SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 15, 125

Barnaamijkii Radio Xoriyo

06  May 2005 

  • Shir wayn oo qadiyada Ogadeniya lagu taageerayay oo ka dhacay magaalada Nayroobi
  • Tirada dadkii daadadka ku dhintay oo sii korodhay
  • Askar Wayaane ah oo Eritereya isu dhiibtay
  • Mucaaradka Itoobiya oo canbaareeyay Sheekh Al-Camuudi
  • Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

====================== 

Shir wayn oo qadiyada Ogadeniya lagu taageerayay oo ka dhacay magaalada Nayroobi 

 Maalintii axadda ahayd ee taariikhdu ku aaddanayd 1/5/2005 ayaa magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya ka dhacay shir ballaadhan oo lagu taageerayay halganka Ogaadeenya, kaasoo ay ka soo qayb galeen dhammaan hooggaamiye dhaqameedyada, culimada, aqoonyahaniinta, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshooyinka  ku kala  abtirsada Jubooyinka Soomaaliya,waqooyi-bari Kenya iyo  dhulka Ogadeniya.

Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay halgamaaga wayn ee lagu magacaabo Maxamed Diiriye Uurdoox, oo hadda ka hor madax ka ahaan jiray Jabahaddii Soomaali Galbeed. Maxamed Diiriye Uurdoox ayaa hadal dheer shirkaas ka soo jeediyay, wuxuuna si qoto dheer uga hadlay taariikhda halganka Ogaadeenya iyo marxaladaha kala duwan ee uu soo maray, wuxuuna halgame Uurdoox  ka qayb galayaasha shirka aad ugu boorriyay inay halganka la garab istaagaan hiil iyo hooba. Mr Uurduux wuxuu kaloo dadka aad ugu dhiiri geliyay inay ilaaaliyaan midnimada, isagoo yidhi “waa in aan midnimadeena ilaalinaa si kaalinteena aynu ugu soo baxno”, wuxuuna hadalkiisa ku gabagabeeyay in naf iyo maalba loo huro halganka ay JWXO hormuudka ka tahay.

Waxaa kaloo isaguna shirkaas hadal dheer ka soo jeediyay N/hure Suldaan Aadan Yuusuf Taani oo ka mid ah xubnaha G/Dhexe ee JWXO ahna ku xigeenka Hogaanka Hanti Dhawrka iyo Kormeerka ee JWXO. N/H Taani wuxuu si dheer uga hadlay qadiyada Ogaadeenya iyo baahida ay shacabku u qabaan xornimada. Markii uu ka hadlayay halganka hubaysan ee ay JWXO ku jirto wuxuu xusay duruufihii ku kallifay JWXO inay xabada qaadato isagoo tusaale u soo qaatay go’aankii aftida ee uu gaadhay baarlamaankii uu hogaaminayey Allaha ha u naxariistee Mudane Xasan Jire Qalinle 1994kii, go’aanka aftida oo ay baarlamaanku isku raaceen 100% in afti laga qaado shacabka Soomaalida Ogaadeenya ayaa halka laga dhawrayay xukuumada Itoobiya inay fuliso go’aanka baarlamaanka ayaa jawaabta ay ka bixisay waxay noqotay inay gumaado madaxdii ay shacabku sida xorta ah u soo doorteen.  

Wuxuu tilmaamay in magaalooyinka Godey, Qabridaharre iyo Qallaafe uu Tigreegu ku laayay madaxdii gobolladaas iyagoo weerar ku qaaday gudoomiyihii Jabhada ee xiligaas Sheekh Ibraahim Cabdala Maxamed oo kormeer ku marayey xarunta gobolka Doollo ee magaalada Wardheer halkaas oo ay ku laysay in ka badan 80 qof oo shacabkii magaalada ahaa. 

Wuxuu kaloo N/H Taani xusay wada-hadaladii nabadeed ee ay JWXO gashay, isagoo tusaale usoo qaatay shirkii Qabridaharre iyo tallaabooyinkii kale ee JWXO ku doonaysay in wada-hadal lagu dhammeeyo arrinta Ogaadeenya, hase yeeshee ay Itoobiya burburisay. N/H Taani wuxuu  dadwaynaha ku guubaabiyay in hiil iyo hooba lala garab istaago halganka ay JWXO hormuudka ka tahay, lagana dheeraado qabyaalada. 

Dhammaan ergooyinkii shirkan ka soo qayb galay waxay go’aan ku gaadheen in taageero naf iyo maalba ah ay la garab istaagaan halganka hubaysan ee ay JWXO hormuudka ka tahay iyo weliba in tabarrucaad loo sameeyo Hawlgalkii Mandad iyo halganka guud ahaan.

Bulshooyinkaas kasoo qayb galay shirkaas ee magaalada Nayroobi waxay  salaan iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan N/hurayaasha JWXO gaar ahaana N/hurayaashii ka qayb qaatay Hawlgalka Mandad. 

Tirada dadkii daadadka ku dhintay oo sii korodhay 

Tirada dadkii ku dhintay fatahaadii Wabiga Shabeelle iyo daadadkii ka dhashay roobabkii xoogga badnaa ee ka da’ay gobollada Ogaadeenya ayaa kor u kacday, waxayna hadda maraysaa 154 qof. Waxaa kaloo daadadkaas  ku dhintay in ka badan 50,000 oo Neef xoolo ah. Daadadku waxay guryo la’aan dhigeen dad ay tiradoodu ka badan tahay 150, 000 oo qof, hase yeeshee shaqaalaha samafalka ayaan ilaa iyo hadda fursad u helin inuu gargaar gaadhsiiyo kumanaan qof oo dhibaatadaas ku tabaaloobay. 

Roobabka ayaa la sheegayaa inay toddobaadkii labaad si xidhiidh ah uga da’ayaan gobollada Ogaadeenya oo dhan. Shaqaalaha samafalka ee meelaha qaarkood gaadhay ayaa sheegaya in dhimashadu ay wali socoto. Waxay kaloo sheegeen inay jiraan deegaanno badan oo xidhmay oo aan la geli Karin, isla markaana meelaha ay dhibaatooyinku ka dhaceen lagu arkay cudurrada ay ka midka yihiin mallaariyo iyo shuban. 

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in tuulooyinka ay dhibaatadu ku habsatay qaarkood aan la tegi Karin, iyadoo ay ugu wacan tahay jidadkii oo xidhmay. Tirada dhimashada ayaa la filayay inay kor u kacdo, sababtoo ah waxaa jira dad la la’yahay tan iyo markii ay daadadku billowdeen toban maalmood ka hor, sidaas waxaa sheegay xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan isku xidhka arrimaha samafalk 

Xafiisku wuxuu kaloo sheegay in deegaanno afar ah aan la geli Karin, isla markaana ayna suuragal ahayn in gargaar la gaadhsiiyo. 

Askar Wayaane ah oo Eritereya isu dhiibtay 

Raadyaha Eritereya, qaybtiisa Tigreega ayaa sheegtay in toban askari ay ka soo baxsadeen ciidammada Itoobiya ee ku sugan furinta u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritereya, kuwaasoo isu soo dhiibay dawlada Eritereya. Askartan isa soo dhiibtay ayaa sheegtay inay diiddan yihiin dagaalka ay xukuumadda Itoobiya isu diyaarinayso inay mar labaad ku soo qaado dalka Eritereya.

Askartan, ayaa sheegtay in taliska Addis Ababa uu isu diyaarinayo inuu Eritereya ku soo qaado dagaal lagu hoobto, waxayna tilmaameen in askar Wayaane ah oo aad u fara badan ay u soo cararaan dhinaca Eritereya ama ay u baxsadaan tuulooyinkii laga soo xasuuqay, si ay uga badbaadaan in la soo qabto oo la ciqaabo. 

Dhinaca kale madaxwaynaha Eritereya Isayas Afewerki ayaa sheegay in marka la dejinayo bajadka dawladiisa ee sannadka 2005-2006 maskaxda lagu hayn doono dagaal, iyadoo ay ugu wacan tahay diidmada ay xukuumadda Itoobiya diidday inay aqoonsato go’aankii maxkamadda adduunka ee xallinta khilaafka xuduudda. 

Dawlada Eritereya waxay ciidammo badan gaysay dhinaca Casab badhtamihii bishii tegtay. Wasiirka arrimaha dibada ee Eritereya ayaa isaguna 14/04/2005 booqasho ku tegay dalka Ruushka, si uu ula soo galo heshiis ay Eritereya hub kaga soo iibsanayso dalka Ruushka. 

Xukuumadda Itoobiya ayaa iyaduna dhinaceeda ciidammadii ka joogay furinta ku aaddan magaalada Babdme oo ahaa 60,000 oo askari, hadda ka soo dhigtay 90,000 oo askari, kuwaasoo hadda lagu soo uruuriyay meel 40 kilo mitir u jirta magaalada Badme. 

Mucaaradka Itoobiya oo canbaareeyay Sheekh Al-Camuudi 

Xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa si wayn u canbaareeyay maalqabeenka Sucuudiga ah ee lagu magacaabo Sheekh AL-Camuudi, kaasoo maalgelin wayn ku sameeyay Itoobiya, isla markaana gacan wayn siiya xabashida.  

Mucaaradka ayaa Sheekha ku canbaaraynaya inuu gacan siinayo ururka EPRDF ee talada haysta, isla markaana uu xayaysiis u sameeyo ururkaas xilli lagu jiro ololaha doorashada la sheegay in Itoobiya laga hirgelinayo 15-ka bishan aan ku jirno ee May.

Ku xigeenka guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee EUDF ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in Sheekha  Al-Camuudi uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Itoobiya oo aanuu taageerin ururka talada haysta ee EPRDF. 

Madaxa qaybta xidhiidhka guud ee xisbiga mucaaradka ah ee CUD ayaa isaguna tallaabada Al-Camuudi ku tilmaamay inay tahay mid sharciga ka soo horjeeda, wuxuuna is-waydiiyay in Sheekh  Al-Camuudi uu aaminsan yahay nuxurka uu xayaysiiskiisu xanbaarasan yahay iyo in kale.

Sheekh Al-Camuudi waxaa la sheegaa inay isku dhaw yihiin keligii taliye Meles Zenawi, isla markaana uu dhaqaale badan ku bixiyo sidii ay xukuumadda Itoobiya u badbaadi lahayd, isagoon wax tixgelin ah siinaynin malaayiinka muslimiinta ah ee xukuumadda Itoobiya ay gumaysato iyo kuwa ay xuquuqdooda duudsido. 

 Radio Xoriyo

06 May. 2005 

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com  

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

www.radioxoriyo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2005

Gaari Tekniko ah oo uu Leeyahay C/Qaasim Salaad oo Weeraray guriga Barre Hiiraale
»Kismaayo: Labo qof oo ku dhaawacmay weerar maleeshiyo
»Marwada Madaxweynaha Kenya & Siyaasada dalka kenya
»Safarkii R/wasaaraha DFKMG ee kismaayo oo dib u dhacay
»
Muqdisho: Prof Geedi oo la kulmay Haweenka Banaadir...
»Shariif Xasan oo Tacsi u diray dadkii ku dhintay Qaraxii...
»Khudbadii uu Jeediyey Geedi Qaraxii Muqdisho ka dib...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Baaq ka soo Baxay kulan cilmiyeedkii Boosaaso

War Saxaafadeed ku saabsan qaraxii Bamka ee Muqdisho
»Geedi oo Booqday Dadkii Dhaawacu kasoo gaarey Qaraxii..
»Shir looga hadlayey ammaanka oo lagu qabtay Laascaano
»Hay'ad cusub oo maanta laga dhisay Garoowe..
»Xildhibaanada PL oo booqday Garoonka Galkacyo..
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD