SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Dagaal Ka Dhacay Aagga Kismaayo
  • Reer Kismaayo oo hadal Haya Baaqashadii Safarkii Geedi
  • hay'ada SED oo Cabmaaraysay Dagaalaad ka soo cusboonaaday Jubooyinka

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Afar qof ayaa dhimatay ugu yaraan7 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kaam Jiroon oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo kadib markii ay maleeshiyo beeleedyo halkaa isaga hor yimaadeen. 

May 8: Dagaalkan oo dhacay shalay galinkii danbe aya waxa uu ka qarxay deegaanka Kaam Jiroon oo kuunfur kaga taala duleedka magaalada Kismaayo halkaasoo ay isaga hoyimaadeen labo maleeshiyo beeleedyo  oo  wada daga  deegaanka.  

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogsoonayahay ilaa afar qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 7 qof ayaa waxa uu bilowday kadib markii ay isku gacan qaadeen labo nin ka mid ah dadka deegaanka Kaam Jiroon kadibna ay xaajadii isku badashay dagaal beeleed halkaa ka bilowda. 

Dagaalkan shalay halkaa ka bilowday ayaa waxa uu deegaanadas ka abuuray xaalad colaadeed oo ila iyo haatan laga dareenmayo qaar ka mid ah tulooyinka ku dhow dhow sida tuulada Dhalajo oo ayadu lafteeda uu saameyn ku sheeshay dagaalkii shalay halkaa ka qarxay ayadoo haatana ay muuqato qasaaraha naf iyo maal leh ee uu dagaalkaas shalay gayestay aydoo ay haatana wali isku col aruursanayaan labadii beelood ee shalay halkaa ku dagaalamay. 

Dhanka kale waxaa maalinimada barri ah la qorshaynayaa in uu deegaankaas dagaalka ka dhacay uu gaaro taliyaha ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba mudana Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) si ay deegaanadaas ugu soo celiyaan nabad islamarkaana ay u heshisiiyaan beelaha walaalaha ah ee deegaanka wada daga ee halkaa shalay ku dagaalamay . 

Hadaba qorshahaan uu barito mudane Goobaale ugu anba baxayo tuulooyinka uu shalay dagaalka ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyada ayaa la sheegay in ay ku wehehlin doonaan odayaal ka socda labada dhinac ee ay dirirtu dhex martay oo haatan ku sugan magaalad Kismayao si nabad logu soo dabaalo deegaanka Kaam Jiroon oo ay dagaan dad u badan xoolo dhaqato beeraleey iyo dadka shida dhuxusha laga dhoofiiyo dalka. 

Dhanka kale dad waynaha reer Kismaayo ayaa waxaa ay hadal hayaan shalay iyo maantaba socdaalkii uu raysul wasaare Geedi ku imaan lahaa magaalada Kismaayo ee baaqday ayagoo ka bixiyaya aragtiyo kala duwan islamarkaana ku tilamaay baaqashada socdaalka geedi mid ay aad oga xumaadeen ayna ku sheegeen in ay tahay mid mudan raali galin. 

“Waxaa naga baxay qarasha aad u badan oo aan ku qarash garaynay samaynta sawirada raysul wasaare Geedi si loogu soo dhaweeyo waxaan mudo sadex barri ah heegan galinaya ciidankii xooga dalka soomaaliyeed intii ka joogtay gobolada jubboyinka gaar ahaan magaalada kismaayo si ay salaam oga qaataan raysul wasaare geedi marka uu ka soo dago garoonka dayuurada kismayo waxaan sidoo kale heegan galinaya ardayda iskuulada kooxda musiiga qaraacda ee banbayda ururada bulshada si ay gacmo furan iyo caleemo qoyan ogala hortagaan raysal wasaare Geedi” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah gudiyadii loo xilsaaray soo dhaweynta raysulw asaare cali maxamed geedi ayadoo baaqashada raysul wasaare geedi lagu macaneeyay arimo kadis ah oo soo foodsaray kadib markii uu madax waynahaya dowalda FDKG ah uu aaday dalka Djabuti si uu oga qayb qaato caleemo saarka madax wayanaha dalka jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelo halkaasoo raysul wasaare Geedi uu qorshahisii uu ugu amba bixi lahaa magaalada Kismaayo iyo shirar uu la yeelan lahaa qaar ka mid ah xubnahha labada gole ee dowaladiisa ee ku sugan muqdisho uu baajiayay. 

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka sare ee isbahaysiga Dooxada Jubba oo ku saabsan baaqashada uu raysulwasaare Geedi ka baaqday safarkiisii uu ku imaan lahaa magaalada Kismaayo.

### 

Hey ada u dooda xaquuqda aadamaha ee magacaseedu yahay SED HUMEN RIGHTS CENTER  ee fadhigeedu yahay magaalada kismaayo oo canbaareeyay dagaalada ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah deegaanada gobolada jubbooyinka. 

Kismaayo May 8, 2005: Agaasimaha fulinta ee hey ada xaquuqda aadanaha ee SED HUMEN RIGHTS CENTER qayebta kismaayo ninka lagu magacaabo daahir cali barre (ali kamiin) ayaa war saxaafadeed uu manta  xafiiskiisa ka soo saray waxa uu ku dhaleeceeyay dagaalada dib oga soo cusboonaaday qaar ka mid ah deegaanada gobolada jubbooyinka oo ay ka mid yahiin deegaanak xaramka iyo  jilib dagaaldaas oo dhex maray maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada daga. 

“Waxaa horey u jiray dadaalo lagu nabadaybnayo beelahii halkaa ku dagaalamay oo ay wadeen isbahaysiga dooxada jubba balse haatan u muuqda ku fashilmay colaada iyo khilaafka ka jira deegaanadaas  waxay Qatar ku hayaan dadka safarka ah ee mara wadooyinka deegaandaaas” sidaasi waxaa warsaxaafadeedkiisa ku soo saaray daahir ali kamiin oo ah agaasimahya fulinta hay ada SED HUMEN RIGHTS CENTER ee fadhigeeedu yahay magaalda kismaayo. 

Hadaba dhacdooyinkii ay xarunta xaquuqul insaanka ee SED HUMEN RIGHTS CENTER ay aruurisay waxaa ka mid ahaa 3/may/2005 dablay hubeysan ayaa ku xabadeeyeen gaari rakaab ah ayadoo ay halkaasi ku dhinteen labo qof oo uu midi yahay wadahii baabuurkaas sidoo kale falalka aragagaxa leh oo ay manta war saxaafadeedkeeda ku soo bandhigtay 4/may 2005ayaa waxaa ay dableey hubaysan tuulada makaaso ee u dhow deegaanka xaramka macalin dugsi quraan waxaana halkaas ka qarxay dagaalkii labada beelood kaasoo ku fiday tuulooyinkii deegaanka kazoo gayestay dil dhac kufsi iyo waxyaabo lidi ku ah xaquuqda aadanaha. 

Ugu danbayentii waxa ay hay ada u dooda xaquuqul insaanka ee SED HEMEN RIGHTS CENTER qayebteeta kismaayo ugu baaqaysaa dhamaan mas uuliyiinta maamulka isbahaysiga dooxada jubba odayaal dhaqameedka wax garadka aqoonyahaynada in ay dhexda u guntdaan sidii ay u badbaadinlahaayeen dadka masaakiinta ah ee tabarta dartan ee ku wax yeelooba dagaalada dhex mara maleeshiyo beeleedyada iyo waliba kuwa aan cidina ka amar qaadan ee dilka iyo dhaca u gayesta dadka ku nool gobolada jubbooyinka. 

Hadaba ma ahan markii ugu horeysay oo ay hay ada u dooda xaquul insaanka ee   

SED HUMEN RIGHTS CENTER qayebteeda kismaayo ay soo bandhigto tacadiyada loo gayesto dadka tabarta daran eek u dhaqan gobolada jubbooyinka islamarkaana ay soo saarto warbixin sanadeed ay oga hadasho dhibaatoyinka loo gayesto dadka gobolada jubboyinka.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Guddoomiyaha Kubadda Cagta ee Gobolka Sh/Dhexe oo is casilay
Xaaji Cusmaan Jiinow Maxamuud oo ka mid ah bahda isboortiga isla markaana ahaa Guddoomiyihii Xiriirka K/Cagta G/Sh/Dhexe ayaa is casilaadiisa u gudbiyey guddiga olambikada G/Sh/Dhexe nuqul ka mid ah warqada is casilaada xaajiga oo la soo gaarsiiyey xafiiska cayaaraha Jawhar ayaa sidoo kale ogeysiis ku aheyd guddiga olambikada soomaaliyeed ee GOS.. Warka ciyaaraha...

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2005

C/Laahi Yuusuf iyo Xuseen Caydiid oo u Safray Jabuuti
»Waftiga Somaliya oo ka qayb galaya Caleemo saarka Geelle
»Ganacsato Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiga Mandhera
»Maraykanka oo beeniyey in ciidamadiisu galeen Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...

Gaari Tekniko ah oo uu Leeyahay C/Qaasim Salaad oo Weeraray guriga Barre Hiiraale
»Kismaayo: Labo qof oo ku dhaawacmay weerar maleeshiyo
»Marwada Madaxweynaha Kenya & Siyaasada dalka kenya
»Safarkii R/wasaaraha DFKMG ee kismaayo oo dib u dhacay
»
Muqdisho: Prof Geedi oo la kulmay Haweenka Banaadir...
»Shariif Xasan oo Tacsi u diray dadkii ku dhintay Qaraxii...
»Khudbadii uu Jeediyey Geedi Qaraxii Muqdisho ka dib...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Baaq ka soo Baxay kulan cilmiyeedkii Boosaaso

War Saxaafadeed ku saabsan qaraxii Bamka ee Muqdisho
»Geedi oo Booqday Dadkii Dhaawacu kasoo gaarey Qaraxii..
»Shir looga hadlayey ammaanka oo lagu qabtay Laascaano
»Hay'ad cusub oo maanta laga dhisay Garoowe..
»Xildhibaanada PL oo booqday Garoonka Galkacyo..
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD