAALO DHIMASHO IYO DHAAWACBA GAYSTAY OO KA SOO CUSBOONAADAY
DEEGAANKA BALI HARAALE OO KATIRSAN ISMAAMULKA SOOMAALIDA EE
DALKA ETHIOPIA.
Bali haraale:
(Somalitalk).
Dagaalo xoogan oo
maalmahanba dhexmarayay labo beelood oo wada daga deegaano katirsan
ismaamulka Soomaalidu dagto ee bariga Ethiopia ayaa waxaa maalin kahor
dagaalo kadhacay ay udhinteen labo ruux halka midkalana uu dhaawac soo
gaaray, ayadoo dhaawaca haatan lakeenay isbitalka wayn ee magaalada galkacyo
ayaa qaar kamida shaqaalaha caafimaadka ee gacanta ku haya oo aan wax
kawaydiiyay xaalada caafimaad ee dhaawacanaha in ay warbixin naga siiyaan
ayaa Somalitalk u xaqiijiyay in uu ladanyahay.
Dhaawaca ninkan ayaa
waxuu ka soo gaaray gacanta dhinaca garabka ayadoo ay u muuqatay in uu yahay
mid sahlan.
Dagaaladan ka socda
deegaanka bali-haraale oo u dhexaysa dhaqayaboor iyo bali midgaan ayaa in
muda ahayda ay ku dagaalamayeen beelaha kala ah Reer Biciyahan(Majeerteen)
iyo Celi (Mareexaan) dagaaladan oo dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ay
ku dhinteen labaataneeyo halka tobaneeyo kalana ay ku dhaawacantay.
Dagaaladan dhexmaraya
labada dhinac ayaan wali cidi kala dhexgalin, ayadoo ay saamayn u gaysteen
magaalooyinka galkacyo iyo caabudwaaq gudahooda ay cabsi galisayna dadka ka
soo kala jeeda labada beelood ee iyagu kala jooga magaalooyinkaa aynu kor ku
soo xusnay, waxayna wax udhimeen dagaaladan dhinaca ganacsiga ayadoo ay
xayireenna hab-sami u socodka iyo isu gudubka gaadiidka ganacsiga.
NIN RASAAS KAGA
QAADAY OODA QAAR KAMIDA EHELADIISA KADIB MARKII UU QARWAY.
Galkacyo: (Somalitalk)
Nin dhalinyaro ah ayaa
dhaawac ugaystay afar ruux oo katirsan qoyskiisa kadib markii uu ku qarway
in ay weerar ku soo qaadeen niman burcad ah, halkaas oo uu isna qorigiisa
ooda karogay kadibna uu dabada uqabtay afar qof oo kala ahaa walaaladii iyo
waalidkii kadibna uu dhaac sahlan gaaray qoyskaas.
Ninkan
ayaa waxa uu rasaasta ridayay mudo 15, daqiiqo kudhowaad ayadoo
cabsi galisay dadka kusugan gudaha magaalada galkacyo loona
maleeyay in ay dagaal isku soo qaadeed qaar kamida beelaha wada
daga magaalada, ayna subaxnimadii waraysiyo kala duwan
iswaydaarnanayeen dadka oo dhan.
Hadaba
mar aan waraysi layeeshay qaar kamida ehelada ninkan goobta uu
hurday oo uu rasaasta ka soo ridayay ayay ii sheegeen in uu
isagu hurday gudaha aqalka halka ay kuwa kale ee dhaawacu soo
gaarayna uu hurdeen dibadda aqalka.
ROOBAB LIXAADLEH
OO XALAY KA DA' AY MAGAALADA GALKACYO.
Roobab xoogan oo dabaylo
wata ayaa xalay saqdii dhexe ka da'ay magaalada galkacyo, roobabkan ayaa
waxyeelo gaarsiiyay xeryaha qaxootiga ee magaalada, kuwaas oo ah meesha ay
degan yihiin dadkii ka soo bara kacay koofurta Soomaaliya kuna sugnaa
magaalada tan iyo intii ay dalka Soomaalia dagaalada sokeeye ka dhaceen.
Roobabkan ayaa sidoo kale
waxyeelo ugaystay qaar kamida gurayaha kadhisan magaalada ayadoo ay
qaarkooda roobabkii illaa toban casho kahor kada'ay magaalada ay burbur
xoogan kudhufteen aqalada, halka kuwa kalana ay barakac ku kalifeen dadkii daganaa
ayadoo ay wada hareeyeen ilaa jiingada dusheeda.
Roobabka guga ayaan ku
ekayn magaalada galkacyo oo kaliya balse waxay si siman uga hooreen guud
ahaan gobolada PL iyo kililka shanaad ee ismaamulka ay Soomaalidu dagantahay,
deegaanada PL ayaa waxaa kamida meelaha ay sida wanaagsan uga shuxeen
roobabkan, dagmada goldogob oo katirsan gobolka Mudug dagmada burtinle oo
katirsan goboka Nugaal iyo kuwo kale.
Dhinaca ismaamulka
Soomaalida ayaa roobabkani sidoo kale ay ka da'een ayadoo ay qaar kamida
gawaarida ganacsiga ay xayireen roobaabka guga kuwaas oo inta badan ka soo
qaadi jiray qudaarta dhanka ethiopia, waxaa sidoo kale xayiran gawaaridii
rakaabka oo iyaguna u ambabixi jiray dhanka magaalada hargaysa taasina ay
sababtay in ay dad badan oo doonayay in ay kayimaadaan dhinaca hargaysa ama
Ethiopia ay xayiraan roobaka halka dad kalana ay ku xayiranyihiin dhinaca
galkacyo iyo laascaanood.
RAASHIN DHACAY OO LAGU GUBAY GAALKACYO.
Waxaa magaalada Galkacyo lagu gubay raashin gaaraya illaa todobaataneeyo
kiish oo bariisa ahaana nooca "bariiska isa-salaanka" ama nooca reer yurubka
ay "deeqda" kubixiyaan, bariiskan ayaa waxaa deeq ku bixisay hay'adda WFP,
ayadoo uxilsaartay hay'adda MSF Holland oo ka howlgasha amagaalada Galkacyo
gaar ahaan isbitaalka magaalada iyo qaybta quudinta caruurta ee magalada
galkacyo waxay sidoo kale ka howlgashaa hay'addan isbitaalka wayn iyo qaynta
quudinta ee koofurta galkacyo ayadoo hirgalisay maalgalisayna labadan
qaybood ee ay ka koobantahay galkacyo.
Ujeedada gubitaalka bariiskan ayaa waxaa ku qabsaday hay'adda duqa
dagmada galkacyo Xuseen Jaamac Yabaq oo isagu sheegay in aysan muhiim ahayn
gubitaanka raashinkan, waxa uuna sabab ama qiil uga dhigay in loo baahnaa
inta uusan dhicin in la siiyo cidii ubaanayd gaar ahana ciidanka.
Hay'adda ayaa shaaca ka qaaday in aysan ahayn ujeedka ay WFP ukeentay
deeqdan in lasiiyo ciidan ama lamariyo maamul balse loo keenay oo kaliya
dadka tabaalaysan ee kusoo xarooda keenana caruuntooda cisbitalka gaar ahaan
qaybta nafaqaynta ciyaalka.
Waxay dadku iswaydiinayaan MSF ma usumcadbaa in ay gubto raashin dhacay
mise waa usumcad daro?
Waxaa kaloo dadku iswaydiinayaan Xuseen Yabaq maxuu ugula cararayaan in
uu soo maro raashinka ama lasiiyo ciidan yaase helaya ama sidatan ugu
gudbinaya cidii loogu talagalay?
Sahro Sheikh |
sahrosiglan@hotmail.com
Rayaale oo Kabadbaaday Maamuus kaxayuubin
Shir gudoonka golaha wakiilada
Somaliland ayaa kudhawaaqay in goluhu galayo fasax mudo 45 cisho
ah, kaas oo..
Guji..
May 9
Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2005
»SPI::
SIMINNAAR KU SAABSAN XALLINTA KHILAAFAADKA
Afar Qof ayaa Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Aagga Kismaayo
»Hay'ada
SED oo Cabmaaraysay Dagaalaada Jubooyinka
»Reer
Kismaayo oo hadal Haya Baaqashadii Safarkii Geedi
»Guddoomiyaha
Kubadda Cagta ee Sh/Dhexe oo is casilay
Wararka oo
dhan ka akhri halkan.. Guji...
»MAXAA
DAWLADDA CUSUB U QABSOOMAY? | Xildhibaan
Ibraahim
Geedi oo Kusoo
Laabtay Nairobi
Waftigii uu hogaaminayey Prof. Cali
maxamed Geedi ayaa kusoo laabtay Nairobi kaddib markii...
Guji...
May 8
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE
QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 |
JANAAYO 2005 [.pdf]
BOOSAASO
& LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka
Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland
Qaar ka mida...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|