- "Ciidamada Maraykanka oo Galay
Soomaaliya" Warbaahinta Caalamka
- Ganacsato Soomaaliyeed oo ku
xiran Xabsiga Mandhera Maalintii Labaad.
Madaxweynaha DFKMG ah oo ka qaybgalaya
munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti.
May 6 2005: Madaxweynaha Dowlada
Federalka KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha
ahna Ra'iisulwasaare ku xigeenka Xuseen Maxamad Caydiid,ayaa galabta
u ambabaxaya dalka Djabuuti oo bari lagu waddo in ay ka dhacdo
xaflad lagu caleema saarayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr.Ismaaciil
Cumar Gelle.
Mas'uuliyiinta ka Socda Dowladda
Federalka KMG ah ayaa qayb ka ah Madax Fara badan oo kala imaanaysa
meelo badan oo aduunka ah,iyagoo ka qayb galaya Munaasabadda caleema
saarka Madaxweynaha Jabuuti Mr.Ismaaciil Cumar Gelle oo mar kale
nasiib u yeeshay in uu hogaamiyo shacabka reer jabuuti.
Madaxweynaha dalka Kenya Mr.Mwai
Kibaki ayaa lagu wadaa in isaguna gaaro dalka jabuuti si uu uga qayb
galo Caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti oo bari lagu waddo in ay ka
dhacdo gurriga ummadda dalka jabuuti.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr.gelle
waxaa ka qayb galaya munaasabada lagu caleema saarayo Soomaali kala
duwan marka laga saaro Xukuumada Federalka ah,waxa ayna dad badan ku
xasuustaan shirkii dib u heshiisiinta ee jabuuti lagu qabtay laguna
soo dhishay dowladi KMG ahayd ee Dr.C/qaasim.
Canab Mumtaz | SomaliTalk | kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
"Ciidamada Maraykanka oo Galay
Soomaaliya" Warbaahinta Caalamka
May 6, 2005:
Warar ay maanta baahiyeen
warbaahinta caalamka ayaa shaaca ka qaaday in Talaadadii la soo dhaafay
ay ciidamada Maraykanku galeen dhulka Soomaaliya, kaddibna ay dib uga
baxeen.

Major General Samuel Helland |
Sawirka: Reuters
|
Waxaa wararku intaas ku dareen in 20 ka
tirsan ciidamada badda ee Maraykanka oo watey laba doonyood in ay galeen
magaalada Maydh ee Woqooyiga Soomaaliya, kaddibana ay dadkii ay la
kulmeen tuseen sawiro ay ku macneeyeen "argagixiso" ay raadinayeen.
Aqalka Pentagon ee looga taliyo
Militariga Maraykanku arintaas waa beeniyey.
Major General Samuel Helland oo ah
sarkaalka hogaamiya ciidamada badda ee jooga geeska Afrika oo maanta
warbaahinta u waramayey asagoo joogey xarunta Safaarada Maraykanku ku
leeyahay Nairobi waxa uu beeniyey warka sheegaya in ciidamada badda ee
Maraykanku ay galeen Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland
arintaas in uu wax ka yiraahdo waa ka gaabsaday sida ay werisey
aljazeera. Waxa kale oo ay Aljazeera warka ku dartay in Talaadadii la
arkay saddex doonyood oo Maraykan ah iyo diyaarad helikobtar ah, kuwaas
oo lagu arkay dekeda Laasqorey, ayagoo dadkii kalluumaysatada ahaa
su'aalo weydiiyey.
Source: Reuters | Aljazeera | May 6,
2005
Ganacsato Soomaaliyeed oo ku xiran
Xabsiga Mandhera Maalintii Labaad.