SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa soo gaaray Xarunta Xukuumada Soomaalida ee Nairobi  isagoo ka soo laabtay Safar u ku Joogay Muqdisho. 

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Nairobi May 7: Raysulwasaaraha Xukuumada Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa dib ugu soo laabta Xarunta Xukuumadiisa ee Nairobi  ka dib markii uu Safar wada tashi ah oo ku joogay Labadii Asbuuc ee ina dhaafay Muqdisho. 

Prof Cali Maxamed Geedi oo saxaafada u waramayay ayaa sheegay in safarkiisa guud ahaan ku dhamaaday guul& is afgarad isaga oo sheegay in qarixii Muqdisho ka dhacay xili Prof Geedi la hadlayay Qeybaha kala duwan ee Muqdisho uusan Waxba u dhimi doonin Geedi Socodka Nabada  ee Xukuumadiisu wado. 

Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu xusay in Shacabka Soomaaliyeed muujiyeen Rabitaankooda doowlada ay ku doonayaan isaga oo Xusay in Shilkii dhacay aysan Shacabka Soomaaliyeed ku niyad Jabi Doonin. 

Raysulwasaare Geedi oo ka Jawaabayay Su'aal ahayd sida isagu udareemay Qarixii ka dhacay Muqdisho ayaa Xusay waxa uuna sheegay in Amarka ilaaheey aysan Cidina Joojin Karin waqtigii alle ugu talo galena wax dhacayaan. 

Prof Geedi oo la weydiiyay cida ay is arkeen ama soo raacday ayaa xusay in uusan Qorshuhu aheen in ay Yimaadaan balse Ujeedadu waxa ay ahayd in aan soo Arko hoowsha ay wadaan taasoo ah mid ku jirta qorshaha Qaranka meel wanaagsan ayeeyna marsiinayeen inta ka dhimana Xukuumada ayaa  dhamestiri Doonta waxa uuna Xusay in ilaa xad uu ku qanacsanyahay Hoowsha ay qabteen. 

Mar la weydiiyay in ay wax is afgarada isla meeldhigeen Xubnaha labada Golle ee ku Sugan Muqdisho waxa uu sheegay isaga oo Yiri Maxaan Isla meel dhigi laheen Nimanku waxa ay ka tirsanyihiin Xukuumada& Baarlamaanka howl bey ka hayeen meesha shaqada ay hayaan biloow beey aheyd in ay dhameeyaana waan rajeeynayaa. 


Soo dhoweyntii ra'iisul wasaaraha

Mar la weydiiyay in uu Cadeeyo waxa uu ka tana sulay maadaama ay Jireen Khilaaf Xaga Fikirka ah ee u dhaxeeyay Xubnaha Labada golle ee ku sugan Muqdisho& isaga ayaa Carabaabay wax la isku hayoon Jirin Caasimadna dhib kama Taagneen Ciidamo Saf hore& Safdanbane ma jirin oo la isku hayay . 

Mar la weydiiyay Isbadalka Xaga Fikirka ah intii uusan Muqdisho Tagin iyo Booqashadiisa waxa uu xusay in aysan Jirin wax Isbadala  Muqdisho Figardii aan ka qabay bay midkii aan ku soo arkay Buu ahaa.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2005

C/Laahi Yuusuf iyo Xuseen Caydiid oo u Safray Jabuuti
»Waftiga Somaliya oo ka qayb galaya Caleemo saarka Geelle
»Ganacsato Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiga Mandhera
»Maraykanka oo beeniyey in ciidamadiisu galeen Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...

Gaari Tekniko ah oo uu Leeyahay C/Qaasim Salaad oo Weeraray guriga Barre Hiiraale
»Kismaayo: Labo qof oo ku dhaawacmay weerar maleeshiyo
»Marwada Madaxweynaha Kenya & Siyaasada dalka kenya
»Safarkii R/wasaaraha DFKMG ee kismaayo oo dib u dhacay
»
Muqdisho: Prof Geedi oo la kulmay Haweenka Banaadir...
»Shariif Xasan oo Tacsi u diray dadkii ku dhintay Qaraxii...
»Khudbadii uu Jeediyey Geedi Qaraxii Muqdisho ka dib...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Baaq ka soo Baxay kulan cilmiyeedkii Boosaaso

War Saxaafadeed ku saabsan qaraxii Bamka ee Muqdisho
»Geedi oo Booqday Dadkii Dhaawacu kasoo gaarey Qaraxii..
»Shir looga hadlayey ammaanka oo lagu qabtay Laascaano
»Hay'ad cusub oo maanta laga dhisay Garoowe..
»Xildhibaanada PL oo booqday Garoonka Galkacyo..
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD